Sign in to follow this  
A_Khadar

Mama Soul Visits Mogadishu

Recommended Posts

A_Khadar   

Muqdisho,(lasanod Online)- Fanaanad caan ah oo lagu magacaabo Mama Soul dhalashadeeduna tahay Maraykan ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho..

 

waxayna kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, iyadoo sidoo kalena booqatay xero qaxooti oo ku taala gudaha magaalada Muqdisho.

Fanaanadan ayaa hore u soo martay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya sida Dhadhaab, waxayna sidoo kale rajeyneysaa inay marto kuwa ku yaala dalka Itoobiya ee ay ku jiraan kumanaanka kun ee Soomaalida ah ee ka cararay gobolo ka tirsan dalka oo ay ka dilaaceen gaajo iyo macluul aad u daran.

Fanaanadan ayaa markii ay maanta booqatay xero qaxooti oo ku taala magaalada Muqdisho indhaheeda ku aragtay xaaladda adag ee ay ku noolyihiin barakacayaasha Soomaaliyeed, waxayna iyada oo ilmeyneysa baaq u jeedisay caalamka, gaar ahaana dowladda Mareykanka iyo Q/midoobay iyadoo tiri “Maxaad indhaha uga daawaneysaan shacabka Soomaaliyeed, waa inaad gargaar la soo gaartaan”.

Fanaanadu waxay sheegtay in muuqaalada laga daawado TV-yada caalamka iyo nolosha dhabta ah ee ka jirta xeryaha barakacayaasha Soomaaliya ay aad u kala duwan tahay “Waxaad noloshada dhabta ah ogaan kartaan marka aad timaadaan Soomaaliya oo aad aragtaan dhibaatada ka muuqata shacabka, maalin kasta gaajo iyo oon ayay u dhintaan caruur aad u yar yar iyo weliba hooyooyin” ayay mar kale tiri Mama Soul intii ay booqaneysay xeradan qaxootiga.

 

Waxaa la joogaa waqtigii aanu toosi laheyn oo dadka Mareykanka iyo dawladduba ay hormuud ka noqon lahaayeen taakuleynta dadkan Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay”.

 

Arrintan ayaa laga yaabaa inay soo jiidato indhaha caalamka siiba dalalka Yurub iyo Mareykanka oo si aada u qiimeeya baaqyada dadka fanaaniinta ah.

Mama_Soul_Mogadishu_29_July_2011_2.JPG

 

Mama_Soul_Mogadishu_29_July_2011_3.JPG

Mama_Soul_Mogadishu_29_July_2011_4.JPG

 

Mama_Soul_Mogadishu_29_July_2011_6.JPG

 

Mama_Soul_Mogadishu_29_July_2011_7.JPG

 

Mama_Soul_Mogadishu_29_July_2011_8.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

IMG_7556.jpg

 

Friday, July 29 2011

DAAWO SAWIRADA: Fanaanad u dhalatay Dalka Maraykanka oo booqatay xerooyin Barakacayaasha ee Muqdisho.

Written by Maxamed Ciise

Print E-mail Comments (2)

 

Muqdisho (SPR): Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa noqotay mid murugu leh ka dib markii aay magaalada noqotay mid dhinac aay baahi darteed dad u dhintan hadla dhinaca kalena aay noqotay meel aay ragaadiyeen dagaalo xoogan.

 

Mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxa asoo gaaray dad ka soo barakacay abaaraha ka jira gobalada dalka somalia gaar ahaa Gobalada Baay,Bakool iyo shabeelaha Hoose.

 

Arintaasi ayaa sababtay in caalamka uu marqura indhaha ku soo aadiyaa xaalada wadanka Somalia waxaana muddooyinkaan soo badanayay gargaar lala soo gaaray dadka barakacayaasha.

 

Iyadoo aay sidaasi jirto ayaa hadda maanta waxaa xerooyinka barakacayaasha Muqdisho* soo booqday Fanaanad caan ah oo lagu magacaabo Mama Soul dhalashadeedu* tahay Dalka* Mareykan.

 

 

 

Fanaanada ayaa markii aay soo gaartay Muqdisho waxay kulan la* Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali iyadoo sidoo kalena booqatay xero Barakacayaal* oo ku taala gudaha magaalada Muqdisho.

 

Fanaanadan ayaa la sheegay inay horay usoo martay* qaxootiga Somaliyed ee ku sugan* dalka Kenya gaar ahaan xerada* Dhadhaab waxayna sheegtay inay sii mari doonto* kuwa ku yaala dalka Itoobiya ee ay ku jiraan kumanaanka kun ee Soomaalida ah ee ka cararay gobolo ka tirsan dalka oo ay ka dilaaceen gaajo iyo macluul aad u daran.

 

 

 

Fanaanadan ayaa markii ay maanta booqatay xero barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho islamarkaana aragtay dhibaatada dadka heysta ayaa* iyada oo ilmeyneysa baaq u jeedisay caalamka, gaar ahaana dowladda Mareykanka iyo Q/midoobay iyadoo tiri “Maxaad indhaha uga daawaneysaan shacabka Soomaaliyeed, waa inaad gargaar la soo gaartaan”.

 

“Waxaad noloshada dhabta ah ogaan kartaan marka aad timaadaan Soomaaliya oo aad aragtaan dhibaatada ka muuqata shacabka, maalin kasta gaajo iyo oon ayay u dhintaan caruur aad u yar yar iyo weliba hooyooyin” ayay mar kale tiri Mama Soul intii ay booqaneysay xeradan qaxootiga waxaana aya caddeysay in aay ad u kala duwan yihiin muuqaalada TV-yada aay soo bandhigaan in xaalada dadka ku haysata magaalada Muqdihso.

 

 

 

“Waxaa la joogaa waqtigii aanu toosi laheyn oo dadka Mareykanka iyo dowladduba ay hormuud ka noqon lahaayeen taakuleynta dadkan Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay”.

 

Sidoo kale fanaanada ayaa la weydiiyay su'aal ayada waxaa aay barakacayasha ugu talo gashay waxayku jawaabtay"ka sokow balan qaad aan sameeyo waxaaba iiga daran walaaca iyo walbahaarka aan ka qaaday Somalida Dhibaataysan war aaway somalidii waan yaabanahay laakiin waxan rajaynayaa in Somalia aay sidaan ka roonaan doonto, Wax yar oo aan afka ka sheegana waxba iima tarayso"

 

Si kastaba arinta ayaa ku soo aadaysa iyada xaalada dad barakacayaasha aay maalmahan xaaladooda nololeed aay ka sii daraysa iyada aan la ogayn waxa beesha caalamka aay ka qaban doonaan baaqa Fanaanada ka soo yeeray maadaama aay dowladaha qaarada Yurub aay si aad ah u tixgeliyaan hadalada Fanaaniinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Aduunkoo dhan haduu noo ooyo markuu arko ilmaha aan duqsiga ka ceshan weynay waxba badeli mayso ilaa aan towbad keeno

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this