Sign in to follow this  
Mukulaalow

Wiish Mugambe are among the Dead.

Recommended Posts

Faah faahin ka soo baxeysa qasaaraha qaraxii Ismiidaaminta Tiyaatarka (Daawo Sawirada)

 

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminta ee ay fulisay qof dumar ah, iyadoo Wakaaladaha Wararku ay soo tabinayaan sawiro muujinaya qasaaraha qaraxa.

 

Inta la og yahay ilaa lix ruux ayaa ku dhintay oo labo ka mid ah ay ahaayeen Mas'uuliyiintii ugu sareysay Isboortiga Soomaaliyed oo ay ku waayeen qaraxaas, waxaa ka mid ahaa Aadan Xaaji Yabarow Wiish Gudoomiyaha Gudiga Olimbikada iyo Saciid Mugaambe Gudoomiyaha Xiriirka K/cagta.

 

Allaha u naxariistee Saciid Mugaambe ayaa ka mid ahaa dadkii isla goobta ku dhintay markii qaraxa ismiidaaminta dhacay, waxaa uu ku fadhiyay kursiga martiyada sharafta loogu tala galay.

 

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in isaga dhaawac fudud soo gaaray, kadibna markii lagu soo dabiibay Darul Shifa uu gurigiisa ku soo laabtay, isagoo xusay in labo kale Xildhibaan ay ka mid yihiin Mowliid Macaan iyo Yaasiin Bucul ay dhaawacmeen.

 

Ammaanka oo ahaa mid aad loo adkeeyay ayaa hadana waxaa la sheegay in ilaa saddex goobood dadka lagu baarayay, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa baarayay dadka.

 

Inkastoo qaraxan ay sheegteen Shabaab, hadana faah faahin rasmi ah kama aysan soo bixin oo ku aadan qaraxa, iyadoo la filayo in Afhayeenadooda ay goor dhow war soo saaraan.

 

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in qaraxa uu dhacay xilli isaga uu khudbeynayay, isla markaana qaraxa ay fulisay gabar yar, isaga iyo Wasiiradiisa ay ka badbaadeen qaraxa sida uu yiri.

 

Sidoo kale Allaha u naxariistee Marxuum Wiish ayaa isna ku dhintay Isbitaalka, markii dhaawac halis ah kadib loo qaaday halkaas.

 

Ciidamada ammaanka oo tagay halkii qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya in goobta ay mar qudha is bedeshay oo kuraastii ay isku darsoomeen, dhiig, xinjiro iyo hilibo go' go'ay goobta noqotay.

 

Munaasabada sanad-guurada ayaa ka dhaceysa gudaha Tiyaatarka, gaar ahaan qeybta Maqaaxida aheyd ee cabitaanka iyo shaaha lagu cabi jiray xilligii Tiyaatarka dhisnaa.

 

Goobta qaraxa ka dhacay waxaa yaalay qaar ka mid ah jirka haweeneydii is qarxisay madaxeeda, iyadoo marka aad eegto sida goobta saacado ka hor farxada iyo damaashaadka uga muuqday iyo sida markii dambe isu bedeshay.

 

 

Dhaawacyada ayaa gaaraya ilaa 10-ruux, waxaa ku jira lix wariyeyaal, Xildhibaan Prof. Dhalxa oo dhaawiciisa fudud yahay, Xildhibaanada kale Mowliid Macaan, Yaasiin Bucul iyo Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Caasha Cumar Geesdiir oo iyana dhaawac ah.

 

 

Mashaqadan ayaa waxay dhabar jab weyn ku tahay Isboortiga Soomaaliyed oo sanadihii u dambeeyay soo kobcayay, waxaana sidoo kale ay dib u dhac ku keeneysaa howlaha dib loogu dhisayay Garoonka K/cagta ee Conis Stadium oo maalmahan dayactir iyo dub u dhis ka socday.

 

Qaraxa Ismiidaaminta wuxuu imaanaya iyadoo ay jirtay rajo dadka reer Muqdisho qabeen oo ku aadanaa dib u soo laabashada Fankii Soomaaliyed, Farshaxankii iyo Golihii Murtida iyo madadaalada oo dib boorka looga jafay.

 

qaraxaya_tiyaatarka_3.jpg

qaraxaya_tiyaatarka_6.jpg

qaraxaya_tiyaatarka_10.jpg

qaraxaya_tiyaatarka_4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Innaa lilahi wainaa ileyhi raajicuun. Allaha u naxariisto intii laga gardarnaa ee ku dhimatay weerarkan. Bahda Sportska Somalia rag culculus baa ka baxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mario B   
Innaa lilahi wainaa ileyhi raajicuun, i hope this will give the GOV the impetus it needs to flush out the Shaabist from Afgoye, the terrorist hub. :(

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inaa Lilaah Wa Inaa Ileyhi Raajicuun... Allaha u naxariisto inta dhimatay, inta dhaawacana Allaha bogsiiyo, Runtii waa laba nin oo tiir dhaxaad u ahaa Sports ka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

wiish.jpg

AUN. Adan xaaji Yabarow Wiish. Guddoomiyaha olympic-da Somaliyeed,

 

 

Mugaanbe.jpg

AUN Siciid Mugambe, Gudoomiyihii kubadda cagta Somalia .

 

Wiish iyo Mugaambe oo qarax ku dhintay

 

 

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku dhintay qarax maanta lagu weeraray Tiyaatarka Muqdisho.

 

Guddoomiyaha Olembigga Soomaaliya, Adan xaaji Yabarow Wiish iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Siciid Mugaambe, ayaa labaduba ku geeriyooday goobta.

 

Waxaa kale oo geeriyooday dhowr ruux oo kale, oo uu ka mid yahay abwaan loo yiqiin Qabyaalad-Diid.

 

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Gaas, oo goobta hadal ka jeedinayay markii qaraxu dhacay, ayaa mar dhoweyd u sheegay in uu dhaawac fudu soo gaaray Wasiirka Qorsheynta Cabdullaahi Goodax Barre, laakiin ay goluhu ay ka badbaadeen dhimashada.

 

Waxaa kale oo Raiisal Wasaaruhu u sheegay BBC in weerarka ay soo qaadday gabar is qarxisay.

 

Dadka dhaawaca ah waxaa kale oo ka mid ah Mudane Maxamed Cumar Dhalxa.

 

 

 

 

BBCSOMALI.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mukulaalow, aan ku saxo.. Wiish wuxuu ahaa Gudoomiyaha Olympicada Soomaaliyeed, Mugabme na wuxuu ahaa Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta.. (waad kala wareejisay jagooyinkoodii).

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

mukulaalow you should not be posting the graphic pictures of the death of the officials. I think that encourages the enemy..

 

Eebe ha u naxariisto maskiintaas, gacan ka xaq daran ayaa dishay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think that encourages the enemy

But this will show the people how barbaric this enemy is. these kind of ruthlessness will only fast forward the demise of Alshabab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

inaalillahi wa inaa ilayhi Rajicuun. AUN.

 

 

look at the faces of guys carrying the wounded person! inkaar ilaah ha kurido kuwaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this