Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Ethiopias foreign policy on Somaliland and Somalia

Recommended Posts

Itoobiya Oo Cadaysay Inaanay Faa’iido Ugu Jirin Dawlad Awood Leh Oo Somaliya Ka Dhalata, Sheegtayna In Aqoonsi Somaliland Heshaa Caqabad Ku Noqonayo Danaheeda

“Odhaahda ah in Somaliya mar kale ka dhisanto nooc dawlad ah, nabad, dimuqraadiyad iyo horumar Somaliya ka hirgalla Itoobiya Faa’iido uguma jirto”Wasaarada khaarajiga Itoobiya

“Somaliya waxa jira dekado badan oo Itoobiya u suurto-galin kara hawlaheeda, marka laga soo bilaabo dekeda Saylac oo taariikh dheer Itoobiya isticmaalaysay” Siyaasada Itoobiya ee Somaliya

Addis-Ababa (Waaheen) – Dawlada federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha caalamka iyo dalalka Afrika ee ay ka mid tahay, waxayna muujisay in aanay raali ka ahayn in Somaliland aqoonsi hesho.

Dawlada Itoobiya ah oo dawlad guun ah oo ay ku nool in ka badan 82 Milyan oo ruux oo kala qoomiyado ah, ayaa shaacisay siyaasada ay ka leedahay dalka Soomaliya oo ay hadda ciidamo ka joogaan iyo waliba Somaliland oo ay u aragto in nabadgalyadeeda ay faa’iido ugu jirto.

Wasaaradda arimaha dibada ee Itoobiya ayaa Website-keeda gaarka ah ku baahisay qoraal dheer oo ay ciwaan uga dhigtay “Siyaasada Itoobiya Ee Ku Waajahan Somaliya”, kaasi oo ay ku faaqiday dhibaatada ka taagan Somaliya iyo haddii dawlad awood lihi ka dhalato dhibaatada ay filan karto iyo faa’idada ay ku qabto wakhtigan guud ahaan dalkii Somaliya la isku odhan jiray.

Qoraalkan oo ku daabacnaa luuqada Afka Ingiriisiga ayaa lagu sheegay in aqoonsi Itoobiya gacan ka geysato oo Somaliland hesho aanu Itoobiya dani ugu jirin, iyadda oo wasaaradu sheegtay in aqoonsi Somaliland Itoobiya ka hesho uu saamayn xun ku yeelanayo danaha ay ka leedahay Somaliya, iyadda oo sidoo kale muujisay sida aanay u danaynayn dawlad Somaliya ka dhalata “Odhaahda ah in Somaliya mar kale ka dhisanto nooc dawlad ah oo soo celisa nolosha, nabad, dimuqraadiyad iyo horumar Somaliya ka hirgalla Itoobiya Faa’iido uguma jirto”ayay wasaarada khaarajiga Itoobiya qoraalkeeda ku tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadda oo ka hadlaysa aqoonsi Somaliland hesho “Su’aasha ku salaysan Somaliland oo loo aqoonsado dawlad, Itoobiya uma qorshaysna inay si gaar ah u samayso, maxaa yeelay waxay dareen xun ku abuuraysaa Somalida kale ee nabada ku nool (Maamulada kale), taasina warwar ayay ku tahay danahayaga”

Itoobiya waxay sheegtay in wada shaqeynta ka dhaxaysa Itoobiya iyo gobolada Somaliland ku jirto aanay ka mid ahayn in la aqoonsadaa “Sidaa daraadeed wada shaqeyntayada Maamulada kuma jirto inaanu aqoonsano”ayay tidhi war-bixinta wasaarada arimaha dibada Itoobiya baahisay, waxayna intaasi raacisay in dekedaha Saylac ka mid tahay ay isticmaalayeen ilaa muddo fog “Somaliya waxa jira dekado badan, kuwaasi oo Itoobiya u suurto-galin kara hawlaheeda, marka laga soo bilaabo dekeda Saylac oo taariikh dheer Itoobiya isticmaalaysay iyo ilaa Kismaayo”

