Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fighting breaks out in galkacyo between faroole loyalists and a galkacyo based armed faction

Recommended Posts

Dagaal xooggan oo ka qarxay Woqooyiga Gaalkacyo

 

 

Gaalkacyo: (Sh. M. Network) Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo kooxo habaysan ayaa iminka waxaa uu ka soconayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

 

 

 

Wararka ka imaanay Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo kooxo hubaysan.

 

 

 

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen goob Istuudiyo ah halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Maleshiyaad hubaysan oo la sheegay in aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin.

 

 

 

Isku dhacaan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ku dhinteen inka badan 2-ruux halka 8-ka badana oo mid ka mid ah uu yahay Sarkaal ka tirsan Puntland ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada dadkii wax ku dhaqday dagaalkaasi la gaarsiiyay Isbitaalka Woqooyi ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo wali uu ka socdo dagaal xooggan.

 

 

 

Goobjoogayaasha waxa ay ku waramayaan in qasaaraha uu intaasi ka badan yahay hase ahaatee xilligaani waxa aan suurto gal ahayn in si dhab ah loo ogaado halka uu la’egyahay qasaaraha dhimasho iyo dhaawac uu gaystay dagaalkaasi.

 

 

 

Wixii war ah oo kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net Hadii Alle Idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo degmada Gaalkacyo ka dhacay iyo khasaarihiisa oo sii kordhaya

 

Khamiis, September 01, 2011 (HOL) - Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa barqadii hore ee maanta ka bilowday mid kamid ah xaafadaha Gaalkacyo ,waxaana is-rasaasaynta halkaa ka dhacday ay u dhaxaysay dablay hubaysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland.

 

Dad-goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda ,waxaana la weeraray goob lagu duubo canjaadaha diiniga ah oo ku taalla Garsoor ,iyada oo halkaasi ay ciidamadu ka baadi-goobayeen mid kamid ah shaqaalaha xaruntaasi.

 

"Waxaan la kulannay xabad bilaabatay mana garanayno, sababaha arintan oo dhan ay u dhacayaan"ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka Gaalkacyo oo aan khadka taleefanka kula xiriiray.

 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goobta la weeraray uu ku sugnaa nin ciidamada amniga ay ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa falalkii amni xumo ee degmadaasi ka dhacay bilihii ugu danbeeyay.

 

"Dhimashada waxaa ay ahayd qaybtii hore ee dagaalka seddex ruux, balse dhaawaca tiro ahaan ma cadayn karo"ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada amniga Puntland oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

 

Ciidamadada ayaa dagaalkaasi u adeegsaday hub aad u cul-culus ,waxaana iminka Gaalkacyo ka dhacaysa is-rasaasayn labada dhinac u dhaxaysa, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay qaar kamid ah la soo gaarsiiyay cisbitalka wayn ee degmadaasi.

 

Dagaalkan maanta halkaa ka bilowoday ayaa imaanaya ,iyadaa waqooyiga Gaalkacyo ay ka socdeen maalmihii la soo dhaafay shirar looga arinsanayo amniga gobolka Mudug oo ay ka qayb-galayeen wasiiro ka tirsan dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gaalkacyo oo sii kordhaya

 

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ku dhexmaray Ciidamada Maamul goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad hubaysan oo ku sugnaa halkaasi.

 

 

 

Inta la xaqiijiyay 10-ruux ayaa ku geeriyootay 20-kalana way ku dhaawacmeen dagaal maanta Ciidamada Maamulka Puntland iyo Kooxo hubaysan ku dhexmaray Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka jireen falal amaan dari ah.

 

 

 

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kadib markii Ciidamada Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen goob Istuudiyo ah halkaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen Maleshiyaad hubaysan oo la sheegay in aan la aqoon halka ay ka tirsan yihiin.

 

 

 

Dadkii ku waxyeeloobay dagaalkaasi ayaa waxaa loo qaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana iminka lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid dagan.

