Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG parliamentarians warn President Siilaanyo not to open talks with Sh Sharif

Recommended Posts

Baarlamaanka Somaliya oo Madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu Sal-fudayd ku galo wadahadalada Somaliya ee uu la yeelanayo Xukuumadda sii dhacaysa ee Sh Shariif

“anaga xagayaga (Soomaliya) Golaha wasiirrada ee dhisan waa qurbo-joog Waqooyina waxa laga yaabaa inay qurba-joog yihiin, markaa maaha in qurba-joogaasi sheekada isla soo qaadaan ee waxa loo baahan yahay inay yimaadaan Siyaasiiyiin fahmi kara Miisaanka Waqooyi leeyahay” Xildhibaan Saleebaan Calanle

Muqdisho (Waaheen) – Baarlamaanka dalka Soomaliya oo shalay fadhi ku yeeshay Magaaladda Muqdisho, ayaa Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisaba uga digay inuu si fudud wada hadalo ula gallo xukuumadda Sheekh Shariif oo ay sheegeen in aanay ahayn mid kalsooni ka haysata shacabka Soomaliyeed isla-markaana bisayl siyaasadeed oo ay ku gasho dhibaatada siyaasadeed ee ilaa lixdankii soo taxnayd.

Sidoo kale, waxay sheegeen beesha caalamku inay ka rajo dhigtay siyaasada Sheekh Shariif iyo xukuumadiisa oo noqotay mid ay bariinsatay musuqmaasuq iyo maamul xumo la daadegtay dedaalada beesha caalamku ku doonayo inay dawlad sal balaadhan u dhisaan Soomaliya.

Mudanayaasha fadhigaas ka hadlay waxay dhaleeceeyeen siyaasiyiinta gadh-wadeen ka ah wada hadalada Soomaliya oo ay sheegeen inay yihiin qurba-joog aan waxba ka ogeyn dhibaatada Soomaliya taala isla-markaana dalka u gacan galinaya dawlado iyo shirkado ay dilaalayaan oo ay u qaybinayaan khayraadkii Soomaliya.

Xildhibaan Saleebaan Maxamed Ibraahim (Calanle) oo ka mid ah Mudanayaasha baarlamaankaasi isla-markaana ah muwaadin reer Somaliland ah, balse aaminsan mabda’a Soomali-weyn oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Waaheen ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Somaliya Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) uu Somaliland uga digay inay wax wada hadal ah la gasho Xukuumadda Shariif, isaga oo sheegay in bishan 30-keeda baarlamaanku samaynayo doorasho uu ku ridayo xukuumadda Sheekh Shariif, waxaanu yidhi “Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaliya ayaa waxa uu ka dhawaajiyey maanta (shalay) hadal ah wada hadalka beeshu caalamku leedahay Somaliland iyo Soomaliya ha wada hadleen, waxa uu ka dhawaajiyey in Madaxwaynaha iyo dadka hadda jooga (Xukuumadda Sheekh Shariif) ahayn kuwii ka bixi lahaa wada Hadalka, waayo iyadda oo Soomali ku heshiisay in dadka iyo dalka dhibaatada lagaga saaro (Dawlada ku meel-gaadhka ah) ay hareer mareen oo kursigooda sidii ay ugu fadhiyi lahaayeen ay rabaan, baarlamaankiina bishan dhow doorashadii qabanayo in Somaliland aanay ku soo deg-degin rag midna yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka laga eryey, midna yahay ka kursigiisii doorashada loo qabanayo ee la doonayo in dadka Soomaliyeed isku soo sharaxaan (Sheekh Sharif), markaa waa inay sugaan hogaanka dambe ee dalka loo dooran doono ee ka bixi kara wada hadalada, ilaalin karana sharciyada Soomali ku heshiisay umaddana isku soo jiidi kara oo fahmi kara waxa dawladnimadu tahay, ilaa lixdankii wixii Soomaliya ka soo dhacay garan karta, laakiin dad sharciyadii hareer marsan oo dawladnimadu waxay tahay aan garanayn oo waxa la isku yahay ama wixii dhacay aan garanayn in la yidhaahdo wada hadal ayaanu la galaynaa, waxaan leeyahay haku soo deg-degina oo wada hadalada la suga dawlada dhalan doonta.”

