Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Faisal cali waraabe no longer the leader of the UCID Party

Recommended Posts

A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;736271 wrote:
Gudoomiyasha xisbiyada qaranku wa wareegto i love it

Really? He is saying else!

 

Hargeysa,(Lasanod Onlne)-Gudoomiyihii hore ee xisbiga UCID oo ka mid ah axsaabta mucaaradka Somaliland Feysal Cali Waraabe

ayaa si kulul maanta uga hadlay xil ka qaadis ay dhowaan ku sameeyeen guddiga fulinta ee xisbigaasi.

 

Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday inay sharci darro tahay xil ka qaadistiisa wuxuuna ku tilmaamay mid lagu deg degay.

 

Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro inuu ka dambeeyey xil ka qaadista isaga lagu sameeyey isagoo sheegay in uu C/raxmaan Cirro urursaday dhamaan xubnihii xisbiga.

 

“Waxaa ka dambeeya arimahan C/raxmaan oo isagu urursaday xubnihii xisbiga oo uu kula heshiiyey inay isaga u soo wareegsadaan” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

 

Shirka jaraa’id ee Feysal Cali Waraabe uu maanta ku qabtay Hargeysa ayuu sidoo kale ku sheegay inuu isaga weli yahay gudoomiyaha sharciga ee xisbiga UCID wuxuuna ugu baaqay dhamaan xubnaha xisbiga inay isugu yimaadaan shir loga tashanayo arimaha xisbiga.

 

Toddobaadkan ayey ahayd markii guddiga fulinta ee xisbiga UCID oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ay xilkii ka xayuubiyeen Feysal Cali Waraabe oo tan iyo aas aaskii xisbigaasi ka ahaa gudoomiye.

 

Waxayna xubbnaha guddiga fulinta ku eedeeyeen gudoomiyaha hore inuu ku guul dareysatay sidii uu xisbiga u qabsan lahaa talada maamulka Somaliland isla markaana uu xisbiga illaa hadda xubno muuqda ku heysa golayaasha maamulka Somaliland.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqaneysa in khilaafka ka dhex taagan masuuliyiinta xisbiga Ucid uu haatan gaarey heerkii ugu sareeyey iyadoo taasi ay sii dheer tahay taagdarida siyaasadeed ee xisbigaasi hre u heysatay.

white.gif
Xafiiska Wararka Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

That is how you are trying to to cover this clan conflict up but Waraabi is saying this is my babe and no one is taking it away from me..kasheekee..

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;736730 wrote:
That is how you are trying to to cover this clan conflict up but Waraabi is saying this is my babe and no one is taking it away from me..kasheekee..

Loool what clan conflict both ciiro and waraabe are from the same subclan

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Waa basal bahashu adeer.. Even if they ended up with same father but different mothers, it poils down to that level..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Fuaad Aadan Cadde "Laascanood dadki u dhashay ba is dilaya"

 

La Taliyaha Madaxweynaha Gobollada Bari Fu’aad Aadan Cadde (Waraysi Khaasa)

