Sign in to follow this  
Thankful

Galkayo: A peaceful island in Somalia

Recommended Posts

Saalax   

Oh yh so much for a "Peaceful Island" that even clan militia's fight there once in every 8 months or so.

wrote:
Dagaal Beeleed ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Dagaal Qaraar ayaa maanta waxa uu ka qarxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay ku dagaalameen beelo deegaanka wada ah.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku nafweysay in ka badan 3-kalana waxaa ay ku dhaawacantay Dagaalkaasi oo socday muddo saacado ah, waxaana weli lagu soo waramayaa in dagaalladu ay yihiin kuwa sii soconaya.

Dagaalka ayaa waxaa la isku weydaarsanayaa rasaasta fud fudud taasoo keentay in ay hakad galaan ganacsiga iyo isku socodka halka lagu dagaalamayo,waxaana jirin ilaa iyo hadda cid kala dhex gashay Beelahaasi.

Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Wal-jamaaca ayaa lagu soo waramayaa in ay ciidamo fara badan geeyeen deegaanka dagaalka uu ka dhacay waxaana weli aysan u gelin gudaha iyaga oo lasheegay xiriiro in ay la sameynayaan beelaha dagaalamaya haddii dagaalka istaagi waayona ay si toos ah ciidamo u kala dhex dhigi doonaan.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

LOL

qarax galabta ka dhacay magaalada hargeysa

Hargeysa: (iftiimiye.net) Qarax bambaano oo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland, kadib markii qof hubeysani oo bam ku tuuray gaari halkaasi marayay.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, waxaa galabta qarax mambaano uu geystay qasaare dhaawacyo ah uu ka dhacay xaafada Xiddigta ee degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa kadib markii nin sitay bamka gacanta laga tuuro uu ku qarxiyay gaari marayay halkaasi.

Qaraxa oo aan ilaa iyo hadda la sheegin cid ku dhimatay ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ay murmeen ninka bamka tuuray iyo darwalkii waday gaariga la qarxiyay, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare soo gaaray dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Inta la ogyahay 9 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad xiligaasi marayay hareeraha wadada uu ku socday gaariga bamka lagu tuuray, waxaana dadkaasi qaarkood xaaladooda la sheegayaan inay wanaagsantahay sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha caafimaad ee Isbitaalka Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa saxaafada u xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay ruuxii bamkaasi qarxiyay, waxaana uu sheegay in arintaani aysan la xariirin falalka argagixiso.

Gaariga bamka lagu qarxiyay oo aad u bur buray ayaa la sheegay inuu in mudo ah yaalay goobta qaraxa uu ku haleelay, waxaana durbadiiba goobtaasi gaaray ciidamada amaanka ee Somaliland.

ismaaciil cabdulle sabriye gurey

warar sugan oo xaqiiq ah kala soco iftiimiye.net

kala xariir iftiimiye.net

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

Qaar ka mida Dadweynaha Reer Hargaysa cabsi ka muujiyey Waraabe

Qaar ka mida Dadweynaha Reer Hargaysa cabsi ka muujiyey Waraabe

qaar ka mid ah Dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafadaha

Shacabka iyo New Hargeysa ayaa dareen Cabsi leh iyo Saadaal xun ka bixiyey Waraabe si xad dhaaf ah ugu soo badanaya Xaafadahaasi,kaasoo habeenkii marka ay cagtu yaraato sida Eyga u soo gala xaafadaha dhexdooda,

Daweynaha Xaafadaha Agagaarka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sheegay in middooyinkii u dambeeyey uu xiliga Habeenkii ee cagtu yaraato ama la kala hoydo Waraabahaasi si baraad la’aan ah oo aan cabsi ku jirin isaga dhex yimaado Xaafadaha, isla markaana wakhti kala duwan lagu arkay isaga oo Guryaha iska hor maraya ama hor taagan,waxaanay tilmaameen in waraabahani khatar ku hayo nolosha dadka iyo Xoolaha ay haystaan, gaar ahaan Riyaha iyo Digaaga oo inta badanba Guryaha hortooda xero aan aad ku adakaun looga sameeyo.