 

 

 

Mudooyinkii dambe ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa kusoo badanayay falalka amaan dari oo ka dhanka ah Madaxda Maamulka Puntland iyo waxgaradka ku sugan halkaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dagaal ayaa ka duhurnimadii maanta ka dhacay gudaha Suuqa magaalada Gaalkacyo kaas oo u dhaxeeyey ciidamo ka tirsan booliska gobolka Mudug iyo dabley hubaysan sida ay Horseed Media u sheegeen dad ku sugan Suuqa uu dagaalku ka socdo.

 

Ilo ka agdhow ggoobta oo Horseed Media la hadlay ayaa sheegay in Israsaaseyn dhexmartay dhinacyada dagaalamaya ay ku dhinteen Saddex qof oo laba tahay rayid midka kalena uu yahay askari ka tursan ciidanka amniga Gaalkacyo.

 

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay ku bilowday ka dib markii sida la sheegay ciidanka amniga Gaalkacyo rabeen in ay soo xiraan nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Xarakadda Al-shabaab kaas oo ku sugnaa bartamaha Suuqa gaar ahaan Xaafada Garsoor ka dibna dableyda ayaa rasaas ooda uga qaaday ciidanka dabadeedna waxa ay bilaabeen in rasaas furaan.

 

Sida la sheegay Israsaaseynta ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliye Kuxigeenka Qaybta booliska gobolka Mudug Gaashaanle Dhexe Maxamed Jaamac Beergeel,waxaana la soo sheegaya in dhaawiciisu yahay mid fudud.

 

Shacabka ku dhaqan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa si wey u dareemay dayranka rasaasta la is dhaafsanayo.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

DEG DEG: Iska hor imaad mar kale ka qarxay W/Galkacyo

Iska hor imaad ayaa mar kale waxaa uu ka qarxay waqooyiga Magaalada Galkacyo, kaasoo u dhaxeeya Kooxo Hubeysan iyo Ciidamada Maamulka Puntland, iyadoo iska hor imaadkan uu ka xoogan yahay mid dhacay abaarihii 12-kii duhurnimo.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay weerareen goob ay ku sugnaayeen Kooxo ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana iska hor imaadkan uu saameyn ku yeeshay ganacsigii suuqa bartamaha.

 

Inta la og yahay saddex ruux ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen Iska hor imaadyada maanta kaliya ka dhacay Waqooyiga Galkacyo.

 

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Taliye kuxigeenka Booliska Mudug ee qeybta Puntland iyo askar kale oo ka mid ah Ciidamada Ammaanka ee howl galka waday.

 

Ciidamo fara badan oo Puntland ay ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo, kuwaasoo wada howl galo ammaanka lagu sugayo, waxaana muuqata inay wajahayaan iska hor imaadyo Kooxo Hubeysan uga imaanaya.

 

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^^ Xaaji Ngonge, Waa Big News, marka isagaa ayaan sii ta'kiidinaayey oo website-yo kale isla warkii ka soo qaatay. Dhib miyaa ku jira?

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

XX would say he was just reporing the news con-incidently the news happened to be a tragic one.. Alle ha u naxariisto inta dhimatay, inta noolna alle ha tuso maslaxadooda..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaju Xunjuf and Maadeey reporting the news on an event that is important to many means absolutely no harm regardless of their political convictions. This is how we all stay informed. Thanks Xaaji and Maadeey. NGONGE warkiisa ka baxa.

 

Ilaahay ha u naxariisto inta dhimatay. Here is an update on that fighting.

 

Faahfaahin:- Maxaa ka dhacey Gaalkacyo maanta, Maxeyse tahey Xaqiiqdu

 

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Saaka Waxaa Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ay Ciidamada amaanka Puntland ka fuliyeen Howlgal Xoogan, balse aan noqon sidii ay Ciidanku filayeen ka dib markii Maleeshiyaad hubeysan ay dagaal xoogan kala horyimaadeen Ciidanka.

