Sign in to follow this  
Saalax

Safarkii Mahadhada Reebay Ee Cali Warancade Ku Soo Maray Koonfurta Sudan Iyo Kampala

Recommended Posts

Saalax   

Safarkii Mahadhada Reebay Ee Cali Warancade Ku Soo Maray Koonfurta Sudan Iyo Mucjisooyinka Xusuusta Reebay Ee U Gaarka Ahaa Socdaalkii Uu Ku Yimi Kampala.

(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 30, 2011

Kampala-(HWN)- Wasiirkii hore ee Duulista Hawada ee JSL, Md Cali Maxamed Warancade, oo beryhan danbaba safar la yaab leh oo dhinaca dhulka ah ku maraayay dalalka bariga Afrika kaas oo qaatay muddo Laba bilood ah ayaa booaqasho ku yimi caasimada dalka Uganda Ee Kampala

 

Kampala-(HWN)- Wasiirkii hore ee Duulista Hawada ee JSL, Md Cali Maxamed Warancade, oo beryhan danbaba safar la yaab leh oo dhinaca dhulka ah ku maraayay dalalka bariga Afrika kaas oo qaatay muddo Laba bilood ah ayaa booaqasho ku yimi caasimada dalka Uganda Ee Kampala ka hor intii aanu dib ugu noqon maanta caasimadda JSL, ee Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

 

8hgo3kzztufvzloldsnf.jpg

 

Cali Maxamed Warancade, oo ka soo galay dalka Uganda dhinaca dhulka isaga oo ka soo kicitimay dalka Koonfurta Sudan, waxa uu watay gaadhigiisii khaaska ahaa ee uu ku soo maray safarkiisii mucjisada ahaa ee dhinaca dhulka ee uu ku soo galaa bixiyay dalalka Ethiopia, iyo Koonfurta Sudan.

 

9xvcf40h7p5jcgpbeu.jpg

 

tooh63ciecn2icdlees.jpg

 

Safarka uu Md Warancade, ku yimi caasimadda Kampala, oo qaatay muddo Laba cisho ah, waxa ku weheliyay Xaaskiisa iyo Wiil yar oo dhalay, waxaanu ka soo kicitimay caasimadda Koonfurta Sudan ee Juba, waxaanu ku soo galay Kampala gaadhigiisa khaaska ah oo ay ku xidhan tahay taarikada Somaliland, waxaanu dalkan Uganda si sharci ah ugu soo galay Baasaaboorka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

c1ebywlbc2ix9wyjcao.jpg

 

32cuckb15cnnen60qxm2.jpg

 

Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Mr Warancade, waxa si weyn u soo dhaweeyay Jaaliyadda Somalailnd eek u nool dalka Uganda, waxaanu kulamo la yeeshay jaaliyadda iyo ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha dalka Uganda.

 

 

 

Md Cali Maxamed Warancade, intii uu ku sugnaa caasimada Uganda ee Kampala, waxa qado sharaf casuumad ah oo si weyn loo soo agaasimay u sameeyay Aqoonyahanka caanka ah ee Somaliland Eng Axmed Muuse Oday, oo ah Gudoomiyaha Kuuliyada Waxbarashada Sare ee Ridgeway College, waxaanu uga xog waramay guud ahaan xaalada ay ku sugan yihiin Jaalliyada Somaliland ee dalkan ku nool iyo baahida keentay in uu aasaaso Kuuliyadan iyo qorshayaasha waxbarasho ee ay Kuulliyadu ku talo jirto in ay bixiso, waxaanu yidhi.

