Sign in to follow this  
Liqaye

SHIRKA NAIROBI: Doodii oo Maanta Adkaatay iyo Ergooyinka Puntland, Galmudug iyo Shariif Xasan oo Mad

Recommended Posts

Somalina   

The xildhibaano should be reduced to 130 maximum and Sharif/Farmajo should stay until 2012.

 

AS needs to be destroyed before any elections takes place in Somalia. Haddii kale waa jug jug meeshaada joog.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyanaha Dawladda KMG ah ee Soomaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo la kulmay mudanayaal ka tirsan Dawladda KMG ah ee Soomaliya ayaa mar kale ka hadlay mawqifka DKMG ah ee Soomaliy ay ka taagantahay shirka wadatashiga ah ee ka socda magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

 

Madaxwayne Shariif ayaa sheegay in shirkaasi aysan goob joog ka ahayn Xarkada Al-shabaab oo dagaal kaga soo horjeeda Dawladda iyo Amisom,waxaana uu xusay in shirkaasi maadaama Al-shabaab aysan goob joog ka ahayn in uu yahay mid aan muhiimad wayn xambaarsaneyn .

 

Wuxuu intaasi ku daray in dhaqaalaha faraha badan ee shirkaasi ku baxaya loo baahan yahay in loo weeciyo dadka ku dhibaateysan koonfurta wadanka Soomaliya.

 

Sheikh Shariif Sheikh Axmed wuxuu mar kale uu muujiyey sida dowlada uu hogaanka u hayo ay dooneyso in baarlamaanka uu ansixiyo waqti kordhintii dhowan ay sameysay Xukuumdda,waxaana uu xusay in loo baahan yahay in bnaarlamaanku ay ka doodaan go’aanka xukuumada.

 

Dhanka kale mudanayaal ka tirsan xildhibaanada Dawladda KMG ah ee Soomaliya ayaa kulamo isdaba jooga ah ay uga soconayaan magaaladda Muqdisho,shirarkaasi ayaa salka ku haya qabanbqaabo ay xildhibaanadu ay ku doonayaan in baarlamanka ay ku hor keenaan mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Shariif Xasan Sheikh Aadam.

 

Xildhibaanada wada qabanqabadaasi ayaa tiradoodu ay kor u dhaafaysaa 180 xildhibaan.

 

Si kastaba arimahan ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo madaxada ugu sarsareysa Dawladda KMG ah ee Soomaliya.

 

Somalina, Sharif now is saying AS are important and he needs to talk to them rather than other stakeholders.

 

100 MP's, Farmaajo for President and In Omaar for PM, that should work right.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

I agree with president Sheik Sharif.

 

100 MP's, Farmaajo for President and In Omaar for PM, that should work right.

Works for me. :) I don't even mind Dr. Abdiweli for PM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Radio Daljir, very nice! did retard Faroole or dimwit Jimcaale send them a text?

 

Iska suga ilaa berri, inta war cad la helaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Kenya oo soo gaba gaboobay iyo qodobo la’isku raacay

 

Nairobi: (Sh. M. Network) Shirkii wada tashiga ahaa oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayaa lasoo gaba gabeeyay, iyadoo dhamaan dhinacyadii ka qeyb galay shirkaasi ay isku afgarteen inay qaataan qodobadii kasoo baxay shirkaasi.

 

 

 

Kadib shir labo maalin ugu socday Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya dhamaan dhinacyada ku lugta leh siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa fiidnimadii caawa waxaa guud ahaamba lasoo gaba gabeeyay shirkaasi oo ay Qaramada Midoobay ugu magacdartay shirka wada tashiga Soomaaliya.

 

 

 

Markii uu shirka soo gaba gaboobay kadib ayaa ugu horey halkaasi waxaa ka hadlay Ergay gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliyha Ambassador Augustine Mahiga kaasi oo sheegay in dhinacyadii Soomaalida ee kulanka ku yeeshay Magaalada Nairobi ay isku raaceen qodobo dhowr ah oo ay ka mid aheyd in bisha Augusta ee soo socota la qabto doorasha Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

 

 

 

In barlamanka Soomaaliya loo kordhiyo muddo labo sano ah maadaama sida uu sheegay Mahiga aysan xiligaan suurto gal noqon karin si wada jir ah in loo doorto barlaman iyo Hay’adaha kale ee dowladda KMG.

 

 

 

In Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo qeyb ka ahaa shirkaasi ay yeeshaan hogaan midaysan maadaama sida uu horey u sheegay Mahiga ay leeyihiin dhowr hogaamiye oo ku kala sugan gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta shir jaraa’id u qabtay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole, isagoo sheegay in Puntland ay ku qanacsantahay qodobada kasoo baxay shirka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in shirkaani uu wax badan ay ka faa’iideen dhamaan dhinacyadii Soomaalida ahaa ee ka qeyb galay shirkaasi wada tashiga ahaa.

 

 

 

Dhanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa isna warbaahinta la hadlay Sheekh Cumar oo ka mid ahaa xubnihii Ahlu Sunna Waljamaaca ee matalayay kulankaasi, waxaana uu shegay in kulankaasi uu kusoo dhamaaday jawi aad u wanaagsan Ahlu Sunnana ay diyaar u tahay inay qaadato talooyinka loo soo jeediyay oo ahaa inay hal hogaan yeeshaan.

 

 

 

Inkastoo kulankii wada tashiga ahaa ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay qodobada kasoo baxay ay ka mid aheyd in Dorashada Madaxtinada dalka Soomaaliya la qabto bisha Augusta ee fooda nagu soo hayso iyo sidoo kale in barlamanka hadda jira loo kordhiyo muddo labo sano ah ayaan la’ogayn waxa ay ka dhihi doonaan Madaxda sar ee dowladda Federalka oo horeyba ugu biya diiday ka qeyb galka Shirkaasi.

 

 

 

 

Max’ed Cabdi Nuur Mascuud

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this