Sign in to follow this  
Saalax

Cali Khaliif Galaydh jailed in Addis Ababa?

Recommended Posts

Saalax   

Sirdoonka Itoobiya oo Xabsiga Dhigay Siyaasiga Guur-guurka Badan ee Cali Khaliif Galaydh

 

Sirdoonka Dawlada Dhexe ee Itoobiya ayaa Fiidnimaddii Xalay

xabsiga u taxaabay siyaasiga guur-guurka badan ee Cali Khaliif Galaydh oo

ahaa Hogaamiyihii aasaasay Maamul ku Sheega Hirgali waayay ee Khaatumo

Seeg, maamulkaas oo lagaga dhawaaqay Deegaanka Talleex Sanadkan dhamaaday.

 

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Caalami u sheegay in

Siyaasigan la xidhay wakhti uu ku sugnaa Casuumad Balaadhan oo ay soo qaban

qaabiyeen Beesha Geri Koombe ee magaalada Jigjiga, waxaana wararku

sheegayaan in loo dhaadhiciyay Xabsi ku yaala Magaaladda Addis-ababa ee

Caasimadda Wadanka Itoobiya,waxana wararku intaasi ku darayaan in kooxihii

uu horkacayay ee la socdey ay baxsadeen isla markaana lagu daba jirro.

 

Hogaamiyayaasha la socdey Maxbuus Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa lagu soo

waramayaa in qaarkood la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halka

kuwo kallena wali lagu daba jirro, waxaana uu xadhigani ku soo beegmayaa

xili ay xukuumadda Somaliland shaaca ka qaadey in ay dacwad ka dhan ah

hogaamiyaasha maamulka Khaatumo Seeg u gudbiysay Dawladda Dhaxe ee Itoobiya.

 

Sidoo kalena u bandhigtay cabasho la xidhiidha dareenno Somaliland ka qabto

in kooxaha hubaysan ee dagaalka ka wada degaanka Buuhoodle ay taageero ka

helaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadey in ay

Dawladda Dhaxe ee Itoobiya ay u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Maamulka

Khaatumo Seeg, taas oo uu sheegay in ay ka cabsi qabaan in Killilka Shanaad

uu taageersan yahay Maamulka Khaatumo Seeg “Dawladda Dhaxe ee Itoobiya

Waxaannu u gudbinay oo kala hadalnay dareenno aannu ka qabno in maamulka

Killilka Shanaad xidhiidh la leeyahay colaadaha kooxaha naba-diidka ah ka

wadaan degaannada bariga Gobolka Sool iyo Buuhoodle ee dalka Somaliland,

markaa annaga oo tixraacaynay heshiishkii nabadgelyo ee labada dal ka

dhexeeyey ee bishii shanaad ee sannadkii 2011 lagu saxeexay magaalada

Diridhaba ayaannu dawladda Itoobiya kala hadalnay colaadaha ka socda

degaanka Buuhoodle, iyadoo shirkaasna uu ka qaybgalay wasiirka dhinaca

amniga u qaabilsan dawladda Federaalka Itoobiya oo heshiishkii Diridhabana

dhinaca Itoobiya u saxeexay, waxaanuna ka wadahalnay sidii Somaliland iyo

Itoobiya gacan midaysan uga yeelan lahaayeen kooxaha hubaysan ee

nabadgelyo-darrada ka wada Buuhoodle, annagoo aaminsan in kooxahaas

hubaysani taageero iyo gacan-saarba ka helayaan masuuliyiin iyo madax ka

tirsan gobolka Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaanuna dawladda

Itoobiya ka dalbanay inay arrintaas baadho oo wax ka qabato, sidoo kalena

gacan naga siiso sidii colaaddaas loo soo afjari lahaa” ayuu yidhi Dr

Maxamed C/laahi Cumar.

 

Siyaasigan la xidhay ayaa carqalad ku noqdey gabi ahaanba amaanka Gobolka

Sool, waxana uu dooneyay in uu colaad ka horiyo deegaanka Laascaanood iyo

Buuhoodlle, Balse feejignaan badan iyo taxadiraad gaar ah oo ay galleen

Ciidmadda Qaranka Somaliland iyo Shacabka Deegaankaas ayaanay tani u suura

galin Maxbuus Cali Khaliif Galaydh.

 

Isku soo wadda duuduub oo xadhigan ayaa noqonya mid cawaaqib xumo ku reeba

siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ay markiisii horreba taariikhdiisu ahayd

bar madow isla markaana mugdi ku jirta, ka dib markii uu caadeystay in uu

isku dayo in uu khalkhal galiyo Qaranka Somaliland, isaga oo filayay in uu

majara habaabinayo shacabiga deegaanka Sool, balse waxa uu tan ka qaadey in

isaga laftiisu uu gallo xabsi ay adag tahay sidda uu uga soo baxo

 

Xigasho Wargeyska Caalami

Share this post


Link to post
Share on other sites

please send him to Hargaisa so we can slap him about a few days...we promise to give him back..hahaha:cool:

 

khatumo xabsi xabashi ayaay ku dambaysay iyo 87 dead teenagers....:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Walle Ali Khalif muxuu in badan ka cabaadiyey. 20 year project takes one man to dismantle it in two months according to the SOL SL boys. If I were you, I will keep quite rather than be the condom for the little dictator zinawi. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Peace Action;784362 wrote:
Walle Ali Khalif muxuu in badan ka cabaadiyey. 20 year project takes one man to dismantle it in two months according to the SOL SL boys. If I were you, I will keep quite rather than be the condom for the little dictator zinawi.
:)

dismantle what? i think you should choose your words carefully because it makes you look like a joke? the only thing the man dismantle is the number of dead inside his home town of buhoodle which has now reach 81... :cool:

 

Thank you Galayd..:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^^ I thought you said he is already arrest?

