Sign in to follow this  
Somalina

Hargeysa- laa 28 Guri ayaa toddobaadkan ku gubtay

Recommended Posts

Somalina   

Arbaco, 23 February 2011 (HOL)- Ilaa 28 Guri ayaa toddobaadkan ku gubtay magaalada Hargeysa, kuwaas oo qaarkood ay maanta shuf-beeleen, ka dib markii Dab aan la aqoonsan sida uu u kacayo iyo cidda shidaysa toona uu ku fidayo xaafadaha Hargeysa qaarkood.

 

Toddobaadkan bilowgiisii ayaa ilaa saddex Guri ay ku gubteen xaafadda dhinaca bari ee magaalada Hargeysa ee Degmada Gacan-Libaax, halkaas oo ay ku baabaéen, isla markaana la bakhtiin kari waayay. Dabkan oo aan la arkayn, isla markaana aan la ogaanin cidda shidaysa ayaa ku fiday dhinaca bari ee magaalada, isla markaana gubay ilaa 24 Guri oo isugu jira Buulal iyo Guryo Daar ah, "Anaga oo dibedda Guriga fadhina ayuun baanu aragnay Guriga dusha sare ka qiiqaya, markaanu is-nidhi bakhtiiyana, waanu damin kari waynay," sidaa waxa HOL u sheegay Cabdirisaaq Axmed oo ka mid ah dadka ay Guryahoodu gubteen, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Arrinta la-yaabka lehi waxa weeye, dabku maaha mid fidaya ee Guryaha gubtay mid waliba gaarkiisa ayuu u gubanayaa, Duhur cad oo maalinimo ah ayaanu gubanayaa, walise lama garanayo cidda gubaysa ama waxa gubaya,"

 

Guryaha saaka gubtay ayaa tiradoodu maraysaa 5 Guri oo ku kala yaala isla degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa. Xasan Cali oo isna ka mid ah dadka Xaafaddaa degan ayaa HOL u sheegay sidan, "Maadaama aan la arkayn waxa wax gubaya, maalinimo cadna ay guryuhu gubanayaan, dadka qaar ayaa leh waxa wax gubaya Sixir, dadka qaarkoodna waa Jin ayay leeyihiin, sababtoo ah lama arkayo cidda wax gubaysa."

 

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre, ayaa sheegay in hawlgal oo uu ciidanku sameeyay lagu soo qabtay afar qof oo la aaminsan yahay in ay ku lug lahaayeen Guryaha gubtay, waxaanu xusay in gubista guryahaas loo adeegsaday walxo isugu jira kiimiko iyo Baatrool, taas oo wakhtiga maalintii oo ay cadceedu kulushahay Olol samaynaysa. Waxaanu ku baaqay in ciddii looga shakiyo Ciidamada lala socodsiiyo.

 

Dhanka kale, Culimada qaarkeed ayaa xukuumadda u jeediyay in ay tallaabo qaaddo. "Guri yar oo Jiingadda dabayli ka qaadday ama laba Xaafadood oo islaayay ayay Xukuumaddu Gaadhi Ciidan ah dul geysaa oo ay u gurmataa, waa in Xukuumaddu ay doorkeeda ka qaadato masiibadan magaalada ku fidaysa, sababtoo ah, ma jirto belaayo ka wayn Dab,"sidaa waxa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Yaasiin oo ah Iimaamka Masjid-Jaamaca wayn ee Hargeysa, waxaanu habaaray cid kasta oo lug ku leh dabkan.

 

Gubashada Guryaha ayaa isa-soo-taraysa, iyada oo dhegaha dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ay daashadeen dhawaaqa Gaadiidka dab-demiska oo gurmad ku jira, kuwaas oo laf ahaantoodu ku yar magaalada.

 

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Hargeisa(Waaheen)-Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Xaafada New Hargeisa ee Bariga Magaalada Hargeisa ayaa saaka banaan balaadhan isugu soo baxay jidadka waaweyn ee Xaafadaasi dhex mara,kuwasoo dhagaxan ku Xidhay wadooyinka,isla markaana ku gubay Taayiro.

dadka Mudaharaadka samaynayey saaka oo si weyn uga gadooday amaan daro la soo deristay Xaafadahaasi,ka dib markii Muddo bil gudahaheed ah ay xaafadaas ku Gubteen dhawaad 22 guri , oo isugu jira sandaqado iyo guryo dhagaxaan ah ayaa ku dhawaaqayey Ereyo ka dhan ah Xukuumada Somaliland,iyaga oo ku dhaliilay wax qabasho la,aanta Amaan darada xaafadaasi ka jirta oo ay dadweynuhu ku tilmaameen mid maraysa halkii ugu xumayd, lana eegan karin.

waxaanay dadweynuhu gabi ahaanba Xidheen jidka dheer ee Magaalada Hargeisa uga baxa dhinaca barri,iyaga oo ku gubay Taayiro iyo walxo kale oo la mid ah,inkasta oo markii dambe lagu Guulaystay in Jidkaasi la furo,mudaharaadkana la soo afjaro, ka dib markii ay goobihii Mudaharaadku ka socday soo gaadheen Masuuliyiin ka socda Hay’adaha amaanka ee Xukuumada iyo qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland.

Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray, oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolkan Hargeysa oo ka mid ahaa Masuuliyiintii dadkaasi la hadlay ayaa mudahaaradayaasha u sheegay in ay isdejiyaan isla markaana nabad geliyada ilaaliyaan, waxaanu Suldaanku tilmaamay in xukuumadda ay gaadhsiin doonaan cabashadooda isla markaana laga filayo in wax qabato arintaasi amaan darada ah iyo falalka lagu gubayo Guryaha.

 

Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo ka mid ahaa Madaxdii soo gaadhay goobtaas mudahaaradku ka socda ayaa dadweynaha u sheegay in ka boolis ahaan ay wax badan ka qaban doonaan cabashadan ka soo yeedhay ee la xidhiidha amaanka , waxaanu isla goobtaas xilkii kaga qaaday taliyihii Saldhiga Booliska ee New Hargeysa Mr. Lixle oo ay dadku ku eedeeyeen in aanu wax badan ka qaban amaanka Degmada iyo xaafadooda,waxaanu Taliyuhu intaasi ku daray in ilaa hadda falalkan gubista guryaha loo qabtay ku dhawaad afar qof, kuwaas oo looga shakiyay in ay iyagu ka dambeeyeen,isla markaana ay hayaan walxo ay sidoo kale uga shakiyeen in falalkaasi lagu fuliyey.

Mudaharaadkan oo aan wax dhibaato ah keenin,isla markaana markii uu bilaamay ay soo gaadheen goobtii uu ka socday

 

Ciidamada Booliska ee Magaalada Hargeisa ayey dadweynuhu si weyn ugu soo bandhigeen sida ay uga warwarsanyihiin falalkan amaan Xumada ah ee lagu Gubiyo Guryaha,iyada oo ilaa hada Xaafadahaasi lagu gubay 22 guri oo aan cid gubtay la garanayn.

 

Falalka Gubista Guryaha oo ah kuwo ku Cusub Somaliland oo aan hore uga dhici jirin ayaa sidoo kale waxa warwar iyo walaac weyn ka muujiyey dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha kale ee Magaalada Hargeisa,kuwasoo cabsi ka qaba in falalkan oo kale la soo dersaan,waxaanay dhacdooyinkan gubista Guryuhu ku soo beegmaysaa Xili ay Magaalooyinka Somaliland ka aradan yihiin Gadiidka Dab damiska ah,taasina ay fududaysay in Guryaha Gubta ay si fudud ugu shuf beelaan gurmad la,aan.

 

Wariye: Saleban Cabdi Cali

Hargeisa/waaheen Deska

Email: scc.mustafe.uk@hotmail

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maybe Farole is behind it, nah scratch that, Jabhada ayaa ka danbeyso, or is it Xaglatoosiye. lol...could be Godane or Farmaajo...who knows eh.

 

Seriously though, why are they burning down these homes? koley jinni ma ahan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

;) JB isbuucii guryaha la gubey wuu ka maqnaa magaalada! coincidence? eh! I think not...lol....

JB and Faysal (possible co conspirator) should be investigated (too much Criminal Minds lol) ASAP if this case is to be cracked.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guryaha lagu Gubayo Hargaysa oo sii badanaya, Cabsida Shacabka oo Cirka isku sii Shareertay iyo Nin Guri Gubaya oo la qabtay

 

 

Magaalada Hargeisa oo mudooyinkii u dambeeyey ku soo kordheen Falal aan hore loo arag oo lagu gubayo Guryaha,ka dib markii Bil gudeheed lagu gubay 22 Guri ayaa shalay waxa lagu gubay 2 guri oo kale,kuwaasoo ku yaala Xaafadaha Sh. Nuur oo ka tirsan Degmada gacan Libaax ee Bariga Magaalada Hargeisa. Guryahan oo ahaa 2 Guri oo mid dhagax yahay ka kalena Jingaad ka dhisanyahay kuna yaala Xaafada Kilalka shanaad ayaa waxa mar kaliya lagu war helay Urta Sun kiminko ah oo Guryahaasi Dushooda la saaray,taasoo markii ay Cadceedu ku dhacday Olol Samaysay,waxaana markiiba goobta Guriyahaasi ku yaaleen soo gaadhay Gaadhi Dab damis ah iyo dadweyne Gurmad ah oo tiro badan,kuwaasoo markiiba bakhtiyey Dabkii guryahaasi Dushiisa ka kacay. ma jirto Cid wax ku noqotay dabkaasi Guryaha Gubtay maanta ,balse waxa khasaare aan badnayni soo gaadhay Dhismaha labadaasi Guri,kuwaasoo dabku wada gaadhay Jiingadii dhakada ka saarnayd. Dad goob jooga aah ayaa Waaheen u xaqiijiyey in Gubashada Guryahani ka dhalatay walxo ilaa hada aan la garanyn oo la sheegay in guriga lagu dul daadinayo habeenkii,taasoo marka ay cad ceedu ku dhacdo dab dhalinaya, ma cada ilaa hada sababta keenaysa Gubashada Guryahan ku Gubanaya Magaalada Hargeisa oo hada tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 25 Guri,.

