Sign in to follow this  
General Duke

CV of new Somali PM

Recommended Posts

zCWeli1l.jpg

 

Taariikh-nololeedka Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas, ra'iisul-wasaaraha shanaad ee federaalka Soomaaliya.

Thu, 23 Jun 2011 13:38:29 -0400 pm -04:00 -14400

 

--------------------------------------------------------------------------------

Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas oo uu maanta xilka ra'iisul-wasaaraha u magacaabay madaxwayne Shariif Sheekh Axmed, waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud, sannadkii 1965-kii, halkaasoo oo uu ku soo qaatay waxbarashadiisa asaasiga ah illaa iyo tan heerka dugsiga sare.

 

1984-kii ayuu shahaadaha cilmiga dhaqaalaha ka qaatay kuliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

 

1988-kii waxa uu shahaadadiisii ugu horaysay ee Masterka ka qaatay jaamacadda Vanderbilt oo ku taalla magaalada Nashville ee gobolka Tannessee ee dalka Maraykanka. Waxa uu takhasus ku sameeyay horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga caalamiga ah.

 

1999-kii Jaamacadda caanka ah ee Harvard kuna taalla magaalada Cambridge ee gobolka Massachusetts, dalka Maraykanka ayuu Prof. Cabdiwali waxa uu ka qaatay shahaado la xiriirta qorshaynta iyo maamulka qaybaha kala duwan ee canshuraha caalamiga ah.

 

Isla sannadkaas (1999) waxa uu isla Jaamacadda Harvard ka qaatay markii labaad shahaadada Masterka, isaga oo markan labaad takhasus ku sameeyay maamulka guud.

 

Sannadkii 2000 ayuu Jaamacadda Goerge Mason ee gobolka Virginia ee dalka Maraykanka waxa uu cilmiga dhaqaalaha ku qaatay shahaadada sare ee PhD -da.

 

Qoraallo-Cilmiyeedka:

Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas waxa uu leeyahay qoraallo-cilmiyeed kor u dhaafaya afartameeyo, kuwaas oo uu inta badan ka qoray arrimo la xiriira, koboca iyo horumarinta dhaqaalaha, maamulka iyo maaraynta lacagta iyo waliba guud ahaan howlaha maaliyadda, arrimaha la xiriira canshuuraha, xuquuqda aadanaha, faqriga iyo dib-u-dhaca iyo waliba maamulka wanaagsan ee haykallada ama mu'asasaadka dawliga ah iyo dimuqraadiyadda.

 

Qoraalladaas ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo uu ku soo bandhigay shirar iyo maxaafil caalami ah iyo kuwo lagu soo daabacay majallado iyo mareegtooyin caalami ah oo kala duwan.

 

Qoraalladaas iyo dadaalkiisa aqooneed iyo kan shaqaba waxa uu ku muteeysay shan billadood iyo waliba sagaal shahaado-sharaf oo caalami ah.

 

Khibradda Shaqo:

Prof. Cabdiwali Gaas, waxa uu ahaa wasiirkii qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dawladdii is-casishay ee ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Muddadii koobnayd ee ka dambaysay is-casillaadda Ra'iisul-wasaarahana waxa uu sii ahaa ku simaha xafiiska.

 

Intii uunan ku soo biiriin hoggaanka siyaasadda federaalka Soomaaliya, Prof. Cabdiwali waxa uu Proffessor dhiga cilimiga dhaqaalaha ka ahaa kulliyadda ganacsiga ee Jaamacadda Niagra ee gobolka New York.

 

Muddadii u dhexeeysay 1993-kii illaa iyo 2003d-dii, waxa uu bare jaamacadeed iyo mid kulleejo ka soo ahaa Jaamacadda Harvard iyo kulliyadda bulshada iyo waqooyiga Virginia.

 

Marka dhan la iska dhigo khibraddiisa macallinimo, Prof. Cabdiwali waxa uu intii u dhexeeysay 2000-2003-dii khabiir dhinaca cimi-baarista ah ka ahaa maamulka gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

 

1985-kii illaa 1990-kii Prof. Cabdiwali waxa uu ka tirsanaa wasaaraddii maaliyadda iyo lacagta ee dawladdii Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka soo qabtay mas'uuliyado sarsare oo la xiriiray dhinaca maamulka lacagta iyo canshuuraha.

 

Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxa uu la-taliye ahaan ula soo shaqeeyay mashaariic dhowr ah oo ay fuliyeen Bankiga Adduunka iyo hay'adda QM ee horumarinta UNDP kuwaas oo laga fuliyay meelo kala duwan oo ku yaal caalamka iyo Soomaaliyaba. Mashaariicdaas kii ugu dambeeyay waxa uu ka fuliyay dawladda Puntland biloowgii sannadkii 2010-ka.

 

Ka sokoow luqaddiisa hooyo ee Soomaaliga, Ra'iisul-wasaare Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas, waxa uu ku hadlaa luqadaha ay ka midka yihiin Ingiriiska, Talyaaniga iyo Carabiga.

 

Prof. Cabdiwali waa xaaslle waxana uu leeyahay saddex wiil iyo gabar. Qoyskiisu waxa ay ku nool yihiin magaalada Baffalo ee gobolka New York.

 

Haddii ay ansixiyaan golaha barlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya, Prof. Cabdiwali Maxamed Cali-Gaas waxa uu noqonayaa ra'iisul-wasaarihii shanaad ee soo mara federaalka Soomaaliya oo dhashay sannadkii 2004-tii.

 

Diiwaanka Wararka,

Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

I could be wrong but if all our scholars become politicians who will teach, research or invent new whatever? I mean if you look at other countries their leaders don't have as much qualifications as our does and yet they seem to do well. Usually this qualifications suit think tank and researchers but then we somalis have eyes for one thing. SADEXDA KURSI EE SARE

 

I support Abdiweli as much as I did support Farmaajo and his team and I hope the new PM select the same team again.

 

Ilahayow dawlad khayrqabta and good luck to you PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great CV but bad news for people like Sakin and his handlers. BTW how old is he? graduating somali uni (JUS) in 1984 so he must be over 50 yrs old

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

Libaax-Sankataabte;730190 wrote:
Something seems slightly erroneous about the dates posted. Maybe he graduated from Uni at a relatively young age which is quite possible.

Ma'ila aragtay? lol 'Give or take a few years' waaye sheekada...

 

Overall, very impressive CV! Ilaahay ha inooga dhigo kii badal fiican wadankeena ukeena, insha'allah...

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   

Now that we have a well educated guy with a CV that can make the Samatar brothers look like a lightweight in the so called Somali "intellectuals" lets see what he can bring to the table and wish him the very best we can (with a prayer)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this