Sign in to follow this  
Cambuulo iyo bun

WAR DEG DEG: Al shabaab oo laga saari guud ahaan caasimadda jamhuuriyada Soomaaliya

Recommended Posts

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa saakay aroortii la wareegay difaacyo hor leh kadib howlgal ay ka billaabeen maanta qeybha ay Shabaab uga hareen magaalada Muqdisho.

 

Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay ku dhaqaaqay aagag badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen malleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana ka mid ah goobaha ay ciidammada ka dhaqaaqeen waddada Warshadaha.

 

Taliyaha Guutada Labaad ee ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidammada Xoogga ay la warageen Jaamacada Muqdisho, Khabuuraha Barakaat iyo xaafaddo halkaasi ku hareereysan.

 

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in saacaddaha soo socda ay gaari doonaan deegaanno hor leh isla markaana isla maanta lagu kala bixi doono duleedka Muqdisho oo Shabaab ku dhuumaaleysanayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowladda KMG ah guutooyin ka tirsan oo si aad ah u hubeysan iyo ciidamada AMISOM ayaa howlgal qaatay in ka yar 24-saac waxay kula wareegeen goobo muhiim u ah difaaca magaalada Muqdisho, gaar ahaan degaanno ku yaala degmooyinka Dayniile, Kaaraan, Huriwaa, Yaaqshiid iyo degmooyin kale.

 

Wararka naga soo gaaraya goobaha ay iminka dagaalladu ka socdaan ayaa la sheegayaa in madaafiicda darandooriga u dhaca, kuwa dheereeya iyo gantaalaha ridada fogba la isku adeegsaday, iyadoo ciidamada Dowladda ay jiireen aagag dhowr ah oo ciidamada Shabaabka ay ku lahaayeen Dayniile iyo duleedka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

 

Goobaha ay dagaaladu ka socdaan ayaa waxaa ku sii qulqulaya ciidamo fara badan oo ka tirsan Dowladda KMG ah, kuwaasi oo isku diyaarinaya inay xoojiyaan aagagga ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin.

 

Dagaalka ayaa la sheegayaa inay qaadeen Dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM, iyadoo ciidamada Dowladda ay weeraro ballaaran ka geysteen dhowr jiho oo ku yaala hareeraha magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha ciidamada Madaxtooyada Dowladda KMG ah Col. C/llaahi Cali Caanood ayaa warbaahinta u sheegay inay dhowr jiho ka weerareen goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada ururka Al-Shabaab, dagaalkaasi oo uu sheegay in iminka ay weli ciidamadu ku sii eryanayaan wixii ciidamada Al-Shabaab.

 

"Kooxihii cadowga ahaa waxaan ka saarnay meelihii ay uga sugnaayeen magaalada Muqdisho" ayuu yiri Col. C/llaahi Cali Caanood oo sheegay in magaalada Muqdisho ay gacanta ku hayaan.

 

Goobaha ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay saakay la wareegeen waxaa ka mid ah xarunta Jaamacadda Muqdisho, wadada Barakaat, waddo muhiim ah oo isku xirta degaanada Basra iyo Degmada Balcad.

 

Sidoo kale dhinaca bari ee magaalada Muqdisho ayaa ciidamada Dowladda KMG ah waxay u dhaqaaqeen dhinaca suuqa Xoolaha, iyagoo dardaray isla markaana cagta mariyay isbaaradii ugu weyneyd ururka Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Galgalato

 

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dagaalada saakay waaberigii ka bilowday magaalada Muqdisho hareeraheeda ayaa noqonaya weerarkii ugu ballaarnaa ee ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay guulo ka soo hooyeen, isla markaana si rasmi ah ula wareegeen guud ahaan magaalada Muqdisho oo dhan.

 

Dhinaca kale ciidamada Dowladad iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegayaa in weerarkoodu ahaa mid qorsheysan, isla markaana haatan ku sugan degaanada Maslax, Suuqa Xoolaha iyo degaanno ku dhow dhow.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

08.30 european time which is now im on skype with some relatives in the capital Muqdisho and i asked them about Al shabaab being libarated from Muqdisho, they responed with ''been cad waaye'' im now trying to find out some details.

 

Edit: the amisom forces in the nort fronth is in arjantiin right know trying to capture Huriwaa but they are failing they cant pass far than warshadda bastada

Share this post


Link to post
Share on other sites

its irrigular warefare..Alshabab will go back and forth until the cease to exist..this government itself is being kept alive by the A.U. and U.N. money..the question is this a genuine government? answer is no? Alshabab will therefore exist till the end of its term then what?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

The most amazing news of the day....Thanks for sharing this Cambuulo!

 

The Hermet;777123 wrote:
its irrigular warefare..Alshabab will go back and forth until the cease to exist..this government itself is being kept alive by the A.U. and U.N. money..the question is this a genuine government? answer is no? Alshabab will therefore exist till the end of its term then what?

Hermet...TFG is the ONLY government that we have right now whether you like it or not...Is there a need for a change? yes, balse yaan indhaha la is tirin...Dowlad kale oo Soomaaliyeed ma jirto...period!

 

Fadlan haka harin Damaashaadka iyo Debbaaldegga maalintaan farxadeed!

 

Oo dadkaaga dhinac ka raac,

yaadan dhumine dhinac ka raac,

hooy hooy dhinac ka raac!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Showqi   

Waa maalin farxad leh, mar hadii Al-Shabaab Xamar laga saaray. I really believe Xamar in ay mar hore dhismi leheed hadii Ciyaalkaan yar yar ay dagaalka joojin lahaayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this