Sign in to follow this  
A_Khadar

18 may 2011, Maalinta nadaafada - Cleaning Day

Recommended Posts

Aaliyyah   

definitely hadaan joogi laha mafiiqda waan ku xaaqi laha...qashinka yaga ka daran! Kulaha qaran? aday qaran ku yihiin!

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Buuhoodle,(lasanod Online)- Degaanadda goboladda SSC ayaa si weyn looga dareemayaa diyaargarow balaadhan oo ku aadan maalinta nadaafada 18ka May.

 

SSC 18ka May oo ay inaga xigto Laba maalmood oo keliya.

Degmada Xamar Laguxidh oo ka tirsan gobolka Cayn hilaadiina u jirta magaalo madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa waxaa lagu soo waramaay in dhalinyarada SSC ee ku dhaqan degmadaasi ay ku jiraan olole balaadhan oo loogu diyaar garoobayo maalintas oo ah maalin ku wayn guud ahaan dadka dega gobollada SSC ee sool, Sanaag iyo Cayn .

Degaanadda Taleex, Xudun, Boocame iyo Tukaraq ayaa iyana lagu soo waramayaa inay ka socdaan diyaar garow balaadhan oo maalintaasi si weyn loogu soo bixi doono maalinta nadaafadda qashinka goboladda SSC.

Sidoo kale magaalada Buuhoodle ayaa waxaa lagu arkaayey saaka Ururada dhalinyarada oo isku diyaarinaya 18-ka may, sidoo kale ururada haweenka reer Buuhoodle ayaa iyana isu diyaarinaya maalintaas wayn.

Ururka dhalinyaradda Sudo ayaa si weyn loogu mahad celiyay ka qeyb qaadashadda maalinta nadaafadda goboladda SSC oo iyaga qeyb weyn ka qaatay maalintaasi oo xafiisyadda ay ku leeyihiin degaanadda ssc si weyn looga dareemayo.

maalintan ayaa guud ahaan waxaa looga diyaar garoobayaa gobollada SSC, waxaana madaxda ssc ee ku sugan Buuhoodle ay ugu baqeen dhamaanba in dadka reer ssc ay si buuxda uga qayb qaataan maalintan18-ka may.

Gees kale shabakada Warbaahinta ee Lasanod online ayaa waxay idiin balan qaadaysaa in ay idiin soo gudbiso munaasibadaha balaadhan ee ka kala dhacaya deegaamada SSC dacaladeeda maalintaas oo isugu jira cod, video iyo sawiro.

Axmed Maxamed Nadiif "Ifiso"

Lasanod Online, Buhoodle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this