Sign in to follow this  
Somalina

Prime Minister of Somalia Dr. Abdiweli Gaas- Take 3... ACTION!

Recommended Posts

Somalina   

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa maanta ku guddoomay magaalada Muqdsiho deeq ay dowladda Imaaraadka Carabta ugu talogashay in lagu gargaaro shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Dr. C/weli Gaas oo shalay ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah ayaa sheegay in deeqdan ay si toos ah u gaarsiin doonaan dadka u baahan, isagoo sheegay inay ku dadaalayaan inay siiyaan dadka aadka u daran.

 

"Waxaan ku dadaalaynaa in deeqdan aysan marin meel kale, balse aan gaarsiinno dadka u baahan, waxaana ballan ku qaadaynaa inaysan marin meel aan loo sharci ahayn ama si kale loo isticmaalo," ayuu yiri Dr. C/weli Gaas.

 

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu la wareego deeq caalami ah oo lagu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale maanta booqday dekedda Muqdisho oo deeqda uu ku guddoomay.

 

"Beesha calaamka waxaan ugu baaqayaa inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan dadka soo barakacay ee Soomaaliyeed, haddii si dhaqso ah gargaar loola soo gaarin xaaladdu sidan way kasii darnaan doontaa," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DKMG ah.

 

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inay dad badan oo abaaraha dalka ka jira kasoo cararay soo gaareen Muqdisho, iyadoo abaaraha dalka ka jira ay marayaan meel aad u xun.

 

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay iyaguna xil iska saaraan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee walaalahooda ah ay u gargaari lahaayeen.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa la siiyay mushaaraadka bilaha June iyo May, xilli shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub Dr. C/wali Maxamed Cali oo 23-kii bishan uu magacaabay Madaxweyne Shariif.

 

Mushaar qeybinta Ciidamada ayaa ah mid bil walba Ciidamada la siiyo, tan iyo bishii December ee sanadkii hore oo Xukuumadii Farmaajo ay bilowday inay mushaaraad siiso Ciidamada, waxaana mushaarkan maanta loo bilaabay Ciidamada ay dhameyd $200 (Labo Boqol Doolarka Mareykanka Askarigiiba)

Xeryaha Ciidamada Dowladda ayaa waxaa maanta ka socotay howlaha mushaar qeybtinta Ciidamada, iyadoo Askarta oo safar dhaadheer ku jiray la gudoonsiinayay mushaarkaas, waxaana askari walba uu mushaarka ku qaadanayay qaab sharciyeysan, gaar ahaan askari walba oo aqoonsigiisa watay, isla markaana waraaqaha mushaar bixinta saarayay suulka, kaasoo ah nidaam cusub oo mushaarka Ciidamada lagu bixinayay.

 

Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay inay sii wadi doonaan mushaar qeybinta Ciidamada, si moraalka Ciidamada uu sare u noqdo, isla markaana ay u sii wadaan la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

 

Ahmiyada koowaad ee Xukuumada ayaa ah dhismaha Ciidamada qalabka sida iyo sidii ay u heli lahaayeen daryeel joogta ah, iyadoo tallaabadan ay noqoneyso mid yididiilo leh oo Xukuumada cusub ee la soo dhisayo ay ku ambaqaadeyso dhabihii ay martay Xukuumadii ka horeysay.

 

Mushaarkii u dambeeyay ee la siiyo Ciidamada ayaa aheyd dhamaadkii bishii April, iyadoo mushaar qeybintan ay tahay mid wax badan ka duwan sidii hore, maadaama qaababka ay hada wax ku qaadanayaan ay yihiin System cusub oo loo marayo ka hor inta aan askariga loo gacan gelin lacagta oo la marsiinayo xaqiijin iyo inuu reebo faro lagu rigister-gareeyo warqad cadeyn ah, taasoo muujinaysa in la siiyay.

musharka-cidamada_1.jpg

musharka-cidamada_2.jpg

musharka-cidamada_3.jpg

musharka-cidamada_4.jpg

musharka-cidamada_5.jpg

musharka-cidamada_6.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Nuur Cadde oo soo dhaweeyay ansixinta ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaliya, kana digay khilaaf dambe oo soo laabta

 

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa soo dhaweeyay ansixinta Dr. C/weli Maxamed Cali oo toddobaadkii hore loo magacaabay xilkan, isagoo sheegay inuu ka rajaynayo inuu kasoo bixi doono mas'uuliyadda dhabarka loo saaray.

