Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland delegation arrives in Widhwidh..

Recommended Posts

Weftigii Sarkaalkii Ka Goostay Kooxda SSC Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Widh-widh

April 6th, 2011

 

‘Waxaan Burco Iyo Hargeysa Kala Kulanay Walaaltinimo Iyo Jacayl Loo Qabo Dadka Deegaanka Widh-widh, Waxaanan Madaxweynaha Kala Hadlay’

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta ee Kooxda Nabad diidka ah ee SSC Keyse Cabdi Yuusuf iyo sodameeye ka mid ah waxgaradka deegaanka Widh-widh, muddo sadex todobaad ah socdaal nabadeed ku joogay Somaliland ayaa Isniintii si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka Widh-widh ka dib markii ay dib ugu laabteen deegaankoodii. Keyse Cabdi iyo odayaasha kale waxa lagaga hor yimid duleedka deegaanka Widh-widh.

 

Weftigan ayaa habeen hore shir qaatay saacado la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degmada Widh-widh waxaana hadal uu ka jeediyay shirkaasi ka hadlay Keyse Cabdi Yuusuf waxaanu uga waramay socdaalkii nabadeed ee uu ku yimid Burco iyo Hargeysa waxaanu sheegay inay kala kulmeen shacbiga Somaliland soo dhawayn iyo jacayl ay u qabaan dadka degan deegaanka Widhwidh, Buuhoodle iyo Soolba.

 

Keyse waxa uu sheegay inay kulamo la yeesheen masuuliyiinta Somaliland oo uu ku jiro Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay kala hadleen sidii loo horumarin lahaa degmada Widh-Widh.

 

“Socdaalkii aan ku tagay Burco iyo Hargeysa wuxuu ahaa ceelalyo iyo sahan nabadeed, waxaanu kala kulanay Burco iyo Hargeysa soo dhawayn aan la qiyaasi Karin, walaaltinimo iyo jacayl ay u hayaan dadka ka soo jeeda deegaanka Widh-widh, Buuhoodle Iyo Soolba. Waxaan la kulmay masuuliyiin badan oo Madaxweynaha Somaliland ka mid yahay waxaan kala hadlay 12 qodob oo salka ku haya horumarinta deegaanka Widh-widh, waana ay naga aqbaleen,”ayuu yidhi Xoghayihii hore ee Kooxda ee SSC.

 

Keyse waxa uu sheegay inay iyaguna ka balan qaadeen Madaxweynaha in shacbiga degmada Widh widh ay kaalin ka geystaan nabadeynta “Anaguna waxaanu ka balan qaadnay in deegaanka Widh-widh noqdo xudunta Nabadgelyada, waxaan jecelahay in waxgaradka deegaanku ay nala qaataan arrintaasi,”ayuu yidhi Sarkaalkaasi.

 

Sidoo kale, xubno ka mid ah waxgaradka deegaanka Widhwidh ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in la soo afjaro colaada ka taagan deegaamo ka mid ah bariga dalka, waxaanay balan qaadeen inay xukuumada Somaliland kala shaqaynayaan nabadda. Waxaanay sheegeen inay war murtiyeed rasmi ah soo saari doonaan Arbacada maanta.

 

Dhinaca kale, odayaasha iyo waxgaradka deegaankaasi ayaa habeen hore afar nin oo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ka yimid Buuhoodle kulan ay la yeesheen waxay ugu baaqeen inay ka baxaan deegaanka Widhwidh haddii kale waxgaradka deegaanku go’aan ka soo saari doonaan. Waxaanay nimankaasi markii dambe ku noqdeen magaalada Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

^ I said show me pics. I have completely different report than the one your clan site reported. Show me pics if there is any type of welcoming.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salax we can't take the Jidbaale Boys serious remember when they said Garaad abshir was chased away when he welcomed talks with Somaliland officials last year in widhwidh . Non of that was true Garaad abshir was warmly welcomed by his people. The same way the Widhwidh caaqil was welcomed by his people today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xiisad ka taagan Magaalada Widhwidh ka dib markii ay yimaadeen Xubno SNM ah oo uu Horkacayo Kayse Abdi Yuusuf.

 

 

 

Xaalad Kacsanaan ah ayaa lagu soo waramaya inay ka taagan tahay magaalada Widhwidh, ka dib markii fiidnimadii caawa ay soo gaadheen xubno ka soo jeeda beelaha SNM oo uu horkacayo Horgal Kayse Abdi Yuusuf oo dhawaan u xuubsiibtey u adeegida maamulka SNM.Xubnahan ayaa la sheegay inay magaalada si kedis ah ku soo galeen, isla markaana ay isku soo beegeen wakhtiga habeenimo ah. Shacabka degmada Widhwidh ayaa la sheegay markii ay ******** imaashaha kooxdan inay aad uga gadoodeen, ayadoo magaaladu caawa xaalkeedu uu meel xun marayo.

