Carafaat

The Somalia-Somaliland talks Thread

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay kulankii dhexmaray Sheekh Shariif iyo Axmed Siilaanyo

 

Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay kulankii Dubai ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

 

C/raxmaan Faroole ayaa ku tilmaamay qodobbadii kulankaas kasoo baxay uu yahay mid aan cidna tagayn, sidoo kalena kulanka ayuu sheegay mid iyaga u gaar ahaa oo aysan iyagu taageerayn.

 

"Shirkan dhexmaray labada mas'uul wuxuu ahaa mid iyaga u gaar ah, qodobbadii ka soo baxayna cid ay wax tarayaan ma jirto, danna uguma jirto Soomaaliya," ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

 

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay ku doonayeen labada mas'uul inay isku sawiraan, wuxuuna hadalladii ay jeediyeen ku tilmaamay kuwo aanay dani ugu jirin Soomaaliya.

 

Mar ay BBC-du weydiisay inuu taageerayo kulanka markii ugu horreysay dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland ayuusan sheegin inuusan taageersanayn, balse wuxuu sheegay in kulankaas marinkiisa laga leexiyay, uuna u dhacay si aanay filayn.

 

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kasoo horjeestay xildhibanano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid uu ku doonayo inuu ku carqaladeeyo wadahadallada u furmay Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Kulankii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ee shalay ka dhacay Dubai ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin la taageero qodobbadii kasoo baxay shirarkii London iyo Istanbuul iyo in lasii wado wadahadallada billowga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Xaaji Xunjuf;846548 wrote:
^^ What is so funny?

That you said "just the two of them". It's as if you are convincing yourself not me. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaadiin Ka Dareen Celiyay Kulankii Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Somalia

 

June 28th, 2012

 

HARGEYSA (Somaliland.Org)- Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir iyo Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi oo ka mid ah madax-dhaqameedka gobolka Hargeysa, ayaa war-saxaafadeed wada jir ah oo ay caawa soo saareen waxay ku soo dhaweeyeen kulankii maanta Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Imaaraadka carabta.

 

Labadan Suldaan sheegeen in wada hadaladan labada dal u bilaabmay ay ka rajaynayaan inay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan. War-saxaafadeedka Salaadiintaasina wuxuu u dhignaa sidan:-

 

“Waxaanu soo dhawaynaynaa wada hadalka Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Soomaaliya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Sh. Shariif Sh. Axmed ay dalka Imaaraadka carabta isku horfadhiisteen iyagoo ah laba madaxweyne oo siman. Waxaana aanu arrintaasi ahmiyad weyn u leedahay dedaaladda Somaliland ku doonayso inay beesha caalamka kaga hesho aqoonsi caalamiya.

 

Waxaanu Hambalyeynaynaa weftiga miisaanka qaran leh ee madaxweynuhu Hoggaaminayo oo ay ka muuqdaan sadexdii xisbi qaran, Xukuumadii iyo Goleyaashii qaranku. Waxaanu madaxweynaha ku bogaadinaynaa juhdiga uu ugu jiro aqoonsiga Somaliland, waxaanu aaminsan nahay maadaama oo uu ahaa Mujaahid iyo Hoggaamiyihii u soo kifaaxay dib u xorayntii dalka, haddana inuu maanta guntiga u xidho sidii dalka ugu heli lahaa aqoonsigii mudada dheer aynu doonaynay.

 

Madaxweynaha Somalia waxaanu leenahay Somaliland waa dal madax-banaan mana dhacayso inay mar dambe dib ugu noqdaan midnimadii lagu hunguubay ee Soomaaliya, sidaasi darteed, waxa la gudboon inuu ka shaqeeyo sidii Somaliland iyo Soomaaliya u noqon lahaayeen laba dal oo daris ah oo ka wada shaqeeya cilaaqaadkooda iyo iskaashigoodda.

 

Waxaanu mar labaad soo dhawaynaynaa wada wajiga labaad ee wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya ee ku qabsoomay wadanka Imaaraadka, waxaanan ka rajaynaynaa in wada hadaladani ay noqdaan kuwo najaxa oo midho wanaagsani ka soo baxaan.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

IN PICTURES: Hundreds in Mogadishu rally in support of Somaliland deal – new Friday talks

 

MOGADISHU — Hundreds of people on Friday staged a rally in Mogadishu in support of Thursday’s landmark agreement between the leaders of Somalia and Somaliland in the United Arab Emirates.

 

The demonstrators gathered in a stadium in the district of Abdulaziz where they were addressed by Somali officials including the commander of the armed forces, General Abdulkadir S. Dini, the police commissioner, General Sharif S. Una-Maye and the mayor of Mogadishu, Mr. Mohamud A. Nur “Tarzan” as well as others.

 

They waved flags and sang patriotic songs in a rare show of support for the ongoing negotiations between Hargeisa and Mogadishu.

 

The mayor welcomed the crowd’s push and said the rally was a symbol of love and unity between the two Somali people. His words were reechoed by Mr. Mohamud Malin Nur, the director-general of Ministry of defense.

 

The protesters were joined by traditional leaders outside the stadium who also expressed optimism in a new relationship between Somalia and Somaliland. The traditional elders said they came out in solidarity of their northern brothers and hoped they will enter a new chapter of friendship, cooperation and mutual respect.