 

Ya successionist, this is more than desperation! Itaalkiinii ma habaar buu isug biyo shubtay!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Source: Ramaasnews.com ( snm/somalidiid website)

 

 

Prof. Cali Khaliif Galaydh Iyo Xubno Ka Mid Ah Khaatumo State of Somalia Oo Addis-Ababa Ku Tagay Marti-qaad Rasmi Ah Ay Ka Heleen Dowlada Dhexe Ee Federaalka Itoobiya, iyo Ilo Xog-Ogogaal Ahi u Xaqiijiyeen Shabakeda Wararaka ee Ramaasnews in Prof. Cali Khaliif oo la Kulmaya la kulmi doonaa madaxda sare ee federal-ka,kuwaasoo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare Meles Zenawi

 

 

 

Addis Ababa (Ramaas) Feb. 3, 2012- Xukuumada federal-ka ee wadanka ETHIOPIA, ayaa martiqaad rasmi ah u fidisay maamulada Khaatumo State iyo Awdal State oo ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, waxaana ay madaxda maamuladaas la yeelanaysaa kulamo gooni-gooni ah oo taageero loogu muujinayo .

 

Dawlada dhexe ee Addis Ababa, ayaa la sheegay in ay doonayso xidhiidh xagga amaanka iyo siyaasada ah oo ay layeelato kooxahan, oo ballan qaaday in ay daacad u ahaan doonaan ETHIOPIA, iyaga oo ka codsaday in ay damaanad qaado amaankooda, ilaa inta ay gacanta ku dhigayaan dhulka ay qorshaynayaan in ay maamulada ka hirgalinayaan.

 

ETHIOPIA waxa ay si cad u sheegtay in ay soo dhaweynayso maamulka kasta laga dhisayo dhulweynihii la isku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid tahay, waa haddii maamulada cusubi ay taabacsan yihiin siyaasada xukuumada Meles Zenawi ee gobolka Geeska Afrika , laakiin waxa meesha ka baxay cilaaqaadkii ay la lahayd Somaliland oo jiray in ka badan 20 sanno.

 

Dhanka kale waxa Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka ETHIOPIA maalintii shalay gaadhay wefti uu hogaaminayo Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah ee maamulka Khaatumo State, waxaana uu la kulmi doonaa madaxda sare ee federal-ka,kuwaasoo uu ka mid yahay Ra iisal wasaare Meles Zenawi sida ay ilo xog-ogogaal ahi u xaqiijiyeen shabakeda wararaka ee Ramaasnews.

 

Meles Zenawi, ayaa la sheegay in uu Cali Khaliif, ku dhiirigelon doono sidii uu maamulkiisa ugu baahin lahaa dhulka ay degta beesha uu ka soo jeeda ee Sool, Sanaag Bari iyo Buhoodle, iyada oo ETHIOPIA ay siin doonto gargaarka dhanka gaashaandhiga ah, isla markaana ay xukuumada Somaliland ku qanci doono in ay joojiso dagaalada ka dhanka ah kooxada falaagada ah.

 

Galaydh oo xilka wasiirka koowaad ka qabtay dawlada KMG ahayd ee lagu soo dhisay Magaalada Carta ee dalka Djibouti ee uu hogaaminayay Cabdiqaasim Sallaad Boy sannadkii 2000, ayaa gacan ka gaystay burburkii dawladaas, ka dib markii ETHIOPIA ay ku eedaysay in ay xidhiidh la lahayd argagixisada caalamiga ah, waxaana uu sida oo kale taageero dhanka siyaasada ah ka haystaa dalka Maraykana uu barre jaamacadeed ka yahay.

 

Xidhiidhka Somaliland iyo ETHIOPIA oo diciifay ilaa intii xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo xukunka wadanka la wareegtay, ayaa sabab u noqday in ay kooxaha gooni isu taaga ka soo horjeeda taageero waydiistaan dalka saaxiibka hore ahaa.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Ethiopian Government Spurns Omar, Somaliland Foreign Minister

 

Source : Qaran qabiilnews (Somalidiid website)

Feb 02, 2012

 

Addis Ababa(Qarannews):- The Ethiopian government which has always welcomed Somaliland delegations including ministers of the government has withdrawn the red carpet treatment for Somaliland's erstwhile minister of Foreign Affairs, Dr. Mohamed Abdillahi Omar.