Hargeysa, July 26, 2011 (Haatuf) - La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha gobollada bariga Somaliland Fu’aad Aadan Cadde ayaa ku tilmamaay damaca madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole uu ku sheegaynayo beelaha Sool iyo Buuhoodle ay tahay caqli xumo, sheegayna haddii Isirnimo dawlad lagu noqonayo in aanay jirteen beel kaliya oo dhawr dal wada degtaa, waxaanu intaasi ku daray in xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan wakiilada oo la sheegay inuu dalka kaga baxsaday tuhuno lagu xidhiidhinayo dilalka qorshaysan ee ka socda Laascaanood ay jiraan, tilmaamayna inaanay jirin cid ka war qabta halkuu jaan iyo cidhib dhigay. La taliyaha Madaxweynaha ee gobolada bari Mr Fu’aad Aadan Cadde ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu Haatuf shalay khadka telephone-ka ugu waramay isagoo jooga Hargeysa, kaas oo sidoo kale jawaab ka bixiyey hanjabaada ka soo yeedhay doraad xubno ku sugan deegaamada Xudun ee gobolka Sool oo sheegay in aanay ogolayn in shir nabadeed Somaliland ku qabato deegaankaasi iyo arrimo kale oo la xidhiidha dilalka qorshaysan ee sanadahan dambe laga wado Laascaanood. Fu’aad aadan Cade oo ka hadlaya xubanaha degmada Xudun ee sheegay inaan lagu qabankarin deegaankaasi gogoshii labaad ee madaxweynuhu fidiyay, waxa uu yidhi “Waxa hadlay waa laba nin oo mid iska Jirri yahay ninka kale oo la yidhaa Jaamac dheerena waan la hadlay oo tilifoonkiisa ayaa xidhnaa, waxaan lahaa aad weydiisid awooda uu shirk u horjoogsan karayo, shir xudun lagu qabanayaa ma jiro hadanay iyagu shaydaan la shirayn, inta xudun shir lagu qabtaa walaahi daafe ilaa daafe looga baxaa” La taliyaha madaxweynaha gobollada bari Fu’aad Aadan Cadde, oo aanu waydinay dhaliilaha xukuumadda looga soo jeedinayo wax ka qabad la’aanta dilalka qorshaysan ee ka socda Laascaanood, waxa u yidhi “Somalidu waxay tidhaahdaa Inan hooyadeed xumaynayso looma taag helo, Canaanta waxa leh ninka SSC ku sheegta ee gurigiisa uu ku soo dagayo eeqarinaya, markuu wax dilo haddii ay shacbigu qarinayaan ninkii dumarka laynayay, oo markuu wax dilo la wada raacayo si aan lo garan, Laascaanood dadki u dhashay baa is dilaya, hadhawna been baa la samaynayaa oo waxa la odhanayaa ciidamadaa idin laynaya, xukuumaddu canaan ma laha, wafti uu hogaaminayo wasiir Xaabsade ayaa loo qaybiyey, taliyaha bilayska iyo ku xigeenkiisu way tageen” Fu’aad Aadan Cadde oo la waydiiyay sida uu u arko eedaha xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo hada aan la ogayn meel uu dalka uga fakaday dilalka lagu xidhiidhinayo, waxa uu yidhi ‘Tuhun badan baa jira dawladuna way la socotaa, hadal hayn badanina way jirtaa, imikana waa ta jaraa’idka iyo meel walba lagu qoray ninkaasi wuu baxsaday, iyadoo lagu tuhmayo inuu waxyaalahaasi ku jiro tuhunkaasi wuu jiraa baa la leeyahay, ninkaasi meel uu tagay oo aan way u hayaa ma jirto, waxaan u malaynayaa cid ogina ma jirto” Fu’aad isaga oo arrinkaa ka hadlaya waxa uu intaa ku daray Xudun 400 askari ee reer Xuduna oo reer Somaliland ah baa jooga wax olole iyo dhibaato ah oo uu Cabdi Samad Cali Shire ku hayaana ma jirto waa been, wax qabad la’aan iyo bilays la’aan dadku way cabanayaan, laakiin dawladu maamulkiina way samaysay” Fu’aad Aadan Cadde oo aanu wax ka waydiinay halka lagu qabanayo shirkii wajiga labad ee nabadaynta, waxa uu yidhi “Waxaanu nidhi shir-doceedyadii hala joojiyo shir weyn oo loo dhan yahay oo dhilbahante iskugu yimaado oo caro ***** ka dhaca kalmadaa kumaanu qorin laakiin waa ra’yigaygam in shirweyne SSC ku sheegta la yeesho ayaanu ku talinay shirar doceedyadu waa wakhti lumen” Fu’aad Aadan Cadde, oo la waydiiyay aragtidiisa uu qabo damaca madaxweynaha Puntland Faroole,uu ku doonayo in bulshada reer Sool iyo Buuhoode ay Isir wadaagaan, oo aanay ka mid ahayn Somaliland, waxa uu yidhi “Adeer isku Isir baynu nahay wax caqliga gala maaha, qoladaasi haday Isir doonayso maxaa u diiday in Puntland iyo SSC ku sheegta jooga Kililka shanaad ee Itoobiya isku qolaanu nahay, NFD kuwa jooga maxay u odhan waayeen waa anaga, waa waxaan soconayn, iyagana dan uma aha anagana dan nooma aha, waa baa’biis weeyi, haday waxaa iska dayn waayaana Ilaahay ciqaabtooda wuu marinayaa, dadka waxa u fiican intii isku dhaqana ee isku caado ah iyo sidii Ingiriisku u xadeeyay loo daayo, maxay usoo qadi waayeen Puntland iyo SSC ku sheegta Itoobiya degan waa caqli xumo .

 

 

http://www.haatuf.net/2009files/62.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

They obviously both want to be the chairman of the ucid political party Sultan faisals time is up as i said before and its time for new leadership Sultan faisals Knows that. He just feels he was disrespected by some of his party members Ciiro's Crew listen to his latest speech he is willing to step down as a chairman and will allow the party to elect a new chairman he just askes the new interim admin created by the Ciiro crew to be erased and to start all over.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this