Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SSC and Alshabab : Possible LInks ??

Recommended Posts

Al-shabaab Oo Dhanbaal Mug Leh Soo Gaadh Siisay Shirkii Taleex Iyo Gorgortan Hoose Oo Laba Waji Leh Oo u Socda

 

 

Wararka laga helaayo ilaha Sirdoonka ee Isha ku haya dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Geeska Afika, siiba Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo tabiyey xidhiidh wada-shaqayneed oo la filaayo in uu dhex-maro kooxdii shirkii Taleex soo abaabushay iyo Al-shabaab. Inta aynaan ku gondo-degen xidhiidhku nooca uu yahay, waxa yara jeclaystay in aan faahfaahiyo Al-shabaab iyo halka xaal la maraayo.

 

Al-shabaab waxa ku furan ugu yaraan 7 Aag oo dagaal ah, afar ka mid ah waxay isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda shisheeye ka socda oo hub iyo qalabka casriga u dhamaystiranyihiin. Kooxda waxa ku sii daba-yar Saanaddii militari, kadib markii ay joogsadeen hubkii iyo saanadii uga iman jiray dalka Eritrea oo iyadda haatan teeda u yaaban.

 

Kala-carar iyo baxsasho ku habsatay Maleeshiyaadkii kooxda u dagaalami jiray ee caruurta u badnaa, kadib markii mushahar la’aan iyo xaalad nololeed oo xuni ay soo foodsaartay.

 

Taageerada Shacabka Somaaliyeed ee dheg-weynta ah ay ka heli jreen oo si weyn u wiiqantay kadib markii dadku ku baraarugeen in Shabaab-ku ku abeen abuuranayaan Caqiidada Islaamka.....Xalaashadeena dhiiga dadka Islam-ka ah, Shacabkii ku noolaa goobaha Shabaab-ka laga saaray oo afka-furtay iyaga oo sheegay in ay ka raysteen Argagixisadii iyo Gowracii ay ku hayeen Shabaab-ku, warkiina waxa uu gaadhay dadka ku nool gobolada kale ee ay Kooxdu ka taliso, taasina waxa ay keentay dareen ah in dadku iska fujin karo Qaniinyada xanuunka badan ee shabaab-ku ku hayaan dadka ku hoos nool. Labadii Xaq daro ku heshiisa Xaq Alleh ayey ku colowdaa, Waxa dagaalka Al-shabaab lagula jiro ku soo biiray iminka oo Muxaadarooyinka Diiniga ah ee la isku Gaalaysiinaayo sida Gantaalaha la isu weydaarsanayaa Kooxda Al-ictisaam (Ex Al-itixaad). Shabaab-ku waxa ay dilal qorshaysan ku khaarajiyeen Wadaado Ictisaamka ah, waxaanay Iclaamiyeen in Dhiigoodo xalaal yahay.....ku dar soo Shabaab-ku waa garab ka soo gø'ay Al-itixaad. waxaana loogu maahmaahaa iminka Ictisaamka Ama Itixaadka

 

Dhaqaalo xumo baahsan oo soo wajahday kooxda kadib, markii laga qabsaday ilo dhaqaale oo muhiim ah sida Suuqa Bakaaraha, dekada buurgaabo iyo waliba ta Kismaanyo oo xayiraad saarantahay. Kooxda Shabaab-ku waxa ay si lama filaan ah u fashilmeen oo garan-kooda laga kacay, markii ciidamada Ethiopia ay dhawaan si sahlan oo dagaal la’aan ah kula wareegeen magaalada Baladweyne oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsanaa ee Shabaab-ka, ciidamada Kenya ayaa iyaguna qabsaday deegaano badan, iyadoo dagaalo ba'ani aanay ka dhicin

 

Haatan waxa jira oo soo baxaaya warar ka sheegaaya weeraro ka dhan ah magaalooyinka Baydhabo, Jowhar, Afgooye, Baardheer iyo Ceel-Buur oo ah xarunta ugu weyn ee Alshabaab, waxaana la doonayaa in magaalooyinkaa Alshabaab laga saaro, haddii ay taasi dhacdana waxa hadhaaya waa Kismaanyo iyo Marka oo iyana badda iyo cirka laga weerari doono.

 

Khubrada u dhuunta-daloosha arimaha ciidan ee shabaab-ka ayaa ka dhawaajiyey in haddii Al-shabaab la jabiyo oo laga saaro magaalooyinka iyo dhulka ay haystaan iminka aanay habayaraatee u suurta-galayn Rogaal-caleen dagaal iyo jabhadayn danbe, sababta oo ah shacabkii Somaaliyeed ee lagu dhex-dhuuman jiray iyo Kooxda oo kala xabaalo seegay, waxa taa kaga daran dhulkii Kaymaha iyo Hawdka ahaa ee Jubooyinka ee ay u carari jireen marka xaalku ku xumaado oo isna gacanta u galay ciidanka Kenya oo ay la socdaan maleeshiyaad hubaysan oo degaanka ah, kuwaas oo wacad ku maray in Gaas iyo Kabriid ama Taraq ku ololiyaan oo dab qabad-siinayaan meesha ay ka uriyaan Shabaab-ka.

