Sign in to follow this  
Somalina

Mogadshu: Aqoon la'aan waa iftin la'aan

Recommended Posts

Somalina   

Thank you Turkiya, we will forever be indebted to you. JazakaAllah Khair.

 

Berri iyo berri danbe hadduu Allah yiraa ayaan idin abaal gudi doonaa, mana iloweyna walaaltinimada aad na tusteen iyo sidi aad noo garab istaagteen markaan u bahneyn walaal ama saaxiib. Turkiya aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Maalin walbana waa mahadsantihiin ayaa idin leenahay inta ay nafta nagu jirto IA.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Resim-407.jpg

 

Resim-417.jpg

 

Resim-421.jpg

 

Resim-457.jpg

 

Resim-467.jpg

 

Ardeydii tagey Turkiga Feb 2nd oo Ankara si diiran lagu soo dhaweeyey. Winter coats xataa waa loo diyaariyey. MashaAllah!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masahallah. These are the future leaders of Somalia and May Allah bless the Turkish govt and people. Keep the picture coming Somalina, a picture is worth 1000 words. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Arday reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho ka helay dalka Malaysia iyo Wasaaradda Waxbarashada oo sagootisay

 

Arbaco, Feberaayo 22, 2012 (HOL) — Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Somaliland, ayaa maanta dalka ka dhoofisay lix arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Malaysia.

 

Ardaydan ayaa ka mid ah sodan arday oo jaamacadda Al Bokhaari ee dalkaasi imtixaan ka qaaday, kuwaas oo ku guuleystay deeqdaasi waxbarasho, waxaana hore u baxay sideed arday, halka ay maantana ay baxeen lix arday, kuwaas oo ay dhamaantood ay qaaday nolosha iyo guud ahaan wixii ku baxaya ardaydaasi.

 

" mashruucani waxa uu ahaa deeq waxbarasho oo Malaysia siisay Somaliland, sodan arday ayey siisay sanadkii hore, sanadkan sodan arday buu ahaa, waxa ardayda laga qaaday 52 dawladood oo mid ba wax laga qaadayey, imtixaankana iyaga soo saxay, anaguna liisku sida uu u kala sareeyey ayaanu usoo dhajinay" ayuu yidhi Khadar Axmed Diiriye, agaasimaha waxbarashadda iyo Tacliinta sare.

 

" waxa dhaqan u ah Somaliland in aanay waxbarashadu musuqmaasuq galin, waligayna waynu ku faani jirnay in aan aqoonta iyo waxbarashadda dambi ka galin, ardayda aqoonta leh waa in aan garab lagu reebin, eex lagu reebin, qabiil lagu reebin oo uu nin waliba halka ay aqoontiiisu dhigto uu gaadho, waxaana loo kala qaada sida ay u kala sareeyan, taasina waxay keentay in ardayda la diraa noqdaan kuwa ugu sareeya ardayda ay wax wada bartaan " ayuu yidhi Khadar isagoo ka hadlaya qaabka loo soo xullo ardayda.

 

Agaasimuhu waxa uu la dardaarmay ardayda isagoo ku booriyey in ay waxbarashadda ku dadaalaan oo ay sumcadda iyo shafarta dalkoodda ilaaliyaan, isla markaana aanay waalidkood ku qasbin inay lacag u soo diraan maadaama oo ay wax waliba bilaash tahay, fursadaasna ka faa’iidaystaan.

 

Yaasiin Yuusuf Magan oo ka mid ah ardayda ku guuleysatay deeqdan waxbarasho ayaa u mahadnaqay wasaaradda waxbarashadda, wakiilka Somaliland ee Malaysia Cabdirisaaq Maxamed Maxamuud iyo wasaaradda Arrimaha dibadda.

 

"Jaamacadan Al-Bokhaari Inernational University waxay waxbarasho siisay 52 dawladood oo Somaliland ku jirto, waxaana ku bixi doonaa kuwii naga horeeyeyna ku baxeen baasaborka Somaliland oo aan wax dhibaato ah kala kulmeen, marka waxaan u mahad naqaya cid kasta oo ka shaqaysay waxbarashadan, oo ay ugu horayso wakiilka Somaliland ee Malaysia iyo wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo hadh iyo habeenba ka seexan" Yaasiin oo ka mid ah ardayda maanta baxaysay.

 

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mr: Cabdicasiis Axmed Muuse agaasimaha xidhiidhka jaaliyadaha dibadda, waxaanu ka warbixiyey qaabka ay deeqdani u timid, isagoo sheegay in wakiilka Malaysia uu dadaal xoogan ka galay sidii ardaydaas deeq waxbarasho u heli lahaayeen.

 

Intaas ka dib waxa ay ardaydani shahaado sharaf siiyeen wakiilka Somaliland ee Malaysia oo uu u guddoomay agaasimaha xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland iyo agaasimaha waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo ay ku maamuuseen kaalinta ay ka qaateen inay deeqdan waxbarasho helaan.

 

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

"Jaamacadan Al-Bokhaari Inernational University waxay waxbarasho siisay 52 dawladood oo Somaliland ku jirto, waxaana ku bixi doonaa kuwii naga horeeyeyna ku baxeen
baasaborka Somaliland
oo aan wax dhibaato ah kala kulmeen, marka waxaan u mahad naqaya cid kasta oo ka shaqaysay waxbarashadan, oo ay ugu horayso wakiilka Somaliland ee Malaysia iyo wasaaradda waxbarashadda Somaliland oo hadh iyo habeenba ka seexan" Yaasiin oo ka mid ah ardayda maanta baxaysay.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this