Sign in to follow this  
IAmRevolution

Somaliland will attend UK Meeting as a Gobol within SOMALIA

Recommended Posts

http://waagacusub.com/news/04.02.12.2qiyali.htm

 

Somaliland will attend the London Conference as a Mamuul Goboleed (Federal State within SOMALIA) and it's representatives are NOT permitted to speak of any "Secessionist" rhetoric. LOL

 

Kii Somalidiid JAB!

 

A- Shirka ma waxaan uga qeybgaleeynaa anagoo Dal madaxbanaan ah mise waxaan la mid nahay Puntland iyo Galmudug? ,tan waxay Dowlada Ingiriiska uga soo jawaabtay ( Waxaad shirka uga qeybgaleeysaan idinkoo Somalia ka mida)

 

B- Hadii Jawaabtiinu noqoto inaan shirka uga qeybgaleeyno anagoo maamul goboleeda meesha maku leeyahay khudbad aan ku sharaxo qadiyadeena gooni isu taaga ?,tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Shirka waxaad ku leedahay khudbad 7 daqiiqo ah hasse yeeshee ugama hadli kartid qadiyad gooni isu taag laakiin waxaad uga hadli kartaa sida Somalia lagu nabadeyn karo,loona ciribtiri karo argagixisada iyo burcad badeeda).

 

C- Shirka maka soo qeybgalayaan Khaatumo State iyo Awdal State oo maku casuunteen? Tani waxay Dowladda Ingiriiska uga jawaabtay ( Waxaanu go’aansanay inaan casuuno dhamaan garabyada Somalia ,sida maamul iyo shaqsiyaad waaya araga,sidaas darteed siyaasadeena kuma jirto inaan ergada ka qeybgaleysa martiqaadkooda cid kale u sheegno)

Dhamaan seddexda Jawaab waxay u muuqdaan Negative wuxuuna Siilaanyo ka qeybgalayaa shirka laakiin qodobka ugu muhiimsan ee loo sheegay wuxuu yahay in Dowladda Ingiriiska ku tiri “Waxaan dooneynaa in Dowladda cusub ee Somalia caasimadeeda laga dhigo Hargeysa”

 

Website-yada Somaliland ee ku hadla afka beesha ***** ayaa ku soo biiray masraxa beenta iyo marya habaabinta bulshada waxyaabaha ay qoreena waxaa ka mida.

 

1- Cali Khaliif Galeydh ayaa lagu xiray Ethiopia (Cali Khaliif wuxuu maanta Addis Ababa kula kulmay Ra’isulwasaaraha Ethiopia Melles Zenawi wuxuuna ku sii jeedaa dalka Norway isaga iyo dhamaan wafdiga la socda)

 

2- Shakigii Somaliland ka qabtay shirka oo meesha ka baxay (Tani waa qiyaali iyo been suuqa laga saaray)

 

3- Kooxaha Nabadiidka reer Buhodle oo jab xoogan ku dhacay iyo waa laga sifeeynayaa degaanka ( Tani waa been iyo colaad hurin qabiil.

 

Dhamaan Website-yadu waxyaabaha ay qorayaan waxay noqdeen been aan sal iyo raad laheyn,waana adag tahay sida qof waxgarto ku akhriyo qoraaladooda.

 

Hadii la qiimeeyo hab qoraalka wararkooda waxaa la dhihi karaa HABAR DHALI WEYSAY ALLEELA KU WAALATAY.

 

Taageerada ****** kuma heli kartid inaad WANLA WEYN tiraahdo

Taageerada ********** kuma heli kartid inaad LAANGAAB tiraahdo

Taageerada *********** kuma heli kartid inaad ****** tiraahdo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

Before they say :

Waagacusub
:D
:D:D:D

I will get Hadhwanaag for them.

 

Hargeysa (HWN)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa goaan ka gaadhay ka qaybgalka shirka dawladda Ingiriisku qabanqaabinayso ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo la qorsheeyey inuu dabayaaqada bishan ka qabsoomo magaalada London.

