Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khatuumo elders accept President Siilaanyo's peace proposal and head towards Hargeysa.

Recommended Posts

Qaar Ka Mid Ah Garaadadii Seeska U Dhigay Maamul Ku Sheega Khaatumo Oo Ka Horyimid Colaadaha Siyaasiyiinta Dibad-wareegu Maleegayaan, Hargeysana U Imanaya Nabadeyn.

 

Taleex (Ramaas) Apr.23, 2012 – Madax-dhaqameedka deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle ee hore u taageeray maamul ku sheegii lagu macmalamay degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa la sheegay inay ka hor-yimaadeen qorshe siyaasiyiinta dibad-wareega ah ee Khaatumo ku doonayeen inay ku soo wadaan colaada deegaanadaasi ka taagan ee ay Somaliland kaga soo hor-jeedaan.

 

Garaado uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale ayaa la sheegay inay sidoo kale ka cadhoodeen sheegashada Puntland ee gobolka Sool iyo Buuhoodle isla-markaana qorsheeyeen inay taageeraan qorshaha nabada Somaliland ee Madaxwayne Axmed Siilaanyo gadh-wadeenka ka yahay oo ay aqbalaan gogosha nabadeed ee hore loogu fidiyey.

 

Sida la sheegay Garaadadaasi iyo maamul goboleedka Puntland ay isku khilaafeen colaadintii Somaliland, waxaana la sheegay in Garaado uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, oo ka mid ah Garaadada ku sugan Taleex ay ka hor yimaadeen hindisaha maamul goboleedka Puntland uu ku sheeganayo deegaanada Sool iyo Buhoodle ee Somaliland.

 

Wararka ka imanaya deegaanka Taleex waxay intaa ku dareen in Garaadada Sool aqlabiyadoodu ay qorshaynayaan sidii ay Somaliland xidhiidh wadahadal ula yeelan lahaayeen, iyagoo sidoo kalena ay ilo wareedyadu intaasi raaciyeen in Garaadada sool ee Taleex ku sugan uu khilaaf culusi soo kala dhex galay iyaga iyo kooxda isku magacawday Khaatumo ee uu Cali Khaliif Galaydh wato ee colaada iyo dagaalada ka abuuray deegaanada Buhoodle iyo koonfurta Sool.

 

Garaadada ayaa la sheegay inay ka biyo diideen sii wadista colaadaha ka aloosan Buuhoodle, isla-markaana ay wakhtigan xaadirka ah qorshaynayaan sidii ay socdaal nabadeed ugu iman lahaayeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Talaabadan ayaa dhabar jab ku ah maamul ku sheega Khaatumo iyo Puntland-ba, waxaana la filayaa in imaanshiyahoodu wax badan ka bedalo xaalada deegaanadii colaaduhu hore uga dhaceen

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Habar dhali waydey aleelo ku waalatay ... Elders do not represent Khatumo admin ... Xaaji seed wax u fahamtaa ,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;822136 wrote:
Habar dhali waydey aleelo ku waalatay ... Elders do not represent Khatumo admin ... Xaaji seed wax u fahamtaa ,,,,,

Elders are hogaanka dhaqanka Khaatuumo so ragi so dhisay maha khatumo oo shirki taleex joogay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

fine If they need peace.If some diaspora talk about war,well they can go there & relieve these people ...good chance to prove urslv instead fighting with the mighty pen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Garaad-Saleebaan.jpg

 

 

MOGADISHO:

 

Wafti Balaadhan oo Ka Socda KHaatumo State Oo u Hogaminaayo Garaad Saleebaan Ayaa ka Boqoolay Taleex Kunasii Jeeda Mogadisho

 

RealTaleex.com

 

 

Taleex:-(RT)Wafti balaadhan Oo uu hogaaminaayo Garaad salaeebaan Garaad maxamed ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Taariikhiga ah Ee Caasimada maamulka Khaatumo Statae Of Somalia .

 

Waftiga garaadka ayaa waxaa ku weheliyay Garaad jaamac Garaad Ismaaciil,Suldaan Siciid Maxamed Sanyare iyo xubna kale Oo ka tirsan golaha sare Ee dhaqanka iyo xubno kale iyo waliba wax garad iyo wariyayaal.

 

Waftigan ayaa waxaa socdaalkoodu uu salka ku hayaa Isimada Soomaaliyeed oo dhamaantood loogu yeedhay Xamar sidii ay ay uga qayb qaadan lahaayeen qabyo qoraalka dastuurka iyo waliba Soo xulida Baarlamaanka Cusub Ee ay yeelanayso Dawlada la filayo inay So,aaliya ka hirgasho wixii ka danbeeya (August 2012 )xiligan ku meel gaadhka ah.

 

Isku soo wada duuboo Isimadan maanta ka anbabaxay Magaalada Taleex ayaa waxaa hoyey uga sii horeeyay qaar kale Oo kamid ah Isimada Khaatumo Oo horey ugu sugnaa isla magaalada Muqdisho.

 

Realtaleex News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalilanders are Somalilanders man...we all have a country to share enough of this bull....the people of las canod and buhoodle need peace and development therefore good move. The pirates dont give a dam about you, somalia is protected by burundians. therefore dont play with the lives of future generations education, security and prosperity for all the people of Somaliland. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

250px-Mog2.jpg

 

aden-ade-airport1.jpg

 

War Deg,Deg ah: Garaad Sulieman, Garaad Jaamac Ismaaciil Iyo Wafdi Golaha Dhaqanka Khaatumo State Oo Iminka Soo Gaadhay Muqdisho…

 

Waxaa galabta Soo gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta Dalka Somaliya wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed,waftiga ayaa waxaa sidiiradn loogu soo dhoweeyay Muqdisho.

 

Waftiga Golaha dhaqanka ee uu hogaaminaayay Garaad saleebaan garaad Maxamed ayaa waxaa ku weheliyay Garaad Abshir Saalax Maxamed,Garaad jaamac garaad Ismaaciil Ducaale,Suldaan Siciid Maxamed Sanyare iyo xubna kale Oo la socday.

 

Waftigan isimada ah ayaa waxaa Adan cade International Airport ku soo dhoweeyay Xubno ka mid ah maamulkha Khaatumo State Of Somalia oo uu ka mid yahay wasiirka Amniga Maxamed Ducaale iyo dadweyne kale Oo si weyn u sugayay Isimadan.

 

Isku soo wada duuboo Isimada ayaa waxay ka soo kicitimeen magaala madaxda Maamulka Khaatumo Ee Taleex iyagoo Socdaalkooduna uu daaranyahay isu imaatinka Isimada guud Ee Soomaalida oo la doonaayo inay kaga qaybgalaan soo xulitaanka baarlamaanka Cusub Ee uu wadanku yeelanaayo marka la ga baxo xiliga ku meel gaardhka ah Ee ku aadan badhtamaha sanadkan.

 

Ugu danbayntii ayaa garaadada iyo Suldaanak ayaa waxa ay soo mareen magaalada Gaalkacayo Oo halkaas ay shirqool ugu maleegeen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedka Puntland balse ayay ka badbaadeen shirqoolkaas Oo la doonayay in lagu xod xoto Isimadaas qaar ka mid ah si looga weeciyo wadada toosan ee ay haystaan balse waxaa wararku intaa ku darayaan in fashilaadii shirqoolkan iyo ku hungowgii lakulanka garaadada ay bilaabeen inay hadalo aan waxba kajirin ku soo qoraan saxaafada Oo ay leeyihiin Reer hebel ayaa garaad samaysanaya reer hebelna horey kaaga samaysteen IWM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this