Sign in to follow this  
Bashiir

Shabaabkii Gedo oo Noqday Tusbax Furtay

Recommended Posts

Bashiir   

Axad, 03 April 2011 10:02 | Qoraaga: Tafatiraha Afdheer |

Liboi (Afdheer) Dagaal adag kadib saaka ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada raaskaambooniyiinta ayaa xoog kula wareegay magaalada dhoobley ee gobolka jubbada hoose maanta 03.April 2011 waxaa jira khasaare cusus oo kala gaardhay labada dhinac ee dagaalamay.

 

 

 

Madaafiic baa`biisay inta badan magaalada Dhoobley kadib waxaa xoog ku galay oo cagta mariyey kooxdii mucaaradka ciidamada ay kala hoggaaminayaan taliyaha ciidamada XDS ee aagga Dhoobley oo ka kooban saddex urur iyo madaxa raaskoombooniyiinta Sheekh Axmed- Madoobe.

 

 

 

Maleyshiyadii Alshabaab ee Dhoobley ayaa la sheegay inay u carareen dhanka Kismaayo kadib markii la gaarsiiye burbur weyn difaacoodii hore.

 

 

 

goobjooge ku sugnaa Dhoobley ayaa afdheer.com uxaiijiyey in ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Dhoobley ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

 

 

la soco faahfaahinta ...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Kn: Kadib dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacaysay magaalada Dhoobleey ayaa wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in gacan ku heynta magaaladaasi ay ka baxday Alshabaab.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in ciidamada dowlada iyo kuwa Kaambooniyiinta oo iskaashanaya ay markani u awood sheegteen ciidamada Alshabaab.

 

Labbo maalmood ka hor ayaa waxa magaalada ka dhacay dagaal 7 saacadood socdey oo dhexmaray labbada dhinac, balse sidaasi oo ay tahay Xarakada Alshabaab waxaa u suuro gashay inay sii xajisato gacan ku haynta magaalada.

 

Dagaal rogaal celis ah oo sida muuqatay hogaanka labbada ciidan ee DKMG iyo Kaambooniyiintu ay ka wada socdeen ay ku qaadeen Dhoobleey ayaa sida muuqata keentay inay Dhoobleey ka faro maroorsadaan Shabaabka.

 

Ciidamada Dawladda ayaa ah kuwo mudo 2 sano ah tababar ku qaatay dalka Kenya, waana ciidamada ay ku xisaabtamayaan maamul goboleedka cusub ee Azania, ee Prof. Gaandi madaxwaynaha ka yahay.

 

Xarakada Kaambooni oo markani ay iska garab dagaalamayaan ciidamada DKMG ayaa khibrad iyo waayo aragnimo u leh ku dagaalanka gobolka, waxayna si fiican isu xeelad yaqaanan Xarakada Alshabaab oo ah midda ay xoogga is bahaysanaya masraxa isku hayaan.

 

Wararka dagaalka kala soco KismaayoNews.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Dagaalkii saaka ka bilowday Dhoobley ayaa ku socda xawaaree aad u dheer iyadoo la isla sii dhaafay tuulada Taabta oo u qiyaastii 40 km ujirta Dhoobley goor dhawaydna u gacan gashay ciidamo katirsan xarakada Raaskambooni.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalku hada kasocdo inta u dhaxaysa Taabta iyo Qooqaani waxayna u egtahay in dagaalyahanadii Alshabaab wajigan hore caalsaaraha laga sito waloow aan wali la hubin halka dagaalka socda uu sal dhigan doono.

 

Wararka ugu dambeeya ee dagaalada Jubooyinka isha kuhay Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Axad, 03 April 2011 18:06 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer |

(Afdheer) Sida uu sheegaya war qaddar yar ka hor ay na soo gaarsiiyeen dad ku sugan magaalada Libooyo-Kenya, oo ay eheladoodu ku nool yihiin dagmada Afmadow ee gobolka Jubbada-Hoose, kooxda Alshabaab ee maanta loogu xoogsheegtay dagaalki ay ciidamada dawladda kula galeen Dhoobleey, ayaa caawa magaalada Afmadow bandow ku soo rogtay.

