Sign in to follow this  
A_Khadar

Khatumo Leardership Spoke out - audios/videos

Recommended Posts

A_Khadar   

Jawaabtii Khatumo State ka bixisay Wadahadalka TFG iyo SNM

Maamulka Sare ee Khatumo State, Golihiisa dhaqanka iyo Guddiga G10 ayaa lagu cambaareeaya habka loo soo xulay wadahadalka TFG iyo SNM.

 

Shir Jaraa’id oo ay ku sugnaayeen inta badan warbaahinta Soomaalida , sida BBC-da VOA da iyo welibaka qalabka warbaahinta ee kale, ayaa ka dhacay hotelka weyn ee Hilton ee dhaca bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

 

Shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Pro: Cali Khaliif Galaydh ahna hada xubin katirsan gudida sare ee Fulinta khaatumo ee G10, Madaxweynaha maamulka Khaatumo State mudane C/Nuur Cilmi Qaajje iyo Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo State Of SOmalia.

 

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Madaxweyne Cabdi Nuur Cilmo oo sheegay inay ujeedada ay shirka u qabteen tahay, sidii ay uga hadli lahaayeen labo arimood,kuwaasoo uu ku soo koobay Magacaabista gudidayada dawladda KMG ah ee Soomaaliya u xushay inay lahadlaan beesha ***** iyo wakiilada ansixinta dastuurka qabya qoraalka ah ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Qaajje ayaa ka dhawaajiyey , in maamulka Khaatumo State ay la yaaban yihiin,hadii wada hadalada u dhexeeya dawladda iyo beesha ***** laga qayb gelinayo maamulada maamulka garoowe ee beesha ********** ujeedada looga qayb gelin waayey Khaatumo oo ay deeganadoodii Ku sugan yihiin maleeshiyaadka beelaha *****. Wuxuuna sheegay in marnaba shacabka iyo maamulka Khaatumo aysan qaadan doonin waxii kasoo baxa wada hadladaas,islamarkaana cida sida dhabta ah xaq ugu helo arimahaas ay tahay Khaatumo State.

 

Ugaas Abdullaahi Ciise Nuur oo ku hadlayey magaca golaha sare ee dhaqanka Khaatumo ,ayaa dhankiisa daadifeeyey wada hadaladaas,iyoweliba shakhsiyaadkaas lagu soo daray. Ugaaskaayaa sheegay in shacabka iyo maamulka Khaatumo xaq u lee yihiin inay ka hadlaan arimahan.

 

Wuxuu sheegay Ugaas Abdullaahi Ciise , in cida u dhimatay loo dhibaateeyeyisla markaana loo dhaawacay midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay Khaatumo,wuxuuna ku baaqay in aan laiska indho tirin halka runtu taalo.

 

Pro: Cali Khaliif Galaydh oo kamid ah xubnaha sare ee Golaha fulinta G10,ayaa dhankiisa canbaareeyey farogelinta iyoweliba magacaabista indho la aanta ah ee ka soo yeedhay dawladda KMG ah iyo weliba Faroole oo is garabsanaya, Dr: galaydh wuxuu sheegay inaysan ka xumeyn waxii beesha ***** u kordhaya oo ay yihiin dad Soomaaliyeed hadeey Soomaali kamaarmi waayeen oo ay u soo noqdaana aysan dhib u arag cuqdadna ka qabin,laakiin arinta aan la aqbali karin waxaa weeye ayuu yidhi in Khaatumo ay beelaha hareeruhu dhahaan waan idi masaleynaa.

 

Pro: Galaydh ayaa sheegay inay tegayaan Xamar dagaalkooda aysan ku ekayn doonin Khaatumo, laakiin Xamarna ay ka bilaabi doonaan siyaasadoda iyo Soomaali weyn oo ay taageero lixaadleh ka helayaan.

 

Galaydh wuxuu U mahadceliyey dalalka Kenya,Ethiopia iyo Djibouti oo uu sheegay inay Garab iyo taageeraba siiyeen maamulka Khaatumo,aadna uga shaqaynayaan nabada Soomaaliya. Wuxuu sheegay inaysan arimahani waxba ka socon doonin shir meel afar qof isugu timidna aysan Soomaali ka iibi karin ayuu yidhi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galaydh wuxuu U mahadceliyey dalalka Kenya,
Ethiopia
iyo Djibouti oo uu sheegay inay Garab iyo taageeraba siiyeen maamulka Khaatumo,aadna uga shaqaynayaan nabada Soomaaliya.

I don't understand Dr Galeyr, he used to bash ethiopia all times, and now he is saying this. oh what an opportunistic politician.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Despite my reservation for the political opportunist Professor Galayr, KHAATUMO should have had at least a representative in these talks, however for them to make a big deal out of it was irrelevant.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abdul   

Mukulaalow;819564 wrote:
I don't understand Dr Galeyr, he used to bash ethiopia all times, and now he is saying this. oh what an opportunistic politician.

He means the days when some leaders in the region used to run to ethiopia and tell meles that SSC/KH are terrorists are over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this