Mid ka mid ah Raga Waardiyayaasha ah ee Habeenkii ilaaliyaha Meheradaha iyo Xaafadaha Dhaktarka ku dhaw ayaa Waaheen u xaqiijiyay in uu tiraba Saddex habeen oo aan kala fogayn Waraabahaasi ku arkay Xaafadaha dhexdooda iyo Hareeraha Laamiga hormarta dhakhtarka isaga oo Maraya xili ay Meheradaha Ganacsiga iyo xaafadaha qaarkoodba soo jeedaan,kaasoo hore aanu u arki jirin balse muddo dhawr bilood ah Guddohood halkaasi uu ku arkayay.

“Habeenkii Sadexaad ayaan waraabahan ku arkay isaga oo laamiga iska dhinac taagan,waxaanu habeen walba galaa Xaafadaha Dhakhtarka ka dambeeya,markaa bahalku waa Gu’haan oo laba mid uun buu Saadaalinayaa, in dalka Colaadi ka dhacayso oo laga Qaxayo iyo in Abaartu sii daba dheeraanayso” ayuu yidhi Mr Shabag oo ka mid ah Waardiyayaasha ilaalisa Meheraha Dhaktarka hortiisa ku yaala.

Nin isaguna ka mid ah Dadka Meheradaha ku haysta Agagaarka Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Waraabahani uu Muddooyinkan dambe ku soo batay Magaalada gaar ahaa Xaafada Shacabka,isla markaana xiliga Habeenkii lagu arko Xaafadaha dhexdooda isaga oo maraya,waxaanu xusay in uu isagu tiraba dhawr jeer ku arkay eeriyada Cusbtitaalka,habeenada qaarkoodna isaga oo Cusbitaalka gelaya laga eryaday Albaabka hortiisa.

Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan Xaafada New hargeysa ayaa qaarkood sheegeen in Waraabe badan oo aan hore u soo geli jirin Xaafadaasi hada joogo,kaaso wakhtiga Habeenkii ah Xaafadaha dhex Meeraysta,waxaanay intaasi ku dareen in Waraabahani Haraad dartii ugu soo badaanayo Magaalada si uu biyo uga raadsado meelaha Biyaha lagu keydiyo ee qasabadaha Xaafadaha.

lama oga ilaa hada sababta keentay Waraabahan ku soo badanaya Gudaha Magaalada balse dadweynaha arintan aanu wax ka waydiinay ayaa isku raacay in Haraad awgeed uu Magaalada u soo galay,isla markaana Khatar ku keeni karo Bulshada iyo Xoolaha ku dhaqan Gudaha Magaalada hadii aan wax laga qaban

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu maanta halkaasi ka dhacay qarax lala eegtay xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, kaasoo ay ku dhaawacmeen 4 qof.

Qaraxa oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa ka dhacay agagaarka dhismaha warshaddii galleyda oo ku taalla bartamaha magaalada Gaalkacyo, halkaasoo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah, waxaana dadka dhaawacmay 3 ka mid ah ay ahaayeen ilaaladii la socotay xeer ilaaliyaha.

Gaarigii xeer ilaaliyaha uu la socday ayaa lagu soo warramayaa inuu ku burburay qaraxa, hase yeeshee isaga waxba ma aanay gaarin.

Ma jirto cid loo qabtay qaraxaasi, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa

------------------------------------------------------------------------------------------

Saddex Ruux oo Lagu Dilay Gaalkacyo iyo Deegaanno Hoos Yimaada iyo Xaaladda Magaalada Kacsan Maanta.

Posted by Lee Heelo on November 19, 2010 in Warar |

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta lagu dilay nin ganacsade kaasi oo uga sii daray xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo maal mahan laga dareemaayey xiisad colaadeed taasi oo u dhexaysa beelo wada dega Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dilka Ganacsadaha ayaa ka dambeeyey dil habeenkii xalay labo ruux loogu gaystay meesha lagu magcaabo Godad oo dhinaca Bari kaga aadan Magaalada Gaalkacyo, ragga lagu dilay Godad ayaa kasoo jeeda dhinaca maamulka Galmdug halka ninka ganacsadaha uu kasoo jeedo dhinaca Puntland.

