Sign in to follow this  
The Zack

War Hadda Soo dhacay : Prof. Gaandi oo madaxweyne loo doortey

Recommended Posts

The Zack   

kismaayonews%20breaking%20news.jpg

 

Prof. Gaandi ayaa mudo shan sanno ah loo doortey madaxweynaha maamul goboleedka Azania State of Somalia oo ka kooban gobolada Jubooyinka iyo Gedo

 

Cod bixin maanta ka dhacday magaalada Limuru oo ay goobjoog ka ahayd wasaarada arrimaha dibada Kenya oo aanan lagu tartamin ayaa madaxweyne muddo 5 sanno ah loogu doortey Porf. Maxamed Cabdi Gaandi oo ah aqoonyahay heysta 2 shahaado oo PHD ah

 

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga ayaa gundhig u ahaa barnaamij siyaasadeed oo muddo dhowr sanno ah soo jiitamayay oo maamul loogu samaynayo Jubbooyinka iyo Gedo

 

Wararka ka imanaya Limuru ayaa sheegaya in shirka uu gabogabo ku dhowyahay iyadoo la galay xulista xubnaha baarlamaanka oo la sheegey in lagu soo xulayo qaab deegaaneed halkii lagu soo xulu lahaa qaab qabiileed

 

Laakiin golaha Guurtida oo ah odayaasha ayaa ka imanaya qabaa’ilka 3da gobol degen

 

Wixii faahfaahin ah dib ayaan kasoo tabin doonaa

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Shirkii Azania intuu socday waxaa..

 

Waxaa wali socda shirkii maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo ka dhacaya magaalada Limuru

 

Guud ahaan Waxaa la ansixiyey axdigiii Dawlada goboleedka Waxaana axdigan oogu horeynba uu badalay Magaca Jubbalanad oo loo bixiyey Dawlad goboleedka Asaaniya si guud waxaa qodob qodob loo dul istaagay qodobada axdiga uu ka koobnaa Dastuurka oo ay soo diyaariyeen Aqoonyahano ku xeel dheer qoritaanka xeerarka iyo qawaaniinta Caalamiga ah

Azaaniya Waa erey giriig ah jubooyinkan loo yaqaaney 2500 oo sano ka hor Waana dhulkii kayedka iyo barwaaqada .

 

Wax yaabaha la qaatay Waxaa kamida h Calan Cusub oo ay yeelaneyso Dawlad goboleedka Azaaniya Calanka ayaa sidan u eg afar barbarale ay labo dhinacab isla egtahay oo leydi ah midabka oogu koreeya wax uu tilmaamayaa Nabada waan cadaan midabka dhexe waa buluug u eg midabka Calanka Jamuuriyada soomaaliya wax uuna tilmaamayaa Midnimo iyo Cadaalada midabka hoose waa guduud Wax uuna tilmaamayaa difaaca iyo amniga

Astaanta dawlad goboleedka Azaaniya waa Madax maroodi oo ay ku gaarantahay midabka Calanka Dawlad Goboleeka Azaaniya.

 

Shirkan oo bilawday shalay ayaa socon doona mudo isbuuc ah waxaan lagu dhisi doonaa dawlada goboleedka Azaaniya taas oo yeelan doonta Madaxweyne iyo Gole Wasiiro , Gole Baarlamaan iyo Gole Guurti Wax uuna shirku ku socodaa sidii loogu talogalay.

 

Dawlad goboleedka Azaaniya waxay taageero rasmi ah ka haystaa shacabka ay matalayso waxa ayna leedahay ciidan aad u tabobaran iyo Taageero caalami ah oo ay ka haysto beesha Caalamka taas oo shalay ay Madaxda oogu sareysa ee UN, Midawga Afrik , Amisom,midawga yurub, iyo Ergo ka socotay Madaxtooyada Dawlad soomaaliya ,Wasiiro iyo xil dhibaano iyo safaarada soomaaliya ee Nayroobi.

