Sign in to follow this  
Che -Guevara

Oodka Any Advice to the Old Man ?

Recommended Posts

“Shirka Ingiriiska marti-qaadkiisii wuu na soo gaadhay, waxase aan ku jirnaa wada tashiyo”

January 25th, 2012 Comments Off

 

 

“Dagaalka Buuhoodle waanu ka xunahay, waxay ciidamaddu talaabo ka qaadeen ciidamo dadka dhibaateynayay”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay markii u horaysay shirka dawlada Britain ku qabanayso badhtamaha bisha Febarwari ee fooda inagu soo haysa Magaalada London, waxaanu sheegay inay ku gudo-jiraan wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan mowqifkii ay iska taagi lahaayeen shirkaasi.

 

“Shirkan Ingiriisku ugu yeedhay inay Somaliland ka soo qeyb gasho marti-qaadkiisii masuuliyiinta Ingiriisku way na soo gaadh siiyeen shirkaa arrintiisa. Somaliland waa dal madax banaan inkasta oo aanu ictiraaf haysan, haddana waa dal madax-banaanidiisa haysta oo sababo taariikheed oo dheer ay keentay madax-banaanidiisa oo dadkuna ay ku tashadeen. Inkasta oo aanay ictiraaf haysan Somaliland haddana dunidu way la shaqeysaa iyana way la macaamishaa dunidda,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inaanay xukuumad ahaan ay ka fogaanayso wixii wax u dhimaya madax banaanida Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anagu wixii aanu u aragno inay waxyeelayaan madax-banaanida Somaliland dacan kuma jirno. Shirkan talladiisii iyo arrimihiisii ayaanu ku jirnaa oo waxaanu ka tashanaynaa wixii laga yeeli lahaa. Waxaanu la tashanaynaa qeybo badan oo bulshada ka tirsan oo ay axsaabta siyaasaddu ka mid tahay.”

 

“Dagaalka ka dhacay Buuhoodle waa ayaan darro oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dagaal aanu shacbi ku qaadnay ma aha, waxa jiray dagaal ciidamo hubaysan oo dadka khalkhal gelinayay ay ciidamaddu tallaabo ka qaadeen. Waanu ka xunahay haddii dad shacab ah dhibaato soo gaadhay ma rabno kumana tallo jirno inaanu dad shicib ah waxyeelo,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa u waramayay BBC-da.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo la weydiiyay sida uu u arko natiijadii shirkii Taleex lagu soo gabo-gabeeyay dhawaan waxaanu yidhi “Arrimaha ka soo baxay shirkaasi ee dhibaatooyinka kicinaya,marka hore beeluhu way shiri jireen oo deegaanada dalka waynu ka war-qabnaayoo beelo badan ayaa shirayay laakiin waxay u shirayeen danahooda iyo deegaanadooda in wixii horumar ah ee dhinacyada Tacliinta,biyaha iyo caafimaadka. Shirkaasi markiisii hore manaan diidin waayo lanoogama dhigin shir goosi la imanaya, waanuse ka dignay oo waxaanu nidhi inta shirkaasi yahay mid dadku aayihiisa kaga tashanayo waxba kama qabno madax banaanida Somaliland-na way wada saxeexeen beelaha Somaliland shirkii Burco ee 1991-kii.

Dhinaca kale, waraysi kale oo uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siiyay BBC World Service, ayuu si qoto-dheer ugaga waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay ee dhinacyadii dib u heshiisiintii beelaha, dhismihii Ha’yadaha dawliga ah, hirgelinta dimuqraadiyada iyo tartanka axsaabta badan iyo qodobo kale.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay xukuumadiisu dedaal ugu jirto sidii ay shaqooyin ugu abuuri lahayd Muwaadiniinta iyo dhalinyarada dalka, waxaanu tafaasiil ka bixiyay go’aankii uu sanadkii hore mushaharkii ugu kordhiyay 100% ciidammadda iyo shaqaalaha dawladda.

 

Weriye Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is preposterous. This shouldn't even be posted here. An apology from Siilaanyo, is like an apology from Shaitan, apologizing to you for whispering into your ears during Salat. The only problem with that is, Shaitan will do the whispering again, and again and again. The moral of the story is, Siilaanyo and his Separatist Mafia will continuously attack, kill, rape and abduct anyone, and I repeat, ANYONE who isn't from his clan.

 

The issue of Somaliland is not based on nationality, ethnicity, or religion, although, I think the ethnicity and religion parts have a major role in Somalia's instability; referring to external powers intermingling in Somalia's affairs, but the issue of Somaliland is the mere fact that it's solely standing due to Tribal ties. Without certain clans, the entire Somaliland ideology crumbles into pieces. We have Xaji Xunjuf in our midst, and the guy has overly used the term "Clan Enclave" to pinpoint or label it towards others, while ironically he's the one who has barked, meowed, and laughed like a hyena, while speaking for his "Somaliland", a "Clan Enclaved" state consisting of Waqooyi Galbeed, Togdheer and Western Sanaag.

 

My advice to the Old guy is this. Stay in the territories you have already wrongfully stolen, by using Colonial powers to help you achieve what you now settle peacefully.

 

Without peace, does Siilaanyo think his clan will live in Burco? Let me laugh hysterically, Bahahahahahahahahahahaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mujahid Ahmed Mohamed Silanyo president of Somaliland, will disrupt, disturb, and kill if necessary those elements who wish to destroy the peace in Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taleexi;779830 wrote:
Haa Scripts-ku waa iska sii hantaatici karaan.

Galaydna muxu istamaclaaa...kanbaba dowlad dhan hogamiyee !!! Sheko bax bax is getting old.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well done Mr. President.

 

“Dagaalka Buuhoodle waanu ka xunahay, waxay ciidamaddu talaabo ka qaadeen ciidamo dadka dhibaateynayay”

Inkasta oo aanay ictiraaf haysan Somaliland haddana dunidu way la shaqeysaa iyana way la macaamishaa dunidda,”

“Dagaalka ka dhacay Buuhoodle waa ayaan darro oo aad iyo aad ayaanu uga xun nahay dagaal aanu shacbi ku qaadnay ma aha, waxa jiray dagaal ciidamo hubaysan oo dadka khalkhal gelinayay ay ciidamaddu tallaabo ka qaadeen. Waanu ka xunahay haddii dad shacab ah dhibaato soo gaadhay ma rabno kumana tallo jirno inaanu dad shicib ah waxyeelo,”

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Che -Guevara;779821 wrote:
Taleexi...We will wait for our resident SOL commentator Mr.NGONGE:D

Do you have a problem with Siilaanyo's replies there? It sounded measured and to the point. Still on message.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

My advice to Siilanyo.

 

Socialize, fraternize and make follow-up appoints with all the Somali stakeholders on individual basis. Invite them for officials visits to Hargeysa. Even with Ahlu Sunna, Ximan iyo Xeeb, Hiiran Doxa state. Weather Somaliland becomes recongnized or not, it has the capacity to influence and dominate the region. Who needs Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Oodweyne's advice to the old man was to attack Buhodle and crush Khatumo leadership before the conference and the old man just did that this afternoon, but sadly many lives are lost both sides and his militia are on the run. Allow kala qabooji oo kuwan caqli ku soo celi way waasheene..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this