Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Farole announces that tomorrow is Eid congratulates all Muslims specially Puntland Citizen

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland Oo Caawa Ku Dhawaqay In Barito Ciid Tahay

Garowe ( RBC Radio) Madaxweynaha dawlada Puntland C/raxmaan Maxmed Maxmuud ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay in maalinta bari ah ay tahay 1-bisha Soon fur.

 

madaxweynaha-puntland2-258x3001.jpg

 

Madaxweynaha oo la hadlaya warbaahinta gudaha Puntland ayaa sheegay in uu hambalyo u diraayo dhamaan shacabka islaamka Meel ay joogaan,gaar ahaan Kuwa Puntland.

 

Waxaa uu intaasi ku daray in tashi dheer ka dib oo ay wada qaateen wasaarada Caddlada iyo arimaha diinta Puntland iyo meelo badan oo dalka somaliya oo laga soo sheegay bisha in Ay ku dhawaqen in Puntland bari laga ciido. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay shacab weynaha Puntland in ay iska ilaaliyaan Kala tukashada iyo kala ciidka oo bariisku mar la Ciido.

 

Inkasta oo aan Puntland Jirin cid si rasmi ah u aragtay bisha hadana waxaa warar sheegayaan in inta badan laga arkay bartamaha dalka somaliya waxaana sidoo kale laga dhawaaqay ciidka Dhamaan dalalka Islaamka gaar ahaan Sucuudiga,Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo Caawa Kudhawaqay in Ciid Ay tahay.

 

RBC Radio News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Oo Sheegay In Maalinta Talaadada Ee Berri Ay Tahay Ciidul Fitr

 

Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in berito oo taariikhdu ku beegan tahay 30.08.2011 ay tahay Ciidul Fidri.

 

Madaxweyne Faroole ayaa Fiidnimadii Caawa isagoo la hadlaayey Warbaahinta gudaha u sheegay dadka reer Puntland in berito si wadajir ah looga wada Ciidayo gobolada Puntland oo dhan.

 

Wuxuu sheegay in la tashi dheer oo ay wada Sameeyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo arimaha Diinta Puntland iyo Culuma’udiinka in ay isla garteen in berito ay tahay Ciidul Fidri ka dib markii laga soo sheegay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya.

 

Shacabka kunool guud ahaaba gobolada Puntland ayuu ugu hambalyeeyey Ciidul Fidriga,wuxuu ka codasaday in tafaraaruq uusan dhicin loona wada ciido si wada jir ah.

 

In berito ay tahay Ciidul Fidri ayaa sidoo kale laga Iclaaniyey magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo,Buulo-Burde,Baydhabo,Beledweyn iyo gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Waxaa Sidoo kale iyana laga Iclaamiyey dalka Sacuudiga Carabiya,waxaana laga baahiyey Talafishinada Carabta sida Al-Jazeera iyo Al-Carabiya in Boqortooyada Sacuudiga sheegtay in berito ay tahay maalin Ciid ah bisha Shawaalna ay tahay kow.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Better title would have being: Sheikh Mufti Abdirahman Faroole Al Caalim announced that Eid is tomoro

Share this post


Link to post
Share on other sites

According to astronomical data, it is impossible to sight the moon in Somalia or any where in East, West, North Africa and the middle east. The only place that the moon can be sighted is with the naked eye is green area in south America such chile.

 

Many Somalis follow Saudi Arabia blindly which uses calculations not sighting to determine moon sighting. Of course th Saudi govt does not tell their people that go by strictly caculations.

 

http://moonsighting.com/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Faroole oo salaada ciida Garawe kala qayb galay kumanaan dad ah

 

August 30, 2011

 

Magaalada Garowe ee dowlada puntland ayaa maanta si wayn looga ciiday kadib 29 cisho oo dadku ay soo somanayeen, salaadii ciida oo dadka badankiisa ay ku tukadeeb Garoonka ku bada Cagta ee Mire Aware oo uu kala qayb galay saladada Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Golayasha Dowlada kumanaan dad ah ayaana manta ka soo qayb galay Sladaada Ciida tukashadaeeda iyadoo dadkaqaarkii ay Soman yihin gaar aha Qadariyadu

 

