Sign in to follow this  
General Duke

Legend Abdullahi Yusuf's position on Mahiga, Nairobi, Faroole TFG position.

Recommended Posts

yusuf-330x240.jpg

 

Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo si kulul u cambaareeyay Shirka wada tashiga Nairobi, kana digay shirqoolo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay shirka wada rashiga ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Nairobi, isagoo ka digay shirqoolo ka dhan ah umada Soomaaliyed.

 

Wareysi gaar ah oo uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu sheegay in shirkaas aanu danta Soomaaliya ku jirin, isagoo sheegay inay jiraan Dowladi doonaya in Soomaaliya ay gumeysteen.

 

"Shirkan waxa kale ma ahan waxaa wixii aan aniga shaqada uga tagay, Dan soomaali ma ahan, Dad aan dal soomaali rabin Dowladnimo dooneyn baa wada shirkaas"ayuu si kulul u yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo ku sugan Magaalada Sanca ee dalka Yemen.

 

Col. C/llaahi Yuusuf ayaa taageeray go'aanka ay qaadatay Xukuumada ee ay ku diiday shirkaas, isagoo ku tilmaamay Xukuumada inay ku jiraan dad mutacalimiin ah oo qurbaha ka yimid.

 

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Soomaalida inay tashtaan oo ay gartaan kuwa u maleegaya shirqoolka, isagoo hadalkaas uu u badnaa mid uu dhinacyo kala duwan uu ku durayay, waxaana uu si kulul u cambaareeyay ergooyinka shirka ka qeyb galay.

 

"Aniga iyo Mahiga isma naqaan, laakiin amarka waxa siinaya waa cidii Soomaaliya rabtay inay qaranimo iyo Dowladnimo gaarin, Shariif Xasan waa tagi karaa shirka, laakiin waxaa loo baahan yahay inuu Baarlamaanka ku soo celiyo sidaas ayaana ah mida sharciga ah"ayuu yiri Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

Waxaa uu sheegay in la doonayo in Soomaaliya aanay ka bixin waxa ay iminka ku jirto, isla markaana aanan la helin qaranimo, inkastoo aanu magac dhabin Dowladaha doonaya hadafkaas hadana waxaa uu sheegay in xalka uu u arki karo in shir dib u heshiisiin oo Soomaalida ay maamuli karaan lagu qabto gudaha dalka.

 

"Go'aanka Dowladda sax bey ahaayeen shirkaas, Soomaaliya lagu qaban karay, meel soomaaliya lagu lagoynayo in la geeyo ma aheyn"ayuu yiri Col. C/llaahi Yusuuf oo intaa ku daray intii aan wali garan uu garansiinayo waxa Soomaaliya lala damacsan yahay oo uu yiri in la gumeysto.

 

"Aniga midna gooni ulama dirirsani, laakiin Baarlamaanka Jabuuti lagu soo dhisay, laftiisa waa kala qeybsan yahay, Gudoomiyaha Shariif Xasan iyo Group uu watay sax ilama aheyn inuu ka qeyb galo shirka, Inlee waxbaa laga balan qaaday wixii baa u cad, waa wax uu si gaar u doonayo soomaalina uma qabanaayo"ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo muujinaya hamiga siyaasadeed ee Shariif Xasan xilliga ku jiro.

 

"Waxaan shaqada kaga tagay waaye, daba ****** in la iga dhigtaa la rabay wan diiday, qaar daba ****** la sameystaa hada la rabaa, waxay na yiraahdeen waxbaa idin yeerinaynaa ee yeela, qof qaa'inula wadan baana yeelo kara, marka waxay rabaan qof sidaas oo kale"ayuu si kulul u yiri C/llaahi Yuusuf.

 

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay aragtidiisa ka qeyb galka shirka Madaxweynaha Puntland ayuu sheegay in taasi ay u gaar aheyd Faroole, hase ahaatee waxaa uu xusay inuu aamisan yahay in dadka reer Puntland aanay la qabin.

 

"Aniga reer Puntland baan ahay, qof shaqsi oo dan wata wixii uu go'aamiyo ma quseyso, hadii Madaxweynimo uu doonayo, aniga Faroole shaqsi ahaan ulama dirirsani, laakiin ka fiirsada baan leeyahay, iyo wixii uu meesha kula soo kulmay inuu ula tago dadkiisa"ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo intaa raacisay in isagu aanu dooneyn in Soomaaliya la kala qoqobo, waxaana uu sheegay in Soomaliweyn meel kasta ay joogaan ay tahay inay soo ceshadaan qaranimadooda.

 

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa noqonaya kii ugu kululaa ee uu ku yeero qaar ka mid ah dalalka deriska, dalalka Beesha caalamka, isagoo ku cambaareeyay shirkii Qaramada Midoobey soo qaban qaabisay ee lagu qabtay Magaalada Nairobi, kaasoo dhinacyada Soomaalida ay ka soo wada horjeesteen dal iyo dibadba.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yusuf oo Shirka Nairobi Canbaareeyey

 

Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa sheegay in shirka Nairobi ay wataan dowladdo shisheeye oo doonaya inay Somalia gumeystaan

 

Abdulaziz Osman | Washington, DC Khamiis, 14 April 2011

Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee xalay lagu soo afjaray Somalia.

 

C/laahi Yuusuf, wuxuu sheegay in shirkaasi aanay ku jirin danta Somalia, isla markaana ay ka danbeeyaan dowladda doonaya inay Somalia gumeystaan. Madaxweynihii hore wuxuu taageerray go'aanka DKMG ay ku diiday inay ka qeybgasho shirka Nairobi, isagoo si weyna u canbaareeyay ergooyinkii Soomaalida ee shirkaasi ka qeybgalay.

