Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe clan enclave to attack raas caseyr state in baargaal.

Recommended Posts

Puntland oo weeraraysa Baargaal iyo Calula

Posted by Boosaaso on May 7, 2011 in Warar | 0 Comment

Calula:-Waxaa maalmahan ka socday Xafiiska Madaxtooyada Boosaaso abaabul Dagaalo oo uu qorsheynayo Madaxweyne Faroole in lagu soo afjaro Maamul Goboleedka Dhawaan looga dhawaaqay dhanka Bari ee Caseyr-State.

 

Warka laga helayo Madaxtooyada Boosaaso oo uu muddo laba asbuuc ah joogo Faroole ayaa sheegaya in maalmaha soo socda Dagaal lagu qabsanayo deegaanada Caluula iyo Baargaal dowladda kuqaado, iyadoo la diyaariyey ilaa lix boqol oo Ciidan oo isugu jira Ciidanka Saracen, PIS-ta iyo Daraawiishta Garoowe laga keenay.

 

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uusan u dulqaadan doonin Deegaanka Puntland meel ka mid ah in Madaxweyne kale ka abuurma. “Laba Madaxweyne Puntland kama jirayso waa in la ii keenaa Faarax Dooxa Joog isagoo Nool ama Geeri

 

Waxaa ka muuqatay maalmahan inuu Ciidamada iyo Sarakiisha Puntland si gooni gooni ah ula shirayey dhamaantoodna waxa ay ahayeen kuwo ka soo jeeda Hal Beel oo isaga ku abtirsata ama kuwa la heybta guud ah. Dadka degen Gobolka Bari ee Beelaha kale waxa ay aad isu-weydiinayaan waxa ka dhalan dona Dagaalka uu hurinayo Madaxweynaha iyo Duulaanada Beelaha. Mid ka mid ah Dadka Degan Caluula ayaa u sheegay saxaafadda in Deegaanka Caseyr aanu aheyn sida Buuraleyda Galgala ee Kooxdii Atam oo la Fahmi La’aa Qorshaha Siyaasadooda Anaga Beel Maamul dhisatay baanu Nahay hadii Nala soo weeraro waanu Is difaacaynaa”Ayuu Yiri Mid ka Tirsan Maamlkaasi.

 

Warar ku dhow dhow Caluula ayaa sheegaya in dhankooda abaabul xoog leh ka jiro oo ilaa ciidamo gaaraya sagaal boqol oo dhalinyaro ah tababaro loo soo xiray hubna loo qeybiyey. sidoo kale Xeebaha Carabta ayaa la sheegay in saanad iyo hub farabadan uga soo dageen Maamulka Caseyr-land State.

 

Sidoo kale waxaa dhiilo Colaadeed ka taagan tahay Magaalada Boosaaso gudaheeda guux iyo ciil-qab weyn ka dhex aloosan yahay Beelaha degen oo lagu wado dilal qarsoon oo aad loogu duhunsan yahay Kooxo Faroole abaabulay inay la beegsanayaan Waxgaradka iyo Nin Doorka Beelaha Bari.

 

Dadka saadaaliya Siyaasadda Gobolka Bari waxa ay rumaysan yihiin in si fool xun xaalada gobolka isku bedeli doonto waa haddii Siyaasadda Cunsuriyada iyo anaaniyada ku dhisan marinkaas sida hadda ay tahay lagu sii wado. Beelo badan oo muujinaya iskaashi looga soo horjeedo dulaanka maalinba qolo lagu tooxsanayo ayaa ka socda hoosta Gudaha Bosaaso, waxaana la filankaraa talo inay faraha ka baxdo oo sidii Muqdisho Gacanta la isla galo Xaafadaha Magaalooyinka Puntland. Waxaanse dhowreynaa xaalka Faroole iyo Saaxiibadiisa Doonta la wada halka ay cirib dhigaan Mustaqbalka dhow.