Wasaarada arimaha dibada Itoobiya oo sidoo kale qoraalkeeda ku muujisay in Itoobiya qorshaynayso inay dhaamam ka sameeyaan wabiyada Itoobiya ka yimaada ee Somaliya galla, ayaa waxa kale oo ay muujiyeen in Somalida Itoobiya ee ku dhaqan kililka shanaad ay la midaysan yihiin qoomiyadaha kale ee Itoobiya, isla-markaana ay ka yaraatay aragtidii Soomalinimadu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

TPLF is pretty smart when it comes to foreign policy on somaliland and somalia, keep somalia divided along clan lines and clan entities. Keep somaliland as a friend tell them ur on their side but make sure they don't get recognition. Even if they do it should not come from Ethiopia or else u might unite somalia against Ethiopia. Cause Ethiopia knows there is only one factor that unites somalia which is Somaliland should not be Recognised the only thing the TFG shabaab and puntland the warlords. agree on. And make sure u keep the balance between the two and use ur political influance against them. In the mean time they are building a huge port in lamu soon they won't need somali ports djbouti berbera maybe for smaller imports.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

If this was their policy,surely they wont put it out there for everybody to see it,right??

Share this post


Link to post
Share on other sites

'A boy born in Adis Ababa is better and more closer to me than a one born in Mogadishu' line did not work after all for our Norther secessionist politicians, eh

 

Ethiopia is a majority Muslim country, and it is fated to be a freindly country , geography, demographics, and proximity will force a change in relations

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

This isn't news. Waan ogeyn waa hore that it's not in ethiopia's interest for somalis to settle & develop it's just that some are blinding themselves to this fact.

Share this post


Link to post
Share on other sites

they could calculate the somali status quo might be in their interest,but if they really smart they be much stronger with rich stable somalia.

It's known Ethiopia has no hand in the destruction of somalia & won't be able to stop if somalis decide to build thmslvs up from the ashes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

a) Taariikhda iyo asalka xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo SoomaaliyaRIYADA ITOOBIYA

 

"Ethiopia's policy towards Somalia"

 

Waa tarjumada qoraalka boggani xambaarsan yahay...

"...nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya"*

Wasaradda Arrimaha dibadda Itoobiya

 

Xiriirka ka dhexeeya dowladda Itoobiya iyo Soomaaliya weligiisba ma aheyn mid caafimaad qaba. Marka la eego taariikhda dhow ee Soomaliya iyo Itoobiya, waxaa dhex marey hal dagaal oo yar iyo mid weyn. Riyada maran ee waxa loo yaqaan “Soomaali Weyn” oo ah Siyaasad is-ballaarin ah ayaa u keentey Soomaaliya wax aan ka aheyn colaad/din iyo iska hor-imaadyo ay la gashey dalalka la dariska ah, gaar ahaan dalka Itoobiya. Waxaa intaa dheer, Soomaaliya weligeedba waxay la safan jirtey kooxo iyo waddamo ay rumeysantahay in ay ka soo hor jeedaan dalka Itoobiya waddamadaas iyo kooxahaas oo carqaladeeyey Nabadda Itoobiya. Tan waxaa la sii xiriirtey, in Soomaaliya ay ku guuleysatey in ay kiciso tiro weyn oo Soomaalida Itoobiya ah si ay u noqdaan kuwa Soomaalida kala qayb gala in ay fuliyaan siyaasaddooda is-ballaarinta ku dhisan. Marka taas la eego, Itoobiya waxay weligeed u ballaqneyd hujuumaad cabsi leh oo uga imanayey Soomaaliya iyo goobo kaleba.

Itoobiya, iyadu dhinaceeda, intii ay hujuumka uga yimid Soomaaliya uga jawaabi laheyd in ay ixtiraamto xuquuqda Soomaalida Itoobiya iyo in ay kobciso walaalnimada ka dhexeysa dadka Itoobiya si ay Soomaalida Itoobiya ugu dhex noolaadaan ugana mid ahaadaan iyagoo xor ah dalka Itoobiya, ayey dowladda Itoobiya waxay u jeesatey sidii ay u kala dhantaali laheyd Midnimadii Dadka iyo Dalka Soomaaliya iyadoo dowladda Itoobiya ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay arrintaas gurracan u fulin laheyd intey la gaartaba ama u suurta gasho. Siyaasaddan waxay aheyd mid looga jawaabayo gardarrada Soomaaliya si dagaalka loogu raro Soomaaliya dhexdeeda si ay markaa taa u suurta gashana waxaa la sii huriyey iska soo horjeedka ka dhexeeya qabaa’ilka Soomaaliyeed.