 

Waxey ilawareedyadan oo ah kuwa lagu kalsoon yahay noo sheegeen in ay Alshabaab caawa mashquul ku yihiin aasidda meydad ay duhurnimadi halkaa ku gaarsiiyeen dhaawacyo liita kaddibna geeriyooday, waxey kaloo wararkan noo xaqiijiyeen in Alshabaab magaalada dibadda uga bexeen dhufeysyana kaga jiraan bannaanka magaalada, ayadoo caawa la arkaya ciidamada Alshabaab qaar ka mid ah oo geedaha Garaska dushooda Baasuukooyin iyo Garinoofya la saaraan waa sida ay dadkan Afdheer la soo xiriiray noo sheegeene.

 

Afdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Axad, 03 April 2011 18:19 | Qoraaga: Faallaqoraha Afdheer |

(Afdheer) Horjoogihi kooxda Alshabaab ee cagta la mariyey u qaabbilsanaa dhigidda shaxda dagaalka horana u ballanqaaday inuu Kismaayo geyn doona madaxa Axmad Madoobe, Dulyadeyn, ayaa lagu soo warramayaa inuu caawa baqacararki ku gaaray magaalada Kismaayo kaddib marki maanta Dhoobleey cashir loogu dhigey ciidankiisi lagalana wareegay Dhoobleey.

 

Waxeyna warar hoose oon helnay tibaaxayaan inuu shir kula jira horjoogeyaasha Alshabaab ee Kismaayo oo caawa ay cabsi iyo argagax la darseen halka dadka shacabka ahna ay dareemayaan walwal iyo walaac dheeri ah ayadoo ay magaalada Kismaayo soo gaarayaan baabur aan la ogeyn waxa ay sidaan iyo halka ay ka imanayaan balse la sheegaya in ay Afmadow dhankeeda magaalada Kismaayo ka soo galayaan.

 

Afdheer.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Laba afhayeen oo ukala hadlay xarakada Raaskambooniyiinta iyo kuwa DFKMG ayaa iyagoo kusugan Dhoobley ka hadlay qaabkii uu u dhacay dagaalkii saaka iyagoo laanta afsoomaaliga ee BBC u xaqiijiyay in Alshabaab laga saaray Dhoobley dagaalkuna uu kasii shanqarayo meel 20km ujirta Dhoobley.Wareysiga laban masuul oo lagu kala magacaabo Cabdikaafi Faarax dalal iyo Muxumed Faarax Daahir halkan hoose kadhageyso

 

 

http://himilonews.com/saraakiil-ukala-hadashay-raaskambooniyiinta-iyo-dkmg-oo-kahadlay-dagaalkii-dhoobleydhageyso/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Shabakada Himilo News ayaa lasoo gaarsiiyay warar hordhac oo la xiriira khasaarihii dagaalkii saaka ee Dhoobley.Warbixin kooban oo hada nasoo gaartay ayaa sheegtay in ciidamada xarakada Raaskambooniyiinta oo hogaamintii dagaalkii saaka lahaa ka dhaawacmeen 7 askari dhimashaduna waa hal askari khasaaraha ciidamadii Isiyeelow oo saaka ka bar bar dagaalamayay kuwa Raaskambooniyiinta nooma suurta gelin inaan helno.

 

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in la isla galay tuulada Taabta oo ay u muuqato in goor dhow lagu kala bixi doono.Wararka kasoo kordha dagaalka Taabta kala soco Himilo News.com

 

http://himilonews.com/hordhicii-khasaarihii-dagaalkii-dhoobley-oo-himilo-news-lasoo-gaarsiiyay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Sida aad uga barateen shabakadda KismaayoNews waxay idiin soo ururisay xogta dagaalkii kharaaraa ee maanta dib uga qarxay magaalada Dhoobleey.

 

WARBIXIN:

 

Madaafiicda qoriga BM-ka iyo hawsarka ayaa habeenkii oo dhan ku hoobanayay magaalada iyo hareeraheeda.

 

aroor hore, markii ruuxa iyo geedka la kala gartay ayuu dagaalka fool-ka-foolka ahi bilawday.

 

Ciidamada DKMG iyo Kaabooniyiintu dagaalka way wada galeen, waxaase maanta hogaanka dagaalka lahaa Sh. Axmed Madoobe oo madax u ah Xarakada Kaambooni.

 

Xarakada Alshabaab waxaa hogaaminteeda iska lahaa Sh. Dulyadeyn.

 

Isku darka khasaaraha labada dhinac dhimasho iyo dhaawac waxay kor u dhaafayaan 70.

