Sign in to follow this  
Somalina

Somali Diaspora corner

Recommended Posts

Somalina   

Finland

 

Shirweyne sanadeedkii Eurosom 2011 oo Helsink lagu qabtay

 

eurosom144.jpg

Isniin, February 28, 2011(HOL): Shirweynihii sanadlaha ahaa ee urur-waynaha Eurosom-ES ayaa ka dhacay 25kii iyo 26kii bishan Febraayo, 2011 caasimada dalka Finland ee Helsink. Shirwaynahan oo ay martigeliyeen ururka KANAVA ee xubinta ka ah ES ayaa waxaa looga dooday qodobo dhowr ah oo la xiriira guud ahaan howlaha EuroSom iyo gaar ahaan kuwo la xiriira qabashada tartamada ES ee xagaaga, 2011.

 

Qaybta 1aad ee shirwaynahan oo dhacay fiidnimadii 25kii bishan oo Jimce ahayd ayaa lagu bilaabay ku furitaan aayado qur’aan, soo dhowayn, warbixino, kalmada furitaanka guddoomiyaha ES, ansixinta ajendaha iyo hadalo kale oo ay soo jeediyeen odayaal isboorti iyo marti sharaf.

 

Guddoomiye Max’ed Diini ayaa si rasmi ah u furay shirwaynaha isagoo uga mahadceliyay ururka Kanava soo dhowaynta qiimaha badan iyo qabanqaabada ay ugu jiraan martigelinta ciyaaraha ES 2011.

 

Maalinimadii Sabtida ee 26ka Febraayo, 2011 ayaa la isugu soo noqday fadhiga shirkan waxaana lagaga hadlay dhammaan qodobadii ajendaha shirwaynaha. Waxaa la dhagaystay warbixinadii maamulka ES oo ay ka mid ahayd xisaab xirkii sanad Maxamud Sujaac ayaa waxaa uu ka warbixiyey ururka guud ahaan,dhinaca maaliyadeedka 2010/2011 ayaa xoghayaha lacagta soo jeediyey halka farsamadana Muridi Zein soo bandhigey sharciyadda cusub,kaidbna waxaa halkaa la isku dhaafsaday su’aalo iyo talooyin. Waxaa dhanka kale iyana soo jeediyay warbixin la xiriirta waxyaabihii uga hirgalay u diyaargarowka qabashada tartamada ciyaaraha xagaaga iyo qorshe howleedkooda iyo wixii soo jeedin ah,waxaana halkaas kasoo jeediyey Gudoomiyaha qabanqaabadda ciyaaraha ES 2011 mudane Abdulqadir Hadafow.

 

eurosom9.jpg

qodobada kale ee xiisaha lahaa waxaa ka mid ahaa dood cilmiyeed ‘workshops’ laga yeeshay qaabka loo horumarin karo barnaamijyada ES iyo wixii caqabado ku noqon kara iyo weliba sida looga gudbi karo,dood cilmiyeedkan ayaa waxaa loo kala qaybiyey labo qayb waxaa hogaaminayey Siciid Jamac,qaybta kalana Abdiaziz Godah.

 

Waxaa dhanka kale la dhagaystay codsiyo ka mid noqosho urur waynaha EuroSom oo ay soo gudbiyeen ururo dhowr ah, iyadoo halkaa lagu waydiiyay su’aalo badan oo la xiriiray dalabkooda. Dood dheer iyo wada tashi ka dib waxaa la isku raacay in loo ogolaado kasoo qaybgelida tartanka ES ee xagaaga, 2011 ururada amaba kooxaha kala ah Muqdisho FC oo ka dhisan koonfur galbeed London iyo labo kooxood oo ka socday dalkaa Norway, waxaana liiska xubin sugida ku jira ururada Vantaa ee Finland iyo Leicester United-UK.