Falalkan dilka ah ayaa la xiriira dagaal beeleed maalintii Arbacada ka dhacay Deegaanka Cinjir Jariidda oo dhinaca Airpor-ka Magaalada Gaalkacyo uga aadan 14-km, sidoo kale dagaalkaasi ayaa waxaa ka dambeeyey dilal maalintii shalay ka dhacay gudaha Magaalada Gaalkacyo iyo dhulka miyiga ah kuwaasi oo dhexmaray dhinacyada uu u dhexeeyey dagaalkii hore.

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta kacsan waxaana ka taagan xiisad ka dhalatay dilka loo gaystay ninka ganacsadaha ah ee maanta lagu toogtay bartamaha suuqa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Guud ahaanba Suuqa ganacsiga ayaa albaabadu loo laabay waxaana Magaalada laga dareemay jawi dagaal iyadoo laga cabsi qabo isku dhac gudaha Magaalada ku dhexmara kooxaha ku dagaalamay dhulka miyiga kuwaasi oo aan xilligan dagaalkoodii usoo weeciyey gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah waxgaradka labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo loo kala deggan yahay oo ka hadlay dilalka ka dhacaaya gudaha Magaalada ayaa siweyn u cambaareeyey waxayna sheegeen in ay siweyn uga xun yihiin dagaalka Miyiga in Magaalada lasoo geliyo iyaga oo ku baaqay in la joojiyo dhamaan xiisadaha ka jira Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka waxaa ka jiray dadaallo nabadeed oo ay wadeen maamulada labada dhinac iyo waxgaradka ka kala socda labada dhinac iyada oo ay dadaalaasi socdaan ayaa hadana waxaa ka bar bar socda dilalka loo gaysanaayo dadka kasoo kala jeeda labada dhinac taasi ayaa hal bacaad lagu lisay ka dhigtay dadaaladda nabadeed ee ay wadaan waxgaradka iyo masuuliyiinta maamulada.

Sikastaba xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayaa xilligan qasan lamana oga meesha ay ku dambayn doonto walow ay jiraan dadaallo ay wadaan waxgarad raba in ay ka hor tagaan xiisadda dagaal cabsida ugu wayn ee Magaalada hadda ka jir ah ayaa in uu dhaco iska hor imaad dhexmara labada dhinac.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

This happened in Today.

Gaalkacyo: Askari iyo haweeneey ku dhintay rasaas lagu furay goob dadku ku badan yahay

Galkacyo, April 03 - Laba qof oo ay midi ahayd haweenay ayaa xalay dhintay kadib markii koox hubaysan ay goor fiidkii ah tacshiirad ku fureen waddo halbawle ah oo dhex-marta magaalada Galkacyo.

Qofka kale ayaa ahaa askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland iyada oo dadka wax laayay ay rasaasta ka fureen afaafka hore ee xerada warshadda Galleyda ee Galkacyo. Qofka dumarka ah ayaa iyadu ka mid ahayd dad halkaa marayay.

Si rasmiya loogama oga jihada weerarka gaysatay. Hayeeshee, sarkaal ka tirsan ciidamada bilayska oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa Radio Daljir u sheegay in ay ahaayeen rag ka soo tallaabay dhinaca xaafadda Wadajir ee koonfurta magaalada Galkacyo markii danbana ay u baxsadeen. Nooma suura-galin in aan warkaas ka xaqiijinno ilaha ammaanka ee maamul-goboleedka Galmudug.

Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale rag hubsani meherado lagu caweynayey ay rasaas oodda uga qaadeen taas oo iyana sababtay dhimashada labo nin oo dhallinyaro ah iyo dhaawac tiro intaas ka badan.

Falka xalay dhacay ayaa la tilmaamay in uu ahaa mid lala bartilmaameedsanayey askariga ka tirsan ciidamada amniga ee Puntland waxana jira warar haddiiba la isla dhexmarayo oo dhacdadan la xiriirinaya hawl-gallo ciidamada nabad-galyadu shalay ay ka sameeyeen waddo u baxda dhinaca waqooyi ee magalada Galkacyo gaar ahaan agagaarka tuulada Beyra oo koox jid-gooyo ah oo kana soo jeedda koonfurta gobolka Mudug ay jid-gooyin dhigteen, kuna baarteen gaadiid iyo dad waddadaasi ku safrayey.