Shiikh C/qaadir Nuur Farax oo ka Mid ahaa Culumowdiinkii ka hadlay salada ka hor oo qudbadaha la hormariyay ayaa ku dheraday Dadka Micna darada lagu dilo gaal iyo muslim iyo sidoo kale kala Soomida iyo afuridaba diintu waxaa ay ka qabto waxaana uu sheegay in ay maanta maalin ciida ayna xaaraantahay in la soomo shiikh waxaa kale uu sheegay mar hadii madaxwayhana dalku ku dhawaaqo ay iidtahay waa in la afuro sidookale waxaa uu ka degay in khilaafka laga dheeraado si aan umada soomaliyeed ee 29maalmood soo somay aan la jaah wareerin.

 

Garad Abshir Salax oo ka mida Saladinta Puntland dadkana ugu hanbalyeyay Dadka Cidul Fidriga sanadkaan sanakiisa in ay ku ciidan Nabad iyobarqaaqo waxaan uu diirada ku saaray khudbadiisa in nada la adkeeyo isagoo sheegay in ay waajibtahay ka shaqaynta nabad galyada puntland.

 

Wasirka Cadallada Diinta iyo awqaafta Puntland C/khalif Xaaji Xasan Ajayo oo ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha ayaa ku dheerada in uusan wanagsanayn khilaafku loona bahan yahay in la noqdo Mid qura si qilaafka ku soo dhex noqnoqda Culumada oo dhanka Ciidaha oo kale meesha uuka baxo. Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ugu horayn umada Soomaaliyeed ugu Hanbaleyey maalinta ciidulfiriga ayaadhinacyo badan ka hadlay

 

Dhanka amaanka mar uu ka hadlayey waxaa uu umada puntland uga digay in ay ka hortagaan dadka amnigooda doonaya in wiiqaan waxaana uuaad ugu amaanay ciidamada amaanka ee puntland sida ay markasta ugu heelanyihiin in sugaan nabada guud ahaanba puntland madaxwayne faroole mar uu ka hadlayey dhanka soomaaliya waxaa uu aad ugu dheeraaday muhiimada ay leeyihiin booqashooyinkii ay dowlada kmg ah soomaliya ay ku yimaadeen puntland gaar ahaana puntland waxaana usheegay in ay tahay talaabo horay looqaaday oo muhiimad wayn uleh dhamaaba umada soomaliyeed

 

Dhankale madax waynuhu waxaa uu ku amaanay dadka reer puntland sida ay diyaarka ugu yihiin midnimada iyo in lahelo qaran soomaliyeed. Guud ahaanaba marka la eego magaalada garawe ayaa manta siwayn looga iiday iyada oo dhankale ay jiraan dad aan badnayn oo manta sooman oo ay rabadaan utahay oo iyagu aaminsan in ay manta tahay maalin rabadaan bishuna ay ku dhamaato 30maalmood

 

Maxamed Siciid Yuusuf

SBC International Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Powerful words by the President regarding Proclamation of Eid in all over the world, all of Somalia and in Puntland and a few who did not break their fast today which he described them as 'Asaagaa alla ka reeb iyo asaagii ayuu ka haray' and that he used to hear of 'Muslim Khilaaf.' He further said that the authorised Eid is when it is announced by the major Muslim scholars, the government, the Ministry of Justice and Religious affairs and proclaimed by him as the Muslim leader of this country (Imaam) which has been elected to lead agree upon and announce that day and which Eid is today. He warned against divergence and said that these people are being watched carefully by the rest of the people due totheir actions of disunity.

 

Madaxweynuhu waxaa uu sidoo kale Xusay in ay jiraan Dad aan maanta ciidin lakiin ay yihiin kuwo u guntaday xaytay luminta ummadda Muslimiinta ah aana loo baahnayn kooxyar oo meel isku xirta oo Gaarkooda u tukada ,” ummadaan uma baahna in waxaan jirin lagu qanciyo hal maalin ayaan laga ciidayaa dalkaan Lagana soomayaa”

From Raxanreeb.com

 

16%252520%2525282%252529.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Peace, what are u talking about we used to see the moon crescent with our naked eyes all the time. All we had to do was climb geed barde ah or palm tree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this