Dadweynaha magaalaada ayaa hada aad isku abaabulaya, waxaana ay diyaarinayaan qaabkii magaalada looga saari lahaa Xubnahan ka soo jeede beesha Habarjeclo ee uu hogaaminayo Horgale Kayse Abdi Yuusuf.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaadhaya Widhwidh waxay sheegayaan in kooxahan ay degeen guri gees ka ah magaalada halkaasoo ay ku ilaalinayaan maleeshiyaad ay kala yimaadeen Hargaysa.

Xaalada magaalada ayaa hada aad u kacsan, waxaana markastaba dhalan kara isku dhac, taasolagu wado in dhiig badan ku daadan doono, hadaan kooxda Horgal Kayse si nabad ah uga bixin magaalada oo dadkeedu aad uga soo horjeedaan.

Waxii wara ee ka soo kordha, dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Ilaahay ha u Naxariistee Waxana Maanta Magaalada Widh Widh lagu aasay Abdi Yuusuf taxtax oo ahaa Kayse Abdi Yuusuf aabihii, iyo Wararkii ugu danbeeyey ee Degmadaasi Caawa aanu ka helayno.

 

By Cali on Apr 05, 2011 with Comments 0

www2.jpgIlaahay ha u Naxariistee Waxana Maanta Magaalada Widh Widh lagu aasay Abdi Yuusuf taxtax oo ahaa Kayse Abdi Yuusuf aabihii oo isagu in Mudo ah ku Xanuunsanayey Magaalada Widh Widh.

Marxuunkaasi Dhintay ayaana Maanta lagu aasay Magaalada Widh Widh Waxa aaskiisa ka Qayb galay Dadwaynaha Deegaankaasi Widh Widh Abdi Yuusuf taxtax ayaana kamid ahaa Odayaasha Deegaankaasi laga Xurmeeyo Waxana Shabakada Widh Widh online tacsi u dirayaan Eheladii uu ka Geeriyooday ilaahay samir iyo iimaan Haka siiyo. aamin aamin aamin.

Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online

Geeriyda Marxuunkaasi ayaana imaanaysa Xili uu Magaalada Widh Widh Dib ugu soo Laabtay Horgalka Kayse Abdi Yuusuf oo ka soo Kicimay Xarunta Maamulka Siilaanyo ee hargaysa Waxana Degmada Widh Widh Wararka aanu ka helayno ku soo Waramayaa in uu haatan ka soco shir aad u balaadhan oo Waxgaradka Deegaankaasi kaga Hadlayaa imaanshiiyaha Horgalkaasi kayse abdi Yuusuf, Dhunaca kale Deganaasho Buuxda ayaa ka jirta Guud ahaanba Degmadaasi Widh Widh

Cali dhagjar

Widh Widh online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhunaca kale Deganaasho Buuxda ayaa ka jirta Guud ahaanba Degmadaasi Widh Widh

Indeed ,,,,

 

 

Allah ha u naxariisto marxuumka ,,,,,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxgaradka Deegaanka Widhwidh oo *****lka Ka Qaaday inay Ka Qayb qaadanayaan Wada Hadalada Nabadda

April 7th, 2011

 

Widhwidh (Somaliland.Org)- Waxgaradka Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa shalay markii u horeysay shaaca ka qaaday inay aqbaleen baaqiii nabadeed ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu baaqay waxgaradka gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.

 

Cuqaasha iyo waxgaradka degmada Widhwidh, ayaa shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magaaladaasi, waxay sheegeen inay doonayaan inay ka shaqeeyaan nabadgelyada iyo sidii colaada ka jirtey deegaanadaasi loo soo afjari lahaa.

 

Caaqil Cali Maxamed Xirsi oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in shirar dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ay ku yeesheen degmada Widhwidh, waxaanu yidhi “Cuqaasha iyo waxgaradka deegaanka shirar aanu yeelanay ka dib waxaanu gaadhnay nuxur ahaan saddexdan qodob oo kala ah:

 

1) In waxgaradka iyo bulshada deegaanka Widhwidh si buuxda uga shaqeeyaan nabadgelyada deegaanka Widhwidh.

 

2) In beesha deegaanka Widhwidh ay ka hortagto wixii nabadgelyada waxyeelaya ee hurinaya oo aanay gacan siinin cidii fadqalalo ka wada dalka.

 

3) Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka Widhwidh ay ka qaybgalaan wada hadalada nabadeed iyo kulamada turxaan bixinta ee madaxweynaha JSL hore ugu dhawaaqay.”

 

Xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta kooxda SSC Kayse Cabdi Yuusuf, oo ka hadlay shirkaasi ayaa uga mahadceliyay waxgaradka deegaankiisa, go’aankooda la xidhiidha inay ka qaybgalaan wada hadalada nabadaynta iyo kulamada turxaan bixinta ee madaxweynaha JSL uu dhowaan ugu baaqay waxgaradka gobolka Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari.

 

Kayse Cabdi Yuusuf wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland ay ka go’an tahay in ay wax la qabato dadweynaha deegaanka Widhwidh ee ay adeegyada bulshadu aad u liitaan.

 

Kayse wuxuu uga xogwaramay cuqaasha iyo waxgaradka kulamo uu la yeeshay mas’uuliyiinta Somaliland oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu sheegay inuu kala hadlay xukuumada sidii wax loogu qaban lahaa deegaanka Widhwidh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this