 

Docda kale isgaarsiintii ayaa Gabi ahaanba laga Jaray deegaankaasi waxana xiliga Isgaarsiinta la Jaray socday Shirar iyo Wada hadal dhexmarayay Beelaha degan Baargaal iyo Odayaasha Gobolka Bari ee ku sugan Bosaaso.

 

Jarida Igaasriinta ayaa la sheegay inay Go Gol xaadh u tahay weerarka Faroole qorshaynayo inuu ku qaado deegaanka Baargaal iyo Calula.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

This news doesn't make sense Awoowe. Retard Faroole kuma dhaco inuu weeraro Raascaseyr, there will be hell to pay haddii kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalina;717556 wrote:
This news doesn't make sense Awoowe. Retard Faroole kuma dhaco inuu weeraro Raascaseyr, there will be hell to pay haddii kale.

Weynu arki awoow halkay ku danbeyso koley dagaal wanaag keeni mayo dad uun ba ku dhiman faroole magaaladisa Garowe ha iska Joogo oo dadka islaamka ha u dayo Dhulkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dhibka jira ayaa ah in sidyaasada Somaliyeed iska noqotay qaras bax afka uun laga dhurmo iyo dagaal u joog aan natiijo laheyn...aragtidiisa ku aadan Raascaseyr macno weyn samayn mayso dagaalna xal ku gaadhi mayo sidaa darteed intuu mucaarad ku noqon lahaa ismaamulka Raascaseyr ha la fadhiisto si aragti dheeri ku jirto ha ooga garbaxo....

Share this post


Link to post
Share on other sites

VOA-da oo Saaka Warkeedii ku Sheegtay in Puntland weerartay Calula iyo Baargaal

 

Posted by Boosaaso on May 8, 2011 in Warar

Idaacaada VOA-da ayaa Laanteeda Af-Somaliga ee Hadashay Subixii waxay Saaka ku sheegtay inay PL Weerartay Buuraha Baargaal iyo Calula isla markaana Isgaarsiintii laga jaray Maamulkaasi Raascaseyr State, Ma aysan sheegin Idaacadu cid ay xigtay has yeeshe waxay Iftiimiyen in ay heleen xog hoose oo sheegaysa Weerarka deegaankaasi.

 

Boggan GalGalaNews ayaa isna shalay Qoray in Guud ahaan Isgaarsiintii laga jaray Baargaal iyo Calula Maamulka Puntland isu diyaarinayo Weerar Xoogan oo u ku qaadau Maamul Goboledka ay dariska Yihiin ee Raacaseyr State.

 

Guud ahaan Bosaaso ayaa degan Maanta in kastoo ay Jiraan warar sheegaya in Odayaal Reer Baargaal ah la xidhay walow aanu warkaasi ahayn Mid Soo Shaac baxay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Faroole oo ciidamo u direy shacabka diidan gumeysiga reerka ku dhisan

Boosaaso (Allssc) May,08,2011

Madaxda sare ee Shirkada GOLIS iyo TELCOM ayaa amar lugu siiyay doraad duhurnimadii in ay damiyaan Aaladaha Isgaarsiinta ee yaala deegaanada ku teedsan xeebaha gobalada Bari iyo Karkaar, waxaana talaabadaas sabab looga dhigay in ay amaanka Puntland qabiilo khaas ihi khalkhal gelinayaan.

Waraaqaha la geeyey Xarumahas waxaa ku saxiixan Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole, waxaana lugu amray in aysan dhayalsan go’aanka dawladda, ee ay qaataan.

Shirkaduhu waxa ay fuliyeen go’aanka ayagoo eeganaya danahooda gaarka ah, waxa ayna damiyeen Laamihii ay ku lahaayeen xarumahaas,ayagoo dadweynaha deegaanadaas usheegay in ay amarkaas ka heleen madaxa dawladda Puntland.

