Sign in to follow this  
Jacaylbaro

BUUHOODLE Falls for Somaliland

Recommended Posts

Somaliland Community of Ottawa congratulates Somaliland National Army

 

Ottawa Somaliland community congratulates Somaliland National Army for their quick and decisive victory against the SSC terrorist outfit. On the heels his major speech, president Silanyo showed unequivocally his deepest commitment to the defense of Somaliland territorial integrity. SSC ragtag militia with their daily harassment of the local population and their alliance with the ONLF and Al Shabaab terror networks was indeed increasingly an unacceptable risk to the stability of the region.

 

Now that SSC terrorist organization has been uprooted, Ottawa Somaliland community is convinced that the great people of Buhodle will indeed embrace the road that Las Anod took three years ago.

Marauding militias on the streets will be replaced by throngs of students on the university benches.

 

Congratulations to President Silanyo, Chief of Staff Jidhif, Defense minister Adami and to the great men of the National Army.

 

Alla Mahad Leh

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   

Buuhoodle (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle oo saaka dagaal culus uu ka dhacay ayaa la soo sheegayaa in dib looga saaray ciidamada maamulka Somaliland oo saaka qabsaday.

 

Dagaalka oo qarxay aroornimadii hore ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala dwan, waxayna ciidamada Somaliland oo magaalada duulaan ku soo qaaday ay gudaha u galeen magaalada.

 

Hase yeeshee ciidamada deegaanka SSC ayaa markii dambe dib isaga caabiyey taasoo keentay in ciidamada Somaliland ay dib uga baxaan xagga waqooyi ee magaalada oo ay markii hore ka soo galeen.

 

Illaa hadda lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dadka soo gaaray, hase yeeshee waxaa jira dhaawacyo isbitaalka la geeyey.

 

Xarumo la gubay

 

Wariye ku sugan magaalada ayaa Raxanreeb u sheegay in uu arkay labo saldhig boolis oo ku yaalay magaalada ay gubteen ka dib markii Madaafiicda la isweydaarsanayey ay ku dheceen.

 

Sidoo kale xaruntii maamulka degmada ayaa madaafiic ku dhacday taasoo keentay in qeyb ay ka dunto.

 

Barakac ka socda magaalada

 

Dadka rayidka ayaa intiisii badneyd hore uga qaxay magaalada hase yeeshee markii saaku weerarku bilawday ayaa dadkii ku harsanaa magaalada ay bilaabeen inay qaxaan.

 

Mid ka mid ah dadka saaka magaalada ka baxay oo Raxanreeb telefoon kula hadlay ayaa sheegay in carruurttii uu u kaxaystay dhanka xuduuda Ethiopia si uu ugala baxsado rasaasta ka socota Buuhoodle.

 

Inkastoo duhurnimadan dagaalka uu san ka socon gudaha magaalada haddana waxaa weli lagu jiraa xaalad dagaal iyadoo wararku sheegayaan in gurmadyo ka kala imaanaya dhanka Somaliland iyo dhanka Taleex ay deegaanka ku wajahan yihiin.

 

Faahfaahin joogto ah markasta la soco Raxanreeb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Magaalada Buuhoodle, Taleex Oo Isgaadhiisnta Laga Jaray Iyo Laascaanood Oo Mudaharaad Ka Dhacay

 

uuhoodle(ANN) Ciidmada Somaliland ee jiida hore ayaa saaka ku waaberiistay magaalada Buuhoodle eek u taala xuduuda ay Somaliland iyo Ethiopia wadaagaan, halkaas oo xarun u ahayd malayshiyada nabadiidka ee SSC. Wararka hordhaca ah yaa sheegaya inay malayshiyadii ku sugnayd halkaa firdhadeen, mana jirto ilaa hada tiro sax oo iftiiminay khasaaraha ka dhashay dagaalkaa, balse warar ku dhow deegaanka ayaa u sheegay Araweelonews in malayshiyadaa laga qabtay gaadiid baddan oo ay haysteen, isla markaana firxadkoodu u carary dhinaca hawdka.