 

Amniga madasha shirka aad baa loo adkeeyay dhamaan wufuuda iyo ergooyinka waxay ku suganyihiin Hotel Inta uu ka dhamaanyo shirku.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Sensei;707436 wrote:

 

Very knowledgeable person.

That is damn right! The oldie has two PhDs! I can't get one PhD and the dude has two LOL. I guess I need to step it up, I still get time.

 

I have no idea what the name "AZANIA" stands for, I don't know where the hell they get that from but the plan to make "Maamul Goboleed" for the sisterly states of Jubbooyinka and Gedo has been well overdue. I say it is about that time!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Haye, Ciiidankiina ma haystaa? kii la tababerey, This is the end of Shabaab

 

I think PhD is overrated, but working on it... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Som@li, haaheey ciidankii Siyalow lagu tababaray oo leadership la'aan heysay baa diyaar ah. They are the locals and they are loyal, too. Hayeeey Al-shabaab watch out!

 

P.s. PhD is overrated? I dare you to tell me one SOLer that has it? Yes, I did dare you LOL. Even our elderly NGONGE has Bachelors only LOL. I am glad you are working on it, get PhD or die trying sxb LOL.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

"Somali lawmakers, officials from the African Union, the Inter-Governmental Authority on Development and regional elders are discussing the plan at a seven-day meeting in Nairobi, the newspaper said. "

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Aside from this being the usual plots of regional puppets to balkanise and loot what little is left of SOmalia, wtf would you call yourself Azania? I never knew we had those spliff smoking Afrocentrics in SOmalia. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Apparently the name is referred to a portion of the Southeast African coast south of the Horn of Africa which is where the Jubba's of Somalia are located.

 

On your other point, I am being told that this new state has the blessings of the AU, IGAD, and most importantly Kenya so let's see how that goes. And I disagree with you when you stated that the regional states loot the country. Puntland and Somaliland are peaceful states.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

The official capital city of Azania State will be Bu'aale and not Kismaayo. Very interesting.

 

shirka%20jubbaland.JPG

 

Bu’aale waa caasimada maamulka Azania

 

Kn: Shirkii ka socdey Kenya ee uu hormuudka ka ahaa Prof. Gaandi ayaa waxaa lagu ansixiyey qeybo ka mid ah dastuurka uu yeelanayo maamul loo dhisayo Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Waxaa ka mid ah in maamulkaasi lagu magacaabayo Azania State of Somalia, magaalo madaxdiisana ay noqoneyso Bu’aale oo ah xarunta Jubbada Dhexe , waxaa kaloo la ansixiyey astaanta calanka oo ka kooban midabo Madoow, Guduud iyo buluug oo uu dhexda kaga yaalo xayawaanka Maroodiga.

 

Shirkii furitaanka ee Shallay ayaa waxa uu ahaa mid kasoo qeybgalkiisa uu aad u sareeyey , ka sokow ergada 3-da boqol ee qof ah ee shirka ka qeybgashay ee aduunka daafihiisa iyo gudahaba ka timid, waxaa sidoo kale ka qeybgalay gudoomiye ku xigeenka midowga Afrika, madaxa AMISOM, Saraakiil IGAD ka socota, Midoowga Yurub iyo Maraykanka.

 

Shirka waxa uu ku furmey khudbado ay jeediyeen qabanqaabiyeyaasha iyo madax kale oo majaraha u heysa barnaamijkani siyaasadeed, qoraal ku saabsan manafestada siyaasadeed waxaa jeediyey Cabdicasiis Cusmaan Maxamuud, waxaa kaloo hadalo ka jeediyey Prof. Gaandi iyo Khaliif Guure.

 

Dhamaan beelaha Jubbooyinka iyo Gedo dega waa ay ku idilyihiin shirka, markii uu ajandihii furitaanka ahaa dhamaadayna waxa banaanka loo saaray saxaafadda iyo martidii kale iyadoo uu shirku galay gorfeynta barnaamijka u yaala oo ah mid aad u dheer.