 

Mar uu ka hadlayay khilaafka hadheeyey madaxweyne Shariif iyo guddoomiye Shariif, wuxuu sheegay in guddoomiye Shariif ay dabada ka riixayaan dowladda shisheeye oo aan dan u wadin Somalia.

 

C/laahi Yusuf, wuxuu kaloo xusay in ka qeybgalka Puntland ay ka qeybgashay shirka Nairobi uu yahay go'aan shaqsi ah oo uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Max'ed Faroole, go'aankaasina lama qabaan dadka Putland ayuu sheegay C/laahi Yusuf.

 

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Did I think Yusuf was not a patriot? Come again, I think the consultative meeting was positive one, however reconciliation conference should be done at home.

 

Me and the old legend are clear on that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdullaahi Yusuf oo waayaha ku shabahay markii uu xilka ka tagay, beesha caalamkana ku tuhmay in ay Soomaaliya la doonayaan gumaysi.

 

Thu, 14 Apr 2011 13:16:20 -0400 pm -04:00 -14400

 

Sanca, April 14 - Madaxwaynihii hore ee dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa dhaliilay shirkii wada-tashiga ee arrimaha Soomaaliya kaasoo shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Nairobi. Cabdullaahi Yuusuf ayaa sidoo kale ka qayb-galka Puntalnd ee shirka ku tilmaamay mid gaar ku ah madaxwayne Faroole.

 

Cabdullaahi Yusuf oo la hadlay laanta af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa taageero u muujiyay mowqifka xukuumadda federaalka KMG ee Soomaaliya isaga oo dhaliilay mowqifka guddoonka barlamaanka shirku uga qayb-galay shirka.

 

Md. Yusuf waxa uu jiho uunan carabaabin ku tuhmay in ay Soomaaliya la doonayso gumaysi, waxase uu si toos ah beesha caalamka ugu eedeeyay in ay hay'adaha fadaraalka ka hortaagan tahay ka talinta danaha dalka, isaga oo sheegay in waxa haatan socda ay yihiin dhamatstirka sababihii uu isaga shaqada uga tagay.

 

Mar uu ka hadalayay ka qayb-galka shirka ee Puntland, ayuu sheegay in uu yahay qof reer Puntland ah, waxana uu ku tilmaamay madaxwayne Faroole in uu fikirkaas ku matalo naftiisa. Waxa uu sheegay in uusan ka soo horjeedin madaxwayne Faroole, balse waxa uu intaa raaciyay waa sida uu hadalka u yiriye "...ninkii sidaa madaxwayne ku raadiya isagaa isna eedi doona."

 

Waa markii ugu horeeysay ee uu madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu si cad oo qayaxan siyaasadda uga hadlo isaga oo dhinacna taageeraya dhinacna naqdinaya.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa madaxayne ka soo noqday dawladdii ugu horeeysay ee federaalka KMG ee Soomaaliya 2004-tii illaa 2008-dii markaa oo uu xilka iskaga casilay kadib cadaadis ba'an oo uga yimid beesha caalamka. Cabdullaahi Yuusuf waxa uu haatan ku nool yahay magaalada Sanca ee dalka Yemen.

 

Diiwaanka Wararka,

Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar uu ka hadalayay ka qayb-galka shirka ee Puntland, ayuu sheegay in uu yahay qof reer Puntland ah, waxana uu ku tilmaamay madaxwayne Faroole in uu fikirkaas ku matalo naftiisa. Waxa uu sheegay in uusan ka soo horjeedin madaxwayne Faroole, balse waxa uu intaa raaciyay waa sida uu hadalka u yiriye "...ninkii sidaa madaxwayne ku raadiya isagaa isna eedi doona."

 

Waa markii ugu horeeysay ee uu madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu si cad oo qayaxan siyaasadda uga hadlo isaga oo dhinacna taageeraya dhinacna naqdinaya.

 

Tough words for Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

i agree with AY on Faroole.Faroole went to Nairobi for his own benefit and he is using PL for his own selfish reasons, if he wants to run then he needs to resign and let someone else lead PL. AY used PL for his own interest back in 2004 and I guess he can now see that it was wrong. I think AY is more patriotic than a lot of people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wuxuu yiri “Waxaa haboon in Soomali iyadu isu tashato, Shirka Nairobi Waa mid aan iska garanayo u jeedadiisa, Qolyaha Caalamka ee Faraha kula jira Arimaha Soomaaliya ayaa ku raadinaya Nin iyaga u adeega oo ay Madaxweyne ka dhigaan”

 

Mudane Cabdullahi Yusuf wuxuu kaloo tilmaamey in Dowlada hada jirta ay iyaduba sidaan si lamida lagu keeney ama lagusoo dhisey,iyagaana masuul ka ah in Qolyaha Caalamku ay saydoonaan ka yeelaan Soomaaliya, ayuu yiri mudane Cabdullaahi.

 

Cabdullaahi Yusuf wuxuu hoosta ka xariiqey oo yiri “Danaha Soomaaliya Soomaali kaliya ayaa Xalin karta waa iney iyagu xalisadaan”.

 

A national reconciliation conference must take place inside Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

AY dawladiisa sow Nairobi laguma dhisin?.

 

Si fiican buu u hadlay odayga lakin hadda oo uu Sanca joogo lama rabine waagii uu Xamar fadhiyey baa la rabay!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this