 

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub ahna safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Nuur Cadde oo u warrramayay Radio Muqdisho oo ku hadla afka DKMG Soomaaliya ayaa ku tilmaamay tallaabada uu baarlamaanku ku ansixiyay ra'iisul wasaare C/weli mid muujinaysa in baarlamaanka ay ka go'an tahay in howlaha dowladdu socdaan.

 

"Runtii codadka lagu ansixiyay Dr. C/weli Gaas ma ahayn kuwo la filayay, waxaana u arkaa xildhibaannada baarlamaanka inay ka go'an in horay loo socdo," ayuu yiri Nuur Cadde oo uga digay madaxda DKMG ah khilaafyo dambe oo soo dhexgala.

 

Nuur Cadde oo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya loo magacaabay sannadkii 2007, ayaa xilka ka tagay dhammaadkii 2008 markaasoo uu billowday shirkii Jabuuti ee lagu soo dhisay xukuumadda hadda jirta, wuxuuna markii xafiiska loo magacaabay uu bedelay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo isku xasilay khilaaf soo dhexgalay isaga iyo C/llaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii Soomaaliya.

 

"Madaxda DKMG ah ee Soomaaliya waxaa horyaalla howlo badan oo ay tahay sidii lagu soo celin lahaa ammaan, waxaana ugu baaqayaa inay ka fogaadaan khilaaf dambe oo soo dhexgala ayna howsha hortaalla u gutaan si isku duubni ah," ayuu yiri Nuur Cadde.

 

Ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisay, baarlamaanka iyo madaxweynaha ay u wada-shaqeyn doonaan halka sano ee soo socda si wadajir ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;731290 wrote:
waxaana askari walba uu mushaarka ku qaadanayay qaab sharciyeysan, gaar ahaan askari walba oo aqoonsigiisa watay, isla markaana waraaqaha mushaar bixinta saarayay suulka, kaasoo ah nidaam cusub oo mushaarka Ciidamada lagu bixinayay.

It is a great step to fight corruption. There is a tremendous amount of donor money stolen through a broken system with too many loopholes.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great steps from the PM who looks like a natural leader; the president's choices in that crucial area seem to conform to our best expectations.

 

The only obstacles now appear to be the farcically corrupt "parliament", along with the regional issues as these are the entry points of influences designed to perpetuate anarchy.

 

Essentially, it's all about resisting foreign pressures for anarchical "federalism" in the most homogenous and vulnerable nation, ie negociate a more realistic power-sharing with the likes of Puntland.

this, along with a more regulated and numerically limited parliament, if we must, that can not perpetually obstruct and interfere with the executive; eg, the already proven model of a small Gurti or chamber of elders with mostly consultative powers (Shariah compliance of legislations would be approved by a "supreme council" of Ulamas).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa talaabo fiican oo soomalida u roon , waxey u egtahay in farmaajo uu jeexay wado fiican iyo in wax qabadka uu keenayo taageerada shacabka . horeyna waa loo arkay waxqabad la,aanta iyo corruptionka meesha uu ka bixiyay intii hore iyo sidey shacabka unaceyn , biilka hadii sidan uu ku sii socdo ,dad badan ayaa is qoraya ciidanka oo qutul yoon u raadsan doona taasoo xoojineysa awooda ciidanka dalka , kaas oo awood u yeelan doona inuu ilaaliyo amniga bulshada .

taasna waxaa ka dhalan kara laba arimood

1: in alshabaab gabigooda meesha laga saaro .