Wargeyska Jamhuuriya ayaa ogaaday xalay in dawladda Somaliland goaansatay inay ka qaybgasho shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo oo 23ka February 2012 ka dhici doona magaalada London, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu caddeeyey inuu meesha ka baxay werwerkii Somaliland ka qabtay ka qaybgalkaa shirkaas, kadib markii ay wadahallo arrintaas la xidhiidha la yeesheen dawladda Ingiriiska, wadaxaajoodyadaasna ka soo baxeen in ka qaybgalka shirka London aannu wax dhaawac ah ama saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka soo laabtay shalay booqasho uu muddo toddobaad ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay xalay, waxa uu sheegay in dawladda Ingiriisku u caddaysay in Somaliland shirka London uga qaybgeli doonto qaab ka duwan sida maamullada kalee ka jira dalka Soomaaliya, isla markaana aanay Somaliland waxba ka khusayn ajandaha lagaga hadlayo khariiddada nabadda Soomaaliya (Road Map), marka laga reebo in Somaliland talo laga weydiiyo sida xasillooni looga hirgelin karo waddanka colaaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya.

 

Waxa jiray wadahadallo xidhiidh ah oo u socday dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo la xidhiidhay qaabka Somaliland uga qaybgelayso shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacaya magaalada London, markaa waxa dawladda Ingiriisku noo caddaysay in aanay Somaliland qayb ka ahayn khariidadda nabadda (Road Map) ee lagaga hadlayo shirka London, arrintaas oo ku kooban qaybaha kalee dalka Soomaaliya iyo sidii nabad waarta looga hirgelin lahaa Soomaaliya dhibaatooyinka colaaduhu ragaadiyeen. Waxay Ingiriisku noo sheegay in shirka London aannu wax saamayn ah ku yeelanayn Jamhuuriyadda Somaliland, balse loo baahan yahay tallada Somaliland ka gaysanayso qaabka xasillooni looga hirgelin karo Soomaaliya, sidaa darteed uu ka qaybgalka shirka London faaiido u leeyahay Somaliland, maadaama lagu casuumay madax badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka.

 

Wadahadallada aannu la yeelanay dawladda Ingiriiska waxa nooga soo baxay in werwer badan oo shirka London naga hayey ama aannu ka qabnay hadda naga baxay oo ka qaygalkeennu aannu wax saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Ingiriiskuna arrintaasi way noo caddaysay, ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.

 

Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu sheegay in daraasad badan oo Somaliland shirkaas ku samaysay ay ka soo baxday in ka qaybgalka shirka London uu Somaliland u yahay fursad qaali ah.

 

Markii aannu darisnay shirka arrimaha Soomaaliya ee London, isla markaana aragnay qaabka dawladda Ingiriisku shirkaas uga qaybgalayso Somaliland waxa noo soo baxday in Somaliland fursad weyn ugu jirto ka qaybgalka shirka London, taas oo wax u taraysa qaddiyadda madaxbannaanida iyo aqoonsi-raadinteenna, iyadoo madaxda reer Somaliland ee ka qaybgala shirka London heli doonaan fursad ay madaxda adduunka iyo hayadaha caalamka ee iyaguna shirkaas ka qaybgalaya kaga dhaadhiciyaan qaddiyadda goonni-isu taagga Somaliland iyo taariikhda Somaliland leedahayba.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la weydiiyey waxa uu yahay doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; Doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London wuxuu yahay sidii ay Somaliland beesha caalamka iyo ka qaybgalayaasha shirkaas ugu soo bandhigi lahayd qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii aannu talo uga gaysan lahayn qaabka xasilloonida iyo kala dambaynta loogu soo dabbaalayo dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya, dawladda Ingiriiskuna waxay doonaysaa in laga faaiidaysto khibradda Somaliland u leedahay dhisidda dawladnimadda iyo adkaynta nabadgelyada, markaa sida dalal kalee jaarka la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya iyo Uganda u doonayaan in xal loo helo dawlad laaanta ka jira Soomaaliya ayey Somaliland qudheeduna doonaysaa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya, shirkaasna waxay Somaliland kaga qaybgalaysaa sidii ay beesha caalamka uga codsan lahayd in taageero loo fidiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada oo ah waxyaabaha la doonayo in xoogga lagu saaro shirka London.

