Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

ssc Military commander keyse cabdi yusuf defects to Somaliland

Recommended Posts

ibtisam Somaliland is doing an experiment with ex ssc officers and we will see how he reacts i think we should send him to SNM camp so he can learn the basics of Muwaadinimo and loyalty to his country ;)

 

Saalax i heard President Siilanyo is building the biggest prison and rehabilitation center on sacaadin island For qarandiids.;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah kayse cabdi yusuf oo isu dhiibay somaliland

Waxaa manta Magaalada Oog iska xaadiriyey kayse cabdi yusuf iyo ciidan gaadhaya 20 askari oo uu horkacayo kayse oo ka mid ahaa taliyayaashii ciidanka cali sabarey.

 

Kayse Cabdi yuusuf ayaa dhawanahanba ku sugnaa deegaanka Geeddheer ee duleedka Dagmada widhwidh isagoo halkaa ku qaabilayey waftiyo badan oo kasoo kicitimay xarunta Soomaalidiidka ee Hargaysa, arintaa oo keentay kala shaki soo dhex galay Beesha Guuleed Garaad (Barkad) kadib markii dhalinro Aano qabiil ka dhexayso Beelaha Isaaqa ay u dulqaadanwayeen waftiyadan galaa baxaya aaga Geed dheer iyagoo u qaatay in Kayse basaasaso Geel ay hore uga soo kaxaysteen Beelaha Isaaqa ee ninka dilay.

 

arintaa ayaa dhalisay in dhalinyaro hubaysani weerar ku qaado Guri ku yalaa tuulada Geed dheer oo markaa shir uga socday qaybo kamida odayaasha Beesha uu kasoo jeedo Kayse Cabdi yuusuf iyo wafti ka socday maamulka Somaliland waxaana halkaa ka dhacay is rasasayn dhexmartay ilaalada Kayse iyo dhalinyaradii weerarka soo qaaday,

 

israsaasayntaas oo sababtay burbur Gaadiid yaalay banaan ka guriga. hadaba waxaa manta hal mar laga war helay in Kayse cabdi yuusuf oo wata 1 Gadiid dagaalka ah uu tagay tuulada Oog, kayse Cabdi yuusuf oo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa maamulka Somaliland intii u socday dagaalkii Gobolka Cayn ayey cadaatay inuu ahaa basaas u adeegaya Somaliland,

 

ilaa hada ma cada mowqafka dhabta ah ee ay ka qaadan doonan arintan wax Garadka Beesha Guuleed Garaad,

 

galitaanka kayse Cabdi yuusuf ayaan la filayn inuu wax saamayn ah ku yeelan doono difaaca iyo isku duubnanta bulshada Gobolka Cayn, dadweynaha Reer Buuhoodle ayaa iswaydiinaya goorta uu ka daba tagi doono Cali Sabarey saaxiibkii Kayse Cabdi Yuusuf.

 

buhodlepost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Xaaji Xunjuf;702025 wrote:
Ibtisam indeed waxa fiican qof qadiyadisa ku dhinta, however some one can see the light look at keyse he was the mayor of widiwidh for puntland then he joined ssc then he joined NSUM then he joined ssc again. And last but not least he joined Somaliland it could mean that he found out that Nationhood is much and much better then tribalism

XX stick with this point later when you see him defecting back after $40k is spent on him to flip over to S/L now. War S/L dhib baa haysta, every day mid baa u qayilaya oo waxoogaa ka daad sanaya. Lacagta maa masaakiinta la siiyo..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Oo Caawa Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

March 14th, 2011 Comments Off

 

Laascaanood (Somaliland.Org)- Dablay aan la aqoonsan oo madaxa soo duubtay ayaa caawa makhribkii dil toogasho ah ku khaarajiyeen Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Maxamed Saleebaan Geelle(******).

 

Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool waxa tacshiirad rasaas ah lagu furay ka dib markii uu ka soo baxay masaajidkii uu ku tukaday salaadii makhrib oo ku yaala gudaha magaalada Laascaanood.

 

Ma jirto cid loo qabtay dilka marxuumka hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa caawa bilaabay baadhis ay ku raadinayaan ciddii dilkan geysatay, waxaana caawa bando gashay magaalada Laas-caanood oo ay dadweynuhu xili hore suuqa ka ambo baxeen.

 

8-dii bishan March ayaa badhtamaha magaalada Laascaanood lagu dilay Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool Marxuum- Maxamed Maxamuud Xirsi (Asad) isla markaana lagu dhaawacay Taliye Ku Xigeenkiisii oo la yidhaahdo Carab Qawdhan Warsamev, ka dib markii rasaas ay ku fureen dablay aan la aqoonsan oo madaxa soo duubtay.

 

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa walaac ka muujiyay dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha maamulka dawliga ah ee gobolka Sool, waxaana dilalkan loo aaneeyaa kooxaha nabad diidka ah oo doonaya inay cabsi geliyaan saraakiisha maamulka gobolka Sool.

 

Cumar Maxamed Faarax

 

Somaliland.Org/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

A_Khadar;702078 wrote:
XX stick with this point later when you see him defecting back after $40k is spent on him to flip over to S/L now. War S/L dhib baa haysta, every day mid baa u qayilaya oo waxoogaa ka daad sanaya. Lacagta maa masaakiinta la siiyo..