 

Ciidanka Somaliland ayaa wararku sheegayaan inay sadex askari kaga dhaawacmeen dagaalkaa, isla markaana ma jirto tiro dhimasho ah sida ay sheegayaan tibaaxaha hordhaca ah ee laga helayo deegaanka oo ay adagtahay in lala xidhiidho, iyadoo isgaadhsiinta ay go.antahay. xukuumadda Somaliland ayaan ilaa hada ka hadlin dagaalka ka dhacay Buuhoodle

 

Dhinaca kale magaalada Laascaanood ayaa kooxo dad ahi saaka mudaharaad isugu soo baxeen iyagoo kasoo horjeeda talaabada ciidanka Somaliland ku galeen magaalada Buuhoodle. Balse mudaharaadkaa oo aan khasaare weyn I ka dhalan waxa kala dareeriyay ciidamada booliska eek u sugan laascaanood.

 

Wararka kale ee ka imanaya deegaankaa ayaa sheegaya in magaalada taleex oo koox shirka halkaa ka socday kaga dhawaaqday maamul goboleed laga jaray isgaadhsiinta, balse ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sida ay wax u socdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (GNS)- Wasiirka Waraafinta somaliland Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa sheegay in ay ku guulayteen ciidamadda Qaranka Somaliland in ay gacanta ku dhigaan deegaanka Buuhoodlle.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Magaaladda Buuhoodlle ay gacanta ugu jirto ciidamadda Qaranka Somaliland, isla markaana ay dagan tahay Xaaladdeede, sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayay khadka Tilifoonka.

 

Wasiir Xaabsadde waxa uu tilmaamay in dagaalkka lagu soo qaadey Somaliland balse Ciidamadda somaliland ay ka guulayteen dadkii wadday dagaalkaas.

 

Axmed Cabdi Xaabsadde waxa uu tilmaamay in uu dagaalka lagu soo qaadey ciidanka qaranka isla markaana uu socdey illaa habeen horre “Waa nalagu soo qaaday dagaalka xalay iyo habeen hore ayaana marba meel nalagaga soo qaadeyay”

 

Xaabsadde oo la weydiiyay khasaaraha dhanka somaliland ka soo gaadhey ayaa waxa uu ku jawaabey “ma jirto khasaare na soo gaadhey marka laga reebo afar dhaawac fudud ahi”.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidamadda somaliland ay ku waabariisteen saaka aroortii magaaladda Buuhoodlle. “Saaka aroortii hore ayay kuwaabariistee Ciidamadda somaliland Magaaladda Buuhoodlle, wayna qabsadeen magaaladdii”. Ayuu yidhi Xaabasadde

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhanka kalle shirkan oo si habsami ah u socdda ayaa waxa ku soo dul dhacay isla markaana ay maqleen Xaaladda cusub ee dagaaleed ee ka soo cusboonaatay deegaanka Buuhoodlle, waxana la joojiyay shirkii socdey, Odayaasha ayaa isla soo hadal qaadey habka looga arinsayo dagaalkan, waxana shirar kalla gooni gooni ah isla markaana aan loo ogolayn warbaahinta ku gudda jirra odayaasha deegaankaas, balse warar lagu kasloon yahay ayaa shabakadda Gabiley News u xaqiijiyay in qaar ka mid ah madax dhaqmeedyadda deegaankaasi ay dhalleeceeyeen isla markaana hadallo hanjabaad ah hawadda u mariyeen Ciidmadda qaranka Somaliland.

 

Magaaladda Talleex ayaa ah mid qasan isla markaana jaahwareersan, waxana ay u muuqataa mid si adag looga dareemay dagaalka saaka ka dhacay magaaladda Buuhoodlle.

Hmmmm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sad but revealing thread. Does anyone really believe people can be forced to secede, hadeyna rabin? SL has a very strange view of itself - both victim and aggressor at the same time. Not sure how it reconciles wanting to secede because of past crimes with commiting present crimes against others in order to achieve this goal. Kinda difficult to overlook this reeking hypocrisy.

 

Somali iyo gardarro, ey? The only thing going for the north was peace, kaana imika waa lagu ciyaarey. Sure as anything, we'll see what this attack achieves for SL once the dust settles, I'A.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weriyayaal ka tagay magaalada Qorilugad oo hadda ku sugan magaalada Buhoodle ayaa u xaqiijiyey Weriye Mohammed Abdi Hassan Diridhaba in ciidanka Qarranka Somaliland saraakiishoodu ay saldhigyo ka samaysteen gudaha magaalada Buhoodle halkaasi oo unug ka mid ah ciidamadda Milateryga la dejiyey.