 

Dhinaca kale, sida ku cad qoraallo Jamhuuriya helay oo ka soo baxay kulan loogu gogol xaadhayo shirka London oo 10kii bishii January ee la soo dhaafay dawladda Ingiriisku ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa la doonayaa in Somaliland shirka London kaga qaybgasho qaab ka duwan hannaanka ay kaga qaybgalayaan dawladda Sheekh Shariif, maamul-goboleedada Puntland, Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunah Wal-jamaaca, waxana qorshaha dawladda Britain wadato ee Somaliland shirkaas kaga qaybgalayso ka cadhooday oo shaki xooggan ka muujiyey maamulka Sheekh Shariif oo ku dooday in arrintaasi dhaacawayso midnimada dalka Soomaaliya, isla markaana muhiim tahay in Ingiriisku awooddiisa u adeegsado sidii Somaliland uga qaybgeli lahayd wadahallada nabadeed ee dalka Soomaaliya, miiskana ula fadhiisan lahayd maamullada ka jira Soomaaliya.

 

Dawladda Ingiriisku waxa ay kulanka ka dhacay Nairobi ka sheegtay in aanay ku hawlanayn qorshe lagu dhaawacayo midnimada dalka Soomaaliya, sidoo kalena aanay si rasmi ah u aqoonanayn madaxbannaanida Somaliland, balse waxay dawladda Britain caddaysay in Somaliland gacan weyn ka geysan karto mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii xasillooni looga dhallin lahaa, taasina tahay sababta Somaliland loogu martiqaaday shirka 23ka bishan February ka dhici doona magaalada London.

 

Cabsida maamulka Sheekh Shariif ka qabto qaabka Somaliland uga qaybgalayso shirka London, ayaa muujinaya in dawladda Ingiriisku qorshaysay hannaan ka duwan maamullada kalee Soomaaliya ka jira oo Somaliland uga qaybgalayso shirkaas, kaas oo ah in Somaliland talo ku darsato xasilloonida iyo dhismaha dawlad loo dhan yahay oo ka dhalata dalka Soomaaliya oo nabadgelyo-darro xun ka taagnayd 21kii sanno ee la soo dhaafay.

 

jamhuuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

No one is obsessed, he reported a news story regarding Somalia, he said that Somaliland will attend under the flag with a 5 point star.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AsadSL;784664 wrote:
This obession with somaliland needs to stop. Come on guys.

Lol @ Come on guys. I think AsadSL is crying. He's begging us to not rub the salt on his wound. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

If Siilaanyo plays his cards well, and gathers some courage his participation could be a game changer.

 

But I am afraid this secession nonsense and the delusion of being a different country will impede his potential gains

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;784700 wrote:
If Siilaanyo plays his cards well, and gathers some courage his participation could be a game changer.

 

But I am afraid this secession nonsense and the delusion of being a different country will impede his potential gains

I sense you're a undercover Siilaanyo fan. I could careless whether the old fart plays his "cards" well or not. The guy will report to the Hague. He knows that, so he'll stay locked in, in Morgan's Villa in Hergeisa till death approaches him.

 

He has Hergeisa as a hostage. His children and grandchildren are set for life. He filled up bank accounts internationally, while the men and women of Hergeisa are dying of starvation, deceived, in attaining a recognition that's further than the distance of the Sun and the Earth.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ i dont know whether you ever been to Hargaisa saxib...your concept of reality is like Narnia in comparison to reality...the reality is Somalilanders died for their country in the tens of thousands. They have no aim of being part of Somalia and are willing to defend it till the very end, they would rather live 1000 years as an unrecognised country then be part of somalia...furthermore..regardless of how much you somali's beg and plead for them to come: they wont come: and if they do: its not to be part of Somalia its to get more cashhhhhhhhhhh and contactsssssssss... so you see my son...even this upcoming conference Somaliland has attained special status: and is there to give its view on how Somalia should be put back into colonial hands and to what authority. so enjoy your last months as a free state whatever the f**K that means...and if your betting on Somaliland to save the somali's youve lost that bet...these people simply dont give a dam. :D

