Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Xukuumadda Somaliland oo Dalka Turkiga u diraysa toddobaadkan Wefti Hordhac u noqda wadahadalada Somaliya

 

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa sideeda bishan u diraysa Dalka Turkiga koox Wasiiro ah oo hordhac u noqota Safar uu Madaxweyne Siilaanyo ku tagayo Dalkaasi si uu wadahadalo ula furo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Weftiga Xukuumadda Somaliland diraysaa waxay ka kooban yihiin Wasiirka Arrimaha Dibeda Soamliland Maxamed C/laahi Cumar oo hogaamin doona, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Maxamud Axmed Barre Garaad, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe.

Weftigan ayaa waxay si hordhac ah uga sii qayb geli doonaan kulamo hordhac ah oo ay la yeelan doonaan wefti kale oo dhigooda ah oo ay Dawladda Somaliya u sii diri doonto Turkiga si ay labada wefti iyo Dawladda Turkigu iskula meel dhigaan Ajandaha Shirka sida fool ka fool ka ah ay u yeelan doonaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya.

Dawladda Turkiga ayaa si toos ah ula wareegtay maamulka wadahadalada Siyaasadeed ee Somaliland iyo Somaliya waxaana qorshahan Somaliland lagu war-geliyay safarkii uu dhawaan Dalkaasi ku tagay Madaxweyne Siilaanyo kaasoo markii uu ka soo noqday ka gaabsaday in uu si faahfaahsan uga waramo arrintan oo ahayd ta rasmiga ah ee wakhtigaas loogu yeedhay.

Dhawaaqii Madaxweyne Siilaanyo ee ahaa inaanay ka qayb geli doonin shirka Ingiriiska Bisha May ka dhici doona ayaa noqonaya mid uu ogaa Qorshihiisa oo aan saamayn wadahadalada mustaqbal ee labada Dal kaasoo ka gooni ah ka Ingiriiska.

Si kasta ha ahaatee waxa laga war sugi doonaa wadahadaladaasi halka ay ku danbeeyaan maadaama labada Madaxweyne ee kulmi doona ay noqon doonto markii ugu horaysay ee ay arrintan ka wadahadlaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo oo Guddoonka Baarlamaanka Somaliland u bandhigay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya uga furmaya Turkiga

 

Waxa uu shalay si gaar ah ula kulmay shirguddonada Golaha Wakiiladda iyo Guurtidda

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa kulan gaar ah shalay Qasriga Madaxtooyadda kulan gaar ah kula yeeshay Shirguddoonka Baarlamaanka(Guurtidda iyo Wakiiladda), kaasoo uu xog kaga siiyay Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya uga furmaya Turkiga.

Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu Wasiirkiisa Arrimaha Dibedu xalay ku dhawaaqin shirkaasi waxa uu Shirguddoonka labada Gole arroornimadii u sii sheegay in Dawladda Turkigu si toos ah ula wareegtay qorshaha Wadahadalada Somaliya iyo Somaliland isla markaana ay go’aansadeen in ay ka qayb galaan maadaama Somaliland hore u haysatay Kalsoonida Baarlamaanka.

Kulanka shalay ayaa dhex maray Madaxweyne Siilaanyo oo dhinaca Xukuumadda ka socday iyo afar xubnood oo ka mid ah labada Shirguddoon ee labada Gole kuwaas oo min laba ahaa isla markaana kala ahaa Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamud Aadan iyo ku-xigeenkiisa labaad Siciid Jaamac Cilmi, halka Golaha Wakiiladdana ay ka kala socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax iyo ku-xigeenka Sadexaad Cali Yuusuf.

Sida ay Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Waaheen u xaqiijiyeen wadahadaladan cusub ee Turkigu waxay qorshaysnaayeen oo lagu soo balamay safarkii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti wasiirro ahi ay ku tageen Dalkaasi, balse ilaa mudadaas Xukuumadda Somaliland waxay ku haysatay faraqa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland delegation to visit Turkey in the next coming days to prepare the talks in Istanbul the delegation will be led by the SL foreign Minister Muhammad cabdilahi Cumar, on Somalia side Fawziya Yusuf Haji adan will lead a delegation including the speaker of Parliament of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumada Somaliland Oo Xalay Si Kadis Ah Ugu Dhawaaqday Inay Wada-Hadalo Toos Ah 2 Todobaad Ka Dib Ay Somalia Kula Yeelan Doonto Dalka Turkiga