 

Guryaha magaalada waxaa gaaray burbur xoogan.

 

Gacanta waxaa magaalada ku haya oo markii ugu horaysay u hoyanaya ciidamada Xulufada.

 

Ciidamada Huwantu ma ayna gaadhin Taabta, waxayna ku egyihiin meel u dhaxaysa Taabta iyo Dhoobleey, Taabtana waxaa ku sugan Xarakada Alshabaab.

 

Dulyadeyn iyo Sacad oo saxaafadaha qaar ay geeri ku sheegeen waxba kama jiraan.

 

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax khasaare nafeed ah oo soo gaadhay dadka rayadka, waxaana ugu wacan magaalada oo haawanaysay oo shacabkii horay uga qaxay.

 

Waxaa dagaalka ka qaby galay ugu yaraan diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah iyo 3 taangi.

 

Labada garab ee dirirtu dhex martay ma kala bogan oo way isu mindiyo lisanayaan taasoo macnaheedu yahay, dagaal goor kasta filo.

 

Wixii war ah ee ka soo kordha dagaalada Jubbooyinka haka fogaan KismaayoNews iyo warar la soo meehaahay.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Ciidamo taageersan DKMG ayaa kooxda Al-shabaab ka qabsaday degmada Dhoobley oo maalimihii ugu danbeeyay ay dagaallo ka socdeen.

 

Ciidamo huwan ah oo taageersan dowladda KMG ayaa gacanta ku dhigay degmada Dhoobley kaddib dagaallo culus oo ay halkaasi kula galeen kooxda Al-shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa weerar xooggan ku soo qaaday Dhoobley, waxaana dagaal muddo socday kaddib u suurtogashay in maleeshiyada Al-shabaab ay ka saaraan halkaasi.

 

Ciidadama huwanta ayaa dhowr jeer qabsadey degmada Dhoobley, balse markiiba ka baxay, haatanse lama oga inay sii haysan doonaan iyo in kale.

 

http://www.voanews.com/somali/news/Ciidamada-DKMG-oo-Qabsaday-Dhoobley-119142144.html

Share this post


Link to post
Share on other sites

Iloowsho dhawaa ma umul baa;);););)

 

 

Madoowe iyo Gaandhiga u eg Zuluga ama Kikuyu hasoo wataan ama reer Aliyaale ha u gacan haadiyaan NEVER ever ay xaduudka Kenya soo dhaafayaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Wafdi uu horkacayo wasiirka maaliyada ee DFKMG Xuseen Cabdi Xalane ayaa kusugan gobolka Gedo gaar ahaan goobaha ciidamada DKMG ka qabsadeen xarakada Alshabaab.Wafdigan oo ka duulay magaalada Nairobi ayaa ku talajira inay kormeer kusoo sameeyaan magaalooyinka Luuq,Ceelwaaq iyo Baladxaawo oo ay hada ku sugan yihiin.

 

Warar Himilo News lasoo gaarsiiyay ayaa sheegaya in Xuseen Cabdi Xalane uu la balansanaa madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki kahor intii aysan waftigiisu u duulin Baladxaawo lamana sheegi inay la kulmeen madaxweynaha dalka Kenya.

 

Wafdigan oo laga soo diray magaalada Muqdisho ayaa ku guda jira inay maamulo DKMG hoos taga ka dhisaan Baladxaawo, Luuq iyo Ceelwaaq.

 

Dhaq dhaqaaqa wafdiga ayaa lagu micneeyay mid siyaasadeed oo lagaga hortagayo maamulka cusub ee uu madaxweynaha kayahay Prof.Maxamed Cabdi Gaandi ee lagu dhisay duleedka Nairobi.

 

Kobtan ka dhagayso

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

 

Dagaalkii maanta Alshabaab looga faromaroorsaday magaalada Dhoobleey ayaa waxaa la sheegayaa in Alshabaab looga furtey hub aad u badan

 

Wali khasaaraha labbada dhinac ayaa isa soo taraya wararka ku saabsan, waxaana la sheegayaa in dhaawacyo dhowr iyo tobon ah la keeney magaalada Dhoobleey

 

Sida aan dhawaan tabiney dagaalka ayaa diub uga qarxay daafaha magaalada marka sida muuqata ay Shabaabka rogaalcelis soo sameeyeen

 

http://kismaayood.com/?p=3080

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this