Sign in to follow this  
Somalina

Dood: Muqdsho yaa leh

Recommended Posts

Somalina;770521 wrote:
Somali baa leh, sida kornelka sheegay.

Ummm, hadii aad ogtahay in eey Soomaali oo dhan eey leedahay, maxaa su'aasha keeney? :) waa iga su'aale.

 

BUT

 

I_see_what_you_did_there_super.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

What the heck is the difference between Xamar & Mogadishu anyway? Which one is the older name? Which one is the native word? If both are not native words, then what is the native name for Xamar/Mog?

 

Ps. This question is like, Who Owns America? Everyone knows that there were natives here before Columbus came over, but ask that question around and the answer you get is that the blue eyed sheydan owns it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
somalee   

Muqdisho yaa leh? Waa su'aal weyn. Su'aashaas anigu waxaan kaga jawaabi karaa inaan ka jawaabo su'aal kale oon sheego qofka aan Muqdisho lahaan karin.

 

Muqdisho yaan lahaan karin?

 

Horta markaad wax leedahay waxaa lagu yaqaanaa lajeclo, inuu wixii aad lahayd lacjeclo kaa galo. Qofka wax uu lahaa oo laga haystay markii loo soo celiyo (amaba isagu soo ceshado) waxaa lagu yaqaanaa inuu wixii ilaashado uu ka dhawro wax walba oo dhib u keeni kara waxaas. Muqdisho qofka laamiyadeeda fujistay wax kale iskaba dhaafe, ma lahaan karo. Muqdisho qofka burburiyay oo xataa jidadkii jajabiyay xaq uma laha inuu yiraahdo anigaa iska leh.

Marka imika waxaanu ogaanay qofka aanan Muqdisho lahaan karin. Intaas hadaanu ogaanay waxaa fududaaneysa in laga jawaabo su'aasha ina hor taalay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Nninkii xamar lahaa waa ina soomaali, laamigii waa fuqsaday, korontadiina waa diiray si maar looga helo, waa dhoofiyay ataartii ama taalooyinkii muhiimka ahaa markii meeshii banaan noqotay wuxuu usoo fariistay xildhibaanimo iyo in xil loo dhiibo waan ka yeelay waayo waa muwaadin soo halgamay,waa geesi taariikh fiican,waa afar xniinyood qabiilka magac usoo jiiday, waa nin loo mashaxarado sidii inuu hadda dhashay,marnaba lama waydiin xagee kursiga kuu dhignaa?

 

calaa kuli su'aasha yaanan sii adkayn wixii dhacay waa dhaceen miro barde duuduub baa lagu liqaa ama lama fatasho miraha bardaha markaad cunayso.

 

 

Waxaan xog waraystay qiimaha guryaha xamar ay ka joogaan waqtiga la joogo waxaana la ii sheegay sidan

markaad doonayso inaad guri ka iibsato xaafad reer kaliya degen yahay waa qiimo aad u hooseeya ama bilaasha

 

Xaafadaha lawada dagan yahay waa qaali khiyaali ah oo aadan mararka qaar is leedahay lacagtaanu lacag guri ka badan

halkaas waxaa ku cad in hadii xamar reer la siiyo qiimaha caasimadu hoos u dhacayso ama ay u ekaanayso dudun waxaro ku ciyaaraan.

 

 

Su'aasha wareerka nagu riday waxa weeyaan magaalo madax dad noocee ah ayaa yeelan kara? jawaabtu su'aashaas fahamkeeda ayay ka danbaysaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Su'aalaha qaar jawaabahooda maskaxda aad ayay ugu soo degdegaan, laakiin taas waxaa nasiib u yeeshay kaliya dadka ilaahay caqliga u dhaliyay ama ka nabad galay cudurka xasadka iyo jahliga, laakiin qofkii la deris ah arimahan aan kor ku soo xusnay (jahli iyo xasad) hadii la weydiiyo UNIVERSAL YAA LEH ? waxaa laga yaabaa in uu isku qaldo milkiilaha iyo shaqaalaha ama farsamayaqaanada.

