Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Madexweyne Sheik Sharif oo ka qaybgalay dabaaldaga madaxbanaanida dalka in Koonfurtaa Sudan

Recommended Posts

Somalina   

Sudan.jpg

Sabti, July 09, 2011 (HOL) – Madaxewynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jubba ee xarunta dalka cusub ee Koonfurta Suudaan, si ay uga qaybgalaan xafladda loogu dabbaal-dagayo madaxbannaanida dalkaas oo maanta ka dhacaysa halkaas.

 

Wafdiga madaxweyaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda KMG ah C/kariin Xasan Jaamac iyo xubno ka tirsan Villa Somalia, waxayna ka dhoofeen Muqdisho xalay saqdii dhexe.

 

Sudan2.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid noqonayaa 30-madaxweyne oo lagu casuumay xafladda maanta dhacays, waxaana sidoo kale horay ugu sugnaa Jubba warfdi uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Siilaanyo oo ah hoggaamiyaha Somaliland oo horay u sheegtay inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

 

Sheekh Shariif ayaa lagu wadaa inuu xafladdaas ka jeediyo khubad, waxaana ka mid ah madaxweynayaasha ka qaybgalaya munaasabaddaas Cumar Xasan Al-Bashiir oo ah madaxweynaha dalka Suudaan oo qayb ka mid ah ay maanta ka go'ayso.

 

Sudan3.jpg

 

Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan ayaa noqonaya dalkii ugu cusbaa dunida iyo Qaaradda Afrika, wuxuuna noqonayaa dalkii 193-aad, iyadoo shacabka Koonfurta Suudaan ay dabbaaldagyo ka sameynayaan magaalooyinka waaweyn iyagoo muujinaya sida ugu faraxsan yihiin madaxbannaanidooda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Madaxweyne Shariif iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ka degay Koofurta Sudan

 

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waabarigii saaka ka degay Magaalada Jubba ee Koofurta Sudan, halkaas oo saacadaha soo socda lagaga dhawaaqi doono madax banaanida Dowladda cusub ee Koofurta Sudan oo si rasmi u noqon doonta Dowladdii 54aad ee Afrika ku soo biirta.

 

Wafdiga Madaxweynaha oo xalay saqdii dhexe ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyay, iyagoo ka mid ah Wafuuda Caalamiga ee lagu casuumay inay ka qeyb galaan Munaasabada lagaga dhawaaqayo Dowladda cusub ee Koofurta Sudan.

 

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar, Wasiirka Warfaafinta C/kariin Jaamac, Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Prof. Maxamed Cumar Dhalxa, Xildhibaan Yuusuf Cali Caynte iyo Agaasimaha Hey'adda Nabasugida Axmed Macalin Fiqi.

 

Wafdiga ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koofurta Sudan Deng Alor iyo mas'uuliyiin iyo dadweyne fara badan oo aad u qiireysnaa.

 

Dabaal degyo waa weyn ayaa ka soconaya Koofurta Sudan oo loogu jiro madax banaanida Koofurta Sudan iyadoo damaashaad uu soconaya tan iyo xalay, waxaana dad fara badan ay isugu soo baxeen bartamaha Magaalada Jubba.

 

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa Ciidamo fara badan oo sugaya ammaanka, waxaana garoonka lagu qabanayo xaflada ku soo qul qulaya dadweyne fara badan iyo mas'uuliyiin ka socota Caalamka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

XX, any pictures of Siilanyo being met like a President? Or was he with the BBC cameramen and many other individuals taking part in this historic occasion?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Che -Guevara;732899 wrote:

 

Oodweyne....HOL is stating fact and why you assume they are neutral?

Usheeg.. the word "neutrality" doesn't exist in the so called Somali media but you are correct Hiiraan Online has stated facts.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this