Sign in to follow this  
Che -Guevara

Suicide Bombing in Villa Baydhaba

Recommended Posts

Weerar ismiidaamin ah oo saakay lala beegsaday xarunta Villa Baydhabo oo talis u ah ciidamada DKMG ah

 

Arbaco, November 30, 2011 (HOL) − Ugu yaraan shan ruux oo u badan askarta DKMG ah ayaa ku dhintay weerar ismiidaamin ah oo saakay aroortii lala beegsaday taliska ciidamada milateriga Soomaaliya ee Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

 

Weerarka oo uu fuliyay ruux xiranaa dharka ciidamada milateriga DKMG Soomaaliya ayaa wuxuu ka dhacay gudaha xarunta oo ku taalla degmada Wadajir, iyadoo ay sheegeen saraakiisha dowladda inay weerarkaas ku dhaawacmeen sideed ka tirsan askartii xerada ku sugnaa.

 

"Qaraxa wuxuu ahaa ismiidaamin, waxaana markiiba goobta ku dhintay saddex ruux oo uu ku jiro ruuxii qaraxa fuliyay, labada kalena way u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray," ayuu yiri Faarax Barre oo ka tirsan saraakiisha ciidamada DKMG ah oo la hadlay warbaahinta.

 

Saraakiil kale oo warbaahinta la hadlay ayaa iyaguna sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xoog badan uuna fuliyay ruux xiran dharka ciidamada, kaasoo beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiisha ciidmada dowladda.

 

Idaacadda ku hadasha afka dowaldda ee Raadiyo Muqdisho ayaa sheegay in Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo ah abaanduulaha ciidamada milateriga DKMG ah uu ka babdbaaday weerarka, uuna idaacadda u sheegay inuu khasaare kasoo gaartay askarta dowladda qaraxa ismiidaaminta ah.

 

"Qaraxu wuxuu ahaa mid aad u xooggan, daqiiqado kaddib waxaan arkay askar qaba dhaawacyo daran oo xerada laga soo saaray," ayuu yiri ruux daggan dhise u dhow Villa Baydhabo oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego sababo ammaan awgood.

 

Saraakiisha ciidamada DKMG ah ayaa weerarka ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab, waxayna sheegeen inay wadaan baaritaanno ku aaddan halka laga soo abaabulay weerarka ismiidaamin.

 

Dhanka kale, qarax aan khasaare geystay ayaa saakay ka dhacay degmada Xamarweyne, waxaana qaraxa lagu beegay iyadoo goobta ay marayeen askar ka tirsan ciidamada inkastoo maamulka degmada uu sheegay in khasaare uusan dhalin.

 

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay ka baxeen degmooyin ka tirsan Muqdisho waxay ka fuliyeen caasimadda qaraxyo badan oo geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad shacab ah iyo askarta DKMG ah.

 

Weerarkan ismiidaaminta ah ee saakay lagu weeraray Villa Baydhabo ayaa keentay in saldhigyada ku yaalla inta u dhexeysa madaxtooyada iyo Villa Baydhabo heegan la geliyo, waxaana saldhigyada qaarkood loo diidayay in afaafkooda ay istaagaan dadka iyo gaadiidka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Abdul;762295 wrote:
They told this young man he will go to janna after doing this.

Like many others before him. I hope all those who are brainwashing our youth and future and caught as soon as possible in order to end this craziness.

This attack was against one of the very few hardworking individuals in this goverment. Like the 4 ministers killed in December 2009, AUN Omar Hashi who was killed in Beledweyn Al-Shababs target the most hardworking individuals working with TFG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I now have to go bleach my eyes, lol. Seriously what on earth are these kids being told to want to go blow themselfs up like this? we should all be thinking about this and wither or not we can be comfurtable with the idea of sharing a country with people who are willing not only kill other but themselfs also becuase you disagree with them. Dictators in this part of the world have long claimed that the choice is between them and these barbarians and boy are they proven right again and again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this