Si asal ahaan ah oo laga noqon Karin ayuu xaalku haatan isu beddeley. Fikraddii “Soomaali Weyn” way fashilantey. Hadda waxaa la sii marayaa 10 sano Soomaaliyana weli dowlad iyo Qaran matala ma leh oo waa dowlad la’aan. Dhanka kalena, Itoobiya, Dastuur xuquuqda dadka Ilaaliya oo suga ayaa laga hirgalinayaa. Soomaalidii Itoobiyana waxay la nool yihiin walaalahooda kale iyagoo si xor ah ula midoobay Itoobiyada kale si wadajir ahna ula difaacaya Dhalashadaas Itoobiya iyo Jiritaankeeda. Si wadajir ah ayaa Itoobiyaanka iyo Soomaalida Itoobiya waxay ugu nool yihiin shucuur sinnaan, dimuqoraaddiyad, hormar iyo u dhalasho Itoobiya. Wadajirkaas oo ku taagan tiirar ad-adag oo wax ka taraya dhismaha waddanka. Unuglaanshadii Itoobiya ay u nugleyd khatarta fikradda “Soomaali Weyn” aad ayaa loo yareeyey.

Dhanka kale, burburka iyo kala tagga Soomaalia laftigiisu wuxuu keeney khatar kale oo sii kordheysa marba marka ka danbeysa. Dhibaatada ka taagan Soomaaliya waxay oggolaatey in diin ku adeygga Soomaalidu uu xiddiddeysto. Soomaaliya waxay gabbaad iyo marin u noqotey argagixisada iyo kooxaha diintooda ku ad adag. Curiyayaal nabad diid ah ayaa Soomaaliya u isticmaalaya in ay saldhig iyo marin u noqoto si ay u hujuumaan nabadda Itoobiya. Sidaas darteed burburkii Soomaaliya khatar ayuu u keeney dalkeenna Itoobiya.

b) Muhimadda xiriirka Itoobiya iyo Soomaliya

Ma jirto xaalad ay haatan Soomaaliya wax ku soo kordhin karto iyadoo ah meel aan hanti gashan karno iyo meel aynu ku horumarin karno maaliyadda Itoobiya ama meel suuq u noqon karta wax soo saarka Itoobiya. Muddo ka dib oo weliba nabad iyo deggenaan Soomaaliya lagu soo dabbaala ayaa ay uun jiri kartaa fursad ay Soomaaliya Suuq muhiim ah noogu noqon karto. Hase yeeshee, way adagtahay in laguba riyoodo in ay nabadi ka dhacdo Soomaaliya mustaqbalka dhow iyo midka dhexeba. Marka la eego kheyraadka dabiiciga ah wabiyada waaweyn ee Soomaaliya waxay ka yimaadaan Itoobiya. Waraabin beereed oo habeysan maba kajiraan Soomaaliya sidaas darteed dadka saboolka ah ee Soomaalida waxay ku jiraan xaalad qallafsan. Dhanka kale markasta oo waddankeenna Itoobiya uu sii hormaraba waxay noqoneysaa in ay Biya Xireenno saarno wabiyada si aan warrab uga dhigno beeraheenn. Horumarinta wabiyada Itoobiya waxay caawin kartaa in ay daadadka ka caabbiso Soomaaliya sidaa darteedna ay faa’iidadu na wada gaarto. Laakiin dhanka kale, wabiyadan waxaa lagu isticmaali karaa Itoobiya dhexdeeda siiba gobalka Soomaalida Itoobiya iyadoo loo adeegsanayo hormarinta gobalkaas. Arrintan waxay abuuri kartaa iska hor-imaad fudud oo dhex marra Soomaliya iyo Itoobiya laakiin taas waxaa lagu xallin karaa xeer ah wax qaado oo waxna i sii taas oo tixgalin siineysa rabitaanka qaran ahaan ee labada waddan.