Somaliland_Somalia_Flag_Calanka_Keydmedi

“Somaliland-Na Marna May Diidin Wada-Hadalka Somalia Ay La Leedahay, Waanu Aqbalnay Marti-Qaadka Turkigu Noo Fidiyey, Waananu Jecelnahay Inaanu Sii Wadno Wadahalkii Noo Socday Muqdisho” Dr Maxamed C/Laahi

Hargeysa, April 2, 2013 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa shir-jaraa’id oo uu Xalay ku qabtay Aqalka Madaxtooyada waxa uu ku sheegay in xukuumadda Somaliland aqbashay marti-qaad uga yimid dalka Turkiga, waxaanu shaaca ka qaaday in wada-hadalo toos ah laba Todobaad ka dib ay Somalia kula yeelan doonaan Turkiga.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadu waxa uu xusay in kulankaas tooska ah ee ay Madaxda Somalia kula yeelanayaa dalka Turkiga dhawr iyo tobanka bishan April inay daba socdaan wada-hadaladii hore ugu furmay Somaliland iyo Somalia, kaas oo sheegay in dawladad Turkigu ay labada dalba ku marti-qaaday inay dib ugu wada hadlaan dalkeeda. Maxamed C/laahi wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas dib ugu furmaya Somaliland iyo Somalia inay u dhici doonaan qaab laba geesood ah, isla markaana ay iibgayn doonaan qadiyadda madaxbanaanida Somaliland. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya arimahaas, waxa uu Wasiirku hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan jecelahay inaan Saxaafadda halkan caawa uga cadeeyo arin la xidhiidha wada-hadaladii hore ugu bilaabmay Somaliland iyo Somalia, isla markaana sida laga warqabo beesha Caalamku waxay ku balanqaaday kal-hore bishii labaad in labada Wadan ee Somaliland iyo Somalia ay wada-hadlaan oo ay ka wada-hadlaan Mustaqbalkooda siyaasiga ah iyo iskaashiga labada dal dhexmari kara iyo wax wada-qabsigoodaba. Arintaasi ka dib waxay labada dal waxay Wadanka Ingiriiska bishii June ee sanadkii hore ee 2012-kii ku yeesheen wada-hadalkii ugu horeeyey ee dhexmara mudo dhawr iyo labaatan sanadood ah, waxaana wada-hadaladaasi la isku raacay in qaabka ay labada dal u wada-hadlayaan ay noqoto qaab laba geesood ah oo Somaliland oo dhinac ah iyo Somalia oo dhinac ah, kuwaas oo kana wada-hadlaya arimahooda iyo Mustaqbalkooda. Waxa taas xigay sida laga warqabo shir ka dhacay Dubai oo Madaxwaynaha Somaliland ee hada talada haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwaynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif ay markaa saxeexeen Ajandayaasha laga wada-hadlayo, isla markaana isku raaceen labada Wadan inay sii amba-qaadaan wada-hadaladaas”. Wasiirka Khaarajiga Dr Maxamed C/laahi isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “In mudo ah waxaad moodaa inay wada-hadaladaasi joogsadeen oo uu hakad ku yimid oo ay Somalia-na dawlad cusub ka dhalatey, taas oo in mudo ah arimaheeda u gaarka ah ku mashquushay sida aan filayo, waxa markaa ay labada dal ay yeesheen balamo ay ku taxaluuqa sidii ay mar kale dib ugu furmi lahaayeen wada-hadaladii labada dal ee Somaliland iyo Somalia”. Wasiirka Arrimaha Debadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar mar uu ka hadlayey shirka uu sheegay in laba todobaad ka dib uu dalka Turkiga ay kula yeelan doonaan Somalia, waxa uu yidhi “Waxaan halkan doonayaa inaan ka cadeeyo in dawladda Turkiga oo ah dawlad la saaxiib ah Somaliland iyo Somaia-ba isla markaana iskaashi iyo xidhiidh wanaagsanba la leh labada dalba inay labada Wadanba ku marti-qaaday inay dib u bilaabaan wada-hadaladii hore ugu furmay, isla markaana labada geesoodba ay wada-hadaladaas soo dhaweeyeen. Waxaanu markaa go’aansanay in mudo gaaban oo aan ka badnayn laba todobaad ka dib ay labada dal ku wada-hadlaan dalka Turkiga oo sii amba-qaadaan arimihii barigii hore ee wada-hadalku ka furmay,isla markaana waxaanu shirkan jaraa’id u qabanay inaanu shacbiga Somaliland iyo beesha Caalamkaba aanu ku wargalino arintaas oo aanu xukuumad ahaan anagu aqbalnay marti-qaadkaas dawladda Turkigu noo fidisay oo aanu soo dhawaynay, jecelnahayna inaanu sii wadno wada-hadalkii Somalia inoo socday, si markaa Qadiyada Somaliland ay u noqoto mid aanu kaga midho-dhalinkarno, isla markaana Himilada uu Qarankani leeyahay aanu ku gaadhi karno. Waxaana nagu maqaalo ah in Somalia-na soo dhawaysay wada-hadalkaas, markaa waxa aanu rajaynaynaa sida aan sheegay in laba todobaad ka dib ay wada-hadaladaasi dib uga furmaan dalka Turkiga”.

