Sign in to follow this  
Che -Guevara

Targeting Al-Shabaab

Recommended Posts

Kulan lagu soo Bandhigey Sawiradii Xasuuqii Deegaanka Hosingow ee ay ka geysteen Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo ka dhacay Muqdisho

Daabaco | Print | Faafin: SomaliTalk.com: Thursday, December 29, 2011

 

Iyadoo weli ay socdaan Duulaamada Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ka wado qaar ka mid Gobolada Soomaaliya ayaa Kulan looga hadlayey Xasuuqii ka dhacay Tuuladda Hosingow ee Gobolka Jubadda Hoose ka dib markii Diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Kenya ay halkaa ka geysteen Xasuuq aad u ba’an kaasoo ay ku dhitneen ilaa iyo laba Toban Ruux oo u badnaa Caruur iyo Haween waxaa ku dhaawacmey ilaa Soddon Qofood

Kulankaan oo ka dhacay Guriga yaala Magaaladda Muqdisho ayaa ugu horeyn waxaa halkaa lagu soo bandhigey Sawiradii dadkii ku waxyeeloobey Duqentaas taasoo ay si aad uga argagaxeen dadkii halkaa isugu yimid kuwaas oo qaarkood ay ka soo daadatey Ilmo maadaama dadka la duqeeyey ay ahaayeen dad Maras ah oo ka soo laabtey abaarihii ka dhacay Koofurta Soomaaliya

Waxaa kulankaan ka Hadley Deeq Cabdi Rayid , Suldaan Akhyaar Xaaji Carab , Yuusuf Maxamed Ducaale , Cabdiweli Nabhaan iyo Bashiir Axmed Shiikh (Bashiir Daacad) oo dhamaantood sheegey in Duqeyntii ka dhacdey Hosingow ay ahayd mid Xasuuq ah oo ay sheegeen in lagu laayeen dad Maatid ah oo aan waba galabsan kuwaas oo qaarkood ku Dhibaateysan Deegaankii la duqeeyey qaar kale weli Duurka weli ku jiraan

Odoyaasha klulanka isugu yimid ayaa waxay ugu baaqeen Dowlada Kenya in ay Magdhow ka bixiso xasuuqaas sidoo kale waxay ka codsadeen Dowladda Federaalka in ay baaritaan ku sameyso Xasuuqii ka dhacay Hosingow welibana Warqad u diraan Maxakamadda Aduunka si loo Maxkamadeeyo dadkii ka dambeeyey xasuuqaas oo ay sheegeen in ayn ahaayeen dad Maati ah oo markii horeba la dhibaateysnaa Abaarihii ka dhacay dalka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Odoyaasha ayaa waxay ugu baaqeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha gaar ahaan Jaaliyadda Beesha Shiikhaal in dadkaas la soo gaaraan gargaar deg deg ah maadaama qaarkood weli ku dhibaateysan yihiin Deegaankii lagu duqeeyey oo aan lahayn wax Isbitaal ah qaar kalena ay ku sugan yihiin magaaladda Kismaanyo sidoo kale Odoyaasha waxay sheegeen in qaar ka mid ah dadkaas ay u baahan yihiin in dibadaha lagu soo daaweeyo kuwaas oo ka dhaawacan meelo halis ah.

Hadaba cidii dooneysa in ay u gargaarto dadkaas waxay kala soo Xiriiri karaan,Guddigaan oo Magacyadooda kala yihiin

Bashiir Axmed Shiikh (Bashiir Daacad )

Deeq Cabdi Rayid

Maxamed Shiikh Ismaaciil

Telka 00252615191344

Telka 00252615108199

E-Mail bsh_daacad@hotmail.com

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

ONLF supporters should know more about collateral damage and should stop supporting Kenyan invasion .

 

Here in Kenya , they r feeding their ppl wrong news . every air strike they say they kill 60 to 70 alshabab fighters but in reality they r killing innocent civilians.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Macallinka;768903 wrote:
ONLF supporters should ......

Macalinka

Alien

Join Date: Dec 2011

Posts 13

Rep Power 0

 

------------------------------

 

Before you tell anybody what they "should" or "should not why don't u sit down and have a cup of tea.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this