Sign in to follow this  
Garaad Bari

Breaking News: Buuhoodle oo dagaal dib uga billowday

Recommended Posts

Dagaalkii xooganaa ayaa sii laba jibaarmey, wuxuuna hada isku bedeley mid gacmaha lasula tegay, Ciidama maamulka Khaatumo State ayaa u eg kuwo si xawli leh ugu siqaya difaacyada kuwa maamulka Hargaysa, ayagoo ugu yaraan afar goobood kala wareegay.

 

Shabakada Horufadhi.com waxay indhaheeda saaraty baabuur nooca dagaalka ah oo uu ku rakiban yahay qoriga loo yaqaano Shilke kaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee maamulka Khaatumo State.

 

Dagaalkan oo bilowday bacda salaada subax ka dib markii ay weerar gaadmo ah soo qaadeen mal;eeshiyaadka Siilaanyo ayaa u eg mid lagaga guulaystey.

 

Ciidamada maamulka Khaatumo ayaa hada u jahaystay dhanka tuulada Qorilugud oo fadhiisin u ah maamulka Hargaysa, ayadoo la sheegay in qax balaadhan ka soconayo Qorilugud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa goor hore oo saaka ah ka qarxay duleedka degmada Buuhoodle gaar ahaan deegaanka Sool-joogto dagaal u dhexeeya ciidamada Khatuumo iyo kuwa maamulka la magac baxay Somaliland.

 

Dagaalkan oo ah mid xoogan ayaa bilowday waxyar kadib wakhtigii salaadda subax, waxaana weerarka soo qaaday ciidamada Somaliland oo iyagu markii horeba ku sugnaa meel aan Sool-joogto sidaas uga sii durugsanayn.

 

Diryanka maadaafiicda iyo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku ridayaan ayaa laga maqlayaa goobo ka baxsan meesha uu dagaalku ka socdo lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaaray labada garab ee ay dirirtu u dhexeyso.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee Horseed Media ay ka heshay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in dagaalka oo xiligan u muuqda mid sii xoogeysanayaa uu u fiday dhinaca tuulada Qori-lugud.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada deegaanku ay gacanta ku dhigeen gaari kuwa dagaalka ee ay Soomaalidu (Cabdi-bilaha) u taqaano ah islamarkaana uu qori (Shilke) ahi saaran yahay.

 

Sool-joogto waxay 30km ka durugsan tahay degmada Buuhoodle waana markii 6-aad ee halkaas uu ka dhaco dagaal u dhexeeya ciidamada taabacsan maamulkii dhowaan Taleex looga dhawaaqay ee Khaatumo iyo kuwa Somaliland oo iyagu rabay ina la wareegaan gacan ku haynta degamda Buuhoodle.

 

Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay duleedka Buuhoodle ka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh.

 

 

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
billan   

For how long SL will continue spilling people's blood.. War aawayee kuwii lahaa culamaanahay oo waa in dagaalka la joojiyo may lahadlaan.. Allow umadan xaqa tus.

 

Waxaa xaqiiq ah inuu dagaal iclaamiyey markuu Siilaanyo dhoofayey isagoo afkana kalahaa gogol nabad baa dhigay yet orders his thugs to attack daily to Buhodle and its people. This dog has two mouths..

Share this post


Link to post
Share on other sites

waa nasiib daro waana wax laga naxo maalaayacni lagu laayo dad soomaliyeed,,,,, marka aan caqliga saliimka aannu shaqayn waxaan oo kalaa dhaca....... qoladaan Hargaysa maannay quusan qadiyad caalamkoo idil diiday oo 20 sano dabada ka riixayeen maxay wiilashooda iskaga laynayaan

 

war yaa alla yaqaaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Meesha ciidanna majiraan,,, waxay gawaari wateeen laga furay:::::: nimankii Khaatumo waa dhaarsanyihiin,, Qorilugud na ugacan gashay,,,

 

PICz of gawaaridii dagaalka ee landta laga qabsaday,,

 

Gari Qabaalla

http://horufadhi.com/2012/02/08/war-culus-daawo-gaadiidka-laga-qabsaday-jabhada-snm/

 

Gaari Zuu ah

http://horufadhi.com/2012/02/08/deg-deg-daawo-sawirada-gaadhiga-suuga-ah-ee-laga-qabtay-maamulka-snm-live/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;786632 wrote:
War ma ciidanki qaranka ruqaansaday

Haa ciidankii qaranka baa mar kale ciyaal xaafada ku baashaalay. War nimanyahow dad tababaran soo dira.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Waxba kama qabo ... bal marka la madax tirsado habro Burco iyo Hargeysa ka cabaadaya yaanan maqlin. You guys still have a chance to vacate SSC territories and live in peace with your neighbors. The choice is yours.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this