Sign in to follow this  
General Duke

Tacsi: AUN Beeldaaje Faarax Beeldaaje Abdullahi who passed away

Recommended Posts

Beeldaaje Faarax Beeldaaje C/laahi oo ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Imaaraatka Carabta.

Tue, 10 Apr 2012 08:44:32 -0400 am -04:00 -14400**

Dubai, Apr 09 -Waxaa magaalada Al-Cayn ee dalka Imaaraatka Carabta ku geeriyooday rabbi naxariistiisa ha siiyee Beeldaaje Faarax Beeldaaje C/laahi oo ka mid ahaa issimada sida wayn looga qadariyo deegaanada Puntland.

 

Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabulaahi ayaa waxaa uu u geeriyooday xanuun muddo sadex bilood ah uu la ildarnaa.

 

Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdulaahi ayaa xilkan ka dhaxlay aabihiisa oo la oran jiray beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed oo taariiq dheer ku lahaa dalka Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa xildhibaanadii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 1959-kii kasoo galay degmada Qandala ee gobolka Bari.

 

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warsaxaafadeed Ra'iisul Wasaaraha oo geeridii Beeldaaje Faarax Tacsi Qaran u diray shacabka

Tue, 10 Apr 2012 08:48:35 -0400 am -04:00 -14400**

Mogadishu, Apr 09 -Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta tacsi u diray shacabka oo ku wajahan geeri ku timid mid ka mid ah Madax dhaqameedka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa yiri “Ugu horreyn waxaan shacabka soomaaliyeed iyo gaar ah qoyskii iyo eheladii uga tacsiyeynayaa geeridii shalay fiidkii (Axad 08 April) ku timid Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje Maxamed oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Al Cayn ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE).”

 

 

 

“Geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhammaaday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo IIMAAN ka siiyo.” Ayuu sii raaciyey Ra’iisul Wasaarahu.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Beeldaaje Faarax uu ahaa oday dhaqameed Soomaaliyeed oo waqtigiisa inta badan geliyey sidii beelaha Soomaaliyeed ay ugu wada noolaan lahaayeen nabad iyo barwaaqo. Beeldaaje Faarax waxuu ahaa shaqsi karti iyo hufnaan leh oo door hoggaamineed ka qaatay isu keenida, wadajirka iyo wada noolaashaha beelaha Soomaaliyeed.

 

 

 

-DHAMMAAD -

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilahay ha unaxariisto, Janadii Firdowsana haka waraabiyo, ehelki iyo qaraabadi uu katagayna samir iyo iimaan alaha kasiiyo, aamin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qandalawi;817153 wrote:
Ilahay ha unaxariisto, Janadii Firdowsana haka waraabiyo, ehelki iyo qaraabadi uu katagayna samir iyo iimaan alaha kasiiyo, aamin.

Aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahay ha u naxariisto Beeldaaje, samir iyo iimaanna ilaahay ha ka siiyo shacabka Soomaaliyeed iyo qoskiisaba.

 

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida AHN Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdilaahi

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid AHN Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdilaaho oo habeen hore ku geeriyoodey magaalada Al-ceyn ee dalka Imaaraadka Carabta.

 

Madaxweyne Faroole ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan shacabka Puntland, gaar ahaan Isimada iyo qoyskii iyo qarabaadii uu marxuum Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdilaahi ifka kaga tegey.

 

Dr. Faroole waxa uu tilmaamay in Beeldaajuhu uu ahaa shakhsi hufan, samaha iyo horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeedna jecel kaas oo ay Puntland in badan tebi doonto inay hesho qor u buuxiya booskii uu ka baxay.

 

Madaxweynaha Puntland wuxuu dhinaca kale ka sheekeeyey aqoontii uu Beeldaajaha u lahaa isagoo xusay inay isaga si gaar ah isu yaqaaneen islamarkaana ay in mudo ah soo wadashaqeynayeen.

 

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in AHN Beeldaaje Faarax ay mudo 40-sano ku siman aqoon isu lahaayeen ayna kasoo wada shaqeeyeen Bangigii dhexe ee Soomaaliya.

 

Geerida Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabdilaahi oo ahayd mid dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ay si aad ah uga nexeen ayaa sidoo kale waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaaddii duhurka kadib wakhtiga geeska Africa waxaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari lagu aasay AHN meydka Beeldaaje Faarax Beeldaaje Xaaji Cabilaahi.

 

Aaska Beeldaajaha oo ahaa mid balaaran islamarkaana si weyn loo soo agaasimey waxaa ka qayb qaatay dad ay tiradoodu 1000 ka badan tahay iyadoo ku dhowaad 250 gaarina ay Jinaasada sii raaceen.

 

Madax tira badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka Puntland, Xildhibaano ku jira Baarlamaanka FKG, Ismo, Nabadoono, Culimaa’uddiin iyo dadweyne kale oo tira badan ayaa aaskaas ka qayb galay.

 

Mas’uuliyiinta ugu sareeya maamulka gobolka Bari, kan degamada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan laamaha ammaanak ee Puntland ayaa iyaguna sidoo kale aaska Beeldaajaha ka qayb qaatay.

 

Goobta uu aasku ka dhacay ayaa ah qabuuraha ku yaal bariga magaalada Boosaaso ee Biyo Kulule halkaas oo dadka aaska ka qayb qaatay ay kahor aaska salaaddii duhurka ku tukadeen kadibna meydka Beeldaajaha ay salaadi jinaasada ku oogeen.

 

Culmaa’uddiin tira badan oo xabaasha ka hadlay ayaa u duceeyey marxuumka iyagoo ilaah uga baryey in uu naxariistisa janno ka waraabiyo ehelkiisa iyo umadda uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

AHN Beeldaaje Faarax Beeldaaje Cabdilaahi wuxuu kamid ahaa isimada ugu magaca dheer Puntland waxaana meydkiisa magaalada Boosaaso maanta abbaare 11:45 barqanimo keentay diyaarad gaar ah oo dalka Imaaraatka kasoo qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this