Lol. Saraakiisha Tigreega xiitaa waa ka daadsadaan ,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

A_Khadar;702078 wrote:
XX stick with this point later when you see him defecting back after $40k is spent on him to flip over to S/L now. War S/L dhib baa haysta, every day mid baa u qayilaya oo waxoogaa ka daad sanaya. Lacagta maa masaakiinta la siiyo..

There won't be a place he would be defecting back to i think in the near future. I predict Dalbac to come back to soon Just like mustafe galaal did.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Within a week or so it's the thir high profile assisination or a tempt in LA.. This is going to be the tip of iceberg...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool Oo Dhaawac Culus Loogu Geytsay Laascaanood-

Lasanod Online. Monday, March 14, 2011

 

 

Laascaanood,(lasanod Online)- Koox hubaysan oo aan la aqoon ayaa caawa rasaas oodda kaga qaaday gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool ee maamulka Somaliland.

 

 

Ninkan oo magaciisa la odhan jiray Axmed Salebaan Cabdille (******oow) ayaa la sheegay in dhaawac culusi kasoo gaadhay rasaastaas.

 

Warar horudhac ah ayaa sheegay in isagoo aad u liita loola cararay dhinaca magaalada Burco.

 

Gudoomiyaha ayaa la sheegay in xabada lagu furay isagoo markaas kasoo baxay Masjid Jaamaca Magaalada Laascaanood. Kooxdii dablayda ahayd ayaa goobtii ka baxsaday kadib markii ay rasaas faro badan kor u rideen oo dadkii ku kala direen.

 

Waxaa goobtii soo gaadhay ciidamo tira badan, kuwaas oo rasaas ooda uga qaaday goobaha ganacsiga oo gabi ahaanba joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada.

 

Gudoomiyaha Maxkamada oo magaalada Laascaanood joogay tan iyo intii maamulka Somaliland gacanta ku dhigay ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Togdheer dhinaca Bariga Burco.

 

Kala socda LASANOD ONLINE, wixii kasoo kordha dilkan caawa laysku dayey in lagu khaarajiyo Gudoomiyaha Maxkamada Sool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

30 Kamida Saraakishi ugu saraysay kooxda SSC Oo isu soo dhibay Dawlada Somaaliland Gordhawayd

berberapress

 

Xuubihii ugu saraakiishii kooxda Qaran diidka ah ee S.S.C,gaadiid iyo ciidmo ka tirsan kooxdaasi ayaa goor dhawayd soo gaadhay magaalada Burco kuwaasi oo ka soo goostay dhanka deegaanka Buuhoodle.

Ciidamada ka soo goostay kooxdani ayaa tiro ahaan gaadhaya 30 qof kuwaasi oo watay 4gaadhi oo mid ka mid ahi yahay Tikniko iyadoo uu hogaaminayay ciidamadani Xoghayihii guud ee Kooxda ee S.S.C Col.Kayse C/Yuusuf iyo taliye ku xigeenkii ciidamada kooxdaasi.

 

Ciidmadani soo goostaya ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Gobolada Saraar iyo Togdheer taas oo ay soo dhaweyeen maamulada Goboladaasi waxaanay ilaa haatan ciidmadaasi ku suganyihiin gudaha magaalada Burco oo la filayo inay caawa u hoydaan.

 

gudomiya ku xigeenka Gobolka Togdheer oo aan wax ka waydiinay ciidmadani soo goostay ayaa iyagu ka gaabsaday inay ka hadlaan iyagoo tilmaamy in maalinta beri ah ay saxaafada u shaacin doonan hawlaha ciidmada kasoo goostay Kooxda nabadiidka ah ee S.S.C.

ugu danabayntii ciidamada maanta soo goostay ayaa ah kuwii ugu horeeyay ee ku soo biira dhanka Somaliland tan iyo intii ay bilaabnatay colaada Deegaanka kalshaale.

Kala Soco oo lug kulahayeen kooxaha Somaaliland diidkahi

Share this post


Link to post
Share on other sites

War degdeg ah Sarkaal u qaabilsan dhinaca gaashaandhiga kooxda SSC iyo ciidamo uu wato oo ka soo goostay Kooxdaasi soona galay dhinaca Somaliland

 

Sarkaal hore ahaan jiray xoghayaha barnaamijyada iminkana ahaa ku simaha Gaashaandhiga Kooxda SSC oo lagu magacaabo Kayse Cabdi Yusuf ayaa ka soo goostay Ciidamadaasi , Sarkaalkan oo uu weheliyo Raxan ciidan iyo gaadiid dagaal ayaa u soo kicitimay dhinaca Somaliland.

 

Wasiirka Duulista iyo Hawda Md Maxamuud Xaashi iyo Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir iyo xubno kale oo ka socda dawlada ayaa u kicitimay sidii ay u soo dhawayn lahaayeen Sarkaalkaas Ka Soo goostay Kooxda SSC .

 

Sarkaalkan oo lagu sheegay in uu ahaa saraakiisha ugu awooda badan ahaana hogaanka Sare ee dhinaca Gaashaandhiga ayaa noqonaaya sharkaalkii ugu sareeyey ee ka soo goosta ciidamadaa Nabad diidka intii ay ka wadeed khalkahlinta iyo nadabgelyo darada deegaanka Sool .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

Not true, I see these folks are taking a page from SH. Shariif's propaganda machine. Wax is dhhibay abti majidho, ee cakaaraha is keen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this