 

http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Xukuumadda-Somaliland-Oo-Ku-Dhawaaqday-Inay-Ka-Qayb-galayso-Shirka-London-Iyo-Wasiirka-Arimaha-Dibada-Oo-Cadeeyay-In-War-Warkii-Meesha-Ka-Baxay.html

 

 

Dawladda Somaliland oo Go’aan ka Gaadhay ka Qaybgalka Shirka London

Last Modified: Fri 03rd Feb,2012

- Maxaa ka soo baxay wadahadalladii u socday Somaliland iyo Ingiriiska?

- Doorka Somaliland ku leedahay ka qaybgalka shirka London

 

- Soomaaliya oo shaki xooggan ka qabta qorshaha Britian ee la xidhiidha Somaliland

 

- Nuxurka qoraallo Jamhuuriya heley oo ka soo baxay kulan ka dhacay Nairobi oo loogu gogol-xaadhayo shirka London

 

Hargeysa (Jam)- Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aan ka gaadhay ka qaybgalka shirka dawladda Ingiriisku qabanqaabinayso ee lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo la qorsheeyey inuu dabayaaqada bishan ka qabsoomo magaalada London.

 

Wargeyska Jamhuuriya ayaa ogaaday xalay in dawladda Somaliland go’aansatay inay ka qaybgasho shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo oo 23ka February 2012 ka dhici doona magaalada London, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu caddeeyey inuu meesha ka baxay werwerkii Somaliland ka qabtay ka qaybgalkaa shirkaas, kadib markii ay wadahallo arrintaas la xidhiidha la yeesheen dawladda Ingiriiska, wadaxaajoodyadaasna ka soo baxeen in ka qaybgalka shirka London aannu wax dhaawac ah ama saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ka soo laabtay shalay booqasho uu muddo toddobaad ah ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu warramay xalay, waxa uu sheegay in dawladda Ingiriisku u caddaysay in Somaliland shirka London uga qaybgeli doonto qaab ka duwan sida maamullada kalee ka jira dalka Soomaaliya, isla markaana aanay Somaliland waxba ka khusayn ajandaha lagaga hadlayo khariiddada nabadda Soomaaliya (Road Map), marka laga reebo in Somaliland talo laga weydiiyo sida xasillooni looga hirgelin karo waddanka colaaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya.

 

“Waxa jiray wadahadallo xidhiidh ah oo u socday dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo la xidhiidhay qaabka Somaliland uga qaybgelayso shirka arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo ee ka dhacaya magaalada London, markaa waxa dawladda Ingiriisku noo caddaysay in aanay Somaliland qayb ka ahayn khariidadda nabadda (Road Map) ee lagaga hadlayo shirka London, arrintaas oo ku kooban qaybaha kalee dalka Soomaaliya iyo sidii nabad waarta looga hirgelin lahaa Soomaaliya dhibaatooyinka colaaduhu ragaadiyeen. Waxay Ingiriisku noo sheegay in shirka London aannu wax saamayn ah ku yeelanayn Jamhuuriyadda Somaliland, balse loo baahan yahay tallada Somaliland ka gaysanayso qaabka xasillooni looga hirgelin karo Soomaaliya, sidaa darteed uu ka qaybgalka shirka London faa’iido u leeyahay Somaliland, maadaama lagu casuumay madax badan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada caalamka.”

 

“Wadahadallada aannu la yeelanay dawladda Ingiriiska waxa nooga soo baxay in werwer badan oo shirka London naga hayey ama aannu ka qabnay hadda naga baxay oo ka qaygalkeennu aannu wax saamayn ah ku yeelanayn madaxbannaanida iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland, dawladda Ingiriiskuna arrintaasi way noo caddaysay,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland.

 

Waxa kaloo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar uu sheegay in daraasad badan oo Somaliland shirkaas ku samaysay ay ka soo baxday in ka qaybgalka shirka London uu Somaliland u yahay fursad qaali ah.