 

Guddoomiyaha EuroSom Mudane Max’ed Diini ayaa sida caadada ahaydba halkaa ku guddoonsiiyay 3 abaalmarinood oo qayb ka ah Abaalmarinta Guddoomiyaha ES ee sanadlaha ahayd ururka KANAVA iyadoo lagu maamuusay sidii ay uga soo dhalaaleen martigelinta tartamadii ES 2010, Abaalmarintan ayaa waxaa loogu magacdaray Aabaha Isboortiga Soomaaliyeed Macalin Bashiir Abdi Daahir oo hadda Masar kusugan,abaal marintan ayaa waxaa u qaaday Caamir.

eurosom7.jpg

Guddoomiye xigeenka Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa isagana waxaa sidaas oo kale lagudoonsiiyey abaal marin lagu abaal mariyey qaybtii weynayd ee uu ka qaatay Tartankii ciyaaraha Gobaladda ee Puntuland laguqabtay,Abaal marintan ayaa waxaa Gudoomiye kuxigeenka u qaadey Abdiaziz Godah oo ah xubinGudigga Fulinta ee GOS isla mar ahaantaana waxaa Gudoonsiiyey Cumar Dhagaweyne oo ahaanjirey xoghayihii hore xiriirka ciyaaraha fudud,Cumar ayaa waxaa uu yiri waan ku faraxsanahay in aan abaal marintan bixiyo,sababtoo ah waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ciyaarihii gobaldda dib loosoo nooleeyo muddo 20 sanadood ka dib.

eurosom4.jpg

Waxaa sidoo kale Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta la gudoonsiiyey abaalmarin lagu dhiirigelinayay kaalintii libaaxa ahayd oo ay muddo 20 sano ka badan dib ugu soo celiyeen tartankii ciyaaraha gobolada ee ka dhacay caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe, waxaana halkaa sidoo kale looga mahadceliyay dhammaan madaxda iyo dadwaynaha reer Punland u dhabar adayga arrintan, abaal marintan ayaa waxaa bixyey Abaliisha oo ka mid ahaa laacibiintii wadankeena isla markaana waxaa kagudoomay Gasoore caalmai ah Al-Haji Muridi Zein. Ka dib ayaa Abaliisha isaga oo magaca kooxihii heerka koowaad ee Soomaaliya uu usoo jeediyey amaan urur weynaha EuroSom,qaas ahaan Ururka Kanava sida wanaagsan oo ay noosoo dhaweeyeen isla marahaantaana waxaa uu aad ugu farxay sida wanaagsan oo ay guud ahaan ururkan uu u shaqeeyo una dhiirigelinayo bahda isboortiga kuwooda yar yar iyo kuwa waaweynba.

 

Ugu danbayn waxaa kulanka lagu soo gabagabeeyay qorituurkii isku aadka kooxaha, talo soo jeedin, dardaaran iyo duco.

 

eurosom1.jpg

eurosom13.jpg

eurosom3.jpg

eurosom5.jpg

eurosom11.jpg

eurosom2.jpg

 

C/Casiis Goodax Barre

agodah@hotmail.com

Helsink, Finland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Malaysia oo soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka ay Soomaaliya leedahay

hiddo4.jpg

Axad, March 20, 2011(HOL): Barnaamij loogu magac daray “Umatic week”oo micnihiisuna yahay iney ku soo bandhigaan ardeyda hidaha iyo dhaqan ay leeyihiin dowlad waliba oo islaam ah ayaa waxaa lagu qabtey jaamacada islaamka ee ku taala caasimadda kuala lumpur ee dalka malaysia.

 

Barnaamijkaasi ayaa waxaa ka qeyb qaatey 38 dowladood oo ay ku jirto soomaaliya , waxeyna halkaasi ku soo bandhigeen dowlad waliba hidaha iyo dhaqankooda sida cunada, cayaarta iyo qaabka ay u dhisteen guryahooda, dadweyne aad u fara badan ayaa goobta uu barnaamijka ka dhacaayey u soo daawasho tagay ayadoo ay ka mid ahaayeen kor meerayaal ka soo socdey jaamacado ku yaala dalka mareykanka ahna macalimin wax ka dhigta jaamacadaha ku yaala wadanka mareykanka , safiiro fadhigoodu yahay wadankan malaysia waxaa kaloo ku wehliyey hormuumka jaamacada islaamka ee malaysia.