2: in alshabab ogaado in dowlada eeysan ahayn mid jilcan oo ku tiirsan Amisom so wax looga baahan yahay amisom baanan jireynin alshabaab wax eey ku marmarsiyootana waa la waayayaa shacabka hada gaalo haka baxdo wadan kadib ayaan wada hadleynaa la leeeyahay wax loo sheego ma jireyso .

so ama shacabkey dhan ka raacayaan ama dhulkaa lagu jiidi oo washamsi baa lagu qaadi sidii hogaamiye kooxeedyadiiba lagu sameeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

sihayayaal_gole_wasiiro.jpg

 

Siihayayaasha Golaha Wasiirada oo galabta kulmay & Ra'iisul Wasaare C/Wali Gaas oo shir gudoomiyey

 

Siihayayaasha Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa galabta kulan ku qaatay magaalada Muqdisho iyadoona uu markiisii ugu horeeysay shir gudoomiyey Ra'iisul Wasaararaha Cusub C/Wali Maxamed Cali Gaas.

 

Warsaxaafadeed

 

1. Arrimaha Abaaraha iyo Barakacayaasha

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas ayaa golaha u sheegay in

xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ay marayaan heerkii ugu sarreeyey loona

baahanyahay in wax laga qabto. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu arrimahan kala hadlay

hay’adaha Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha.

 

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in loo baahan yahay in lala yimaado sidii loo gar-gaari

lahaa shacabka soomaaliyeed ee ku tabaaleysan waddanka gudihiisa.

 

Golaha Wasiirada oo ka dooday arrimaha abaaraha iyo barakacayaasha ayaa xaqiijiyey in

maalmahan ay muqdisho si joogta ah u soo gaarayeen barakacayaal ka soo cararay

degaanaddooda kuwaasoo ay ka muuqato macluul aad u baahsan. Sidoo kale golahu waxey

ka hadleen in abaaraha jira ay saameeyeen dad iyo duunyaba, loona baahan yahay in lala

kaashado caalamka. Golahu waxey go’aamiyeen in guddi loo saaro arrinkan oo si deg-deg ah

uga soo talabixiya xaaladda dhabta ah iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka soomaaliyeed.

 

Golahu waxey kaloo go’aamiyeen in qeylo dhaan iyo baaq loo diro beesha caalamka oo laga

codsado in xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha ee dalka uu marayo heerkii ugu sareeyey

loogana baahanyahay gurmad caalami ah oo deg-deg ah. Sidoo kale golaha waxey ugu

baaqeen qurbo-joogta, ganacsatada iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay kaalin mug

leh ka qaataan sidii shacabka soomaaliyeed ee abaaraha iyo barakacayaasha saameeyeen ay

gurmad deg-deg ah ula soo gaari lahaayeen.

 

2. Habsami u socodka howlaha wasaaradaha iyo u adeega bulshada;

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay golaha wasiirada in loo baahan yahay in

howlahii wasaaradaha iyo u adeega bulshada la sii dar-dargeliyo oo xilligan isbedelka aanu

saameyn ku yeelan habsami u socodka howlaha dowladda. Golaha Wasiirada ayaa warbixinno

ka dhageystay wasaaradaha Gaashandhiga, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Dastuurka, iyo

Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, kuwaas oo ka warbixiyey horumarka ay sameeyeen,

caqabadaha jira iyo qorshayaasha ay wadaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu danbeyntii ku

dhiirigeliyey in dhammaan wasaaradaha ay sii joogteeyaan waxqabadkooda, lana yimaadaan

waxqabad joogta ah oo u adeegaya shacabka soomaaliyeed.

 

3. Tacsi loo direy Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska

 

Ugu danbeyntii, Ra’iisal Wasaaraha iyo golaha wasiiradu waxey tacsi u direen Wasiirka

Howlaha Guud iyo Dib-u-Dhiska Mudane Cabdirashid Khalif Xaashi oo adeerkiis Marxuum

Musse Xaashi Fiqi Yusuf oo 28kii Juun ku geeriyooday magaalada Galdogob. Golahu waxey

marxuumka EEBBE uga baryayaan inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, dhamaan qoyskii,

eheladii iyo shacabka soomaaliyeedna samir iyo IIMAN ka siiyo. AAMIIN.

