Sign in to follow this  
Somalina

Hargeysa- laa 28 Guri ayaa toddobaadkan ku gubtay

Recommended Posts

Ibti, you're asking the same questions people are asking. If we know who and why it would've ended by now. Police, people, Intelligence and everybody is looking for answers now and the burning continues.

Share this post


Link to post
Share on other sites

*Ibtisam;697580 wrote:
Okay I sort of read the last article, but I still can't figure out yaa gubey the houses/ sandaqado or why.

 

why is Somali news articles so long winded? just tell me; who; where; why and how; Shid house

I am surprised that Bugland (JB) is not telling us who & why? The rumor in Hargaysa says that the owners are the arsonists and are hoping to get a new house from NGO's like Habitat for Humanity which builds free houses for people throught Somalia. One clue is that when the house burns, it is completely emptied of everything which suggest that they at least knew about the arson.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Wax Qabadlaanta Dr Gaboose Waxa Ka Daran Afxumidiisa uu shacabka la gubay u gaystay

Wasiir Gaboose wuxuu sheegay deel qafkuu gaystay wa arin aad u xun wayo waxtar la aanta waxa kadaran afxumad ninkaas wuxuu sameyey wuxuu shegay inaan shay yarna ku guban guryaha isla markasna ay wada yihiin waxa gubtay cooshash madhan oo waraaqo kasamaysan oo ogan loo gubayo wuxuu shegay inaan kimiko lagu gubay guriga ee cooshash ka ay dadku ogan u gubayan isagoo isla wayn buu hadalkaas deel qafkaa dad maatiaya oo hantidoodii lagu soo dulay kula hadlaya waxaynu wada ognay in taliyaha cidanku uu qiray in guryahan kimiko la marinayo habeenkii dadku markay hurdan isla markaasna cadceedu gubayso oo gurigii wada gubanaya

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=10369&Itemid=65

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Masiibada Guryaha New-Hargeysa Waa Shirqool Ka dhan ah Umaddii Ka Codaysay Md.Silaanyo By Askar

 

Tayadda Hogaamiyaasha iyo toosn aanta xukuumad la doortay waxay soo ifbaxdaa guda-galka masuuliyadaha Qaran ee loo igmaday iyo siday ula dhaqanto Shacab-weynaha mid u codeeyey iyo mid ka codeeyey labadaba. Waxaan taa uga socdaa talaabooyinka horta leh ee Xukuumada Siilaanyo ka dhex bilawday Shacbi-weynihii Somaliland oo markii horeba la ildarnaa Sixir barar daran, lana hagraday in wax laga qabto , arintan oo aan gadaal ka iftiimin doono waxay i xasuusisay wakhti aan Salaan ugu tagey Madaxweyne Silaanyo Doorashadii Madaxtooyada ee u dambaysay ka hor, waxaa wakhtigaa gacan yare u ahaa Musharax Siilaanyo oo loo sii mari jirey marka lala kulmayo Axmed Xashi Cabdi oo hadda ah Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland, oo markaa ka yimid Wadanka Ingiriiska oo uu Tobaneeyo Sanno deganaa, Goobtu waa Guriga Mudane Siilaanyo hooyga u ahaan jirey , wakhtigaas waxa uu Madaxweyne Silaanyo ku sugnaa gurigiisa gaar ahaan Barandaha oo ahayd goobta uu ku qaabili jirey dadka soo booqda waa marka guriga uu joogo e, markaan gaadhay gootaa, waxaanu kulanay Mudane Axmed Xashi oo igu wargaliyey in aan sugo Shan daqiiqo inta ay kasoo baxayaan laba qof oo la joogay Silaanyo, markii ay kasoo bexeen labadii qof ayuu Axmed Xashi iigu yimid halkii aan fadhiyey oo aan ka durugsanayn Barandaha uu Mr Siilaanyo ku sugnaa , Axmed Xaashi aqoon hore iskumaanu lahayn oo waxa uu ahaa nin qurbaha mudo ku maqnaa oo mudo aan ka badnay laba bilood dalka joogay, walaw anigu aan aqaanay mudadii uu xildhibaanka ahaa, intaa kadib, waxa uu iweydiiyey laba Su'aalood , ta hore waxay ahayd Ma Reer Hargeysa ayaad tahay? Haa ayaan ugu jawaabay, Su'aasha labaad waxay ahayd iyana; Ma Reer Hebel ayaad tahay? Isaga oo magacaabay Beel kamid ah beelaha Hargeisa dega, gaar ahaan galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa. Waxaan ugu jawaabay Haa, intaa kadib, gacanta ayuu i qabtay illaa goobtii uu ku sugnaa Madaxweyne Silaanyo. Waxa layaab igu noqday runtii su;aalahaa uu iweydiiyey Axmed Xashi, waxaan isweydiiyey miyaanu Xisbiga Kulmiye ahayn Xisbi Qaran oo balaadhan oo beelaha Somaliland oo dhan u siman? Miyaan dimoqoradiyad la qaadan oo aan laga gudbin cunsuriyadnimo iyo wixii lamid ah? tolow beelaha la iska ilaalinayaa ee la takoorayaa waa kuwee?

