Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso civilians raise $100,000 in 4 hours for drought relief [every little helps]

Recommended Posts

Bulshada Bosaso oo $100,000 Ugu Deeqay Dadka Abaaruhu Hayaan

 

Kulan balaaran oo loogu ururiyey dadka abaarahu saameeyeen lacag ku dhow $100,000 oo dollarka Maraykanka ah ayaa ka dhacay masaajidka Al Rowda ee magaalada Bossaso.

 

Fadhiga oo haa mid socday muddo ku dhow afar saac ayaa waxaa kasoo qayb galay qayabaha kala duwan ee buslshada Bossaso ku dhaqan, Culimo’udiinka oo kulanka qaban qaabiyey, ganacsato, aqoonyahano, qurba joog iyo xubno kale oo metelaayey qayabaha kala duwan ee bulshada.

 

 

Lacagta kulanka lagu ururiyey ayaa waxaa isku qoray isla markaana ku deeqay dadkii kasoo qayb galay kulanka iyadoo $ 60,000 oo lacagtaasi kamid ah ay ku deeqday shirkadda isgaasriinta Golis Telecom Somalia.

 

Qaar kamid ah culimada Bossaso oo ay kamid ahaayeen shiekh Daahir Aw-cabdi, Shiekh fu’aad X.Nuur, Shiekh Axmed Daahir, Shiekh Axmed Xaaji C/raxmaan, iyo Shiekh Xasan ayaa hadallo ay ka jeediyeen masaajidka kaga waramay dhibaatada baaxadda weyn ee haysata dadka ay abaarahu halakeeyeen ee ay dhaafiyeen xoolahii ay dhaqan jireen.

 

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa masaajidka lagu soo bandhigay warbixinno muujinaayey dhibaatada ay abaarahu sababeen iyo qiimaha biyaha la kala siisto oo aad kor ugu kacay gaarayna meelo aan dadka qaar iibsan karin.

 

Guddigii fadhiga soo qaban qaabiyey ayaa soo bandhigay Akoonno (Account) ku yaalla xawaaladaha iyo bangiyada Puntland kuwaasi oo lagu soo hagaajin karo tabarucaadka loo ururinaayo dadka ay abaarahu aafeeyeen, iyaga oo ugu baaqay dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka qayb qaataan taageeridda dadka abaaraha ku dhibaatoobay.

 

Accounada lagu soo diraayo tabarucaadka.

 

Dahabshil A/C:-2624

Amal A/C:- 47766-01

Salaam Puntland Bank A/C:- 2414:

 

Ama waxay la xiriiri karaan Tellefoonada Golis ee kala ah

 

00252-90-727101,

00252-90-792233

00252-90-792214

00252-90-796089

 

Qaar kamid ah dadkii qurba jooga metelaayey ee kulanka joogay ayaa balan qaaday tabarucaadka ay dadka dhibaataysan dibadda uga soo ururiyaan iyaga oo kusoo hagaajinaaya xawaaladaha magaalada Bossaso.

 

Culimada waxay intaasi ku dareen in ay sii socon doonaan barnaamijyada loogu gurmanaayo dadka ay abaarahu dhibaayeeyeen ee ku dhaqan deegaanada Puntland gaar ahaana gobolka Bari.

 

Sikastaba ha ahaatee kulankani waxa uu kusoo aaday xilli abaaraha ka jira gudaha dalka ay noqdeen kuwo saamayn ku yeeshay nolosha dadka iyo doonyada, iyadoo inta badan dadkii xoolaha dhaqan jiray ay dhaafiyeen xoolahii.

 

Waa markii ugu horaysay oo muddo ku siman hal habeen lacag caddadkaas le eg loogu tabaraco dadka dhibaataysan guud ahaan Puntland

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

MAshallah, may Allah bless them and baraka in their contributions for those who get it.

 

One things is for sure- somali people are hardly ever bakhali/ stingy

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this