Sign in to follow this  
Maaddeey

Breaking news: Kenyan jets bombard Jilib Gosha!.

Recommended Posts

Maaddeey   

War deg deg ah: Diyaaradaha Kenya oo oo Goordhow dad badan ku laayay Degmada Jilib.

Sunday, 15 January 2012 11:53 Caanogeel Hits: 63

War deg deg ah oo goordhow naga soo gaaray Degmada Jilib ee Wilaayada Jubbooyinka ayaa waxa uu sheegayaa in Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kirishtaanka Kenya ay duqeyn ka geysteen degmadaasi.

 

 

 

Warar horu dhac ah ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan Shan ruux oo ay ku jiraan Caruur iyo Haween ay duqeyntaasi ku Shahiideen, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

 

Diyaaradaha Kenya ayaa hadda ka hor Xasuuq kan la mid ah ka geystay degmada Jilib markii ay beegsadeen Xero ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah.

 

Ciidamada Kenya ayaa Xasuuq arxan daro ah ku haya Shacabka Soomaaliyeed iyagoo Maalin dhaweyd lix dhalin yaro ah dab ku qabad siiyay Xeryaha Qaxootiga ee Ifa iyo Xagardheer.

 

Gumaadka ay wadaan Ciidanka Maato-layska ah ee Kenya ayaa markii uu dagaalka wax horumar ah ka sameyn waayeen, ayey bilaabeen inay Xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Wixii soo kordha kala soco Amiir Nuur Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This can't be true. We need a proof. A camera inside the pilot's cockpit firing the missile onto the crowds down below with AS flag hanging high awhile they stone somebody.

 

In the meantime, going back to the real war up north of ciidanka qaranka vs SSC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Caruur ku baaba,day duqeyn ay diyaarado dagaal u geysteen degmada Jilib

 

Wararka naga soo gaaraya degmada Jilib ayaa sheegaya in laba diyaaradood ay maanta duqeeyeen magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe halkaasi oo ay ku dhinteen dad u badnaa caruur.

 

Duqeynta oo dhacday labadi duhurnimo ee maanta ayaa diyaaradaha la begsadeen saldhiga degmada Jilib oo ay hada maamulaan xarakada Al Shabaab, hase yeeshee mid ka mid ah gantaalada ayaa ku dhacay guri ku dhaganaa saldhiga.

 

Ugu yaraan 5 caruur ah ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen duqeyntaasi kuwaasi oo hilbahooda laga soo aruuriyey meelo kala duwan oo guriga dhexdiisa iyo banaankiisa ah sida ay Horseed Media u sheegeen dad goob joogayaal ah.

 

Ma jirin wax qasaara ah oo soo gaaray saldhiga sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Al Shabaab.

 

Dadka deegaanka ayaa aad uga naxsan duqeynta waxaana wali kacsan xaalada degmada Jilib oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn Jubada Dhexe.

 

Sanadki hore dhamaadkiisi ayey sidaan oo kale diyaaradaha dagaalka Kenya u beegsadeen degmada Jilib halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraanti 5 ruux oo rayid ah.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

The government of bladland will like to once again send sincere condolonces to the people and the masakeen who are being ethnically cleansed by the Kenyan armed forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad dadkii shalay ku dhaawacmay Duqeyntii Jilib.

Written by Administrator on 16 January 2012.

Wilaayada Islaamiga Jubbada Hoose ayaa daryeel caafimaad u fidineysa dadkii ku dhaawacmay duqeyn shalay loo geystay degmada Jilib ee wilaayada Jubbada Hoose.

 

Bukaanadii ku dhaawacmay duqeynta ayaa lageeyay Isbitaalka Mareerey ee duleedka Jilib halkaasi oo daryeel caafimaad loogu fidiyay.

 

Maktabka caafimaadka wilaayada Jubbooyinka ayaa isna dawooyin geeyay Jilib si wax loogu qabto dadka dhibaatoobay.

 

Dhaawacyada ayaa gaaray 10 qof waxaana soo wanaagsanaaneysa xaaladda caafimaad ee bukaanada dhaawacmay.

 

Waa markii 2-aad oo ay Kenya duqeyn ka geysato degmada Jilib ee Jubbada Hoose arrinkaasi oo muujinaya in Kenya weerar ku tahay shacabka Soomaliyeed ee Muslimka ah

Share this post


Link to post
Share on other sites

the resolve and the new effort to eradicate shabaab, in my opinion, is beyond the days when propaganda would carry the day. These places will be secured come what may. Also this tweeting, fbooking and posting on SOL smells of desperation but to each his opinion

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this