 

 

Hadda ka hor ayaa laba dumar ah i isku qabsadeen wiil yar kaas oo mid walba ay sheegatay in ay iyada dhashay, markii marqaati la waayay dacwadiina gaartay halkii ugu sareysay ayuu garyaqaankii ku yiri labadii dumar si gooni gooni ah,walaalayaal ilaa iyo hadda ma hayno wax cadeyn kara wiilka cidii dhashay laakiin waxaan fulinaynaa cadaaladda sida ay na farayso oo si isku mid ah ayaan labadiinaba canuga idinkugu qaybin doonaa oo waan idiin kala jari doonnaa.

 

Arinkaas ayaa ay aad uga naxday hooyadii dhashay canuga taas oo intay oysay tiri maya maya sheekhoow intii canugayga aad kala jari lahayd oo uu dhiman lahaa Alaah ayaa jooga sii iyada( islaanta kale) laakiin ha diliin, halka tii kale ay ka tiri iyada oo qoslaysa sheekh anigu waan ku go'aa waxa aad noo garataan ama in canuga labo looqaybiyo.

 

Sheekhii ayaa wiilka hooyadii ku yirii qaado canugaaga, islaantii kalana ku yiri mardanbe yaanan agtiisa kugu arag oo ka dheerow, sheekhu ma haysan sheybaar uu ku baaro DNA-ga laakiin Alaah ayaa siiayay cilmi iyo caqli uu wax ku kala saaro wuxuuna si sahlan ku gartay cidda dhashay wiilka asaga oo adeegsanaya cilmi iyo caqli.

 

Taas waxaa la mid ah sheekadan sedexdan saaxiib ee Muqdisho wada daganaa, kan koowaad wuxuu daganaa nus boos cariish ah oo uu awowgiis ka dhaxlay, asagoo nuskii kale u gaday duruuf dhaqaale oo la soo deristay awgeeg, halka kan labaad uu lahaa boqol boos oo uusan qaarkood aqoon meesha ay Muqdisho uga yaalaan, taas oo ay dowladii jirtay u saxiixday iyo kan sadaxaad oo asagan la siiyay shati uu wax ku dhoofiyo waxna ku soo dejiyo taas oo u sahashay in uu yeesho hanti badan gatana dhul iyo beero.

 

Sedexdaas nin hadii ay garta u dhigan lahaayeen jaahil (ama martida universal) wuxuu oran lahaa Muqdisho ninkii sar wayn ku leh ama 100 boos ku leh ayaa leh laakiin cadaaladda Alaah ayaa kala saaratay dadka oo markii ay dhacday dowladii dhexe nin walba wuxuu socday intii uu u soo socday Muqdisho, ama in la mid ah intii aabihiis soo socday, taas oo qaar nasiib wanaag dhowr KM uun gaari ku gaareen halkii ay ka yimaadeen, halka qaarkale ay nasiib daro ku qasbanaadeen in ay raacaan wixii aabahood ku yimid (MARKAB AMA DOON) kuwaas oo safar dheer oo xanuun badan kadib gaaray wadamo deris ah oo ay ku tabayeen in ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen , iyagoo gabdhihii soomaaliyeed ee ay qabeena markii ay samo tageen ku yiri ( NAA NAMA GAYDIDE GAYAANKAAGA RAADSO) waad madoow dahay.

 

Halka maskiinkii aan aqoon meel uu ka aado Muqdisho uu ilaa iyo hadda uu marna ku gaajoodo marna ku dhaxamoodo marna madaafiicdu ku disho caruurtiisa laakiin weli nusbooskiisii oo qayb ka sii dumay ayuu ku sugaa dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay wuxuuna ku faraxsan yahay in deriskiisii u soo laabtaan waayo wuxuu u bartay ama nabadaba u yaqaan wada daganaashaha iyo is dhex galka marna lagama maqlo wax la mid ah waxa ka soo yeera gobolada kale sida REER KOOFUR WAAN MASAAFIRINAYNAA ama sida qaar kale yiraahdaan hadii qarax ama qalad dhoco WAAR NAGA SAARA XAMARAAWIYIINTA WAA IYAGA WAXA WAX QARXINAYA.

 

Muqdisho iyo dadkeeda sidii looga bartay waxay gacmo furan ku soo dhaweynayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed waxayna leeyihiin soo gala Xamar idinkoo aamin ah, waxayna ka rajaynayaan walaalahood in aysan iloobin kalimadaas soo dhaweynta ah taas oo horayna loogu soo dhaweeyay aabayaashood markii ay imaanayeen, hadana diyaar loola yahay in iyagana sidii iyo si lamid ah in loogu soo dhaweeyo, waxaana iyagana laga filayaa in ay noqdaan dad u qalma wanaaga loo sameeyay.