 

Ujeedada ay Ciidanku ka lahaayeen howlgalka ayaa ahaa iney soo xiraan nin la tuhunsanaa, Ninka ay Ciidanku raadinayeen ayaa markii hore la sheegey inuu howlgalka ku dhintey balse ma dhiman, Ciidanku way ku guuleysan waayeen iney soo xiraan ninkii markii hore ka dib markii Maleeshiyaad hubeysan ay difaaceen ninkii ay ciidanku doonayeen, waxaana wax yar ka dib Ciidanka soo gaarey Ciidan Xoojin ah, waxaana halkaas ka bilowdey dagaal dhexmarey Ciidankii iyo Maleeshiyaadkii.

 

Maxey yihiin Maleeshiyaadka la dagaalamay Ciidanka

 

Inkastoo Warar aan sal iyo raad laheyn oo suuqa lasoo galiyey ay sheegeen in Beel kamid ah beelaha Dega Xaafada ay difaaceen Ninkii Ciidanku doonayeen hadana Xaqiiqdu waxey tahey ineysan haba yaraatee aysan jirin wax lug ah oo beeshaas ku leedahey dagaalkii maanta ka dhacey Garsoor.

 

Maleeshiyaadka Dagaalka kusoo qaadeyt Ciidanka waa kuwo aan qabiil laheyn balse ku dhexdhuuman jirey beelaha Xaafada, waana rag isugu jira Al-shabaab horey Xaafada u joogey iyo Al-shabaab dhowaan Xamar kasoo Cararey, walow ay u badan yihiin rag u dhashey isla xaafada balse aaminsan mowqifka Shabaab, Horey ayaa Odoyaasha xaafadu u cadeeyeen iney Maleeshiyaadkaan khalkhal iyo amaan xumo ka dhex wadaan Magaalada.

 

Muxuu ahaa Ninkii Ciidanku raadinayeen ee dagaalku ka bilowdey

 

Ninka ay Ciidanku raadinayeen wuu fakadey sida hada naloo Xaqiijiyey, Ninkaan ayaa Bileyska iyo Ciidanka amaanku heleen inuu lug wayn ku leeyahey abaabulka Amaan xumo ee ka jira Gaalkacyo , waxaa kaloo lagusoo eedeeyey inuu qayb wayn ka geystey Dilkii Alla ha unaxariistee Nabadoon Xasan Xuseen Aw- Maxamed (Xasan Waloore) oo 7 Ogosto lagu diley Gaalkacyo, Nabadoonka ayaa ka mid ahaa Odoyaasha Magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda isla Xaafada Garsoor, wuxuuna ka mid ahaa Odoyaasha u ololeyn jirey in waxlaga qabto Maleeshiyaadka al-shabaab ee Xaafada faraha kulul ku hayey.

 

Hada waa sidee Xaalada Magaaladu ka dib iska hor imaadkii maanta

 

Hada Xaafada Garsoor aad ayey u degantahey, Ciidankiina waa isaga soo baxeen,inkastoo Wali ay kacsan tahey xaaladu, Waxaa mardhoweyd soo gabgaboobey Kulan dhexmaryey Wasiirka Abniga Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka awqaafta iyo atimaha diinta Cabdikhaliif Shiikh Xasan, Maamulka Gobolka, Kan Degmada iyo Odoyaasha Magaalada, lakiin ilaa hada wax wara kama soo bixin

 

Puntlandi.com

 

Gaalkacyo

 

VIDEO:- Daawo Dagaalkii maanta ka dhacey Gaalkacyo

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

I think the issue is with Xaaji's term "faroole loyalists," it has been used in the media quite a bit with Qaddafi loyalists; so Xaaji starts copying the term. No doubt, whatever term is being used in the media - Xaaji will start using it.

 

Regardless it's good to see that Xaaji is concerned about his fellow country men.

 

I await more details on this sad incident. I know Bosasso had an issue today as well.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odaygii LST na intan buu la shir yimid,,,, :D

 

 

Maleeshiyaadka Dagaalka kusoo qaadeyt Ciidanka waa kuwo aan qabiil laheyn balse ku dhexdhuuman jirey beelaha Xaafada

Haye ,,,

 

walow ay u badan yihiin rag u dhashey isla xaafada balse aaminsan mowqifka Shabaab

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this