Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland delegation meets with kuwaiti government officials+PICS

Recommended Posts

Ra’ysal Wasaare Ku Xigeenka Kuwayt Oo Kulan La Yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

April 28th, 2011

 

Kuwayt (Somaliland.Org)- Ra’iisul wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Kuwayt Dr. Maxamed Sabaax Al Salaam Al Sabaax, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftiga madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo socdaal shaqo ku jooga dalkaasi.

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Kuwayt waxay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii labada dal ay u yeelan lahaayeen iskaashi balaadhan.

 

Sida lagu sheegay war saxaafadeed madaxtooyadda Somaliland ay caawa ka soo saartay kulankaasi waxa kale oo Madaxweynaha iyo weftigiisu ay isla maanta kulan la yeesheen madaxa Ha’yada kaalmooyinka ee dalka Kuwayt ee (Kuwait fund) waxaana war murtiyeedka madaxtooyaddu ka soo saartay kulamadaasi uu u dhignaa sidan:-

 

“Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabaax Al Salaam Al Sabaax ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsiga iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan.

Wasiirka waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalka ay ugu jirto horumarka ay ka samaysay dhinac nabadgelyada iyo maamulka ka hanaqaaday. Wasiirku waxa uu sheegay warwarka ay beesha caalamku ka qabto nabadgelyada madaqadda oo budhcad badeedu ku jirto.

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee mandaqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada.

Madaxweynuhu waxa uu si mugleh uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka gaarahaana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Somaliland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badantahay sidaasi si la mid ahna uga mahadnaqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo.Waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka.

 

Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuul kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin.

 

Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf iyada oo dayuurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

War-saxaafadeed: Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dawladda Kuwayt Oo Maanta Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxweynaha Somaliland.

 

Ra’isal Wasaare Ku xigeenka Dawladda Kuwayt ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheekh Dr. Maxamed Sabax Al Salam Al Sabah ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigiisa.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuwayt waxa uu sheegay in ay dawladdiisu aad u soo dhawaynayso wax wada qabsigay iyo xidhiidhka sokeeye ee u dhexeeya labada waddan.

 

Wasiirka waxa uu sheegay in ay xukuumadiisu diyaar u tahay in ay Somaliland ku dhiirigeliso dedaalka ay ugu jirto horumarka ay ka samaysay dhinac nabadgelyada iyo maamulka ka hanaqaaday. Wasiirku waxa uu sheegay warwarka ay beesha caalamku ka qabto nabadgelyada madaqadda oo budhcad badeedu ku jirto.

 

Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka waramay xaaladda guud ee siyaasadeed ee mandaqadda oo dhan iyo waliba kaalinta ay Somaliland ku leedahay nabadgelyada. Madaxweynuhu waxa uu si door ah uga waramay isbedeladii siyaasadeed ee geeska iyo heerarkii ay soo martay dhismaha dawladnimada Somaliland iyo waliba sida ay nabadgelyada Somaliland u tahay mid gunta ka soo dhisantay oo haatan adkaatay. Madaxweynuhu waxa uu ka waramay baahida ay Somaliland ka qabto gacan qabashada beesha caalamka gaarahaana dawladda Kuwayt. Waxaana uu uga mahadnaqay mashaariicda ay dawladda Kuwayt haatanba ka wado Somaliland sida garoomada dayuuradaha iyo cisbitaalada. Wuxuu se sheegay in ay baahida Somaliland intaa ka badantahay sidaasi si la mid ahna uga mahadnaqi doono mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Kuwayt ku deeqdo.

 

Waxaanu u gudbiyey mashaariic isugu jirta dhinaca biyaha iyo wadooyinka.

 

Isla maanta waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa qaabilay sarkaalka ugu sareeya Hay’adda Kuwayt Fund iyo masuulin kale oo ka tirsan Hay’addas. Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay hay’adda kala hadleen in ay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay haatanba ka wado Somaliland. Waxaanay Madaxda Hay’adu sheegeen in ay dhinacooda diyaar u yihiin.

 

Shalayna weftiga Madaxweynaha waxa lagu casuumay beerta Amiirka oo lagu sameeyey qado sharaf iyada oo dayuurad nooca loo yaqaano Helikobtarta ah lagaga qaaday hooteelka uu daganyahay Madaxweynuhu.

 

 

 

 

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuwait Deputy PM and FM receives Somaliland delegation

 

KUWAIT CITY -– The Kuwaiti Deputy Prime Minister and Foreign Minister Sheikh Dr Mohammad Sabah Al-Salem Al-Sabah received a visiting delegation Somaliland on Thursday led by the President for security and development talks. Both leaders emphasized the potential to expand ties between the two nations.

 

President Ahmed M. Silanyo expressed Somaliland’s appreciation of the Kuwaiti government’s continued support in a number of fields including hospitals and the ongoing airport projects. The President briefed his hosts about the ongoing situation in Somaliland. He discussed Somaliland’s commitment to stability, development and its role in the region.

 

Mr Silanyo spoke of the recent changes in the country and his government’s efforts to promote new policies. He spoke of Somaliland requiring investment and interest from the international community in particular Kuwait and the GCC states. He urged Kuwait to support them with development, direct investment and technical assistance.

 

Sheikh Dr Mohammad made it clear that the State of Kuwait is ready to push forward with mutually beneficial cooperation and bilateral ties. He added that his government will play its part in supporting the continued development of Somaliland and will introduce more projects to enhance security and improve living standards. He stressed the need to combat elements of insecurity including the issue of maritime piracy off the coast of neighbouring Somalia.

 

Kuwait Fund

 

President Silanyo and his delegation also met with Mr. Abdulwahab Al-Bader, the Director-General of the state-run Kuwait Fund for Arab Economic Development (KFAED), at his office in Kuwait city. The two sides discussed bilateral relations and development projects in Somaliland. The President said while it’s grateful for Kuwait’s current projects which includes US$10 to rehabilitate two airports, it hopes more financial assistance will be forthcoming. KFAED said it stands ready to continue to play its part.

 

A statement from the Presidential Office said the visiting Somaliland delegation boarded a private helicopter on Wednesday for a short flight to the Emir’s private garden where they were invited for a lunch. They did not disclose if they met with the Emir Sabah al-Ahmad al-Jaber al-Sabah.

 

Kuwait is roughly home to more than 4,000 Somalis from Somaliland who expressed their appreciation for the government of Kuwait.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

oba hiloowlow who made that photoshopping? Siilaanyo is content with Somaliland. Whoever edited it should keep the Somalia flag to themselfs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this