 

Haddii aan usoo noqdo fariintaydan oo aan dhacdadaas ku xasuustay falalkan horta leh ee hadda ka aloosan Xaafada New Hargeisa ee ku kooban ee shacabkii markoodii horeba la ildarnaa Sixir- bararka laga gubay Guryihii ay hadhsanayeen ee ay ku daranyeysnaayeen hoostooda, waxaa xaqiiqa in hadda bilaabmay shirqoolo ka dhan ah shacabkii ka codeeyey Xisbiga Kulmiye ee horena la isaga ilaalinaayey, waxaana inoo iftiiminaya inuu falalkan dhacayaa uu yahay mid Xakuumadu cid gaara ugu tala gashay oo ay iyadu gacanteeda ku maleegayso oo ay ka dambayso cida falkan hogaaminaysa; todoba casho oo arintan gubistu socotay oo ay Xukuumadu Afka iyo Adin kaba ka xidhatay , waxaa inaas usii dheeraa dheel-dheelkii uu Wasiirka Arimaha Guduhu kula kacay shacabka New Hargeysa, ayna ku soo ambabartay mudaharaadadii ka dhacay xaafadaa masiibada la gayeysiiyey, kuma koobna oo kaliya ficiladan aragaxa lihi xaafada New Hargeisa oo kali ah balse waa mid qorshaysan oo ay ku xigaan Shacabka dega ; Koonfurta Bari ee Hargeisa, Cadaadlay, Berbera, Boorama, Oodweyne, Galbeedka Burco iyo meelo kale oo astaysan.

 

Waxaan kusoo gunaanadayaa , arintan naxdinta lihi waa mid keeni karta burbur hor leh oo dalka ku yimaad oo aan la mahadin , shacabka waxaa looga baahan yahay inay arintan dareen u yeeshaan.

 

Wabillahi Tawfiq

 

Cabdirasaaq Sh Cali Askar

 

Hargeisa, Somaliland

 

ixsaan2002@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Canug yar oo ku dhintay AUN :( Guryo tiro badan oo ku gubtay Magaalada Hargeisa

Dabka_Hargeysa.jpg

Isniin, Abriil 18, 2011 (HOL) – Inta la ogyahay ilmo yar ayaa geeriyooday, guryo badan oo kalena way ku baabaéen magaalada Hargeisa, ka dib markii xaafad ka mid ah kuwa ay degaan dadka danyarta ahi ay ku gubteen in ka badan 32 Guri oo ka kooban cariishyo iyo Buulal yaryar.

 

Dabka_Hargeysa1.jpg

 

Guryaha gubtay oo ku yaalay xaafadda Goljano ee degmada 26 June ee magaalada Hargeisa, ayaa ah mid ay degan yihiin dad danyar ahi. Taliyaha Booliska Somaliland Cilmi Roobleh Furre oo ka hadlay gubashadan ayaa sheegay in qofka geeriyooday uu yahay ilmo yar oo ku dhex gubtay Guri ka mid ah guryaha shuf-beelay. "Hase ahaatee, ma xaqiijin karno khasaaraha dhabta ah, balse waxaanu ku wadnaa baadhis," ayuu yidhi Taliyuhu oo warbaahinta u waramay.

 

Dadweyne aad u tiro badan, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, ayaa ka qayb-galay deminta Dabkan, hase ahaatee, magaalada Hargeisa oo maalinba-maalinta ka dambaysa sii ballaadhanaysa ayaan lahayn wax dab-demis ah oo ka qayb-gala gurmadka haddiiba Gubasho dhacdo, marka laga reebo saddex Baabuur oo mid ka mid ah ay leedahay Shirkadda Dahabshiil, taas oo ay dadweynuhu walaac ka muujiyeen.

 

Bishii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii ilaa 28 in ka badan ay gubteen Degmada Gacan-Libaax ee magaalada Hargeisa, kuwaas oo baadhis la sameeyay lagu ogaaday in ujeeddo loo gubayo, isla markaana dad badan loo xidhxidhay.

Dabka_Hargeysa2.jpg

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online

barqad@hiiraan.com

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this