 

- DHAMAAD -

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sida la idinku siri karaa yaraa. one publicity stunt and everyone is sold. Ala soomaalidu waligeed wax ma garato miyaa, dhowr sawir oo tusayo lacago is gacan dhaafay, that's it.

 

 

Ninkaan la doortay inuu daacad yahay waa suurtagal, laakiin Dawladda corruption in laga dhameeyo kuma filna intaas.

Bal ciyaari waa galin dambe, markuu Zenawi aadoo soo barakoobo, baynu isku soo noqon.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haha may walee Duke, waa afrikaan liita zenawi. Laakiin waxaan ka hadlayaa xaqiiq musiibo ah oo na haysata, hadaynu indhaha ka xidhno iyo hadii kaleba.

I wish that I was only joking, but sadly it's the reality.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I dont buy into the whole Zenawi is the problem bull. The Somali's chose to work for others and get rich while their people die and their lands is destroyed.

 

Zenawi is nothing, he is only tall and strong in our imagination.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in shirka wadatashiga Soomaaliya lagu qabana doono magaalada Muqdisho

 

Talaado, July 05, 2011 (HOL) – Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka wadatashiga ah ee la isugu keenayo qaybaha siyaasadda ee Soomaalida oo dhici doona dhammaadka bishan lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in lagu go'aamiyay shirkii IGAD ee ka dhacay Addis Ababa in shirka wadatashiga ah ee Soomaaliya lagu qabto Muqdisho, wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid ay Soomaalida ku xallinayaan khilaafaadyada u dhexeeya.

 

"Shirkii IGAD waxaa lagu soo qaaday halka lagu qabanayo shirka wadatashiga ah ee Soomaaliya, waxaana si buuxda la isugu raacay in lagu qabto Muqdisho," ayuu u sheegay Oomaar warbaahinta Soomaaliya.

 

Dhawaanahan waxaa jiray hadal-hayn ku saabsan halka lagu qabanayo shirka la isugu keenayo dhammaan dhinacyada Soomaalida si ay uga hadlaan khilaafaadyada u dhexeeya si ay u suurogasho in dib u soo celinta ammaanka dalka ay si wadajir ah uga shaqeeyaan.

 

"Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa shirka ka hor-caddeeyay in kulanka wadatashiga ah lagu qabanayo Muqdisho, waayo markii hore waxaa laga baqayay dhinaca ammaanka, balse maanta waxaa xaqiiqowday in lagu qaban karo Muqdisho," ayuu wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya hadalkiisa raaciyay.

 

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan ay deegaannada Soomaaliya socdaallo ku tagayeen wafdi ka socda Qarammada Midoobay oo xaqiiqo raadin ah, kuwaasoo kulammo ku aadan ammaanka deegaannadaas la yeelanayay maamullada ka jira.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hiiraan Online Wednesday, July 06, 2011

 

Officials of the Transitional Federal Government of Somalia (TFG) on Tuesday said Mogadishu will soon host the highly anticipated peace conference where delegates are expected to settle Somalia’s endless crisis.

 

Somalia’s foreign affairs minister Mohamed Abdullahi Omar told the local media that the leaders of Intergovernmental Authority on Development (Igad) have proposed the idea of hosting the peace meeting in the restive capital.

"Monday’s Igad summit in Addis Ababa discussed the possibility of the Mogadishu conference and members have overwhelmingly agreed to hold the peace talks within the country” the minister said. "UN representative to Somalia Dr. Augustine Mahiga told the regional leaders that Mogadishu will be the right to have the peace talks.

Initially there were security concerns but now there is improvement” The probable conference which is expected to take place later this month has been postponed for number times due to never ending disagreements between parties involved in settling Somalia’s political sickness. Eelier last month, former immediate Prime

 

Minister Mohamed Abdullahi Farmaajo postponed the meeting indefinitely citing unavoidable circumstances. There has been dissenting voices from some of the parties that are expected to take part in the assembly in Mogadishu. Some are opposed to the idea of having the talks within the country.

 

However, in recent days Somali leaders have been discussing the venue for the national peace conference that is to be attended by the country’s political players including opposition Islamist groups, members of the professional societies, regional authorities and a cross section of the civil society groups.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this