 

The minister who has been in Addis Ababa on "official government " business since the beginning of the recent AU Heads of State and Foreign ministers summit, had to decided to leave for Kenya after the normally welcoming Ethiopian government gave him the cold shoulder.

 

According to our sources close to the matter, the Foreign Office in Addis Ababa refused to receive the minister due to his lack of diplomatic credentials and in one bizarre incident, the minister, Dr. Omar went with the Somaliland Home Affairs minister Mohamed Arraleh Duur, who had a scheduled meeting with his Ethiopian counterparts.

 

After the Home Affairs minister Duur's, return to Somaliland, in which he held a press conference to address the visit to Addis Ababa and its results and ramifications for Somaliland, Dr. Omar decided to stay on Ethiopia in the hopes of meeting with senior officials from the Ethiopian Foreign Office.

 

Our sources also confirm that the Ethiopian government finally decided to give, after much pleading by Dr. Omar, an audience with the Minister of State, Dr. Tekeda Alemu, and only after Dr. Alemu has completed his normally daily activities and engagements.

 

Dr. Mohamed Abdillahi Omar, who has been Somaliland's Foreign Minister since June 2010 has managed to lower Somaliland's standing and prestige in international circles due to his lack of diplomatic skills and competence.

 

As Somaliland debates whether or not to attend the up-coming meeting on the Horn of Africa in London, irrespective of the decision Somaliland takes, minister Dr. Omar can best serve the nation by staying at home.

 

Last Updated ( Feb 02, 2012 at 12:27 PM )

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Melez Zanawi oo Diyaraad Khaas ah u Soo Diray Wafida Ka Sodca Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia

 

waxaa maanta gaadhay magaladda Adis abab waftidii ka socotay Khaatumo State ee maalmahan ku sugnaa Magaaladda Jigjiga waftidan ayaa diyaarad Khaas ah geysay Adis ababa waxana Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey madax sare sare oo ka tirsan Dawladda Itoobiya

 

Waftidan ayaa Casuumad rasmi ah ka helay R/wasaaraha Itoobiya Melez Zanawi taas oo ay ugu gudbeen Adis ababa waxana la sheegay in lagu dajiyey Hotel Hilton isla markaasna loo qaabilay si heer sare ah waxana la filayaa in Kulamo ay la qaateen R.wasaaraha Itoobiya iyo waliba Safaaradaha beesha Caalamka ee ku sugan Adis abab

 

Dawladda Itoobiya iyo Maamulka Khaatumo ayaa wadaaga Xuduud dheer waxana lama huraan ah in labadda dhinacba ay iska kaashadaan wada shaqaynta Amaanka iyo Horumarka dhinackastaba, waxana wanagaasan iminka xidhiidhka labadda dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

khaatumo1.png

 

 

Waftida Khaatumo State of Somalia ee Ku Sugan Addis Ababa oo Kulamo La Qaatay R/wasaare Melez, Madaxdda Sar Sare ee Itoobiya iyo Beesha Caalamka

 

Waftida Khaatumo State ee ku sugan magaaladda Adis ababa ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Madax sare sare ee Dawladda Itoobiya iyo waliba Wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Adis ababa

 

Waftida ayaa shalay kulamo la yeelatay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Itoobiya kulankaas oo qaatay muddo saacadaha waxana labadda dhinacba ay isla jeexjeexiin sidii Iskaashi loo samayn lahaa ka dibna waxa ay kulan la qaateen Isla Shalay Wasiirka Gaashaandhiga ee Itoobiya waxana kulamadaasi ku dhamaadeen dhamaan Guul

 

Waftidu waxa ay xalayto Kulan Casho sharaf ah la yeelatay R/wasaaraha Dalka Itoobiya Melez Zanawi taas oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda ee Adis abab, waxana uu R/wasaare Melez uu aad u soo dhaweeyey Madax kala duwan ee Khaatumo iyo mirihii ka soo baxay Shirkii Khaatumo2 ee Taleex, Kulankaas ayaa ku dhamaaday is afgarad

 

Waftidu waxa ay kulamo kale la qaateen Madax kale duwan ee Beesha Caalamka u joogta Adis ababa gaar ahaan Safaaradaha Maraykanka iyo Uk, Ururka IGAD, AU, waxana jira Balamo ay la lee yihiin Safaaradaha kale ee wadamadda Yurub ku lee yihiin Adis abab

 

Waxaana Kulamadaas danbe waftida uga qayb galaya Xubnaha G9 ee Adis ababa joogta iyada oo Isimadu dib ugu soo noqdeen Maanta Jigjiga si ay uga qayb galaan caleema saark Ugaaska ugu faca weyn DDS oo todobaadkan dhacaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ i know it pains you...anyone can write anything...but the man is locked up..i doubt Ethiopia a government which failed to give Shieck Shariff a decent welcoming or attention for that matter is hosting a national banquet on behalf of Khatumo hahahaah.... :cool:

 

He was last seen in Addis abba..he is not in america...and its been confrimed that the hotel he was staying in during a lunch with his fellow clans men in Addis was interupted and the man was arrested. :cool:

 

The Somaliland Ethiopian border has been shut particularly around buhoodle town...so that leaves you out of options ...i think in english its known as "Check Mate"...:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this