Sign in to follow this  
A_Khadar

Siilaanyo Oo Ka Qaybgeliya Shir Kooxaha Somalia Uga Furmaya New York

Recommended Posts

A_Khadar   

Shir dhowaan uga furmi doona kooxaha Soomaaliya dalka Maraykanka ayaa la wadaa qorshe ay ka mid yihiin in Somaliya laga hirgeliyo maamul hoosaadyo..

 

ay ka dhalato midnimadii Soomaaliweyn, Sida lagu sheegay warbixin hordhac ah oo ka soo baxday Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Shirkan ayaa la filayaa in ay kasoo qaybgalaan Madaxweynaha maamulka Somaliland, Puntland, iyo Dawladda Federaalka Somalia. laguna wado inuu furmo asbuucyada soo socda..

“Si loo helo dalweynahii Soomaaliya waa in la abuuraa maamulo kala duwan, kuwaasi oo ku taagan awood xoogan, isla markaana aan laga tagayn israacsanaanta dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay ku jiraan dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya, taas oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland. Arrintanina waa mid meesha ka saaraysa maamuladii haykalkooda dawladdeed dusha laga soo dhisi jiray, balse tani waxay gogol-xaadh u noqonaysaa in maamul hoosaadada ay ka timaado Dawlad Midnimo Qaran.” Sidaas waxa lagu yidhi warbixin ka soo baxday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixintaas waxa kale oo lagu sheegay in shirkaas lagaga hadli doono arrimaha la dagaalanka budhcad-badeeda oo illaa hadda aan maaro loo helin, waxaanay xustay warbixintaasi “waa in la helaa awood lagu ladagaalamo kooxaha budh-cad badeedda ee Somaliya waxaana laga sugayaa Kooxda Xidhiidhka Caalamiga ee u qaabilsan arrintan (International Contact Group) dariiqa ugu haboon ee arrintan lagu af-jari doono, sidoo kale waa in la helaa, isla markaana la abbuuraa Maxkammada u gaar ah kooxahan ka qaywlaysta biyaha Somaliya”

Waxa kale oo ay warbixintu walaac xoog leh ka muujisay xaaladda bani’aamino ee Koonfurta Somaliya taasi oo sida lagu sheegay warbixintaasi maraysa heerkii ugu hoosaysay haddii ay noqon lahayd xaaladaha abaareed ee jira ayna u dheer tahay goobaha qaar xaalada tii ugu xummayd ee ammaan daro, Golaha Ammaanku wuxuu walaac xoog leh ka muujiyay sida aanay suurta-gal ugu ahayn kooxaha gargaarka in dadkaasi tabaalaysan ay wax uun u gaadhsiin lahaayeen, waxaanay badi warbixinta G/Ammaanku xiganaysay warbixino kala duwan oo uu u gudbiyey xog-hayaha gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Augustine Mahiga.

Shirkan ka dhici doona Dalka Maraykanka ayaa la filayaa in ay ka qayb qaadan doonaan Dhammaan kooxaha kala duwan ee Somaliya iyadoo sida warbixinta lagu sheegayna uu markii ugu horeysay kasoo qaybgeli doono Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo lagu wado in uu gaadho halkaas inta ka horraysay 18. bishan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo bishii la soo dhaafay ee sannadkan uu maamulka Somaliland Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar uu ka qayb galay shirkii London ee xalka loogu raadinayay dalka Somaliya.

Jaaliyadda SSC ee dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa inay abaabusho Mudaharaad xoogan oo lagaga soo horjeedo Siilaanyo tacdiyada iyo xasuuqa maleeyshiyadiisu ka wado deegaanada SSC.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

My opinion on this is good for him and his follow clansmen. Finally the misleading of Somali people in NW Somalia with this ill project will come to an end. I wonder NG's opinion though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

ay ka dhalato midnimadii Soomaaliweyn

since when is Somaliland iyo Somalia oo la isku daray Somaliweyn some people have a weird way of thinking

 

Any how what's the source of this?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siilanyo will do what the Somaliland people want and he made it clear Just a few days ago Jiritaanka iyo xuduudaha Somaliland wa muqadis

 

Bilan oo ma ciid ba wada joogta goorma la kala tagay;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qaranki   

bilan;701033 wrote:
^^^ oo goormaa la kala qaybiyey is la isku daro???? some people will never wake up i guess.

He has a point to be fair. The current Somalia as the world knows it is only two of the five Somali regions thus we can't really call it Somaliweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;701037 wrote:
Siilanyo will do what the Somaliland people want and he made it clear Just a few days ago Jiritaanka iyo xuduudaha Somaliland wa muqadis

 

Bilan oo ma ciid ba wada joogta goorma la kala tagay;)

Muqadasnimada Somaliland ma quraankaa lagu sheegay Xaajiyow... illeyn adaa diinta noogu badiyee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Ha waalwaalan Xaajiyow markay jiq kugu noqoto. Bal tusaalahan ila akhri, haddaad samaysatid tattoo ah kelmada tawxiidka oo dabadeedna gabadh kufsatid, kusfigaasi ma xalaal baa? bal kitaabka dib ugu noqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this