 

hiddo3.jpg

Soomaaliya ayaa waxaa ay ka dhisteen goobtaasi AQAL HOORI aad u qurux badan kaasoo ay u riyaaqeen dhamaan ka soo qeyb galayaashii goobtaasi yimid sidoo kale waxey halkaasi ku soo bandhigeen cunada ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin soomaaliya sida oodkaca canjeelada iwm, waxaana ka marneyn dhaantada oo ay u ciyaarayeen dhalinyaro si aad ah iskula bartey cayaarta dhaantada kuwaasoo waxa ka barta jaamacadaha ku yaala dalkaan malaysia, waxey kaloo soomaaliya soo bandhigeen alaabta hidaha iyo dhaqanka ay u leeyihin, sawiro muujinaya aqoonyahano caan ka ah dalka soomaaliya si ay u baraan ajaanibta kale oo aan aqoon u laheyn dadka iyo dalka soomaaliyeed.

 

Gudiga ardeyda soomaaliyeed ee malaysia oo uu hor kacaayey gudoomiyaha ardeyda Mudane C/salaam Maxamuud ayaa isku howley sidii ay u gaarsiin lahaayeen barashada hidaha iyo dhaqanka ay soomaaliya leedahay ajaaniibta wax ka barata jaamacada islaamka ayadoo guud ahaan jaamacadana ay dhigtaan ajaaniib fara badan oo ay kala imaadeen 105 dowladood tirada ardeydana tahay 48 kun.

hiddo5.jpg

Jaamacda islaamka ayaa tirada ugu badan ardeyda soomaaliyeed dhigata ayadoo lagu qiyaasey 220 ardey halka guud ahaan tirada ardeyda wax ka barata dalka malayshiya ay gaareyso 3000.

 

Ugu danbeyntii barnaamijkaasi oo socday todobo maalmood ayaa xiritaankiisa waxaa abaal marino lagu gudoonsiiyey dhamaan dowlidhii ka qeyb qaatay ayadoo ujeedada ka danbeysa barnaamijkaasi sanadlaha ahna tahay sidii ay isku baran lahaayeen ardeyda waxa ka barata jaamacada islaamka watana hidaha dhaqanka kala duwan ay liihiin dal waliba.

hiddo6.jpg

hiddo.jpg

hiddo8.jpg

hiddo1.jpg

hiddo2.jpg

:D

 

Said Omar Baaffo

saciid@hotmail.co.uk

Kuala lumpur-Malaysia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Shir looga hadlayay horumarinta Soomaalida ku dhaqan Dalka Holland oo lagu qabtay Magaalada Den Haag

 

shirdenhaag4.jpg

Khamiis, March 17, 2011(HOL): Shir aqoon isweydaarsi ah oo hal maalin socday ayaa ka dhacay magaalada Den Haag ee dalka Netherlands, kaasoo looga hadlay marxaladaha ay ku sugan yihiin Soomaalida degan dalka Netherlands.

 

Shirkan oo ahaa mid lahaa ahmiyad gaara, uuna soo qaban qaabiyey ururka Dalmar Foundation oo ka dhisan dalkan Netherlands, kana shaqeeya qaaradda Europe iyo dhulka ay Soomalidu dagan tahay een Horn of Africa. waxaa ka soo qeyb galay Professors jamaacadeed, hay’ado badan oo Dutch ah iyo dad madax ah oo ka socda dowladda dhexe iyo dowladaha hoose ee Netherlands. Waxaa sidoo kale shirkaasi ka soo qeyb galay madaxda ururada matala jaaliyadaha Soomaalida oo ka kala yimid gobollada dalka iyo dadwayne Soomaliyeed.

shirdenhaag5.jpg

Shirka waxaa furay Asad Mohamed, oo ka tirsan madaxda ururka Dalmar Foundation. Asad wuxuu ka hadlay ujeedada shirkan loo agaasimay, oo ahayd in si cilmeeysan looga doodo sidii dadka Soomaliyeed ee dagan dalka Netherlands ay wax uga qabsan lahaayeen, ayna u noqon lahaayeen kuwa ugu hormarsan dadka ajaanibta ah ee dagan dalka Nehterlands.