 

Weriyayaasha ayaa Halbeegnews u sheegay inay arkayaan mid ka mid ah saldhigyada magaalada Buhoodle oo gubanaya kaasi oo ay dab sudheen kooxahii SSC-da qaarkood oo ka cararay halka 80-ka mid ahna ciidamadda Qarranka Somaliland ay gacanta ku dhigeen.

 

Magaalada ayaa madhan waxaana ciidanka qarranku jareen laamigii dhinaca magaalada Buhoodle ka soo gallaayey xuduudka Ethiopia kaasi oo ciidanka Qarranku ku gooyeen silig weyn kaasi oo sababay in gebi ahaanba gaadiidka dhinaca Ethiopia ka imanaayey la joojiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Buuhoodle (Somaliland.O rg)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa sheegay inay saaka Ciidamadda qaranku ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Buuhoodle.

 

Wasiirku wuxuu sheegay inay ciidanka qaranku ay baacsadeen maleeshiyo hubaysan oo hore ugu sugnaa magaaladda Buuhoodle, waxaanu tilmaamay inay kooxdaasi ka baxday magaalada kuna baxsadeen dhawr Baabuur oo nooca Tiknikada ah.

Md. Axmed Xaabsade waxa uu sheegay inay Ciidanka Qaranku ay ilaalinayaan ammaanka shacbigooda isla markaana aanay gudaha u gelin suuqa magaaladda Hargeysa.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada qaranka aanay weerarka qaadin hase yeeshee iyaga la soo weeraray hoobiyeyaal, ka dibna dagaalku sidaasi ku bilaabmay

“Xalayto ayay maleeshiyada Buuhoodle joogay soo weerareen ciidamada qaranka ee ku sugnaa jiida Qori-lugud, ka bacdi saaka ayay ciidamada qaranku saaka ayay ku waabariisteen Buuhoodle malaadiina way qabsadeen kooxdii joogtayna way ka baxsadeen,”ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

 

Dhinaca kale, Wasiirka warfaafinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa BBC-da u sheegay in hawlgalka ciidamadda qaranku ay qabsadeen magaalada Buuhoodle aanay jirin cid ka dhimatay hase yeeshee uu dhaawac fududi soo gaadhay afar askari.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Same old, same old. Somalis and their passionate xamaasad. :D

 

When the meeting in Taleex began, we had A&T, Xiin and Baashe gloating and talking about historic this and 'game-changer' that. They were dying to see or hear the SL response to that meeting. Well, now the shoe is on the other foot and the gloating is coming from the Guru & Xaaji X!

 

Still, away from all this hasty judgment and excited haste, I personally would love to know what Siilaanyo hopes to achieve here. He had a chance to invade that town for the past year and a half. He could have done it at a time when the clan from there was at its weakest and most divided. He didn't! Why did he choose to invade today, when everybody whose anybody from that clan is meeting in Taleex and when the (obvious) and expected response is going to be one of condemnation and total unity (or at least that's what it should be)?

 

What happens next and where do the Ethiopians (who were said to have foresaken SL) stand on all of this? Furthermore, how will PL respond (in words if not deed)?

 

Worrying times ahead.

Share this post


Link to post
Share on other sites

NGONGE;774852 wrote:
Same old, same old. Somalis and their passionate xamaasad.
:D

 

When the meeting in Taleex began, we had A&T, Xiin and Baashe gloating and talking about historic this and 'game-changer' that. They were dying to see or hear the SL response to that meeting. Well, now the shoe is on the other foot and the gloating is coming from the Guru & Xaaji X!

 

Still, away from all this hasty judgment and excited haste, I personally would love to know what Siilaanyo hopes to achieve here. He had a chance to invade that town for the past year and a half. He could have done it at a time when the clan from there was at its weakest and most divided. He didn't! Why did he choose to invade today, when everybody whose anybody from that clan is meeting in Taleex and when the (obvious) and expected response is going to be one of condemnation and total unity (or at least that's what it should be)?

 

What happens next and where do the Ethiopians (who were said to have foresaken SL) stand on all of this? Furthermore, how will PL respond (in words if not deed)?

 

Worrying times ahead.

 

Siilaanyo is a politician at the end of the day. Lately his administration has been attacked from the 'right' within Somaliland as being soft on national security. The defense minister's admission that the admin initially supported the Taleex meeting further pressured the admin to show some 'brawn'. This latest move could be seen as a reaction to that pressure...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this