Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Faisal cali waraabe no longer the leader of the UCID Party

Recommended Posts

Faysal Cali Waraabe Oo Inqilaabka Xilka Lagaga Qaaday Ku Eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Guddida Fulintana Ku Tilmaamay SSC Ka Dhex Dilaacday Xisbiga UCID.

 

 

 

Hargeysa (Ramaas) July 24,2011 – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee guddida fulinta xisbigaasi sheegeen maanta inay xilka guddoomiyenimada ka qaadeen, ayaa sheegay inuu ka xun yahay talaabada ay qaadeen.

 

 

 

Md Faysal Cali Waraabe, ayaa guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ku eedeeyay inuu ka dambeeyo talaabada guddida fulintu qaaday, isla-markaana xubnaha ku dhawaaqay inay xilka ka qaadeen isku urursadeen hab baylaysan.

 

 

 

Md Faysal Cali Waraabe oo markii guddida fulintu ku dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen shir-jaraa’id ku qabtay huteelka Ambasador ayaa sidoo tilmaamay in nidaamka ay u mareen xil ka qaadistiisu ahayn mid sharci ah.

 

 

 

Md Faysal Cali Waraabe oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa jirtay in baryahaba uu gudoomiyha golaha Wakiiladu uu lahaa xisbiga aniga hala igu wareejiyo, haddii KULMIYE uu isku wareejiyey heshiis ayey ku ahaayeen oo ay kala saxeexdeen, markaa meel aanu anagu heshiis ku galnayna may jirin, waxaas oo dhana waxa ka dambeeya Cabdiraxmaan Cirro waanan ka xumahay.”

 

 

 

Md Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu soo qaaday “Cabdiraxmaan waxa uu urursaday dadkii xisbiga sababta u ahaa inuu dhaco ee aan waxba cod u keenin, markaad dalkeena waxa ka dhex dilaacday SSC, iyaguna waa SSC Xisbiga ka dilaacday.” Ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu kala socdaana waa sharci, sharcina ma hayaan, waxaad moodaa in laysku soo abaalulay nidaam-beeleed oo dad uu Cirro (Guddoomiyaha golaha wakiiladda) soo ururdaday oo ay isku beelo yihiin ay meesha waxan ka wadaan”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inqilaab aan dhiig ku daadan oo Ka dhex dhacay Xisbiga UCID

 

 

Hargeysa/ToggaHerer 24 July 2011

 

 

 

Warsaxaafadeed ay soo saareen Qaar ka mid ah hogaanka Xisbiga UCID ayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen Hogaankii Xisbiga Gudoomiye Eng Faysal Cali Waraabe kuna doorteen Hogaan Cusub oo uu hoogaaminayo Aden Mire Waqaf, Masuuliyiinta Soo saartay Qoraalka ayaa warbaahintii Goobta joogtay ayna u qaybiyeen Qoraalkooda ka codsaday in aanay ka qaadin wax sawir ah iyo Cod.

 

Geesta kale waxa la filaayay kuna Beegnayd wakhtiga la qabanayo Congress ka Xisbiga UCID maalinta Berri ah oo ay bishu tahay 25 July.

 

 

Haddaba Qoraalka ay soo saareen ayaa u qornaa sidan:-

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay July 24, 2011 waxaa xarunta dhexe ee xisbiga UCID shir ku yeeshay Gudidda Fulinta Xisbiga UCID waxaanay soo saareen go’aamadan hoos ku qoran:

 

v Si loo sugo jiritaanka , midnimada iyo sharcinimada hogaanka Xisbiga in dib loo dhigo qabashada shirweynaha Xisbiga muddo aan ka badnayn shan iyo afartan cisho oo ka bilaabanta maanta oo taaiikhdu tahay 24.7.2011 iyada oo ay ahayd in shirweynaha la qabto ugu dambeyn 27.7.2011.

 

v In shirweynihii Xisbiga lagu qabto Hargeysa maalinta Arbacada iyo Khamiista , 7-8 Sept 2011, Sida ku cad Qod. 10 Faq. 4aad ee Xeerka iyo Qaab Dhismeedka Xisbiga UCID.