 

 

Muqdisho waa Caasimadda koowaad saas oo kale waxaa jira caasimad labaad iyo mid sedexaad iyo gobolo kale oo waaweyn oo soomaaliyeed sida Baay iyo Goboladda ay ka taliyaan maamulka Puntlacd , kuwaas oo qaarkood dadka laga soo tarxiilo sida Sacuudigii oo kale, hadaba maxaa Soomalida qaar abaal dhaan u yihiin oo iyada oo gacmo furan ku soo dhawaada la leeyahay maxay u yiraahdaan Muqdisho ayaa la inoo sheegtay,

 

 

Malaha dadka marka la yiraahdo iiga bax dhulkayga ayay fahmaan in uu jiro qof iska leh dhulka, laakiin markii la yiraahdo ila dag wuu nadeeqaahe oo aan ku wada noolaano waxayba iloobaan in uu jiro qof leh, oo waxay yiraahdaan si la mid ah sidii laga sheegi jiray ninkii u yimid geel daqaya meel ee yiri (WAR GEELA YAA LA JOOGA .. EE MARKII UU WAAYAY WAX U JAWABA HADANA YIRI MAXAAN CID KALE UGU YEERAA SOW ANIGAN LA JOOGA MAAHA)

 

 

Waxaa laga yaabaa gobolada soomaaliyeed qaarkood markii aad tagtid xitaa in aad dareentid qurbo markii aad weysid qof ku afgaranaya kii ku afgaranayayna uu kugu cunsuriyeeyo afkaaga oo uu kugu qasbo in aad ku hadashid ama fahantid lahjadda maxaliga ah ee uu ku hadlayo.

 

 

Tankale hadii la leeyahay waxba lama kala laha oo dadku waxwalba way ka dhexeeyaan, reer muqdisho maaha dadka diidaya taas mana looga baran in ay diidaan laakiin tan aan la aqbali karayni waa (TAADA KULA LIHI TAYDANA ANAA ISKA LEH) waana sababta keentay burburka iyo dhibaatada taala dalkeena.

 

 

Guntii iyo gaba gabadii dadka iska indha tiraya taariikhda iyo joqraafiga soomaaliyeed waxaan leeyahay XAMARLAGUUMA SHEEGAN EE HA SHEEGAN ku nooloow kuna raaxayso hana noqon abaal dhaan.

 

Universalna waxaan leeyahay waxaa jira wax yaabo badan oo u baahan in aad ka hadashaan dadkuna idinka sugayo sida Nabadda iyo dibu dhiska dalka, sidaas oo kale dhagartu qofkiisa ayay u daran tahay marka ka fogaada dhagarta ogaadana hadda in aad tihiin idaacad soomaalidu wada dhagaysato iskana ilaalsha in aad naqataan sidii Hornafrik ahaan jirtay oo kale sababtoo ah taas umadana waa ku kala tagaysaa idinkuna ka hari maysaane waad ugu horeynaysaan inta dhibaatadu soo gaarayso.

 

 

WQ: Abdiaziiz A. Mohamed

 

aziizxg@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

^ Xaaji mogadishu sidaa waa lagu soo celin laakin adiga siyaasada tolka ayaa ku indha tuurtay.

 

Xaaji Maandeeq way ay godlan doonta waana la lisi doona caanahedana waa lagaa laysan doona!

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

NAA NAMA GAYDIDE GAYAANKAAGA RAADSO)

WAAR NAGA SAARA XAMARAAWIYIINTA WAA IYAGA WAXA WAX QARXINAYA.

WAR GEELA YAA LA JOOGA .. EE MARKII UU WAAYAY WAX U JAWABA HADANA YIRI MAXAAN CID KALE UGU YEERAA SOW ANIGAN LA JOOGA MAAHA)

 

TAADA KULA LIHI TAYDANA ANAA ISKA LEH

XAMARLAGUUMA SHEEGAN EE HA SHEEGAN

 

WQ: Abdiaziiz A. Mohamed

 

aziizxg@hotmail.com

 

Qoraaga qiimaha badan muqdisho ma waa horaa ugu danbaysay mise hurdo dheer baa la tagatay.??

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this