 

Kulankaasi ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay cilmi baaris muddo la waday oo xog badan xambaarsan oo ay wada sameeyeen jaamacada Nijmegen iyo Dalmar Foundation, waxaana kala shaqeeyey afar urur oo kale oo ka dhisan gobolada dalka sida, SOMVAO Amsterdam, Asia Rotterdam, SSGE Eindhoven, taasoo lagu ogaaday heerka waxbarshada iyo is-dhexgalka bulshada ee Soomaalidii dalkan soo gashay shantii sano ee ugu dambeysay.

 

Waxaa sidoo kale lagu soo qaaday shirka dhibaatada Qaadka uu ku hayo mujtamaca Soomaalida ee dalkan iyo sida ugu habboon ee dadka Soomaalida ah ee u badan dhalinyarada ay isaga dhaafi karaan cunistiiisa. Cilmi baaristan oo lagu qoray buug, ayaa waxaa lagu sheegay tirada Somalida cusub ee Nederlands soo gashay intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009 oo lagu sheegay in ka badan 13,000 oo Somali ah, kuwaasoo heerkooda waxbarashada iyo noloshooda la qabsiga dhaqanka Dutch-ka iyo isdhexgalkooda bushada ay tahay mid si weyn uga hooseysa jaaliyadaha kale ee ku nool dalkan. Sabaha keenayna ay ka mid tahay dalka Soomaaliya oo burbursan muddadii 20-sano ahayd ee u danbeeysay.

shirdenhaag7.jpg

;)

 

Waxaa xusid mudan in sidoo kale shirkaasi lagu soo bandhigay horumarka ay sameeyeen Somali faro-ku-tiris ah oo meel fiican ka gaaray nolosha wax qabsiga ee dalkan, waxaana ka mida Cumar Munye oo ah wiil da’ yar oo Soomaaliyeed oo naqshadeeya boorsooyinka (top designer). Cumar ayaa dhalinyarada Soomaalida ku baraarujiyey in ay dalkan Netherlands ay horumar ka gaari karaan haddii ay dadaalaan, sida asaguba sameeyey.

 

Asad Maxamed oo ka mida madaxda ururka Dalmar Foundation ayaa u sheegay Radio Damar in shirkan ujeeadada laga lahaa ay tahay sidii Soomaalida cusub looga dhigi lahaa kuwo ka gudba dhibaatooyinkii horey ugu dhacay Soomaalidii ka horeysay, ayna sare u qaadaan heerkooda waxbarshada iyo fahamka dhaqanka iyo sharciyada dalka Nederlands.

shirdenhaag10.jpg

Waxa uu cadeeyey in loo baahan yahay in Soomaalida ay wax ka qabsadaan Netherlands oo ay wax la qaybsadaan jaaliyadaha kale ee ku nool dalkan.

 

Radio Dalmar oo ka howlgala dalka Holland ayaa mikrafoonka la dhex qaaday qaar mida madaxda ururrada matala jaaliyadaha Somalida Nederlands sida Cali Waare iyo Muse Xersi oo labaduba ka tirsan ururka SOMVAO iyo sidoo kale Ruqiyo Caddow oo ah gudoomiyaha ururka AASIYA, waxayna dhamaantood sheegeen in shirkii shalay ka dhacay Den Haag uu ahaa mid si wanaagsan u qabsoomay, ayna muuqato in masuuliyiinta ururada Soomaalida iyo dowladaba ay diyaar u yihiin in wax laga qabto dhibaatada haysata Soomaalida dalkan soo gashay shantii sano ee ugu dambeysay, sida in wax laga qabto dib u dhaca ay ka sameeyeen dhinaca waxbarashada.