 

Laakiin intii hore waxay ku eekayd Gubashada Guryuhu Maalinnimada balse waxa xalay la arkay Guri ku Gubanaya Xaafada Xawaadle ee Degmada 26 Jun oo uu markii ugu horaysay Dabku u soo talaabay, iyadoo Wariyaal ka tirsan Waaheen u kicitimay Xalay Dhinaca Guriga gubtay laga soo sheegay ayaa intii ay jidka ku sii jireen waxa ay arkeen Guryo kale oo badan oo dad ku buuqsan yihiin lagana shakisan yahay in lagubayo, waxaanay Indhahooda saareen Guri ku yaal xaafada Goljano oo laga maydhayo Kimiko lagu shubay Wajahadiisa .

 

Ilaa hada waxa socota baadhis ay Hay’adaha Amaanku arintaasi ku daba jiraan sida uu ka dhawaajiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somalilland Col: Cilmi Rooble Fure oo shalay gelinkii dambe la hadlay Saxaafada. Dhinaca kale waxa Cirka isku sii shareertay Cabsida dadweynaha ku dhaqan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Hargeisa,gaar ahaan Bulshada ku dhaqan Xaafadaha dhinaca bari ku yaala,Kuwaasoo qaarkood sida la sheegay aanay habeenadii u dambeeyey Seexan Guryaha Cabsi awgeed,halka dadka ku dhaqan Xaafadaha kale magaaladuna a wadnaha farta ku hayaan falalkan oo sii fidayaya.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay markii u horaysay ka hadlay guriyahan ku yaala Magaalada Hargeysa kuwaasi oo illaa imika aan la aqoonsan cida gubtay.

 

“Hawshaasi faraha ayaa lagu hayaa oo ciidanka Booliska ayaa gacanta ku haya si deg deg ahna waa la idiinla socod siin doonaa arrinta guryahan la gubayo waxa ka soo baxa,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo

 

Dhinaca kale, Taliyaha guud ee ciidanka booliska Somaliland Col, Cilmi Rooble Furre [Cilmi-kabaal] AYAA shalay ku dhawaaqay in ay ciidanku gacanta ku dhigeen nin isagu wakhtigaas gacmaha kula jiray oo fulinayey fal uu ku gubayey guri ku yaalla xaafada New Hargeysa.

 

Taliyaha ayaa sheegay inay Aiidanka Amaanku ka wadaan xaafadaas iyo meelo kale hawlgalo culus oo ay kaga hortagayaan, isla markaana ay amuurtan ku fashilinayaan, isagoo sheegay in ay hadda gacanta ciidanka ku jiraan shan qof oo loo haysto fal dambiyeedkan.

 

Taliyaha iyo saraakiisha sare ee taliska ciidanka booliska Somaliland oo u waramayey warbaahinta, ayaa dadweynaha ku dhaqan xaafada New Hargeysa oo ah xaafada laga gubay guryaha ugu badan usoo jeediyey in ay is dajiyaan, isla markaana ilaashadaan nabadgeliyadooda oo ay sheegeen in lagu soo duulay, waxaana ay sheegeen inay qaadayaan tallaabooyin hor leh oo ay talis ahaan wax kaga qabanayaan cida ku kacaysa falalkan iyo cida dabada ka riixaysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

What happened?

 

I saw a guy on Facebook telling people in Hargeisa to check on top of the house in the morning and wax kale. Engris ii gu sheeg, who is burning houses and this a brick houses or somali huts on the outskrits of the city? is this a form of protest or something sinister or kids or xaasid or land disputes. Warka ii caad ya JB?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Okay I sort of read the last article, but I still can't figure out yaa gubey the houses/ sandaqado or why.

 

why is Somali news articles so long winded? just tell me; who; where; why and how; Shid house

Share this post


Link to post
Share on other sites
isqarxis   

Jacaylbaro;697577 wrote:
kaalay is qarxi dee ,,,
:D

beri hore ayan isku qarxin laha ee adeerkay aya meesha ku jira mana raabo adeerkay inu ku dhinto madaxtooyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this