 

v In la magacaabo guddida qabanqaabada shirweynaha Xisbiga UCID

 

v Waxa xubnaha Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga asal u ah liiskii ugu dambeeyey ee ansixiyey Xeerka Xisbiga, Musharaxa Maxwaynaha iyo Ku-xigeenka.

 

v Maadaama xilka hogaanka Xisbigu dhamaanayo 28 July, 2011 oo ay ku egtahay mudada xilka gudoomiyaha hadda ee Xisbiga UCID isla markaana uu xeerka Xisbigu ku xadeeyey muddo-xileedka Gudoomiyaha laba jeer oo keliya sida ku cad qodobka 25aad faqradiisa 3aad, ay si ku meel-gaadh ah u sii wadayso hawlaha xisbiga Guddi ku meel gaadh ah inta uu qabsoomayo shirweynaha 3aad ee Xisbiga. Gudigaas oo magacyadoodu yihiin sida hoos ku qoran.

 

Magaca Xilka

 

Aadan Maxamed Mire (Waqaf) Gudoomiye ku meel-gaadh ah

Axmed Xuseen Fagfagaash G/X/Koowaad ku meel-gaadh ah

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) G/X/labaad ku meel-gaadh ah

Cabdilaahi Siciid Ismaaciil (Dheere) G/X/saddexaad ku meel-gaadh ah

Profisor Abdiraxmaan X. Saalax G/X/afraad ku meel-gaadh ah

Muuse X. Maxamuud Guuleed (Inji) Xoghayaha Guud

Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) Ku Xigeenka Xoghayaha Guud

 

Waxa la farayaa dhamaan Hawl-wadeenadda iyo xubnaha Xisbiga ee Gobollada, degmooyinka iyo laamaha Dibaddaba inay ku dhaqmaan una hogaansamaan qodobadan kor ku xusan.

 

Go’aankan waxa gaadhay xubnaha guddiga fulinta ee magacyadooda iyo saxeexyadoodu hoos ku qoran yihiin.

 

La soco dhawaan ayaan idiin soo gudbinaynaa Qoraal iyo Jawaabta Hogaanka Xisbiga iyo Qaar ka mid ah Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta Xisbiga UCID ay ka bixiyeen Inqilaabka ka dhex dhacay Xisbiga .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;736132 wrote:
Faysal isagaa bad galay dee ,, haduu UDUB iska daba socon lahaa taasi kumay dhacdeen ma is tidhaahdeen ?
:D

Ucid sanadihi ugu danbeyey waxay noqotay shandad yaro faisal iska leeyahay oo marba finland ula dhoofo hada waxba laga badalaya hawlihi

 

udub waki la shaqeyn jiray laakin times change.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isagaa dee bad galay oo Kulmiye taageeray ..... wuxuu filayay in dowlad wadaag ah oo uu ka qayb galo la dhiso laakiin isagii bay la kacday :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

War wati dawlad wadaag la sameyey warba ma haysid so Dr Maxamad rashid wasiro dawladeed laga ma dhigin ;) dee mala faisal ba rabay in safirka finland laga dhigo. But faisal can always crown him self as sultan Faisal anaga ba ku caleemo saari doona toga herer

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indeed Sultan Faisal is a great patriot

 

some of his quotes

 

Dawlad iyo Reer Ma-Murmaan, Dalal baa murma”

shacabka gobolkan waxaan leeyahay, ragga qaxootiga ahaa ee iska soo urursaday Yurub iyo Maraykan yaanay dagaal idin galin”

dad nin daweeya u baahan ayay nin xoolo daweeye madax uga dhigeen" referring to Geedi.

walaalayaal UDUB lacagta ka cuna anigana ii codeeya" referring to UDUB bribing voters

 

doorashadii waa diyaar, xisbiyadii waa diyaar , dadkii waa diyaar , Ilaahay xataa waa diyaar" refering to the election.

Wasiirka Magaca Sharmutada Lihi Dalkayaga Waxba Kama Sheegi Karo”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this