 

“Markii aannu darisnay shirka arrimaha Soomaaliya ee London, isla markaana aragnay qaabka dawladda Ingiriisku shirkaas uga qaybgalayso Somaliland waxa noo soo baxday in Somaliland fursad weyn ugu jirto ka qaybgalka shirka London, taas oo wax u taraysa qaddiyadda madaxbannaanida iyo aqoonsi-raadinteenna, iyadoo madaxda reer Somaliland ee ka qaybgala shirka London heli doonaan fursad ay madaxda adduunka iyo hay’adaha caalamka ee iyaguna shirkaas ka qaybgalaya kaga dhaadhiciyaan qaddiyadda goonni-isu taagga Somaliland iyo taariikhda Somaliland leedahayba.”

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la weydiiyey waxa uu yahay doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London ee laga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; “Doorka Somaliland kaga qaybgalayso shirka London wuxuu yahay sidii ay Somaliland beesha caalamka iyo ka qaybgalayaasha shirkaas ugu soo bandhigi lahayd qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii aannu talo uga gaysan lahayn qaabka xasilloonida iyo kala dambaynta loogu soo dabbaalayo dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya, dawladda Ingiriiskuna waxay doonaysaa in laga faa’iidaysto khibradda Somaliland u leedahay dhisidda dawladnimadda iyo adkaynta nabadgelyada, markaa sida dalal kalee jaarka la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kenya iyo Uganda u doonayaan in xal loo helo dawlad la’aanta ka jira Soomaaliya ayey Somaliland qudheeduna doonaysaa in nabad laga dhaliyo Soomaaliya, shirkaasna waxay Somaliland kaga qaybgalaysaa sidii ay beesha caalamka uga codsan lahayd in taageero loo fidiyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada la-dagaalanka budhcad-badeedda iyo argagixisada oo ah waxyaabaha la doonayo in xoogga lagu saaro shirka London.”

 

Dhinaca kale, sida ku cad qoraallo Jamhuuriya helay oo ka soo baxay kulan loogu gogol xaadhayo shirka London oo 10kii bishii January ee la soo dhaafay dawladda Ingiriisku ku qabatay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa la doonayaa in Somaliland shirka London kaga qaybgasho qaab ka duwan hannaanka ay kaga qaybgalayaan dawladda Sheekh Shariif, maamul-goboleedada Puntland, Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunah Wal-jamaaca, waxana qorshaha dawladda Britain wadato ee Somaliland shirkaas kaga qaybgalayso ka cadhooday oo shaki xooggan ka muujiyey maamulka Sheekh Shariif oo ku dooday in arrintaasi dhaacawayso midnimada dalka Soomaaliya, isla markaana muhiim tahay in Ingiriisku awooddiisa u adeegsado sidii Somaliland uga qaybgeli lahayd wadahallada nabadeed ee dalka Soomaaliya, miiskana ula fadhiisan lahayd maamullada ka jira Soomaaliya.

 

Dawladda Ingiriisku waxa ay kulanka ka dhacay Nairobi ka sheegtay in aanay ku hawlanayn qorshe lagu dhaawacayo midnimada dalka Soomaaliya, sidoo kalena aanay si rasmi ah u aqoonanayn madaxbannaanida Somaliland, balse waxay dawladda Britain caddaysay in Somaliland gacan weyn ka geysan karto mustaqbalka Soomaaliya iyo sidii xasillooni looga dhallin lahaa, taasina tahay sababta Somaliland loogu martiqaaday shirka 23ka bishan February ka dhici doona magaalada London.

 

Cabsida maamulka Sheekh Shariif ka qabto qaabka Somaliland uga qaybgalayso shirka London, ayaa muujinaya in dawladda Ingiriisku qorshaysay hannaan ka duwan maamullada kalee Soomaaliya ka jira oo Somaliland uga qaybgalayso shirkaas, kaas oo ah in Somaliland talo ku darsato xasilloonida iyo dhismaha dawlad loo dhan yahay oo ka dhalata dalka Soomaaliya oo nabadgelyo-darro xun ka taagnayd 21kii sanno ee la soo dhaafay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this