 

j190qecnh01dwm8ggkeu.jpg

 

Markii aan arkay baahiyaha ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha Uganda oo ay tiradoodu aad u sii kordhaysaa ay kala kulmaan waxbarashadooda, oo u badan dhinaca Luqada Ingiriisida, doorashada waxa ay baranayaan, iyo hababka la qabsiga Waxbarashada Jaamacadeed ayaan gartay in aan furo Kuuliyad sharci ah oo ka diiwaan gashan Dalkan Uganda, oo ay wax ka dhigaan macalimiin ay qoontooda iyo waayo aragnimadooduba ay aad u sarayso oo wax ka dhiga Jaamacaddaha Dalka Uganda, runtiina waxaan filayaa in uu *****li doono baahiyaha ay ardaydu qabaan, sidoo kale, Maaha in ay ardaydu ku koobnaato uun Waxbarashada Jaamacadaha oo kaliya, balse waxa noo qorshaysan sidii aanu halkan iyo dalkiiba uga furi lahayn Kuuliyado dalkan laga aqoonsan yahay oo lagu baran doono tababarka xirfadaha kala duwan oo ay hablo iyo wiilalba wax ka baran doonaan, taas u sahlaysa in ay helaan shahaadado caalami ah oo dhaxal gal ah oo u fududeeya in ay si fudud shaqo u helaan, sida la ogyahay dalkan Uganda waa dal dhisan oo ay waxbarashadiisu aad u sarayso, sidaa awgeed waxa aanu xoogga saari doonaa sidii aanu ardayda joogta gudaha dalkeenii iyo kuwa halkan joogaba aanu u siin lahayn fursadan.

 

 

 

Qado sharaftan oo hab maamuuskeedu aad u sareeyay, oo ka dhacday hoolka shirarka ee Ridgeway College, waxa ka soo qayb galay aqoonyahano, Odayaal magac leh oo ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee degan Uganda, Ganacsato, qaar ka mid ah ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha dalka Uganda iyo marti sharaf kale.

 

Qado sharaftaa ka dib, waxa ay halkaa labada dhinac isku waydaarsadeen xogwaran iyo talooyin ku saabsan dalka iyo dadka Somaliland gudo iyo dibadba.

 

Ugu horayn, Cali Warancade, waxa uu si mug leh uga xogwaramay ujeedada uu daaran yahay safarkiisan uu ku soo maray dalalka Ethiopia, Koonfurta Sudan, iyo dalkan Uganda, waxaanu ku nuux nuuxsaday xaaladaha siyaasadeed, nabadgelyo, dhaqaale iyo horumar ee uu dalku maanta ku sugan yahay, waxaanu si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay sidii xushmada iyo qadarinta lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Jaalliyada Somaliland ee dalkan Uganda, waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqay Eng Axmed Muuse Oday oo uu ku amaanay dadaalkiisa shakhsiga ah ee ku wajahan horumarinta iyo isku xidhnaanta Jaalliyada Somaliland ee Dalka Uganda, waxaanu ballan qaaday in uunu af iyo adinba waxba kala hadhi doonin sidii uu uga gacan siin lahaa ka midho dhalinta Himilooyinkan horumarka leh ee aadka u fiican, waxaanu carabka ku adkeeyay in uu dawladda iyo shacabka Somaliland gaadhsiin doono arrintan.

 

 

 

Waxa madashaa la isku waydaarsaday talooyin iyo aragtiyo la xidhiidha kor u qaadista horumarinta iyo iskaashiga ka dhexeeya isku xidhnaanta Jaalliyada Somaliland ee dalka Uganda iyo shacabka iyo dawladda Somaliland si la isku dhaafsado wixii ay labada dhinac wada qaban karaan, waxaanu Md Warancade, isla habeenkaa ka qayb galay kulan martiqaad ah oo ay Ardayda Somaliland Ee wax ka barata Jaamacadaha dalka Uganda ugu sameeyeen Jaamacadda St, LAURANCE, ee ku taala magaalada Kampala, waxaanu ardayda kula dardaarmay qiimaha waxbarashada iyo adkaysiga dadaalka u baahan ee laga rabo ardayda, waxaanu ugu baaqay in ay ka faa:idaystaan kuulliyada Ridgeway Collage ee looga furay magaalada Kampala.

 

 

 

Cali Warancade, oo waraysi khaas ah siiyay xafiiska wararka ee Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee magaalada Kampala, ayay si qito dheer ugu dheeraaday sida uu mafsuudka uga noqday soo dhawyntii uu ka helay Jaalliyada Somaliland ee dalka Uganda iyo ardayda Somaliland ee wax ka barata Jaamacaddaha kala duwan ee ku yaala dalka Uganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this