Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Xuska Mowliidka oo ka dhacay Norway

Recommended Posts

Sxbayaal anigu koleey Mowliidku wax qaldan uma arko, Allaheey wuxuu yiri, bismillahi raxmaani raxiim qalbi fadlilahi wabiraxmatihii fabithalika fal yafraxu oo micnaheedu tahay, you should be happy for the the mercy of Allah. Which mercy marka is bigger than the sending of our prophhet Muhammad (S.A.W). Rasuulka is the gift of mercy, marka anagu waxaan xuseyno waa the mercy to the world.

 

Ila dhageystaa Dr/sheikh Said oo ka hadlaayo hadii Xuska uu yahay Bidco iyo inkale.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Celeberating bdays is bid3a (innovation) in Islam and everyone knows that (there is clear difference what muslims do and what islam says)..... When the prophet csw didnt celeberate his own bday who are we to celeberate it...May Allah swt guide them!..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Oba, tell me your birthday? Waxaan kuu qaadaa happy birthday to you, happy birthday to you, happy birthday to Obaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^:D Oba doesn't celebrate for his own birthday, he celebrates for the prophet's (pbuh) birthday even though nobody knows the exact date the prophet was born. They kinda decided to guess the date, they also decided to do something that the Rasuul scw himself, Abubakar, Omar, Osman, Ali and all the saxaabah, the taabiciin, the taabici taabiciin never did. This is a celebration that was started couple of hundred of years later than the rasuul's scw own death. The sufis are somehow more knowledgeable than the rasuul himself, they know that it is not right to just fast Mondays as the rasuul did but they know that it is great to celebrate, eat food on some made-up date. Smarties.. They also know that they can translate some verses in the Qur'an in a twisted way to misuse them as their own Daliil. They know that "fal yafraxuu" means "celebrate for the rasuul's birth even though the rasuul himself scw never translated it that way.

Share this post


Link to post
Share on other sites

bidca micneheedu waa ku soo darid diinta Alle waxaan horay ugu jirin , rasuulkana wuxuu yiri ''qofkii wax kusoo dara amarkeena kan waxaanan ku jirin ( arin diineyd ) waa lagu celinaa ''( man axdatha fii amrinaa hada maa leysa minhu fahuwa raddun ) , arinta mowliidkana cibaado ayaa laga dhigay in laysku soo baxo laciido taasna waa diinta oo cibaada cusub lagusoo daro . xiligii asxaabtana ma jirin arinkaan . culimada waxa eey usoo daliishato inuu mowliidku bidca yahay waa

1: kitaabka kuma qorna 2: sunada nabiga kuma soo aroorin xafladan ciida ah 3 : ficilkaana asxaabta meeysan aqoonin 4 : iney banaan tahayna culimada afarta ee madaahibta qof baneeyay ma jirto 5: waxaa la bilaabay dabaal dagan xiligii boqortooyadii mamaaliikta oo layaqiinay cilmi yaridooda dhanka fiqiga

Share this post


Link to post
Share on other sites

we are just celebrating the mercy to the world, not a birthday. Fahma the difference. Aaliyyah, Zack iyo Jacpher fadlan dhageystaa clip-ka aan so geliyay oo ku saabsan Xuska nebiga by Dr/sheikh Said, kedib ila dooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Zack aayadan ''bismillahi raxmaani raxiim qalbi fadlilahi wabiraxmatihii fabithalika fal yafraxu'' miyeeysan aheyn micnaahedu ''you should be happy for the mercy of Allah''..

Share this post


Link to post
Share on other sites

dee aayada micnaheedu waxa waaye you should be happy for the mercy of Allah, which mercy is bigger than the sending of Rasuulkeena NNKH? Nebi Muxammad NNKH is the gift of mercy. marka what we celebrate is the gift to the world. Tan kale nobady celebrate the mowliid ona specific date, Bishaas mowliidka ayaa la xusaa uun, maalin gaar oo la xuso ma jirto. Mowliidka waa xus, xus goormey bidco noqotay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

So how come the rasuul and his saxaabah didn't celebrate, are we more knowledgeable than they were? Or are we saying they didn't do enough to to be happy aka celebrate?

Share this post


Link to post
Share on other sites
bilan   

Somalidu muran badanaa, why do not you guys leave him alone haduu rabo inuu mowliid ka xuso, maxaa ku dhacay qof walba suu u arko inay sax haduu ilaahay u caabudo ma idinkaa dadka qabriga la galaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mawliidku waa cibaado, qofkii xusa nabiga ajar buu Allah ka filayaa. Qaacidada fiqhiguna waa asal ahaan cibaadadu waa XAARAAM!, wait wait, let me finish, Cibaadadu waa xaaraam ilaa wixii nas(daliil, proof) ku yimid mooyaane. That means, wax alle wixii aanaan daliil cad u haynin, oo aanan nabigiii(salallahu alayhi wasalam) laga keenin waa xaaraan.