Hawl-galkaasi oo dhacay shalay galinkii danbe, waxaa lagu soo qabtay saddex nin oo ka mid ahaa raggii falalkaasi baarshada ah ka sameeyey jidka aada Beyra iyo Bursaalax, kuwaasi oo midkood uu ahaa dhawac xilligii ciidanku gacanta ku dhigeen, haatanna lagu daweynayo isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

Falalka hadda soo cusboonaaday ee baarashada gaadiidka iyo galidda waddooyinka iskugu jira ayaa ah kuwo horay dhaw jeer uga dhacay waddooyin badan oo ah kuwa magaalada Gaalkacyo ka soo gala dhinaca waqooyiga, waxaana laga nastay arrimahaan kaddib markii dhawaan ay ka dhaceen isku dhacyo hubaysan oo dhiig badan ku daatay, sababna u noqday yaraansha is-dhaxgala iyo wada daaqista dadyawga gobolka deggan.

Tallaabooyinkan ayaa noqonaya imtixaankii ugu horeeyay ee soo food-saara heshiis dhinacayo badan oo amnigu ku jiro, kaasoo ay dhawaan kala saxiixdeen maamullada Galmudug iyo Puntland.

Diiwaanka wararka

Daljir.

Share this post

Link to post
Share on other sites

One thing Galkacayo excels, it has the best hospital and the best doctors anywhere in Somalia, par none. And of course, like Bosaso it has been developing non-stop for the past 20 years. :)

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

Saalax;708567 wrote:

You recycling same news you already posted

Share this post

Link to post
Share on other sites

^ stop making up facts, lol@ theres an 80% group in ceerigaabo. which one is it east burco, west burco, maakhiris or ssc? and stop hating seriously, its very immature. if a fellow somalis do well just congratulate them.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Thankful   

Saalax,

you can bring up as much news as you want about Gaalkaayo. Like I said many times it is bordered by area's that are controlled by internationally outlawed terrorists groups. There is little doubt that such fighting will take place and other tension. Remember also, that during the war with the ICU back in 06, the border of Gaalkaayo saw one of the biggest battles. Are there elements right now trying to cause instability? No doubt! They need to resort to attacks against foreign visitors or people coming out of mosques at night or the news you provided about unknown gunmen attacking on a bus.

Regardless, you have two groups that were in armed conflict for a long time and now they have found some balance of peace. Who united to fight against the ICU back in 06.

They actually have no dividers between the two sides and people walk freely and like I said! Look at everywhere else in Somalia or just the North like....Cayn, Sool, even NW Somalia's and Puntland's sides...tension everywhere. Where skirmishes take place like in Lascaanood.

Gaalkaayo is an inspiration.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Naxar Nugaaleed;708597 wrote:
^ stop making up facts, lol@ theres an 80% group in ceerigaabo. which one is it east burco, west burco, maakhiris or ssc? .

Don't lose sleep over that 80%. What matters is the city is part of Somaliland adminstration. ;)

Share this post

Link to post
Share on other sites

Ceerigaabo can not be compared to galkacyo this city is run by the Somaliland Administration not by two different administrations other then that the big beard Community are the absolute Majority in the city but there are also other inhabitants in the city From Maakhir and the Garaads from Fiqifuliye and sarmaanyo to be precisely

Share this post

Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Galk'ayo and Erigavo, two great cities! The latter carries with it the perception of peace and of mutual interest. The former, though bears the malediction of recurrent violence and mysterious high-profile assassination on its shoulder, largely thrives under Puntland Government and its people.

Saalax, do you have any proof for your #s? The opposite of what you said is actually the demographic reality of Erigabo.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Xaaji Xunjuf;708623 wrote:
Ceerigaabo can not be compared to galkacyo this city is run by the Somaliland Administration not by two different administrations other then that the big beard Community are the absolute Majority in the city but there are also other inhabitants in the city From Maakhir and the Garaads from Fiqifuliye and sarmaanyo to be precisely

Indeed True say. Longlive Erigavo & Sanaag home of the brave.

pgbsy4enx0t3k5g7q8vm.jpg

Both are from the big beard community.

Mayor of Erigavo - Somaliland

Muj.Ismail Haji Nuur

zqpl4xk5wcx5ssior38y.jpg

Governor of Sanaag - Somaliland

Mudane Ali Abdi Hurre

35rkn7qda5rsiul1cow3.jpg

no5kd1ztevncjg4x4.jpg

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this