 

Haddii u soo noqdo ciwaanka Qoraalka ama dulucda uu xancaarsanyahay.......Sirdoonkii ka ag dhawaa shirkii Taleex ka dhacay ayaa soo tabiyey in koox gacan saar la leh Shabaab-ka oo u dhalatay degaanka Sool ay u kala dabqaadaayeen Shabaab-ka iyo Qolda shirka wadatay ama abaabulaysay, laba Damac oo aan Is-*****layn ayaa la isula yimi ama la is-weydaarsaday. Damaca Al-shabaab.......Shabaab-ka oo ka wabinaaya colaada kaga socota koonfurta Somalia kana baqaaya in si dhakhso ah looga soo saaro dhulkii ay ka talin jireen ayaa watay qoshe ama kaarto ay kaga faa'daysanayaa xasarado iyo dagaalo ka qarxa degaanka ay qolada shirka wadatay kaga dhawaaqeen Maamul goboleedka, kadibna ay ku soo ruqaansadaan degaanka *********** markii dagaal ka qarxo iskuna balaadhiyaan ilaa buurta Galgala iyo Puntland oo iminkaba ay Faro-baas ku hayaan. Shabaabku waxa ay u soo jeediyeen Qolda shirka wadatay in ay si qarsoodi ah ugu tababarayaan ciidan u gaar ah iyaga oo fuliya dilalka qorshaysan, qaraxyada, dhigida Miinooyinka iyo la dagaalnka ciidan dawladeed oo habaysan. waxa kale oo ay ku beerlaxawsadeen in ay yihiin hal beel oo sooc ah, taas oo keeni karta in aanay u babacdhigi karin Somaliland iyo Maamulka Puntland.

 

Damacii Qolda shirka wadatay ama reer Taleex.........Xaaladoodu waxay ahay Beerka Jecli Xaydhana Jecli. Siyaasiyiinta Shirka watay may doonayn in marnaba Shaabada Argagixisadu ama Shabaab-ku ku dhacdo, waana u jeedaan baahida dhaqaale, ciidan iyo xulufaysi loo qabo. Sheekadii waxa dib luugu riixay kooxdii shabaabka gacan saarka la lahayd ee hore-na degaanka dilka qorshaysan, Qaraxyada iyo Kharbudaada uga weday......Wixii intaa ku soo kordha waa la socon doonaa.

 

 

By: Osman Abdillahi Sool......

Freelance Journalist.

sooldhuub@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I doubt Obama has any appetite for any Somali tribal squabbles or pitiful grudges. The game only exists in your mind. At the end, this is just another tribal war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is by far is the most ****** move SNM have made since 1991...Jacaylbaro and Oodweyne know it.

 

One thing is clear though, a new chapter for better or worse in the north has started.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xiin indeed. “I can't change the direction of the wind, but I can adjust my sails to always reach my destination.” comes to mind. Oodweyne and co should be able adjusting the situation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Taleex believe me adeer this is a sheer desperation , Siilaanyo has been crying to Ethiopia for two nights , but this time the delusion is clear for everyone. Nimanku dagaal bay rabaan, 20 sano oo been ah baa ka dhaadhacday, laakiin taariikh baysan aqoon...

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;774685 wrote:
This is by far is the most ****** move SNM have made since 1991...Jacaylbaro and Oodweyne know it.

 

One thing is clear though, a new chapter for better or worse in the north has started.

It is a dangerous but a much needed move sxb. Somaliland has done everything to keep the peace and provided the Gogosha Nabada for more than a year now. It is not a wide scale right now but it has its long term strategy for the good of Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

oodweyne, i hear you awoowe, you want answer, but it 's been only few hours , waxay caadadood tahay inay cidaha gaadaane, raggii oo shiraya oo taleex waardiyeysanayya ood shalay nabad ka dalbatay oo ka qaadatay baad ciyaalkii iyo dumarkii usoo dabamartay , markaasaad faanaysaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;774695 wrote:
It is a dangerous but a much needed move sxb. Somaliland has done everything to keep the peace and provided the Gogosha Nabada for more than a year now. It is not a wide scale right now but it has its long term strategy for the good of Somaliland.

This one is for the books ...I call it desperation, you call it good strategy , lets when the conference concludes. If anything this says you guys have lost hope and want to risk everything you have, bal aan aragno faa idaad ka maasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

xiinfaniin;774702 wrote:
This one is for the books ...I call it desperation, you call it good strategy , lets when the conference concludes. If anything this says you guys have lost hope and want to risk everything you have, bal aan aragno faa idaad ka maasho

I still believe the conference is for the good of Somaliland sxb ..... I never ululate for a war and bloodshed is the last thing in my mind. I never expect you to call it starategy (specially on SOL :D ) ... but time will tell. Sometimes you have no choice but made a necessary move.

 

This will only strengthen the conference which I said is the good of Somaliland .... Yes, it will be in the history of course.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Jacaylbaro;774695 wrote:
It is a dangerous but a much needed move sxb. Somaliland has done everything to keep the peace and provided the Gogosha Nabada for more than a year now. It is not a wide scale right now but it has its long term strategy for the good of Somaliland.

;)Yeah it's not wide scale yet..:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this