 

Culimo ku sheeggan videoga ka hadlaysa waxay marar badan ku soo celiyeen "bal daliil noo keena, lagu diiday mawliidka" waxay ku qaldameen, cibaadada sidaas laguma qiimeeyo su'aashu maaha "yaa diiday" ee waa "yaa ogalaaday"! marka markuu arinku yahay "cibaado" waa "yaa kuu ogalaaday waxan", in markaa dad waawayn oo cilmi u nisba sheeganayaa dhahaan "yaa diiday" waa qalad iyo cilmi darro. Caruurta yaryar ee dugsiyada hoose dhigata baa xataa og, in cibaadada lagu qiimayn "yaa diiday"!!!

 

Tusaale, hadii cibaadad sidaas lagu qiimeeyo, qofkastaa intuu cibaadaduu doono la yimaado buu hadhow odhan "yaa diiday, ileen quraanka, iyo axaadiithta kuma qornee"!

 

Arintaas ha la iska fiiriyo, diintoo dhan baa ciyaar ciyaar noqon, hadii la dhaho "yaa diiday"! Cibaadada waaxaa la is waydiiyaa "yaa ogalaaday, daliil kee loo hayaa"! Hadii kale ninkastaa intuu qaad aan horay loo arag u cibaadaysto buu odhan "yaa ii diiday, xagay ku qorantahay in sidan la ogalayn"

 

Arinka mawliidka ah markaa maadaama uu cibaado Allah ajar laga sugayo uu yahay, waa lagama maarmaan in daliil cad loo helo, hadii kale lama ogala in lala yimaado. Mawliidkuna sida la ogyahay waa cibaado, sanadkii mar la sameeyo, lama sameeyo bilaha kale, hal bil buu ku khaas yahay. Walibana waxaa la muujin jacaylka nabiga(sida dadka mawliidka qabsadaan sheegaan), arintaasna ay ka sugayaan ajar iyo darajo sare. That means waxaa laga helay shuruudihii cibaadada oo dhan, sidaa daraadeed qaacidada ummadu isku raacday waa Cibaado bilaa daliil ma soconayso!

 

Mida kale:

 

Mawliidka taariikhdiisa hadii dib loogu noqdo, waxay ka timid faatimiyiintii Masar! Culimo badana waxay dhahaan dadkaasi muslimiin maynan ahayn. Ayagaana Mawliidka bilaabay aynu anagu naqaano, nabiga(salallahu alayhi wasalam) kaliyana umaynan dabaal dagi jirine, fatima, cali, xassan iyo xuseen kuligood xus gaar ah bay u lahaayeen.

Waxay arinta ku keeneen waxay arkeen nasaaradii oo u dabaal dagta nabi ciise etc. Laakiin waxaa ka hoos baxday in nala faray in aynu khilaafno yuhuuda iyo nasaraada marwalba.

 

Soo khulaasee, hal nas(daliil) looma hayo mawliidka, dadkii laga keenay(fatimiyin) waaba dad islaamnimadooda laga shakisan yahay. Marka ikhwaani qofkii raba inuu Allah u dhawaado, nabiga jeclaado, samee waxay saxaabadu samayn jireen. Ha ka badin, hana ka yarayn. Intaas baa Jannahtul firdows kuugu filan, oo kaa badan. Wax aynan dadkii nabiga ugu jeclaa samayn, oo xataa wax u eg aynan samayn baa maanta dad nagu leeyihiin waa "jacayl nabi"! War Ma Abu Bakr baad nabiga ka jeceshihiin? Ileen Abu bakr Mawliid waligiis lamuunan iman e?

 

Shaki kuma jiro haduu khayr mawliid ku jiri lahaa inay asxaabtii nooga horay lahayd.

 

Waxaan ku soo khatimi lahaa tafsiir yaroo cajiib ah, oo ku tusaya Ehlu Sunnah wal jama3a caqiidadooda iyo fahankooda:

 

Aayada ku jirta suura Axqaaf ee uu Allah ku leeyahay

"وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُواْ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوْ كَانَ خَيْراً مَّا سَبَقُونَآ إِلَيْهِ"

(And those who disbelieve say of those who believe: "Had it been good, they (the weak and poor) would not have preceded us to it!'')

 

Waa markuu nabiga(salallahu alayhi wasalam) ula yimid kufaaru quraysh hidaayada, bay waxay dhaheen "hadii khayr ku jiri lahaa waxan uu Muxamed wado, walee kuwaan masaakiinta ah noogama hor mari lahayn"! yacni anagaa "quraysh ah oo uga hor mari lahayn"!

 

"The weak and poor" waxay ka wadaan sida Tafsiir ibn kathiir ku qoran: Bilal, `Ammar, Suhayb, Khabbab, oo ka mid ahaa asxaabtii khayrka qabtee aynu naqaanay.