 

Waa shirkii ugu ballaarnaa ee noociisa ah oo Netherlands lagu qabto sanadihii u danbeeyey, kaasoo ay ka soo qeybgaleen dad aad u faro badan.

shirdenhaag3.jpg

shirdenhaag1.jpg

shirdenhaag8.jpg

shirdenhaag2.jpg

shirdenhag.jpg

 

Mohamed Abdi Farah

Dalmar Media/Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Super Market-kii ugu weynaa ee Soomaali leedahay oo laga furay Den-Haag.

Soomaalida ku nool dalka Nederland ayaa sanadihii u danbeeyay horumar dhinaca ganacsiga ku dhaqaaqday, taasoo ka dhiganta in dadka Soomaaliyeed ay u soo jeesteen sidii ay ugu mid noqon lahaayeen jaaliyadaha kale ee ku nool dalkani ee ganacsi xoogan ku leh.

Shantii sano ee u danbeeyay waxaa soo kordhayay xarumaha ganacsi ee Soomaalida ka furaneyso magaalooyinka waaweyn, iyadoo Sabtidii (19-03-2011) Super Market weyn oo laga helayo alaabaha kala duwan ee Soomaalida isticmaasho laga furay magaalada Den Haag ee dalka Holland.

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu furayay Super Market lagu magacaabo Salaama kana dhacday magaalada Den Haag ayaa waxaa lagu casuumay Soomaalida degan magaaladaasi iyo magaalooyinka kale ee u dhow, waxayna dadkii ka soo qeyb galay ay soo dhoweeyeen furitaanka Super Marketka Salaama oo ay tilmaameen in uu noqon doono mid *****la baahida dadka Soomaaliyeed ee ku nool Den Haag iyo magaalooyinka kale.

Maamulaha Salaama Super Market C/qaadir Macallin Cali ayaa sheegay in ujeedada furitaanka xaruntan ganacsi aysan aheyn kaliya in laga faa’iido, ee loo furay in Soomaalida baahidooda in lagu *****lo, wuxuuna intaa raaciyay in Salaama Super Market ay hoostagto shirkadda Salaama holding oo howlo ganacsi badan ku howlan, wuxuu sidoo kale uu sheegay in howlo kale ay baaxad leh Soomaalidana u baahan tahay in ay soo kordhin doonaan.

C/qani Macallin oo isna ka tirsan maamulka Salaama ayaa balan qaaday in ay *****li doonaan baahida dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Nederland, “Waxaan diyaar u nahay inaan *****lno baahida dadka Soomaaliyeed, hadey ahaan laheyd adeeg walbo oo nolosha u baahan tahay” ayuu yiri C/qani macallin.

Dukaankan ku yaal magaalada Den Haag ayaa noqonayo Super Marketkii ugu weynaa ee Soomaali ay leedahay oo ku yaal magaaladaasi, waxaana horay magaaladaasi ugu furnaa labo dukaan kale oo Soomaali ay leedahay, waxaa kaloo jiro dukaaman kale oo Soomaalida ay ku leedahay magaalooyinka kale ee dalka Holland.

 

super-marketka_1.jpg

super-marketka_2.jpg

super-marketka_3.jpg

super-marketka_4.jpg

 

Cali Muxiyaddiin Cali

Muxiyaddiin@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Somali documentary: "The next genetration"

 

Ula-jeedada filimkan waxay ka timid markaan jeclaystay inaan fikradahayga u gudbiyo umadayda si casri ah oo aduunka la jaanqaado, anigoo waligay jeclaa filin samaynta iyo video-ga ilaa yaraantaydii.

 

Barasho ka dib iyo ku shaqayn badan waxaan ogaaday in ay umadeena somaliyeed ay u oomantahay dhinaca filimada iyo documantary in laga habaqtiro ,aduunkana loo soo bandhigo qisooyinkeena iyo wanaageena luqadeena iyo dhaqankeena, Ana aan xooga saaro oon ka nooleeyo umadayda somaliyeed dhinaca media insha alah.

 

Hassan Are Ashkir

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

There are so many well educated men and women from Finland - most of those I have seen are graduates - phd holders.. I say to them, keep up with what they have been doing, it seems to be paying off.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this