Maanta oo taariikhdu tahay 08.05.011, ayuu Faroole ciidamo u direy degmooyinka baargaal iyo bina si ay weerer ugu qaadaan deegaankaas. siyaasiin badan oo jooga Bosaso, Garowe iyo Galkacyo ayaa rumeysan in uusan Faroole, saacadna waxba ka qaban karin Xeebaha fog ee Soomaaliya, markaasna hadii dagaalkaas la qaaday ay imaan karto in ay Bosaso noqoto xarun dagaal, maadaama dadka xeebahaas degen ay yihiin hadana dadka ugu badan ee degen magaalada ganacsiga ee Boosaaso ganacsiga ugu badana ku leh.

lama oga faroole iyo ciidanka jifadiisa u badan ee halkaa loo direy waxey kala soo kulmi doonaan. Ciidankaas ayaa lagu sheegey iney yihiin ciidamo ka badan 1000 Askari, oo uu hogaaminayo nin ay isku beel ka soo jeedaan (*************) iyo Wiilkiisa, oo ka mid noqday Saraakiisha cusub ee ciidamada.

Cismaan qandala, Garoowe, Soomaaliya.

 

 

 

http://allssc.com/?p=9848

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Faroole Oo Weerar Ku ah Rascaseyr State Halka Jamhada SNM Ay Joogto Duleedka Magaalada Garoowe.

 

Garoowe(Allssc): Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Mudane Faroole uu direy ciidamo fara badan kuwaas uu ka kala keenay,Garoowe iyo Qardho si ay duulaan ugu qaadaan Raascasayr State.

Warar ay siideysay Website uu leeyahay Maxamed Faroole ee Garowe Online ayaa sheegay in ciidamo farabadan ay u dhaqaaaqeen degaanka Raascasayr State.

Dhanka kale waxaa wali go’an khadadka taleefonada degaanka Raascasayr State.

Madaxwaynaha Maamulka Rascasayr State ayaa hadda ku sugan meelo ka mid ah Gobolka Bina,waxay wararku intaas ku darayaan in uu Madaxwaynuhu booqdey meelaha ay cidamadu kaga jiraan difaaca.

Waxaa Baargaal soo gaaraya ciidamo fara badan oo kasoo gurmanaya dhinacaas iyo gobolka Bolimoog sida,Murcanyo,Caluula,Xaabo,Bareeda iyo degaano kale si ay iskaga difaacaan duulanka gardarada ah ee faroole.

Dhinaca kale Mudane Faroole ayaa dugsanaya Jamhada SNM oo hada ku sugan duleedka magaalada Garoowe, Faroole ayaan Cadowga Soomaaliyeed ee SNM u arka dad nabadi ka dhaxayso aan cadow ku ahayn beeshiisa halka uu cadow ka dhigtay Shacabka kasoo jeeda Galgala, Rascaseyr State, halka uu dagaal af iyo adin ah kula jiro Maamulka iyo Shacabka SSC.

 

 

http://allssc.com/?p=9862

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;717734 wrote:
in another news, somalilanders continue to be obsessed with all things puntland

True and they don't realize that they are competing with regional govt rather than a national govt. Let us welcome our brethren and urge them to continue supporting the peace and progress of their regional govt, Somaliland. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;717734 wrote:
in another news, somalilanders continue to be obsessed with all things puntland

This is more about faroole and his Garowe Militia attacking another regional state in baargaal this has nothing to do with Somalilanders or anything Somaliland. This is actually top news the people of raas casayr should be respected and they should not be attacked by hungry warlords

Share this post


Link to post
Share on other sites

Peace Action;717749 wrote:
True and they don't realize that they are competing with regional govt rather than a national govt. Let us welcome our brethren and urge them to continue supporting the peace and progress of their regional govt, Somaliland.
:)

Competing in what in Killing each other in the holy places no thanks we rather not, or piracy perhaps no we rather fight piracy and Criminals and other social rejects.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;717872 wrote:
Competing in what in Killing each other in the holy places no thanks we rather not, or piracy perhaps no we rather fight piracy and Criminals and other social rejects.

In other words, you have achieved more peace and progress for your region, that is good for all Somalis. I rest my case. :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this