 

Markaa bal fiiri, waxa Tafsiir ibn kathiir ku qoran markuu aayadan sheekhu ka hadlayo, iyo fahankuu kala dhex baxay:

 

(Had it been good, they (the weak and poor) would not have preceded us to it!)
Contrary to this is the position of Ahl us-Sunnah wal-Jama`ah: They say about any act or saying that has not been reported from the Companions:
"It is an innovation. If there was any good in it, they would have preceded us in doing it, because they have not left off any of the good characteristics except that they hurried to perform them.
'
'

Bal marka mawliidka u barbardhig sheekha hadalkiisa

 

 

Kolay ninkii mawliidka iska daaya, aakhiro lama waydiin doono "maxaad uga tagtay mawliidkii nabiga"!! Ninkii laakiin sameeyaa there is a chance for in lagu waydiyo "war waxan yaa kuu dirsaday"!

 

walaal Bilan, diintu saas maaha, "qofkastaa siduu Allah rabo u caabud"! haday sidaas ahaan lahayd, nabiga(salallahu alayhi wasalam) lama soo diri lahayn. Dacwo oo dhana muhiimad maynan noqon lahayn. Markaasuu midna kaadi inuu cabo Allah ku caabudi lahaa, midna inuu caruur kufsado. sidaa daraadeed waa khasab in la is waaniyo, laga doodo, si diinta saxda ah, iyo fahanka saxda ah loogu noqdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

bilan;713016 wrote:
Somalidu muran badanaa, why do not you guys leave him alone haduu rabo inuu mowliid ka xuso, maxaa ku dhacay qof walba suu u arko inay sax haduu ilaahay u caabudo ma idinkaa dadka qabriga la galaya.

This is more of religious debate and not a mere argument as you put it, Ms. Bilan. I believe the forum is open for any kind of debate as long as it is healthy. The brother is not offended or anything.

 

Well said, Miskiin. JzkALLAH khayr!

Share this post


Link to post
Share on other sites

dee Mowliid= Xus = xasuus, marka maxaa ka qaldan in la xusuusto Nebigeena suuban NNKH? Allah SWT ayaaba na amraayo inaan xasuusano Nebigeena suuban NNKH. Nebigeena NNKH waxaa ka wanaagsan oo la xasuusanaya ii sheega bal? Ma jiro maahino. Nebiga NNKH in la xasuusto waa wajiib cidii diida taasi aseey uu taal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Oba wax alle wixii la soo qoray maadan akhrin baan filayaa. Waadba na xiiqisay e sxb. Bal hal mar kor ugu noqo waxay walaalaha kala duwan soo qoreen. In Nabiga(salallahu alayhi wasalam) la xuso cid diidan ma jirto, actually by saying(salallahu alayhi wasalam) waa xus nabiga la xusayo. Markaa qofka muslimka ahi, nabiga everyday in his life wuu xusaa, waana sida nala amray. Waxa la diiday waa in maalin gaar ah la doorto, oo sidii cibaado loo guto oo kale. Sida xajka hal bil kaliya loo xajiyo, mawliidkuna waa sanadkii hal kaas mar. Korna ka akhri xukunka cibaadada.

 

Adigu maxaad ku diidan tahay inaad nabiga(salallahu alayhi wasalam) u xustid sidii asxaabta iyo salafu saalih u xusi jireen?

 

Allah aza wajallah in la xuso xataa khasab iyo waajib muslimiinta saaran weeye, ooba ka wayn ka nabiga(salallahu alayhi wasalam) nala yidhi xusa. Waayo Allah waa khaaliqa dhan ee na abuuray!

laakiin sida axaadiitha ku soo aroortay asxaabtu way diideen in intii meel la isugu yimaado si wada jir ah Allah loo xuso(except intii nala faray mooye, like jamaacada etc)! Yacni sida Mawliidka intii meel la isugu yimaado, in Allah la xuso.

 

Sidaa daraadeed buu Abu Musa Al-ashcari asagoo ordaya u yeedhay Ibnu Mascud, markuu arkay jamaaco fadhida masjidkoo si wada jir ah Allah u xusaya(thikrinaya, just like the mawliid)! Ibnu Mascud markuu u yimid wuxuu arkay ayagoo xalaqo u fadhiisteen, midna intuu dhexda istaago dhahaya "kabiruu mi'ah" "sabixuu mi'ah" etc. Yacni boqol jeer Allahu akbar dhaha" "boqol jeer subxan Allah dhaha" etc. Waxayna sidan u sameeyaan sida riwaayadu sheegayso inay khayr shaqaystaan.

 

Ayadoo sidaas ah, oo Allah ku xusaya kalmado nabiga(salallahu alayhi wasalam) ka sugan sida "Allahu akbar, subxan Allah" Ibnu Mascud wuu diiday, wuxuuna yidhi "Allahi gacantiisa naftaydu ku jirtaan ku dhaartay, ama diintii nabiga mid ka fiican baad ku taagantihiin(by making this thikr), ama waxaad furteen Albaab lagu lumo"!

 

Markaasay dhaheen "Abaa Abdurahmaanow, khayr doon kaliya uun bay naga ahayd"(just like what we say about the mawliid "xus nabiga uun bay naga ahayd), markaasuu Ibnu Mascuud ku jawaabay kalmadii caanka noqotay

“كم من مريد للخير لن يصيبه"

And how many people intend good yet do not achieve it?"?

 

Markaa ana intii oo kale baan leeyahay:

كم من مريد للخير لن يصيبه

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this