Sign in to follow this  
Maaddeey

TDG oo dad rayid ah ku dishay Buulo-Xaawo.

Recommended Posts

Maaddeey   

Gudoomiyaha G/Gedo Max’ed Cabdi Kaliil oo qiray dilka 3 Ruux.

Added by Gedoonline on March 21, 2012.

Saved under Latest News

 

B-Xaawo-(GMN) Gudoomiyaha xiligan ee gobolka Gedo Max’ed Cabdi Kaliil, ayaa markii ugu horaysay qiray in 3 ruux oo maydadkooda lagu arkay shalay suuqyaraha magaalada Beledxaawo, ay ahayeen dad ay toogteen ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan Beledxaawo.

 

Kaliil waxa uu xusay in dilka Ragan uu yimid kadib markii lagu soo qabtatay fal danbiyeed la xariira amni daro. Iyaga oo ku hubaysanaa Bastoolado, Bambooyinka gacanta laga tuuro, iyo waxyabaha qarxa, taasina ay soo dadajisay in la toogto.

 

“Dadkan waxa ay qayb ka ahayeen Xarakada Al-shabaab ee magaalada laga saaray xili hore, waxayna dib ugu soo laabteen 3dan Nin in ay gaystaan falal amaan daro, waaana ka hortagnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaliil.

 

Dilka sadexdan Nin ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa uu argagax ku abuuray dadka ku nool Beledxaawo kuwaas oo garan waayay sababta dilka ragan keentay, iyada oo maydkooda saacado badan suuqa u dhexyaalay. waxana iminka caadi ah jawiga magaalada Beledxawo.

 

Dhanka kale Gudoomiye Kaliil ayaa eedayn u jeediyay dowlada KMG ah ee Soomaaliya isaga oo madaxda dowlada ku eedeeyay in ay Tunka uga taaganyihiin howlaha milatary ee gobolka Gedo, isla markaana aan la bixin mushaaraadka iyo qalabka ciidamada Dowlada ee gobolka Gedo.

 

Gedoonlinenews@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dad rayid ah kulahaa, warkaad soo postgareyso ma aqrisid miyaa?

 

“Dadkan waxa ay qayb ka ahayeen Xarakada Al-shabaab ee magaalada laga saaray xili hore, waxayna dib ugu soo laabteen 3dan Nin in ay gaystaan falal amaan daro, waaana ka hortagnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaliil.

Dila dugaaga dadka qarxinaaya on the spot.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maaddeey;808165 wrote:
Somalina, sey kaa noqotay?, ma Kalil baad wax kale ka sugeysaa?, paragraph-ka ka horreeya akhri, bella.

Maaddeey, dhulkaan Afghanistan ma aha, waa dhul Soomaaliyeed, hadduu xataa mid cimaamada sida ayaga camal u xirto in la toogto ayaan qabaa, hadduu u socod eg yahay in lugaha laga gooyo ayaan qabaa. Hadduu u neefsado sida dugaagaas sambabka mindi halaga geliyo ayaan qabaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this