Sign in to follow this  
Dhagax-Tuur

Child brides: too young to wed

Recommended Posts

yemeni-child-brides-husbands-615.jpg

 

Ok, ma ihi qof kasoo hor jeeda inay diinteenu fasaxday in gabar la guursan karo markay qaan-gaarto, laakiin waxbaa ka si ah sawirkaan. Haddii nimankaas iyo caruurtaa garab taagan baa xiriir jamaaci ah wada leh lugu yiraa, budh baad intaad qaadataad madaxa jabin lahayd ragaa, dabcan anigu waa yeeli lahaa. Si walba ood u eegto, sax ilama aha.

 

Sida kaliya ee aan ku yeeli karaayi waa haddii la yiraa, wax jamaac ahi kama dhexeeyaan, ilaa gabdhahaasi naag ka noqdaan, taasina waa wax qariib iska ah, maadaama ragga maanta joogaa ayan lahayn Iimaankii iyo xilkasnimadii Rasuulka SCW.

 

Raali iga ahaada waa iga yara xanaajisa.

 

Tan kale, waxa magaca xun usoo jiidaya diinteenana waa dadkan oo kale.

 

Bal ila arag.

 

Markii ugu horeysan oo aan arkey, damiirkaygu waa uu ii diida in aan caadi u arko. Run ahaantii, maanan jecleysan.

 

The actual photographer's tale:

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Been kuma aadan sheegin sawirkan wax badan baa ka qaldan. dabcan waxaa laga yaabaa iney jirto oo heshiis lagu gaaray sidaad kor ku xustay oo ah 'wax jamaac ahi kama dhexeen karo illaa ay hablaha koraan oo uu jirkooda iyo caqligooduba diyaar noqdo. Allah knows best.

 

 

 

 

 

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaalida waxyaabo badan waa ku xumaan karaan, laakiin waxyaabahaan camal dhaqan uma lihin. Taas Eebbaa ku mahad leh. Muslimiinta qaarkood waxa ka qaldan ma'ogi, dhaqamo baas leeyihiin qaarkood.

 

Hadduu sawirkaan run yahay, oo laba laba isku qabaan, Rabiyaa kugu dhaarshee maxee isku sheegayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa in aanu kor u qaadno qiimaha iyo sharafta afkeena hooyo, maaha?

 

Maaddeey, maadaama aad ka mid tahay wadaadada SOL, xaad ka tiri maadada, hee?

 

 

 

p.s., sick and tired of every other post being in English, time for Somali to shine.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Nin rag ah oo damiir leh caruur xillo kama dhigto, oo damac kama galo. Doqon iyo caaq ayuun baa 9 jir iyo 10 jir guur ka raadiya. Laakiin doqonka caruurta ku meeraysanaya waxaa ka sii daran waalidka gabadhoodii yareyd ee wali caruurta ahayd siinaya nin sodon jir ah.

 

Anigu ma diidani in nin 60 jir ah iyo gabadh 20 jir ahi (vice versa) ay is guursadaan. Waxa aan diidanahay oo kaliya waa caruurta yar yar ee dookhooda iyo xoriyadooda laga xayuubinayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Somaalidu waa dad u naxariista ubadka, ilaahay ha daayee

Digaaga masaakiinta ah iyo ariga maxaa loo qashaa hadana loo cunaa? mar hadii diintu ogolaatay ka dood ma leh,balse waxaa loo raadin karaa adilla in qaruumihii waayadii hore ka saxo iyo jir weynaayeen kuwan kiimikada ku nool

 

 

Tan kale ilama aha in guri loogu geeyo hadana la yiraahdo ha taaban waalidkii bixiyay gabadhooda wey og yihiin inuusan macalin dugsi quraan ahayn

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this