Sida kor ku xusan waxaa cad in muddada dhow iyo muddada dhexeba, Dalka Soomaaliya uusan wax xun iyo wax samba uusan saameyn la taaban karo ku laheyn horumarka dalkeenna. Laakiin haddana, Soomaaliya waxay leedahay dekado aan xisaab laheyn kuwaas oo u adeegi kara dalka Itoobiya. Marka laga soo billaabo dakadda Saylac oo haatanba iyo ka horba taariikh ahaan u adeegi jirtey Itoobiya ilaa taas Kismaayo, waxaa jiro dekado aysan tiradoodu ka yareyn ilaa toddoba dekadood oo uu waddankeenna Itoobiya isticmaali karo looguna adeegi karo qaybaha kala duwan ee Itoobiya. Isticmaalka dekadahaas waxay wax weyn ku soo biirin karaan horumarkeenna dalkan Itoobiya, Laakiin maaddaama ay jirtey fikradda “Soomaali Weyn” iska hor-imaadka ka dhashey iyo cabburintii ka jirtey qaranka Itoobiya, weligeedba si dhab ah looma darsin isticmaalka dekadahaas (iyadoon la illaabi Karin in Itoobiya qudheedu leedahay dekedaheeda u gaarka ah “Assab & Asmara). Burburka haatan ka jira Soomaliya iyo qarankeedii ayaa ka dhigaya wax aan la taabba galin Karin in haatan lagu fikiro in la isticmaalo dekadahaas.

Xitaa haddii fursadda lagu isticmaalayo dekadaha ay dhacdo in ay kor usoo kacdo, iyo iyadoo taas ay kor u dhigi karto sida Soomaaliya ay u saameyn karto horumarkeenna, ayaa haddana qofna u muuqan Karin door wanaag leh oo Soomaaliya ay maanta ciyaari karto. Dhinaca xumaha marka aad eegto, waa muhiim in la garowsado in burburka Soomaaliya uu keeney khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida Itoobiya. Xaaladda Soomaaliya waxay qastey muuqaalka laga heysto gobalkeenna Geeska Afrika oo loo arko gobal dagaal uu ka aloosan yahay. Fursaddeennii aynu ku soo jiidan laheyn maalgalinta caalamiga ah aad ayey u yaraatey iyo “saameynta Xiisadda Soomaaliya” oo keentey in lagu jahawareero nabad gobalka ka dhalata iyo in la waayo xiriir dhaqaale oo ka dhexeeya labada waddan ee Itoobiya iyo Soomaaliya. *

c) Jihada Siyaasadda Itoobiya ee ku aaddan Soomaaliya

Darisnimada aan wadaagno Soomaaliya waxay faa’iido u ahaan laheyd horumarkeenna haddii ay jiri laheyd nabad iyo xasillooni ka jirta Soomaaliya. Nabad waxay imaan kari lahayd gobalkeenna haddii dowlad u taagan in ay la dagaallanto fowdada, argagixisada, iyo kuwa diinta ku dheggen oo la shaqeysa waddamada dariska ah laga dhisi lahaa Soomaaliya. Dadka qaar ayaaba qaba dowlad noocaas ah oo Soomaaliya laga dhisaa waxay mar kale soo nooleyn doontaa fikraddoodii ahayd “Soomaali Weyn” oo markaas nabad, dimuqoraaddiyad iyo horumar ay gaarto Soomaaliya waa dhibaatada Itoobiya. Arigtada noocaas ah waa qalad waana khatar. Marka ugu horreysa hadda iyo wixii ka danbeeya waddankeennu wuxuu ilaalinayaa midnimada dadkiisa (oo ayku jirto Soomalida Itoobiya) iyadoon la inkireyn rabitaankooda (madaxbannaani doonka), laakiin la caawinayo in oo la aqoonsanayo, laguna dhaqayo rabitaan ku saleysan sinnaan, horumar loo dhan yahay iyo dimuquraaddiyad

Maxsuulka habkaas kor ku xusan ayaa noqonaya in aynu abuurney xaalaadkii ay Soomaalida Itoobiya, ama fikraddii Soomaali Weyn ha la soo nooleeyo ama ha joogsatee, ku dooran laheyd in ay ku noolaadan sinnaan iyo midnimo dhexmarta iyaga iyo walaalahooda Itoobiya. Marka hormarkeenna iyo dimoqoraaddiyaddeenu sii korodhaba, u jilicsanaanteenn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this