 

Waxyaalaha ay tahay in la’isla meel dhigo ayaa waxa ka mid ah ansixinta dastuurka uu maamulka yeelanayo oo qodobo ka mid ah la ansixiyey sida aan kor kusoo sheegney, kadibna lasoo xulo golaha baarlamaanka, golaha guurtida oo iyagu aas-aas ahaan horey u jirey balse ay tahay in la sharciyeeyo, baarlamaanka ayay tahay in uu doorto madaxweynaha oo isaguna ay tahay in uu soo xulo xukuumad.

 

24 kii saac ee lasoo dhaafay waxaan ku raadjoogey xogta rasmiga ah ee shirka, tuducyada soo socdana waxaan kaga hadlayaa fahamkeyga iyo xogta jirta.

 

Marka koowaad shirkani waxaa lagu tirin karaa kii ugu muhiimsanaa ee ebed loo qabto gobolada Jubbooyinka ama looga hadlayo arrimo quseeya goboladaasi, waxaa xitaa lagu doodi karaa in marka la eego agaasinka shirka iyo sida loo maamuley aysan jirin shir la mid ah oo Soomaalida loo qabtay, malaha waxaanan filayaa in wax laga bartay waayo aragnimo laga qaatay shirar hore oo la qabtay oo dhab ahaantii halkii looga gol lahaa in wax lagu dhiso wax badan lagu burburiyey, waxa kasoo baxayna ay noqdeen kuwa sii murjiya xaalada.

 

Shirkani waxa uu kaga duwanyahay shirarkii hore oo dhan in uusan ahayn shir inta meel la’isugu keeney dad wada darajo siman oo aan hogaan lahayn, lagu yiri maamul samaysta, taasi badalkeeda shirkani hal hogaan ayuu leeyahay marka ay timaado maamulka iyo maareynta, gorfeynta iyo go’aanadana waxaa leh kasoo qeybgalayaasha, taasi waxa ay fududeysan in ergada shirka lagu casuumayo aysan muran galin.

 

Xili amaanka Kenya uu aad u xunyahay, dadka doonayo in ay barnaamijkani jalaafeeyaane ay aad u badanyihiin ayaa waxa aad loo qariyey halka rasmiga ah ee uu shirka ka dhacayo, waxaa xaqiiqo ah in aysan ahayn Naivasha oo si weyn saxaafada ugu shaacday.

 

Sida aan kasoo xigtey dad shirka goobjoog ah oo aan taleefoonka kula hadlay, maamulka laga filayo in uu kasoo boxo shirkani ayaa lagu tilmaamay mid ka tayo badnaan doono Puntland iyo Somaliland oo muddo sanooyin badan ah shaqaynayay.

 

Waxaan weeydiiyey dooda ku saabsan in dad lagu yaqiiney arrimaha Jubbooyinka iyo Gedo in aysan shirkani qeyb ka ahayn, waxaa la i siiyey jawaab ah “maba xumee maxay jubbooyinka iyo Gedo kusoo kordhiyeen oo hormar ah? Dhibaatada hadda taagan maka dul qaadi karaan? Haddii ay wax dan u hayaan, meesha danta goboladaasi looga wadahadlayo maxaa ka hortaagan in ay yimaadaan” anigu ma ahan su’aalo aan ka jawaabi karo.

 

Laakiin anigoo ah saxafi Jubbooyinka ku dhashay, xogogaalna u ah wixii dhacay 20 kii sanno ee lasoo dhaafay waxaan si madax banaan u sheegi karaa in aysan jirin hal qof oo magac hogaan sheegta oo inaba ha yaraatee wax u qabtay gobolka in uu uga sii daro mooyaane, su’aasha aan qabose waxa ay tahay maamulka lagu dhiso shirkani socda muxuu soo kordhin doonaa?, jawaabta sahlan waxa ay tahay in laga wardhoowro.