 

Hosted in Dubai by the government of United Arab Emirates, Thursday’s agreement paves the way for substantive talks between the two Somali neighbours. The international community has pledged its full support for the initiative which all began in February during the London conference.

 

The two agreed to the continuation of the formal dialogue that began in Britain last week and the next phase will bring two committees to the negotiation table in order to clarify their relationship.

 

Friday Talks

 

According to reports in Dubai Somaliland President Ahmed Mohamed Silanyo and Somalia’s President Sheikh Sharif Ahmed have went into talks Friday to salvage their two-decade broken relationship for the second time as many days.

 

A source close to Mr. Ahmed said the sides have agreed to strengthen their bilateral relations and pledged to increase discussions. The new deal was reached after talks lasted several hours behind closed doors.

 

The report further disclosed that the two presidents have agreed to seek international experts on legal, economic and security matters. They added the two leaders have embraced each others.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Somalia-Somaliland proposed talks a shot in arm for anti-piracy efforts

Gulf Today

Friday, June 29, 2012

 

The second day of the UAE Counter Piracy conference in Dubai witnessed a historic development as the presidents of Somalia and Somaliland agreed to start a dialogue under an agreed framework that is expected to positively affect the fight against maritime piracy.

 

President of Somalia’s Transitional Federal Government Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and President of the Republic of Somaliland Ahmed Mahamoud Silanyo later released a joint statement in the presence of UAE Minister of State for Foreign Affairs Anwar Mohammed Gargash.

 

Presidents of the two nations met for the first time during the past 21 years and agreed to continue the dialogue to clarify the relationship between the two sides.

 

Commenting on the development, Silanyo expressed confidence that the co-operation would contribute positively to the fight against maritime piracy as well as terrorism, and will bring peace to the region.

 

He also expressed the hope that this step would lead to formal acceptation of Somaliland as an independent nation by Somalia, as well as by the international community.

 

Renewed hope

 

“We have been fighting against terrorism and maritime piracy along with the international community. Hope we will get recognition by them,” he added.

 

Foreign Minister of Somaliland Mohammed Omar said the meeting of the presidents of the two nations — the first since 1991 — was a positive sign.

 

He thanked the UAE government for hosting this meeting and expressed hope for greater co-operation between the two countries in the fight against maritime piracy, terrorism, besides regional security issues.

 

He clarified that the issue of reunification of the two countries would never be part of the dialogue, as Somaliland was an independent nation for more than two decades.

 

“I take it as a positive gesture from Somalia. They have not recognised us as an independent nation so far. Since they have agreed to start a dialogue with us, it shows that they are ready to listen to us,” he said.

 

Ambassador of Somalia to the UAE Abdulkadir Sheikhey Al Hatimi also termed it a historic meeting and said that it is bound to bring positive changes.

 

“The two presidents met each other face-to-face and shook hands, while agreeing to start a dialogue.

 

“It is a historic development in our relations,” he added.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dad kala Sita Calanka Soomaaliya iyo Somaliland oo dibad bax kadhigay Muqdisho

29. juni 2012

 

allpuntland

 

Dibad baxa lagu taageerayo Shirkii magaalada Dubai ay kuqaateen Madaxda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxuu maanta kadhacay Garoonka Caalamiga ee Ciyaaraha ee Konis.

 

Dad badan oo shacab ah kakala yimid Degmooyinka Magaalada Muqdisho oo watay Calamada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa socod kusoo maray Muqdisho qaybo kamid ah kuwaas oo isugu yimid Garoonka Banaadir Stadium.

 

Masuuliyiin katirsan Dowlada ayaa kasoo qaybgalay Dibad baxa lagu taageerayo Is araga Madaxwayne Shariif iyo Madaxwaynaha Maamulka Somaliland Axmad Siilaanyo waxaana kamid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan.

 

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Banaanbaxa Gudoomiyaasha 16ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

 

Maxamuud Axmad Nuur Tarsan oo Fagaaraha kula hadlay dadka dibadbaxayay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in soomaaliya iyo Somaliland ay kawada hadlaan isu soo dhaawaan shahooda waana wax lagu farxo ayuu yiro in Shariif iyo Siilaanyo ay wada hadlaan.

 

Tarsan ayaa sheegay in Muqdisho ay xasishay dhawaana lagu qaban doono Shirarka Caalamiga.

 

Dadka dibadbaxayay ayaa ku dhawaaqayay hadala katarjumayay Soomaaliya iyo Somaliland waa walaalo kuna habooneen kala fogaansho.

 

Dibadbaxaan ayaa yimid maalin kadib Markii Shariif iyo Siilanyo Si fool ka fool ah ay isku arkeen kana hadleen Arimo aan sidaas usii buurnayn lakiin uu ubuurayo Xiriir dhexmara labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites

These pepole are out supporting what they called somaliweyn?? so that too victory for somaliland Xaaji Suufi??

 

waar ninkani maba miyir qabo walee.. wax kaste wuxu u arkaa Guul for somaliland xataa dad u mudaahraadaya Somaliweyn oo macanheedu yahay no-somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.