Xildhibaan Saleebaan Calanle waxa uu sheegay inay doonayaan in wada hadalada Soomaliya iyo Somaliland noqdaan kuwo midho dhala “Wada hadalada waxaanu doonaynaa inay noqdaan kuwo wax ka soo baxaan oo midho dhala, laakiin madaxdaa iyo dawladaa cusub la jaanqaada, wada hadalka iyo in wax la iswaydiiyaa way fiican tahay, laakiin waa inaad la hadashaa qof matali kara umadda Soomaliyeed oo rabitaanka shacabka ku shaqeynaya lana ogol yahay oo wax goyn kara, laakiin dad aan shacabku ogolayn oo lagu eedaynayo kiisas badan rabbana inay dalka ku wareejiyaan shirkado ajaanib ah oo ay kursigooda ku ilaashadaan, markaa waxaan kula talinayaa xukuumadda Siilaanyo inay arintaa deg-dega ka ilaaliso oo aanay dhicisoobin, noqotana arin laga fiirsaday, laakiin niman sharci daro niman ku qancay oo aan doonayn in dhibaatada laga saaro dadka iyo dalkan haddii aad tidhaahdo wada hadalbaan la galayaa halkuu ku geyn.”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray inay ogol yihiin in Sheekh Shariif isku sharaxo doorashada baarlamaanku qaban-qaabinayo “Ninkaasi haddii uu sharciyada u soo noqdo oo uu isa-soo sharaxo doorashada bishan 30-keeda waanu soo dhawaynaynaa haddii la doortana waa lala shaqeynayaa, haddii mid kale la doortana la shaqee.”

Xildhibaankani waxa uu sheegay in beesha caalamku ku mashquulsan tahay sidii ay Soomaliya ugu heli lahayd hogaan sax ah “Beesha caalamku waxay ku mashquulsan tahay inay hogaan sax ah hesho, waxayna ku mashquulsan tahay hogaankan sharciyadii ka tagay, waanad maqlayseen shirkii London in Hilery Clinton ay tidhi ma soo noqon kartaan oo bisha Augost ma dhaafi kartaan, maxaa sidaa loo leeyahay waa niman aan sharciyadii u hogaansamayn oo awoodii dadka haysan oo iska ordaya oo aan ka fikireyn masiirka umaddan, markaa Sheekh Shariif kama bixi karo wada hadalka beesha caalamku ku baaqday, waxaanan ku adkaynayaa Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo deg-dega arinta halaga daayo wax bisil ayaa wanaagsan, madaxda cusub ee baarlamaanku dooranayo 30-ka bishan April la shaqeysaan oo madax wax ka goyn kara Koonfur ay timaado.”ayuu yidhi isaga oo intaasi ku daray in sababta ay doorashada u samaynayaan tahay Madaxwayne Shariif oo sharciyadii qaadacay “Golaha baarlamaanku waxa uu soo dedajiyey arintii ahayd bisha Augost waxaanu ka dhigay 30-ka bishan ka dib markii Sheekh Shariif dhagaha ka furaystay sharciyadii.”

