Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland boundaries not negotiable and we will never leave an inch of our territory Xaji warabe

Recommended Posts

Madax Dhaqameedka Sool Ee Uu Ka Mid Yahay Garaad Saleebaan Waxay Ku Shaqaynayaan Wax Munaasib Ah Maha, Somaliland Xuduud Qadiim Ah Ayay Leedahay". Xaji Cabdi Waraabe.

cabdi-waraabe-a1.jpg

HNW) Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo ah mudanaha ugu dada wayn labada gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa ka digay ururo siyaasadeed oo dalka laga furaa inay dalka galin doonaan xaalado qalafsan oo fidmo ah, isaga oo intaa ku daray in Garaadada Dhul-bahante ee uu hogaamiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay soo afjaraan dibad wareegooda, isla

 

 

(HNW) Xaaji Cabdi Xuseen Cabdi Waraabe oo ah mudanaha ugu dada wayn labada gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa ka digay ururo siyaasadeed oo dalka laga furaa inay dalka galin doonaan xaalado qalafsan oo fidmo ah, isaga oo intaa ku daray in Garaadada Dhul-bahante ee uu hogaamiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ay soo afjaraan dibad wareegooda, isla markaana uga digay inay baayactan galiyaan xuduudaha iyo qaranimada Somaliland. Xaaji Cabdi Kariin waxa kale oo uu haweenka ku jira golaha wasiirada ee madaxwayne Siilaanyo magacaabay ay mudadii xilka ay hayeen ay ku talaabsadeen waxqabad la taaban karo, gaar ahaan waxa uu tusaale u soo qaatay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, taas oo uu sheegay inay baro dhaafisay wasiirkii hore ee xukuumadii Rayaale Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhwayne). Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu sheegay in kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka iyo qabyada xeerarka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo labada aqal ee baarlamaanka ay tahay arin u taala golayaasha sharci dajinta iyo xukuumadda.

 

Xaji Abdikariin Xuseen (Cabdi Waraabe) Oo Ah Xildhibaanka Ugu Dada Weyn Labada Gole Ee Baarlamanka Somaliland Oo La Hadlay Garaadada Sool.

 

 

 

Xaaji Cabdi waxa uu sidaas ku sheegay mar aanu xalay khadka tilifoonka xogwaraysi kula yeelanay, isla markaana uu jawaab kulul kaga bixiyey, bayaankii garaadada *********** ay dhawaan soo saareen, isla markaana ay ku baaqeen in ciidamada qaranka Somaliland laga saaro gobolka Sool, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi Madaxdhaqameedada Sool ee uu ka mid yahay garaad Saleebaan garaad Maxamed, wixii ay ku hadleen muu ahayn wax u cuntami kara Somaliland, Garaad Saleebaan-na waxaa uu ka shaqaynayaa wax u munaasib ah maaha, Somaliland xuduud qadiimi ah ayey leedahay wax la odhan karo ha lakala gooyana way ka wayn tahay, rag badan oo u dhashay Somaliland ayaa dibadaha ku maqan laakiin wax la yidhaahdo dhulka ha laga kaco Somaliland aqbali mayso, garaad Saleebaan-na aabihii-buu ka dhaxlay garaad-nimada, aabihii iyo awoowgiina waxay ka mid ahaayeen ragii guntinta u ahaa Somaliland xiligii ay madaxbanaanida qaadatay ee guumaysigii Ingiriiska, wax lagu baayactamana Somaliland way ka wayntahay, markii aynu gobonimada iyo madaxbanaanida aynu ka doonaynay Ingiriiska garaad Jaamac iyo garaad Maxamed sidii Alle inoo abuuray-ba isku dal baynu ahayn oo marxuum Ismaaciil Mire-ba Hargeysa ayuu ku aasan yahay. In maanta la yidhaahdo ciidamadu ha ka kacaan dhulka Sool iyo sidaa ha la yeelo looma baahna, intii dadwaynaha aad u samayn lahaydeen wadooyin, biyo, iskuulo ee aa aakhiro cimri-baynu nahaye aad uga tagi lahaydeen dardaaran ayaad dariiq khaldan haysaan oo dibad wareeg noqoteen, rag dib jir noqdana ma tihidin, adeerayaalow danta dalka iyo dadka garta, Alle-na ha idin garansiiyo.

 

 

Xaaji C/kariin mar uu ka hadlayey xubnaha haweenka ah ee golaha wasiirada madaxwayne Siilaanyo u magacaabay, waxa uu yidhi Wakhtiga isbadalaya ayaa keenay in dumarku ay xilal ka qabtaan siyaasada, waxaana hore loo yidhi marti aan gabadhaadu kula soorin iyo magan aan tolkaa kula barini midkoodna looma taag helo, waligoodba haweenku gaashaan qaadbay ahaayeen, haweenka reer Somaliland ee xilalka loo magacaabay wasiirnimaduna waa haween mudokar ah oo aqoon badan leh, meeshii loo magacaabana way istaahilaan, marwadaa wasiirka waxbarashada loo magacaabay marwo Samsam Cabdi Aadan, wasaaradii waxbarashada cirkaasay marisay, wasiirkii hore ee mudakarka ahaa ee Xasan Gadhwaynana way baro dhaafisay, cilmi iyo aqoonbaanay u leedahay, madaxwayne Siilaanyo-na markuu wasaaradaas u magacaabay wuu asiibay. Haweenka ka danbeeya ee kalena sidaa si leeg ayuunbay wax u qaban doonaan oo barigii hore cilmigu wuu inagu yaraa, balse mudooyinkan danbe haweenkii waxbay barteen.

