Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab troops attack Beledxaawo

Recommended Posts

Shabaab oo xalay duqeeyay degmada Baladxaawo

 

 

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegay inay Madaafiic la dhaceen fariisimooyin ay ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku leeyihiin degmada Balaxaawo ee gobolka Gedo, iyagoo sheegay in dhowr askari ay ku dileen duqeyntaasi.

 

 

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay Madaafiic ku weeraray fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ay ku lahaayeen gudaha degmaaasi.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Xarakada Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ku dhawaad 20-Madafac ay ku garaaceen fariisimo ay tilmaameen iinay ku suganaayeen ciidamo Ethiopian, hase haatee dadka deegaanka qaarkood ayaa Idaacadda Shabelle in goobaha madaafiicda ay la dhaceen Ciidamada Shabaab inay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

 

 

 

Lama oga qasaaraha ay gaysteen madaafiicda Shabaab ay ku weerareen magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo, waxaana dagan iminka xaaladda goobihii lagu garaacay Madaafiicda.

 

 

 

Xarakada Shabaab ayaa dhowaan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo laga wareegay kadib dagaalo qorshaysan oo ay halkaasi kula galeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Ahlu Sunna iyadoo dagaaladaasi ay qasaaro badan kasoo gaareen dad rayid ah islamarkaana ay ku barkaceen qoysas farabadan.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay duqeeyey degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo toddobaad kadib oo ay gacantooda ka baxday markii ciidamo Isbaheysiga ah ay ka qabsadeen.

 

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Shabaabku beegsadeen saldhigyada ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu-Sunna ay ku leeyihiin gudaha iyo banaanka Beledxaawo, lana dhaceen dhowr madfac, lama sheegin ilaa hadda wax khasaaro ah oo ka dhashay duqeyntaas.

 

 

Sargaal u hadlay Al-Shabaabka Gedo wuxuu sheegay in ay 20-madfac ku dhufteen fariisin ay ciidamada Ethiopia ku lahaayeen Beledxaawo, kuna dileen sida uu hadalka u dhigay askar badan oo aanu tiradoodu sheegin.

 

 

Magaalada B/xaawo maalmahan way deganeyd mana muuqan wax saan-saan colaadeed ah oo ka dhan kooxaha heysta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xoogan oo caawa ka qarxay degmada Baladxaawo

 

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa caawa waxaa uu ka qarxay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

 

 

 

Wararka laga helayo deegmada Baladxaawo ayaa waxaa ay sheegayaan in degmadaasi caawa uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab, iyadoo magaaladaasi laga maqlayo dhawaqa madaafiic cul culus oo ku dhacaysa xaafadaha degmada Baladxaawo.

 

 

 

Dagaalka ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Ciidamada Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen goobo ay kaga sugnaayeen degmadaasi ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana wararku ay inaasi ku darayaan in deegaanka Kastamka ee degmada Baladxaawo ay ku dhacayaan madaafiic xoogan oo ay is weedaarsanayaan dhinacyada halkaasi isku haya.

 

 

 

Lama oga qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay maadama ay tahay xili habeen ah, waxaana dagaalkaani uu daba socdaa dagaalo iyo duqeymo maalmihii dambe ka dhacayay degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG oo qarax lagula eegtay Baladxaawo

 

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Qarax qasaaro gaarsiiyay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu weeraray Saladhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

 

Sida ay sheegayan wararka laga helayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, qarax Miino oo galabta ka dhacay Saldhiga ciidamada Booliska dowladda ay ku leeyihiin degmada Baladxaawo ayaa waxaa ku dhaawacmay 3-askari oo la sheegay in labo ka mid ah ay ahaayeen Saraakiisha ciidamada booliska ee gobolkaasi gaar ahaan Taliyihii ciidamada booliska ee degmada Baladaxaawo iyo ku xigeenkiisa.

 

Qaraxa Miino ayaa la sheegay in uu ka qarxay iridka hore ee Saldhiga kaasi oo la tilmaamay in uu ahaa mid laga hago Rumuud Control-ka, waxaana lala bartilmaameedsaday taliyaha Saldhiga iyo ilaaladiisa sida ay ku waramayaan wararka laga helayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

 

 

Qaraxa ka dib rasaas ay fureen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo aheyd Saldhiga ciidamada Booliska oo ay dhoobnaayeen ciidamada dowladda.

 

Intaasi ka dib ayaa ciidamada dowladda waxaa ay sameeyeen howgalo xoogan oo an la shaacin wax ay kusoo qab qabteen inkastoo wararka caawa ay sheegayaan in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna oo dhawaan si xoog ah gacanta ugu dhigay degmadaasi ay caawa howlgalo si wada jir ah u wadaan, iyadoo cabsi ay soo foodsaartay dadkii faro ku tiriska ahaa ee ku noolaa gudaha degmada Baladxaawo.

 

Xaaladda degmad Baladxaawo ayaa caawa waxaa ay tahay mid kacsan waxaana la maqlayaa rasaas mararka qaar ay ridayaan ciidamada dowladda KMG oo sida la sheegay baadi goob ku haya kooxihii weerarka miino ku qaaday Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

Xiriiro kala duwan oo an la samaynay Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee degmada Baladxaawo waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan qaraxaasi hase ahaatee waxaa ay shaaciyeen in uu jiro dad ku waxyeeloobay qaraxaasi miinada ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

^^^ Just like they did to Abdilahi Yusuf back in the days after the attack on Goldogob and other border towns. Interesting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah Cabdilahi yusuf they locked him up and then they released him just to use him again, against icu he's kind of different though they slapped him before he fled to Yemen, sad case indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol@ those who love Ethiopia most complaining about Ethiopia,. Who was it that said a child born in Addis is closer to me than one born in Mogadishu? Ah secessionists..Got to love them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this