 

Taxliilkeyga labbo arrin oo xasaasi ah ayuu shirka ka gudbey maalintii koowaadba, haddii ay jiraan 4 maamul goboleed iyo malaha kuwa kale oo soo socda oo dhamaantood Jubbaland ma baxay in magacaasiba faraha looga qaaday si ugu yaraan ay dadka iyo aduunka ugu wareerin kala saarista maamulada isku magaca ah, laakiin waa maxay magaca Azania?

 

Tixraac aan ku sameeyey magacani cusub ee Azania oo run ahaantii ah mid aysan dadka intooda badan aqoonin, asal ahaan magacani waxaa la sheegey in loo yaqiiney dadka dega xeebaha dhulka saxaraha ka hooseeya ee Afrika, mudo qarniyo ka hor aduunka intiisa kale waxa ay dadka dubkooda madoowyahay ama cajabta ah u yaqiineen Azania.

 

Sanadii 1958 dalka Ghana ayaa hogaamiyihii dalkaasi xoriyada u dhaliyey Gwame Inkurumah waxa uu soo jeediyey in xisbgiisii xiligaasi in loo bixiyo Azania, sidoo kale markii dalka Koonfur Afrika ay ka xoroowdey nidaamkii midabtakoorka Cadaanka Tirada yar sanadii 1994 tii ayaa waxaa lasoo jeediyey in Koonfur Afrika loo bixiyo Azania, laakiin xisbiga talada haya ee Afrikan National Congress ANC oo heystey taageerada dadka inteeda badan ayaa diidey magacaasi oo uu u arko magac uu gumeystaha bixiyey oo lagu bahdilayo dadka Madoowga.

 

Waxaa xusid mudan in illaa manta Koonfur Afrika uu ka jiro xisbi siyaasadeed baarlamaanka ku jira oo lagu magacaabo Azania, sidoo kale qeybo ka mid ah dalka Muzambique xeebaheeda iyo jasiirada Madakaskar ayaa sidoo kale loo yaqaanaa magacaasi.

 

Wax kasta oo uu ahaadaba waxaa cad in magacani uu yahay howl cusub oo u taala maamulka lasoo dhiso sidii uu dadka uga gadi lahaa, islamarkaasina dadka u aamini lahaayeen in uu yahay wax ay iyagu leeyihiin.

 

Kismaayo mise Bu’aale?

 

Arrin kale oo micno samaynaysa waa halka noqoneysa caasimada maamulka, markii isbahaysigii dooxada Jubba uu Kismaayo ka talinayay maamul goboleed qorshihiisa la waday waxaa caasimad looga dhigey Garbahaareey, in markani Bu’aalo laga dhigo wallow aysan dad badani filanaynin hadane ma ahan wax lala yaabo, laakiin sabab?

 

Iyadoo uusan maamul jirin, ayaa magaalada Kismaayo waxa ay waligeed ahayd mid Soomaalida oo dhan isku heysato oo kolba duulaan hor leh lagu soo abaabulo oo ay kolba gacangasho, Bu’aale ma jirin cid ay dani ka gashay in ay qabsato, malaha xariifnimada maamulkani cusub ayay ka dhalatay in ay Bu’aalo ugxaantooda geystaan si haddii buulkani Kismaayo loo maaro waayo uu maamulka xaruntiisa uga sii taliyo, ama malaha in haddii Shabaabka Kismaayo laga saari waayo uu maamulka Bu’aale kusii shaqeeyo inta laga dabcinayo difaaca Alshabaab, ama malaha waxaa laga baqay in qabqabsiga beelaha ee magaalada in uu maamulka ka shaqayn waayo?

 

Haddii Puntland ay Garoowe caasimad u noqon karto, Boosaasana ay deked iyo xarun ganacsi noqon karto, ma jirto wax diidaya in Bu’aalana ay xarun u noqoto Azania.

 

Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (Saxansoxo)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this