 

 

Xaaji Cabdi Waraabe mar aanu waydiinay sida uu u arko asxaabta siyaasadeed ee la filayo in madaxwayne Siilaanyo furi doono ee gudida talobixinta loo saaray, waxa uu yidhi Axsaab siyaasadeed oo badan oo maanta la furaa, munaasib dalkeena kuma aha, ilaa aynu ictiraaf helayno oo aynu badhida si rasmiya u dhigayno, oo ay dawladnimadeenu adkaanayso munaasib maaha in asxaab qaran aynu isku furno, maxaa yeelay maanta hadii ururo badan la furo qoys waliba meelbuu istaagi doonaa oo fidmo ayaa ka dhalanaysaa. Waxaan soo jeedin lahaa sadexdan xisbi qaran ee dalka ka jira ha laga dhex abuuro tartan dimuqraadiyadeed oo yaan la odhanin sadex nin ayuun baa hortaagan, waa in lagula tartamo oo qofkii doonaya jago madaxnimaba sadexda xisbi kuu doono uu iska soo dhex sharaxo, nasiibkiisana ka qaado, aniga taladayda kuma jirto xisbiyo badan oo tafaruq maanta ina galiya in la furo, kuna talin maayo. Madaxwaynuhuna waa kaa gudida talo bixinta u saaray ee taladii balaadhiyey mawqifkiisuna isaguu u yaalaa oo anigu tilmaami maayo waxa uu yeeli doono, aniguse rayigaygu wuu ka soo horjeedaa asxaab tiro badan oo la furo.

 

 

Xaajiga mar aanu waydiinay sida uu u arko qabyada kala xadayntii gobolada iyo degmooyinka iyo shuruucdii aas aaska u ahaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golayaasha sharci dajinta, waxa uu uga meel yaala golayaashooda, waxa uu yidhi Arintaasi waxay u taalaa xukuumada iyo golayaasha, marka wakhti loo helo ayuunbaana la samayn doonaa.

 

 

Mar aanu waydiinay sida uu u arko dhaliilaha xukuumada Siilaanyo looga soo jeediyo isbadalka masuuliyiintiii hore ee xukuumada iyo shaqaale hoosaadkii hayadaha dawlada lagu sameeyey ee lagu tilmaamo inaan lagu xulanin aqoon iyo karti, balse lagu soo xushay arino ujeedo badan ah, waxa uu yidh Dawladi nin aqoon lehna xilkii uu hayey ayey ka casishaa nimanaan aqoon lahayn oo aan waxba lagu aamini karina way dalacsiisaa, taasina waa shaqada xukuumadaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

lool Mudanaga ugu da'da weyn, well it is very sad siduu cimrigiisu u duqoobay inuusan caqligiisu u korin....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

bilan;704764 wrote:
lool Mudanaga ugu da'da weyn, well it is very sad siduu cimrigiisu u duqoobay inuusan caqligiisu u korin....

It has been scientifically proved that there is no direct correlation between one's age and wisdom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

loool, XX maadan fahmin, qofku markuu cimrigiisu koro waa inuu caqliguna la koro, laakiin hadaad iska wayaanto laakiin caqligaagu uu wali 15 jir yahay hade waa khasaaro, marka xaajigu seems inuu wali caqliyan u korin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bilan;704771 wrote:
loool, XX maadan fahmin, qofku markuu cimrigiisu koro waa inuu caqliguna la koro, laakiin hadaad iska wayaanto laakiin caqligaagu uu wali 15 jir yahay hade waa khasaaro, marka xaajigu seems inuu wali caqliyan u korin.

Caqliga xaajigu wa mid mizaan leh bilanay wuxu na ku hadlay wuxu oday weyn ku hadli laha wuxu na ku baaqay in Umada Somaliland gacmaha is qabsadan ay tafararuqa iska dayaan Xaji cabdikarim caqli salim bu ku hadlay

Share this post


Link to post
Share on other sites

General Duke;704778 wrote:
Tell this old man to visit Buhudle, Badhan, LaasCanood, Dhahar or the majority of the SSC regions talking this jive.

Now I know garowe is not talking? Garowe was scared to assist the ssc group against SL. At least let the people that claim to be from their talk..like Libaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AfricaOwn;704783 wrote:
Now I know garowe is not talking? Garowe was scared to assist the ssc group against SL. At least let the people that claim to be from their talk..like Libaan.

Pirates always do the talk the talk but never walk the walk:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Yeah and you captured some Pirates today. Well done. Shame your Navy was training Nato forces when the ONLF comando unit landed in Zaylac...Secessionist young an old have bad memory..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this