Mar wax laga waydiiyey sababta keentey isbedaladan badan ee degdegu ka muuqdo inay khatar ku yihiin qadiyada Somaliland, waxa uu yidhi “Arinta wada-hadalka Somalia waxay ahayd arin taagnayd mar walba oo xidhiidh ah, Somaliland-na marna may diidin wada-hadalka Somalia ay la leedahay, waxaanu diidnay waxa uu ahaa shirka bisha May ka dhacay London, shirkaasina waxa aanu u aragnaa mid aan ina khusaynin oo u gaar ah dawladda aanu jaarka nahay Somalia”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland: Ministerial level delegation to leave for Turkey soon

 

HARGEISA-The Government of Somaliland is expected to send ministerial level delegation that is expected to leave for Turkey on April the 8th and will arrange for the visit that President Ahmed M. Silanyo is due to embark to Turkey and the plan is to attend the new round talks where Silanyo is to meet his Somali counterpart Hassan Sh. Mohamud.

 

Somaliland delegation will be headed by the foreign minister Mohamed Abdilahi Omar and will be accompanied by Social and family affairs minister Mohamud Ahmed Barre Garad, the second deputy speaker of Somaliland National Assembly Baashe Mohamed Faarah and the Chairman of Justice and Welfare opposition party Eng. Faisal Ali Warabe.

 

The Somaliland delegation is due to meet with their Somali counterparts in Turkey to prepare the agendas that will be dismissed by the two heads of States of Somaliland and Somalia.

 

The Turkish government has taken in charge of the talks between Somaliland and Somalia and president Silanyo’s visit to Turkey, he was informed about the new plan that the Turkish government proposed.

 

On the other hand, Somaliland president Ahmed M. Silanyo held talks with the country’s Speakers of National Houses about the talks between Somalia and Somaliland that will Turkey arranged.

 

The first deputy speaker of national assembly Baashe Mohamed Faarah, the second deputy speaker Ali Yusuf , the Speaker of Guurti Suleiman and the second deputy speaker of Guurti Said Jama Ali attended the meeting that took place at the Government palace on Monday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

The Somaliland delegation is due to meet with their Somali counterparts in Turkey to prepare the agendas that will be
dismissed
by the two heads of States of Somaliland and Somalia.

Whats the point going then? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynuhu Wuu Nagala Tashaday Shirkan Turkiga”

 

April 3rd, 2013

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudoomiye xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in madaxweynuhu la tashi kala yeeshay shirgudoonka Wakiilada iyo Guurtida marti-qaadka ay Turkigu u fidiyeen xukuumadda ee ay ku marti-gelinayso qorshaha ay dib ugu bilaabayaan wada hadaladii kal-hore ay yeesheen Somaliland Iyo Soomaaliya.

 

“madaxwaynu shala waxa uu u yeedhay shir gudoonka labada gole baarlamanka Wakiiladda iyo Guurtidda, arrinkaasna waa laga wada hadlay. Waxa laysla qaatay in shirkaa laga qayb galo, waana shir damba socda wada hadaladii ay hore u yeesheen Somaliland Iyo Soomaaliya. ‘Shirkanina waa qaybtii saddexaad dawlada Turkiga ayaa nagu wargalisay inay na dhex-dhexaadinayaan . Somaliland waxay goosatay in ay ka qayb gasho shir kasta oo dani ugu jirto Somaliland, waxa laga wada hadlayaana waxa weeye sidii labada dal ee walaalaha ahi ay u kala bixi lahayeen. ’ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Wakiiladdu.

 

Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa sidoo kale xaqiijiyay in wada hadalada dalka Turkiga ee ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Somaliya inay ka dambaysay socdaalkii dhawaan uu dalkaasi Turkiga ku tagay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Ngonge, they will keep globetrotting until one of the presidents time is up and start all over gain with every new adminstration....haha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.