Xildhibaanka oo la waydiiyey dhibaatada ku jirta wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya, maadaama oo ay labadooduba aqbaleen ayaa ku jawaabay “Sheekh shariif wakhtiga ayaa ka sii dhammaanaya waxana (Inuu aqbalay wada hadalka Somaliland) waa dhalanteed, dhalanteedna meel kuma gaadhsiiyo oo waa in xaqiiqda la abaaro, ragga Madaxwayne Siilaanyo magacaabay way fiican tahay inay dawlada dhalan doonta la jaanqaadaan, laakiin waxa Sheekh Shariif wadaa waa dhalanteed, waxaana la rabbaa inay Koonfur yimaadaan dad wax ka go’aan oo lala gorgortami karo, laakiin Sheekh Shariif waxa uu ku dedaalayaa inuu sameeyo wax kasta oo uu kursigaa ku sii fadhiyo, waxaanu doonayaa inuu beesha caalamka ku yidhaahdo wada hadal ayaan Somaliland la wadaaye wakhtiga hala ii kordhiyo.”ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey in loo baahan in laga wada hadlo wixii lixdankii khaldamay “Waxa la doonayaa in laga hadlo oo la yidhaahdo wixii lixdankii inaga khaldamay maxay inagaga khaldameen, waxaanan filayaa inaan sidii lixdankii aan loo khaldami doonin, haddii la wada hadlayana loo wada hadlo Waqooyi iyo Koonfur, markaa wax la bisleeyo oo dhibaatadii ku dhacday dadkii midnimada Soomaliya kowga ka ahaa aanay soo noqon meeshana (Soomaliya) ay timaado cid wax laga goyn karo.”

Xildhibaan Calanle oo la waydiiyey waxa uu ka ogyahay xidhiidhka Madaxwayne Siilaanyo iyo Shariif ayaa yidhi “Xidhiidhka Siilaanyo iyo Sheekh Shariif shirkii Ingiriiska ayay ku timid, beesha caalamkuna iyaddaa dabada ka riixaysa in Somali wada hadasho, laakiin waa inuu yimaadaa qof (Madaxwayne) fahmi kara miisaanka Waqooyi leeyahay, anaga xagayaga (Soomaliya) Golaha wasiirrada ee dhisan waa qurbo-joog Waqooyina waxa laga yaabaa inay qurba-joog yihiin, markaa in qurba-joogaasi sheekada isla soo qaadaan maaha ee wax walba miisaan ayay u baahan yihiin”

Share this post


Link to post
Share on other sites

^re read the topic i never said Siilaanyo is the TFG president

 

Baarlamaanka Somaliya oo Madaxweyne Siilaanyo uga digay inuu Sal-fudayd ku galo wadahadalada Somaliya

 

Well they elect the TFG president they are saying they are holding elections end this month

Share this post


Link to post
Share on other sites

It has got to happen before August so as to decide what ministerial post Siilaanyo gets from the proper and permanent government of the federal republic of Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Qandalawi, Siilanyo resigned exactly 30 years ago(1982) as a Minister from the Somali Goverment. What position would recommend him for?

Share this post


Link to post
Share on other sites

shut that door on their face(somalia).Nothing will come out.Status quo will remain and let somalia either be confident enough to be normal people who can run their affairs or go into oblivion.This whining about somali land make thm really look bad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Burahadeer the first talks will be in London its just gogol xaadh just to break the ice but after august the real talks will begin in a foreign country in Africa with the international community mediating. I was on the phone today Hargeysa people are not expecting that much from these talks they were like hadal badani haamo ma buuxsho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Oday Somali, TFG Parlementarians are warning Siilanyo not to conlude anything yet with Sheick Shariif. They argue Sheick Shariif does not have their support, neither was elected. They are advising Siilanyo to keep the talks 'light' till a new goverment with mandate arrives on stage(post august). The Parlementarians emphasize's Shariif's goverment only had mandate for securing and they even failed that.

 

Someone can correct me or add some.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;817232 wrote:
Burahadeer the first talks will be in London its just gogol xaadh just to break the ice but after august the real talks will begin in a foreign country in Africa with the international community mediating. I was on the phone today Hargeysa people are not expecting that much from these talks they were like hadal badani haamo ma buuxsho.

true xaaji nothing come out of this meaningless talks.They know that too, but waa nin aan quus aqoon naftiisaa qusa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this