Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Another Bari Clan elder gunned down in bosaaso

Recommended Posts

Boosaaso:Koox hubaysan oo xalay gudaha Boosaaso ku dishay midkamid ahaa Nabadoonada gobolka bari & Maamulka oo ka hadlay.

7. april 2011

 

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Koox dabley ah oo hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland ku dishay Eebe ha u raxmadee Marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed (******) oo kamid ahaa Nabadoonada gobolka Bari,waxaana marxuumkan la dilay xili uu gurigiisa sii galayey.

 

Goobjoogayaal ayaa APL u sheegey in marxuumka oo kasoo noqday masjid aan waxbadan u jirin gurigiisa oo uu Salaadii Maqrib kusoo tukaday ay dishay koox madaxa soo duubatay kuwaas oo dhowr xabadood ku boobtay marxuumka iyagoo markii danbena isla goobta ka baxsatay.

 

Gudoomiyaha gobolka Bari ee dawlada Puntland Sheekh Cabdi Xaafid Cali Yuusuf oo saaka APL la hadlay ayaa canbaareeyey dilkaas,isagoo sheegey inuu ahaa mid ay geysatay koox uu ugu yeeray Argagixiso isagoo sidoo kalena sheegey in ciidamada Amaanku ay wadaan baaritaano culus oo ay ku raadjoogaan cidii dilka Nabadoonkan ka danbaysay,Waxaana uu dilkani noqonayaa kii afraad oo mudo bil ah deegaanada Puntland loogu geysto nabadoonada Puntland iyadoo labo kamid ahna ay ka dheceen magaalada Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiye Dhaqameed Caawa Lagu Dilay Bosaso

 

Allaha ha u naxariistee nabadoon Saalax Cabdisalaam Axmed[******] ayaa caawa kooxo hubaysan ay ku dileen gudaha magaalada Bosaso.

 

Dilkan ayey geysteen rag ku hubeysan bistoolado,kuwaasi oo xabbado ku furay marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed xili uu kasoo baxay salaadii makhrib masjid kuyaala xaafada Biyo Kulule oo lagu magacaabo Al-raxma.

 

Sidoo kale waxaa dhaawac uu kasoo gaaray rasasaastii la furay labo nin oo dhalinyaro ah oo kasoo baxay masjidka,waxaana sida ay sheegeen laamaha caafimaadka in mid kamid ah uu geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray allaha ha u naxariistee Sadiiq.

 

Falkaan ayaa markii uu dhacay waxaa goobta soo gaaray laamaha amniga ee Bosaso,iyagoona baaritaano ka bilaabay goobta uu falku ka dhacay.

 

Allaha ha u naxariistee marxuum Saalax Cabdisalaam Axmed ayaa ahaa nabadoon firfircon oo ka dhexmuuqan jiray bulshada dhexdeeda magac weyna ku lahaa.

 

Marxuum Saalax ayaa ifka wuxuu uga tagey laba xaas iyo afar wiil iyo gabar kuwaasi oo aad u da’yar kuna nool magaalada Bosaso,waxaana xusid mudan in marxuumku uu kusoo biiray nabadoonada gobolka Bari 2006-dii, wararka qaar ayaa sheegaya in dhawaan loo dooran lahaa Suldaan, waxaana uu beddeli laha Suldaan Ciise Xassan oo bishii Nofember sanadkii hore lagu diley magaalada Bosaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

ilaahay ha u naxariisto,,,,, tan in geed la harsadaba la isuma ogola!!! duq iyo sheekh iyo aqoonyahan,bir amgeydaadaaba ugu horaysa wax la dilo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaaso Nabadoon Caan ah ayaa la Dilay

 

Posted by Boosaaso on April 24, 2011 in Warar | 0 Comment

Inaanilaahi Waa Inaailaahi Raajucuun waxa Bosaaso Caawa lagu dilay Nabadoon Caan ah oo lagu Magcaabo Siciid Kaashawito xili uu ka soo baxay Masaajidka Al-Rashiid ee Magaalada Bosaaso

 

Falkaasi waxa ku Dhaawacmay Afar Ruux oo kale lamana Yaqaan cida Falkaasi Foosha xun Fulisay.

 

Waanu Tacsi u diraynaa Dhamaan Reer Kaashwiito Samir iyo Iimaan alle Hakasiiyo Aabahood

 

 

 

Maxamed siciid cumar (kaashawiito

 

Mukhtar siciid cumar kaashawiito

 

Cumar siciid cumar

Nimca siciid cumar

Hodon siciid

Cumar

Fadumo siciid cumar

Maryan siciid cumar

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah:Koox hubaysan oo caawa dishay midkamid ahaa Nabadoonada Boosaaso dhaawacdayna dhowr ruux oo kale.

24. april 2011

 

APL

 

Boosaaso:(Allpuntland)-Waxaa caawa gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha Puntland ay koox hubaysani ku toogatay mid kamid ahaa Nabadoonada waaweyn ee magaalada Boosaaso iyadoo ay isla kooxdaasi dhaawacday ku dhawaad sadex ruux oo kale oo ay ku jiraan odayaal dhaqameedyo la socday nabadoonka xiligii la dilayey oo uu kasoo baxay midkamid ah masaajida magaalada Boosaaso.

 

Kooxdan ayaa toogtay Nabadoon Siciid Cumar Siciid (Kaashawiito) oo kamid ahaa nabadoonada waaweyn ee magaalada Boosaaso kaasoo kasoo baxay Masjidu-Rashiid oo uu ku tukaday salaadii maqrib,waxaana dadka la dhaawacmay oo asxaabtiisa u badnaa ay iyana kula tukadeen isla masaajidkaas,welina looma hayo werarkaas cid looga shakaysan yahay ama cidii ka danbeysay dilka Marxuumkan & dhaawaca dhowrka kale.

 

Nabadoon Siciid Cumar Siciid (Kashawito) wuxuu kamid ahaa Nabadoonada sida weyn looga qadariyo magaalada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xili habeenadii ugu danbeeyey ay deegaanada Puntland si isdabajoog ah uga dhacayeen dilal aan kala joogsi lahayn,waxaana Marxuumka caawa dhintay uu dilkiisu noqonayaa midkamid ah dilalka laga beegsanayey waxgaradka Puntland oo si aan kala joogsi lahayn uga dhacayey magaalooyinka Boosaaso & Gaalkacyo bilihii u danbeeyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

AUN

 

Xaaji Xunjuf;714157 wrote:
This is the second clan elder with in this month gunned down in bosaaso who is killing all these elders?

Probably the same group that threw grenades in Hargeysa and Lascaanood a few weeks ago.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Xaaji,

 

You asked who is killing all the elders and I gave you an opinion. I doubt anyone really knows because of the nature of the hit and run tactics. I would guess this is a coordinated effort and that the Gaalkayo (being to closest), Lascaanood and Hargeysa attacks might be related and a group is targeting Northern Somalia.

 

Who know's, one thing is certain whoever's doing this are cowards.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this